Skip to main content

Monday 7 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

“Kalkii Hayaanka Waqooyi” weli ma tahay saqafka suugaanta Suudaan?

19 July, 2026
Image
“Kalkii Hayaanka Waqooyi” weli ma tahay saqafka suugaanta Suudaan?
Share

Magaaladayadii yarayd ee ku taallay gees ka mid ah khariidadda Suudaan, xilligii aan dhiganaynay dugsiga sare, aniga iyo saaxiibkayga sheeko-curiyaha ahaa Cumar Caqaal waxaan caado ka dhigan jirnay inaan gabayadayada u bandhigno walaalkii, injineer Ridwaan. Maalin ayuu akhriyey gabay aan qoray oo dheeraa. Wuxuu igu yidhi hadal laga yaabo inuu isagu illoobay maadaama ay ka soo wareegeen in ka badan labaatan sano, balse anigu weli waan xusuustaa. Wuxuu iyidhi: “Waxaad awood u leedahay inaad qorto sheeko-faneed.” Wakhtigaas man garanayn waxay sheeko-faneedu tahay. Wuxuu ii sheegay buugga Kalkii Hayaanka Waqooyi (Mawsim al-Hijra ila al-Shamaal), wuxuuna iga codsaday inaan akhriyo. Wuxuu sidoo kale ii sheegay guusha weyn ee Al-Dhayib Saalix gaadhay iyo sida sheekooyinkiisa loogu turjumay afaf badan oo shisheeye. Markii aan akhriyey sheekada, sixirkeedii ayaa i gaadhay. “Tareenkii wuxuu i geeyey saldhigga Victoria iyo dunidii Jean Morris.” Waxaan si xamaasad leh u idhi: “Aniguna waan qori karaa wax la mid ah.” Ama laga yaabee inaan idhi: “Wax ka sii wanaagsan ayaan qori karaa.” Hadalkaygaasna kama dareemin wax isla weyni ah.

Kadib waxaan u safray caasimadda si aan u barto farmashiyaha, waxaanan isku dayey inaan ku biiro bahda suugaanta. Waxaan ogaaday in ku dhowaad qof walba, sida anigaba oo kale, uu la dhacay hal-abuurka Al-Dhayib Saalix. Waxaan maqlay hadal uu yidhi sheeko-qorihii, naqdiyihii iyo halyeeygii saxaafadda dhaqanka ee Suudaan, marxuum Ciise Al-Xaluu, oo sheegay in Al-Dhayib Saalix uu noqday saqafka sheeko-faneedka Suudaan. Dhanka kale, sheeko-qorihii iyo riwaayad-yahankii marxuum Maxamed Khayr Cabdullaahi, oo madax ka ahaa Naadiga Sheekooyinka Suudaan, wuxuu yidhi: “Suudaan waxay dhashay hal riwaayad-qore oo keliya, waana Al-Dhayib Saalix. Inta kale oo dhan waxay yihiin sharxayaal ka sheekaynaya sheekooyinkiisa.” Hal-abuurkaas naga tegay weli dood ayuu dhalinayaa ilaa maanta. Iyadoo laga joogo lixdan sano markii la daabacay sheekada ugu caansan Suudaan, waxaan jeclaaday inaan weydiiyo tiro qoraayaal reer Suudaan ah iyo kuwo kaleba saamaynta uu hal-abuurkan weyn ee riwaayadda Carabigu ku yeeshay sawirka suugaanta Suudaan gudaha iyo dibaddaba, iyo in sheekadiisu weli tahay saqaf hal-abuur mise ay tahay il dhiirrigelin. Kuwaan ayaa ahaa jawaabahoodii:

Riwaayad-qoraha iyo naqdiyaha Suudaan Caadif Al-Xaaj Saciid: ku xasilloon saqafka hoostiisa

Qoraallada Al-Dhayib Saalix, hal-abuurka weyn ee riwaayadda Carabiga, waxay ahaayeen marxalad taariikhi ah oo wax ka beddeshay sheekooyinka Suudaan. Dad badan waxay u arkeen in guushaasi ahayd qarax hal-abuureed oo ka badan horumar dabiici ah oo tartiib-tartiib u soo ururay. Taas awgeed, sheekooyinkiisa waxaa si ballaadhan u akhriyey qoraayaasha Suudaan. Heerka sare ee ay gaadhay ayaa cabsi geliyey qaar badan oo ka mid ah, ilaa ay rumaysteen in Al-Dhayib Saalix uu ahaan doono saqafka aan la gaadhi karin ee riwaayadda Suudaan mustaqbalka la arki karo.

Dabcan, qoraayaal badan oo reer Suudaan ah ayaa ka baxay saamaynta xooggan ee uu ku yeeshay mawduucyada iyo hababka qoraalka. Waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, Amiir Taaj Al-Sir, Al-Xasan Bakri, Baraka Saakin iyo Mansuur Al-Suwaym. Si kastaba ha ahaatee, kuwo badan ayaa weli ku hadhsan hooska saqafkaas weyn. Qof kasta oo daba gala riwaayadaha Suudaan ee la qoray kadib Al-Dhayib Saalix wuxuu si joogto ah uga dhex arki karaa raadadka dunidiisa sheekooyinka. Taasi waxay u badan tahay inay ku kalliftay sheeko yahanka Maxamed Khayr Cabdullaahi hadalkiisii xagjirka ahaa.

Qoraallo ku hoos jira saqafka

Anigoo ka duulaya aragtida Todorov ee ah in shaqada suugaaneed aanay si madax-bannaan u jirin, balse ay ku dhex dhalato goob suugaaneed oo ay ka buuxaan qoraallo hore, waxaan si cad u arkaa isu-ekaysiinta sheekooyinka Al-Dhayib Saalix ee riwaayado badan oo Suudaani ah. Tusaale ahaan, Xadhkaha Iftiinka iyo Mugdiga ee Amiir Shamcuun, oo ku dhisan fikradda qof shisheeye oo xikmad leh oo yimaadda tuulo kadibna isbeddel weyn ku keena. Tani waa fikrad udub dhexaad u ahayd mashruuca suugaaneed ee Al-Dhayib Saalix, sida Mustafa Saciid ee yimid Wad Xaamid, Sheekh Al-Hamiim ee Arooska Al-Zayn, iyo Bandarshaah ee Bandarshaah iyo Duu Al-Bayt. Intaa waxa dheer, Shamcuun wuxuu dhacdooyinka sheekadiisa ka dhigay tuulo ku taal waqooyiga Suudaan. Isla deegaankaas ayaa laga helayaa xitaa labada riwaayadood ee Xamuur Siyaada, Al-Konj iyo Al-Qaraq.

Sheekada Daa'uuska Madow ee Xaamid Al-Naadir, qoraagu wuxuu shakhsiyadda la-taliye Shams Al-Diin u dhisay si aad ugu eg Mustafa Saciid: qarsoodi, nafsad wareersan, caqli fiiqan, aqoon sare oo Ingiriisi ah iyo dunjuwaasiyad. Heer aad dareemayso in uu Mustafa Saciid nuqul ka sameeyey oo keliya uu geliyey xaalad cusub. Sidoo kale wuxuu soo qaatay muuqaallo badan oo caan ka ahaa Kalkii Hayaanka Waqooyi, kuwaas oo si fudud loo garan karo.

Riwaayadda Qunguliiz ee Hishaam Aadam waxaa ku jira muuqaal qof ka mid ahi isagoo sakhraansan ku hadlaya Faransiis. Taasi waxay aad ugu eg tahay muuqaalkii Mustafa Saciid oo gabayo Ingiriisi ah ka tirinaya hortiisa Maxjuub isagoo sakhraansan, waana muuqaal aasaasi u ah Kalkii Hayaanka Waqooyi.

Riwaayaddiisa Al-Baatira, Mukhaawi Al-Tayr (2018), oo dhacdooyinkeedu ka dhacayaan waqooyiga Suudaan ee webiga Niil iyo guryaha dhoobada ah, Jamaal Al-Diin Cali wuxuu shakhsiyadda Al-Baatira u dhisay qaab la mid ah Al-Zayn ee Arooska Al-Zayn. Labaduba waxay matalaan nooca qofka ay reer miyiga Suudaan ugu yeedhaan “Al-Mabruuk”, oo loola jeedo qof loo arko inuu barako keeno.

Waxaan soo qaatay oo keliya afar qoraal oo ka mid ah tiro aad u badan si aan u caddeeyo aragtidii aan horay u sheegay. Waxaan ku doodayaa in mar kasta Al-Dhayib Saalix dib loo soo xiganayo.

Riwaayad-qoraha Suudaan Amiir Taaj Al-Sir: Waxaan ka soo horjeedaa fikradda saqafka

Markii Kalkii Hayaanka Waqooyi la daabacay dabayaaqadii kontomaadkii qarnigii tagay, iyadoo ka doodaysa xidhiidhka Bariga iyo Galbeedka, waxay la timid fikrado cusub oo aan ka muuqan riwaayadihii isla mawduuca ka hadlay sida Shimbir ka Timid Bariga ee Tawfiiq Al-Xakiim iyo Xaafadda Laatiinka ee Suhayl Idriis. Run ahaantii waxay ahayd riwaayad heer sare ah oo qoto dheer, leh qaab qoraal oo aad u xirfad badan, iyadoo wakhtigeeduna u ekaa mid laga soo min-guuriyey Kun Habeen iyo Habeen. Sida la wada og yahay, riwaayaddani waxay heshay sumcad weyn, welina waxay ku leedahay isla joogitaankii suugaanta Carabiga iyo tan caalamkaba. Haddii aad ka raadiso tusaale ahaan Amazon, waxaad arkaysaa in tirada nuqullada Ingiriisiga lagu iibiyo weli aad u sarreyso.

Haa, qoraayaal badan oo Suudaani ah waxay ka heleen dhiirrigelin, ugu yaraan dhinaca ruuxiga ah iyo geesinimada qorista qoraal jebiya caadiga. Se anigu wan ka soo horjeedaa fikradda ah in uu jiro qoraa noqda saqaf aan la dhaafi karin. Taasi sax ma aha. Suudaaniyiintu way sii qoreen, jiilal cusub ayaa yimid, si heer sare ah ayay wax u qoreen, hal-abuur bay muujiyeen, waxayna ka shaqeeyeen fikrado cusub. Waxa keliya ee adag waa faafinta qoraallada cusub, maadaama maanta qof walba uu riwaayad qorayo. Sidaas darteed way adag tahay in la helo qoraalka saxda ah ee mudan in la akhriyo ama la suuq geeyo.

Gabyaaga iyo saxafiga Urdun Xuseen Jallaad: Kalkii Hayaanka Waqooyi... Hoos jahwareer badan balse aan demin

Marka laga hadlayo saamaynta Kalkii Hayaanka Waqooyi ee suugaanta Suudaan, dhab ahaantii waxaan ka hadlaynaa mushkilad ka weyn oo ku saabsan xidhiidhka u dhexeeya qoraallada aasaaska noqda iyo kuwa ka dambeeya. Riwaayadda Al-Dhayib Saalix ma aha saqaf xidhay cirka riwaayadda Suudaan. Waxay ka badan tahay xiddig ifaya oo qofka meel fog ka eegaya aanu wax kale arki karin, halka cirka laftiisu ay ka buuxaan xiddigo kale oo sugaya in la ogaado.

Gudaha Suudaan, waxaan u arkaa inay ahayd il dhiirrigelin in ka badan intay ahayd culays. Qoraalka weyn ma cabbudhiyo kuwa ka dambeeya ee wuxuu u furaa waddooyin. Waxaan halkan ka eegayaa waayo-aragnimada Amiir Taaj Al-Sir, Cabdulcasiis Baraka Saakin, Xamuur Siyaada, iyo jiilka ay meteleen Stella Gaitano iyo Mansuur Al-Suwaym. Dhammaantood waxay ka soo baxeen hooska si ay u dhisaan adduunyadooda gaarka ah: bulshada darafyada ku nool, dagaalka, koonfurta, haweenka iyo afafka badan ee Suudaan. Waxay ka faa'iidaysteen casharka Al-Dhayib Saalix ee ku saabsan qarxinta awoodda luqadda iyo qotodheeraanta su'aalaha jiritaanka, balse iyaga oo aan ku dayan.

Dibadda Suudaan ayayse murugada dhabta ahi ka jirtaa. Haa, riwaayaddan ayaa qarisay inta kale ee suugaanta Suudaan ee aragtida Carabta iyo caalamka, taasoo ka dhigtay Al-Dhayib Saalix inuu noqdo magaca u taagan suugaanta Suudaan oo dhan. Taasi waa caddaalad-darro laba jibbaaran: waxay dulmi ku tahay suugaanta Suudaan oo lagu soo koobay hal cinwaan, sidoo kalena waxay dulmi ku tahay riwaayadda lafteeda oo lagu raray culays ka badan inta hal qoraal qaadi karo.

Mas'uuliyaddu ma saarna riwaayadda ee waxay saaran tahay naqdiga Carabiga ee caajiska ah iyo hay'adaha turjumaadda iyo daabacaadda ee doorbida inay soo celiyaan wixii la yaqaan halkii ay khatar ugu geli lahaayeen waxa cusub. Al-Dhayib Saalix albaab buu furay, laakiin dad badan waxay ku ekaadeen istaagga albaabkaas.

Gabyaaga Baakistaan Shaahid Cabbaas: Su'aal jawaabteedu weli socoto

Dhaxalka Kalkii Hayaanka Waqooyi ee hadalka suugaaneed ee Suudaan ma aqbalo fasiraad keli ah. Ma aha buur xannibaysa aragtida, mana aha raad baaba'aya. Waxay ku jirtaa meel ka sii adag oo xiiso badan; weli waa mid taagan isla markaana midho dhal ah. Qoraayaal badan oo Suudaani ah waxay u arkeen carin hal-abuur oo dhiirrigelisa bedelka xayndaab xannibaya. La falgalkeeda qotoda dheer ee xusuusta, qurbaha iyo taariikhda gumaysiga ayaa ku kallifay codadkii ka dambeeyey inay dib u qeexaan xidhiidhkooda awoodda sheekaynta. Qaar waxay qoreen iyagoo ku jira hooskeeda, si ula kac ah ama aan ula kac ahayn, halka kuwo kale ay si xooggan uga baxsadeen cuf-isjiidadkeeda iyagoo dib u qeexay qaabka iyo nuxurka labadaba.

Dibadda Suudaan, saamaynteedu waxay dhalinaysaa xiisad deggan. Wax shaki ah kuma jiro inay ahayd albaabka ay suugaanta Suudaan kaga gudubtay dunida. Se aqoonsigaasi mararka qaar wuxuu noqon karaa mid cidhiidhi geliya inta uu ballaadhinayo. Qaar ka mid ah akhristayaashu waxay ku sii xanniban yihiin aragtida gaarka ah ee Al-Dhayib Saalix, halka kuwo kalena ay u arkaan martiqaad lagu galo muuqaal suugaaneed aad u ballaadhan oo weli sugaya in la sahamiyo. Sidaas awgeed, riwaayaddu weli ma aha saqaf rajooyinka lagu koobo, balse waa su'aal ay suugaanta Suudaan weli kaga jawaabayso codad badan oo mar walba soo cusboonaada.

Daabacaha iyo weriyaha Lubnaan Shaadi Mansuur: sarrayn astaameed iyo tixraac culus

Markuu Al-Dhayib Saalix qoray Kalkii Hayaanka Waqooyi, muu qorin oo keliya riwaayad; wuxuu qoday marin qoto dheer oo ku dhex yaal miyirka Carabta iyo Afrika. Qoraalku wuxuu noqday calaamad taariikhi ah oo u muuqatay inuu dejinayo heerka lagu cabbiro waxa ka dambeeya. Tan iyo markaas, waxaa ku xoomay maamuus weyn oo suugaaneed iyo naqdiyeed, taas oo keentay in joogitaankiisu qariyo riwaayado kale oo badan oo Suudaani ah inkastoo ay hodan yihiin, kala duwan yihiin oo ay tijaabooyin cusub sameeyeen.

Sarraynta astaameed waxay dhashay is-diido xiiso leh: hal shaqo ayaa albaab furtay, isla markaana marinka cidhiidhi ka dhigtay. Akhristaha marka uu u soo dhowaado suugaanta Suudaan wuxuu inta badan ka soo galaa qoraalkan, wuxuuna wixii kale ku cabbiraa miisaankiisa gaarka ah, luqaddiisa cufan iyo xiisadda u dhexaysa deegaanka iyo caalamka.

Sidaas ayay riwaayaddu uga gudubtaa guul shakhsi ah una noqotaa tixraac culus oo ku qasba qoraayaasha kale inay wax ku qoraan gudaha bannaanankeeda ama iyagoo ka hor imanaya.

Si kastaba ha ahaatee, suugaanta Suudaan waxaa ka buuxa magacyo iyo waayo-aragnimooyin leh dareen iyo aragtiyo kala duwan. Waxaa jira qoraallo baadha isbeddellada bulshada, kuwa xusuusta, aqoonsiga iyo luqadda. Qoraalladani waxay leeyihiin qiimahooda gaarka ah waxayna mudan yihiin in loo akhriyo si ka madax-bannaan isbarbardhigyada diyaarka ah. Sidaas awgeed waxaa loo baahan yahay in iftiinka si caddaalad ah loo qaybiyo si goobta suugaantu u qaaddo dhammaan codadkan, ugana baxdo maxaabiista hal shaqo oo keliya, iyadoo aan loo eegin sida ay u weyn tahay.

Riwaayad-sameeyaha iyo gabyaaga Fiyetnaam Pham Truong Giang: Kor u qaadista suugaanta Suudaan

Marka aan ka hadlo aragtidayda gaarka ah, riwaayadda Kalkii Hayaanka Waqooyi ee qoraaga Al-Dhayib Saalix waxay taagan tahay baarka ugu sarraya ee hal-abuurka suugaanta, waana il weyn oo dhiirrigelin iyo saamayn fog ku yeelatay sheeko-faneedka Suudaan. In loo arko inay tahay "saqafka" suugaanta Suudaan ma muujinayso tamar-darro ka jirta fagaaraha suugaanta, balse waxay ka tarjumaysaa awoodda farshaxanimo ee aan caadiga ahayn iyo saamaynta caalamiga ah ee ay riwaayaddu gaadhay. Si kastaba ha ahaatee, maqaamkan sare wuxuu si aan ula kac ahayn u yeelan karaa saameyn hadheyn ah, taasoo culays saaraysa qoraayaashii ka dambeeyey, maadaama ay isku arkaan inay wajahaan caqabadda ah sidii ay u dhisi lahaayeen codkooda gaarka ah iyagoo barbar taagan hal-abuurkan weyn.

Dhanka kale, haddii laga eego aragti ka ballaadhan oo rajo badan, aqoonsiga caalamiga ah ee ay heshay riwaayaddani wuxuu albaabbada u furay akhristayaasha dunida oo dhan si ay u bartaan suugaanta Suudaan. Halkii ay riwaayaddu qarin lahayd qoraallada kale, waxay u shaqaysaa sidii albaab soo jiidasho leh oo kicisa xiisaha, kuna dhiirrigeliya akhristayaasha inay sahamiyaan sheekooyinka hodanka ah ee kala duwan ee ka soo farcamay dhulka Suudaan.

Ugu dambayntii, dhibaatadu kuma jirto riwaayadda lafteeda, balse waxay ku jirtaa habka ay bahaha suugaanta ee caalamku u soo bandhigaan una faafiyaan codadka kale ee Suudaan. Haddii la helo qorsheyn xeeldheer iyo aragti waarta, Kalkii Hayaanka Waqooyi looma baahna in loo arko hadh qariya suugaanta kale, balse waa in loo arkaa iftiin haga oo jidka iftiimiya, kuna hago akhristayaasha faham qoto dheer oo dhammaystiran oo ku saabsan baaxadda iyo hodantinimada suugaanta Suudaan.

Riwaayad-qoraha Suudaani-Awstariya Tariq Al-Dhayib: Ma garanayo halka ay ka keenaan hubaashaas

Waxaan aaminsanahay in Kalkii Hayaanka Waqooyi ay weligeed ahaan doonto il dhiirrigelin u ah qoraayaal badan meel kasta. Taasi waa arrin dabiici ah marka laga hadlayo qoraa gaar ah sida Al-Dhayib Saalix. Se in la dhaho waa saqafka riwaayadda Suudaan waa arrin waxyeello leh oo uu markii hore sababay naqdiga fudud, dabadeedna akhristaha degdega badan. Waxaad arkaysaa in naqdin kasta oo laga qoro qoraa Suudaani ay ka bilaabato ama ku dhammaato Al-Dhayib Saalix. Tani waxay caddayn u tahay in si weyn loo duudsiiyey tayada iyo gaar ahaanshaha qoraallada Suudaan ee ku dabaalanaya adduun gebi ahaanba ka duwan jidkii Al-Dhayib Saalix. Naqdiyayaal badan si fudud ayay u akhriyaan suugaanta cusub ee Suudaan, waxayna si xad-dhaaf ah ugu soo celiyaan qoraallada Al-Dhayib Saalix iyagoo ka dhigaya tixraaca ugu weyn ee suugaanta Suudaan oo dhan. Nasiib darro, arrintani dan uma aha suugaanta Suudaan, waxayna albaabka ka xidhaa bilowgii iyadoo ku salaynaysa mala-awaalka ah: “Suugaan Suudaani ah ma jirto Al-Dhayib Saalix kadib.” Runtii ma garanayo halka ay ka keenaan kalsoonidaas.

Sheeko-faneedku waxay sannado badan ahayd nooca ugu sarreeya ee qoraalka suugaanta, sababo badan awadeed oo aan halkan lagu wada faahfaahin karin. Labaatankii sano ee u dambeeyey waxaa si weyn u kordhay dadka qora riwaayadaha; waxaana laga yaabaa in tani ay bilowday markii ay soo baxeen abaalmarinnada suugaaneed ee leh qiime lacageed oo sare iyo sumcad suugaaneed oo weyn. Taasina waxay sababtay in gabyaagii u jeesto qorista riwaayadaha, qoraagii sheeko-gaabkuna uu isna u wareego qorista riwaayadaha. Xitaa riwaayad-qoraha laftiisa ayaa bilaabay inuu muddo gaaban gudaheed soo saaro tiro badan oo riwaayado ah.

Suugaanta Suudaan waxay heli doontaa meesha saxda ah marka Suudaan yeelato daabacado waaweyn oo xirfad leh oo si dhab ah ula tartama dunida daabacaadda Carabta, iyo marka la helo taageero dhaqaale oo gudaha ah oo u qalanta tamarta yar ee Suudaan. Intaas la'aanteed, suugaanta Suudaan lama gaadhsiin karo dibadda iyo xitaa gudaha dalkaba, sida ay mudan tahay.

Sheeko-qoraha Suudaan Cusmaan Al-Sheekh: Muraayad wax muujisa, ee ma aha tusaale lagu daydo

Su'aashani waxay i dhex dhigaysaa laba suurtagal: Midda koowaad, in Kalkii Hayaanka Waqooyi ay tahay saqafka riwaayadda Suudaan. Midda labaadna, inay tahay calaamad weyn oo ka mid ah socdaal ka ballaadhan. Anigu waxaan u janjeedhaa tan labaad. Waayo-aragnimooyin badan oo riwaayadda Suudaan ah ayaa u samaysmay si ka madax-bannaan, qaarkood may helin akhristayaal, qaar kalena waa la akhriyey se saamayn weyn may yeelan, halka kuwo kalena ay si ula kac ah uga fogaadeen si aan loogu barbar dhigin.

Aniga qudhaydu markii ugu horreysay ee aan akhriyey laman dhicin. Waxaan ka helay labada Arooska Al-Zayn. Se markii aan marar badan dib u akhriyey, Kalkii Hayaanka Waqooyi waxay yeelatay boos cusub oo muhiim ah oo ka mid ah akhriskayga, balse ma aha dhammaadka jidka. Saamaynteeda dhiirrigelineedna waa mid shakhsi ah; qof walba si isku mid ah uma saamayso.

Waxaan u arkaa inay tahay muraayad wax muujisa in ka badan tusaale lagu daydo; waa shaqo furta su'aalo halkii ay jawaabo khasbi lahayd, kuna dhiirrigelisa kala duwanaanshaha halkii ay ku boorrin lahayd ku celcelinta.

Marka laga hadlayo meesha ay riwaayaddu kaga jirto suugaanta, aniga oo ka duulaya waayo-aragnimadayda gaarka ah, waxaan u arkaa in maskaxda iyo miyirka dhaqameed ee akhristaha afka Carabiga ku akhriya, isla markaana danaynaya Suudaan, riwaayaddu ay barbar taagan tahay gabayga. Taas waxaa daliil u ah in magaca riwaayad-qoraha Al-Dhayib Saalix inta badan lala xuso Maxamed Al-Faytuuri iyo Al-Haadi Aadam, arrintaas oo aan u arko inay tahay tilmaame muhiim ah. Guud ahaan, riwaayadda Suudaan, inkastoo ay ka cusub tahay gabayga marka la eego taariikhda soo ifbixitaankeeda, haddana waxay ku guulaysatay inay yeelato meel u dhiganta tan gabayga, badalka mid daba socota. Sidaas darteed, Kalkii Hayaanka Waqooyi waxaa loo aqoonsaday in ay tahay saqafka riwaayadda Suudaan, sababo la xidhiidha socdaalkii nololeed ee qoraaga iyo sumcaddii weynayd ee uu ka kasbaday dunida Carabta iyo Galbeedka. Hase yeeshee, arrintaasi sinaba uma dhimayso qiimaha farshaxanimo ee ay riwaayaddu leedahay.

Qoraaga Suudaan Xusaam Al-Diin Saalix: Furfurnaan iyo sahamin

Saamaynta Kalkii Hayaanka Waqooyi waxay isku darsatay fikradda saqafka iyo dhiirrigelinta labadaba, xitaa way ka sii gudubtay. Waxay qabatay labada doorba. Waxay yeelatay boos taariikhi ah oo gaar ah, balse taasi kama hor istaagayso inay mustaqbalka timaaddo riwaayad ka sii ifaysa. Waxay u ahayd goor aasaasi ah oo Suudaan ku xoojisay joogitaankeeda suugaanta Carabta, Afrika iyo adduunka, iyadoo si aan hore loo arag u soo bandhigtay su'aalaha aqoonsiga iyo walaaca ilbaxnimo. Sidaas darteed muddo dheer waxaa loo arkayey saqaf lagu cabbiro hal-abuurka Suudaan ee ka dambeeyey. Laakiin isla mar ahaantaana waxay isu beddeshay riwaayad qadiimi ah (classic), taas oo dabeecad ahaan u oggolaanaysa in waqti ahaan iyo hal-abuur ahaanba laga gudbo, taasoo meesha ka saaraysa fikradda saqafka joogtada ah.

Waayo-aragnimada qoraayaal waaweyn sida Ibraahim Isxaaq iyo Ciise Al-Xaluu, iyo sidoo kale qoraayaal badan oo casri ah, waxay muujinayaan in riwaayadda Suudaan aysan ku istaagin Kalkii Hayaanka Waqooyi, balse ay u furantay qaabab cusub oo sheekayn iyo mawduucyo ah. Taasi waxay caddeynaysaa in saqafkii Al-Dhayib Saalix isu beddelay hiigsi dhiirrigelin iyo kicin lagu gaadho heer ka sarreeya, badalka xannibaad.

Dhanka kale, riwaayaddu waxay si weyn uga qayb qaadatay in dunidu ogaato suugaanta Suudaan iyo tan Carabta, iyada oo ay ugu wacan tahay turjumaaddeeda iyo faafitaankeeda ballaadhan. Inkastoo dadka qaar ay sawirka suugaanta Suudaan ku soo koobeen hal tusaale, haddana taasi waxay sababtay in si joogto ah loo baadho khasnadaha suugaanta Suudaan ee uu Al-Dhayib Saalix albaabka u furay riwaayaddiisa.

Rabitaankii aan ku doonayey inaan ka sarre maro wuu baaba'ay

Casuumaddii injineer Ridwaan uu ii fidiyey ee ahayd inaan galo dunida Al-Dhayib Saalix waxay noqotay meel noloshayda wax ka beddeshay. Hammigaygii hore wuxuu ahaa inaan ka sarre maro Al-Dhayib Saalix. Se markii wakhtigu socday, rabitaankaasi wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay. Waxaan yeeshay aragti aan dunida ugu arko kubbad aad u weyn, annaguna dhammaanteen waxaan taagan nahay hareeraheeda. Mid kastaaba wuxuu taagan yahay meel u gaar ah, mana arki karo wax ka badan xagasha u furan isaga. Waa xagal gaar u ah oo aanu cid kale la wadaagin. Sidaas darteed waxaan u baahannahay in dhammaan aragtiyahaasi isu yimaadaan si sawirkayaga dunidu u dhammaystirmo. Mid kasta oo inaga mid ahi wuxuu leeyahay fursad uu dadka kale kaga yaabiyo. Gabyaa kasta, haddii uu si fiican u curiyo, wuu ka yaabsan karaa abwaannada kale. Riwaayad-qore kasta oo shaqadiisa si heer sare ah u gutana wuxuu ka maqli karaa saaxiibbadiis ka hor akhristayaashiisa hadal sidan oo kale ah: “Sidee ayey ugu suurtagashay inuu abuuro adduunkan cajiibka ah? Wuxuu indhahayaga u furay waxyaabo aynaan hore sidan ugu fikirin.”

Kalkii Hayaanka Waqooyi cid aan ahayn Al-Dhayib Saalix ma qori karto. Boqol Sano oo Kalinimo ah cid aan ahayn Gabriel García Márquez ma qori karto. Roodhida Qaawan cid aan ahayn Maxamed Shukri ma qori karto. Tani waa xeerka uu ku socdo shaqo kasta oo suugaaneed. Waxa laga yaabaa inay taasi tahay sirta ay u sii jiraan shaqooyinka waaweyni, iyo sababta ay dadku had iyo jeer u raadiyaan qoraallo cusub oo mudan in la akhriyo, kuwaas oo gacan ka geysta qaabaynta aragtideenna ku aaddan dunida.

Qoraallada kale ee qoraaga