Sunday 7 June 2026
"Waa aan soo noqday madaxeey. Sannado badan oo aan maqnaa ka dib, waa i kan... laakiin tani waa sheeko kale."
Waa bilowga sheekada "Kalkii Hayaanka Waqooyi" mid ka mid ah fanka ugu heerka sarreeya ee uu aadanuhu curiyey. Bilawga sheekadu waa barbaar ka soo laabanaya qurbaha, gaar ahaan magaalada Landhan oo uu sannado badan ku maqnaa oo uu arday ka ahaa, kuna soo laabanaya tuuladiisa ku taallay dacalka webiga Niil. Barbaarku waxa uu u soo laabanayaa ehelkiisa oo sugayay oo ay in badan isu hiloobeen. Si weyn ayay u soo dhoweynayaan, oo ugu soo xoomayaan, iyagoona u riyaaqaya. "Markii aan is arkay aniga oo dhex taagan oo ay dhinacyada iga tuban yihiin waxa aad i moodaysay baraf ay qorraxi ku soo baxday oo dhalaalay" ayuu yidhi. Soo dhowaynta ehelkiisa, iyo u soo laabashada tuuladiisii uu sannadada badan ka maqnaaba waxa ay wateen xiise aad u badan balse aan dabiicinnimada ka baxsanayn. Laakiin waatan sheekada kale.
Barbaarku dadkii soo dhowaynayay ee uu tuulada kula kulmay waxa ka mid ahaa nin da’ dhexaad ah, oo uu ku qiyaasay kontomeeyada, nin muuq ahaan iyo dhaqan ahaanba jaadgooni ah ayuu ahaa. Dadkii tuulada u dhashay ma uu ahayn, ee nin ku cusub ayuu ahaa. Maalintii koowaad wakhti uu ku raadiyo uma uu helin oo booqashada ehelkiisa ayaa mashquulisay, laakiin marnaba maankiisa kama uu bixin, maalinkii labaad ayaanu ehelkiisa waydiiyay. Waxa loo sheegay in ninkan magaciisa Mustafe Saciid la yidhaa, waxa kale oo loo sheegay in uu Khartuum ka soo guuray oo uu ahaa nin xoolaha ka ganacsan jiray, haddana uu halkan dhul ka iibsaday inantii Xasna Maxamuud na guursaday.
Sheekadu waa wada halxidhaale iyo guntimo, laakiin halhidhaalaha ugu weyni waa Mustafe Saciid.
Barbaarka soo laabtay oo ah qofka sheekada inoo soo warinaya waa ay u cuntami waayaysaa caadinnimada Mustafe Saciid, waanu daba galayaa. Su’aalo ku saabsan halka uu ka yimid iyo sababta uu u yimi ayuu waydiinayaa, "Khartuum ayaan ka soo guuray, geela ayaanan ka ganacsan jiray, haddana wax ay tahay mooyee si lama filaan ah ayaan beerashada ugu baydhay, kumana aan khasaarin oo waanigaa ku dhex jira, tuuladan ayaanan soo degay, sidii aan ka filayayna waa ay i soo dhowaysay, oo wanaag ayaan kala kulmay" ayuu jawaabta ugu soo koobayaa.
Mustafe Saciid waa shakhsiyadda udub-dhexaadka u ah sheekada, waa nin uu naftiisa dagaal ka dhex socdo, sida uu sheegayna waa "saxare ooman iyo dhalanteed." Isaga oo yar ayuu dugsiyadii gumaystaha Ingiriiska ee Khartuum ku biirayaa, wax kasta oo waxbarashada ku saabsan waxa uu noqonayaa baarka sare. Astaanta fahan wanaagga iyo garaadbanida ayuu noqoyaa. Sheekadu waa ay dheertahay dhacdooyinkeeduna waa ay badanyihiin e barbaarka soo laabtay shakigiisii waa uu dhammaan waayayaa, jawaabihii la siiyayna waa kuma filna, habeen ay meel ku wada caweeyeen oo khamri la cabbay ayuu shakigiisu dhab u bilaabmayaa, markaas arrintu shaki way dhaafaysaa oo waxa uu ogaanayaa in aanu Mustafe Saciid ahayn qofka uu sheeganayo. Mustafe habeenkaas sir weyn oo aanu doonayn in la ogaado ayaa ka baxsanaysa, marka uu sakhraamay ayuu is illaaway oo uu gabayo Ingiriisi ah akhrinayay, asxaabtii kale ee la cawaynaysay ma ay dhaadin, waayo iyagu Mustafe kama ay shakisanayn, Ingiriisina ma ay aqoon.
Barbaarka sheekada inoo soo warinayaa aad ayuu u yaabayaa, u qaadan waa ayay ku noqonaysaa, horeba waa uu u shakisanaa, laakiin markan yaab ayaa ugu kordhay. Wiilkii waxa uu ku adkaysanayaa in uu ogaado cidda dhabta ah ee uu Mustafe Saciid yahay. Habeen ayay guriga Mustafe ku ballamayaan. Halkaas ayay sheekada Mustafe ka bilaabmaysaa. "Sheekadan aan kula wadaagi doono cid hore lama aan wadaagin, waa aan hubaa oo cidna dhibaato ka soo gaadhi mayso, ee waxa aan kaa doonayaa in aad iigu dhaarato in aanad cidnaba la wadaagi doonin..." ayuu barbaarka ka codsanayaa. Ugu dambayn, barbaarku dhaarta waa u marayaa, ballantana waa uu qaadayaa, waxaanu dhegta u raaricinayaa sheekada Mustafe Saciid.
Jawiga ay sheekadu ku bilaabmaysaa waa mid deggan, Mustafe Saciid oo uu shaah ag yaal sigaarna afuufaya iyo barbaarka oo aad u naxsan, aadna u cabsanaya ayay ku bilaabmaysaa, boorso ay waraaqo ka buuxaan ayuu u dhiibayaa, baasaaboorro iyo waraaqo badan ayaa ka soo hor baxaya, wax wal oo ka soo hor baxaana waxa ay caddayn u sii noqonayaan in aanu Mustafe ahayn cidda uu sheeganayo.
Mustafe Saciid xilligii gumaystaha Ingiriiska ayuu Khartuum wax ku bartay, waxa aanu noqday ardaygii ugu garaadka iyo fahanka sarreeyay, wax yar ka dib Qaahira ayaa loo diray, dabadeedna Landhan ayaa loo sii dhaafinayay, halkaas ayaanu nolol kale oo layaab badan ka bilaabayay. Waxbarashada waa uu wadayaa, wax kalena waa uu ku dhex wadayaa, nafsadda Mustafe Saciid oo markii hore ahayd mid aad u deggan aadna u aamusani waxa ay isu beddelaysaa waxshi dad-cun ah, waxa uu isu beddelayaa shakhsi uu dhexdiisa dagaal ka socdo, siraac aan dhammaad lahayn oo uu isagu ku dhamaanayo. Hal mar ayuu ku wada sifoobayaa wax kasta oo wanaagsan iyo wax kasta oo xun; "Waxa aan soo gaadhay magaalada Qaahira, laba iyo toban jir ayaan ahaa, waxa goobta istaanka tareenka igu sugayay mudane Robinson iyo xaaskiisa, waa ay i salaameen, aniguna waa aan ka qaaday, xaaskii mudane Robinson ayaa isku kay duubtay, laakiin anigu qof bilaa shaxshax ah ayaan ahaa..." qoyska Robinson ayuu dhawr sano la joogayaa, magaalada Qaahira maalmo cajiib ah ayuu ku qaadanayaa, maaddaama oo aanay qoyska Ingiriiska ah ee loo keenay carruur haysanna isaga ayay carruur ka dhiganayaan, waa ay jeclaayeen, laakiin isagu sida uu sheegay jacayl iyo nacayb toona uma uu hayn. Meel wal oo uu xusuus wacan kala hadhi karayay ayay geeyeen, waana ay koolkooliyeen, laakiin sida uu sheegay bilaa shaxshax ayuu ahaa oo wanaagga ay u samaynayaan farxad kuma uu qaabili jirin. "Hubka keli ah ee aan haystay maskaxdaydaas sida seefta u afka badan ee wax wal oo iga hor yimaadda jaraysa ayuu ahaa."
Mustafe Saciid Landhan ayuu u wareegayaa, isagoona bilaabaya jaamacadda Landhan, maalmo kale oo layaab badan ayaanu ku qaadanayaa. "Waxa aan soo gaadhay Landhan, waxa aan ka soo degay istaanka tareennada ee Fiktooriya, waxa aan uga sii gudbay caalamkii Jiin Mooris, waxa aan uga sii gudbay silic." Jiin Mooris waa mid ka mid ah dumarka badan ee uu Landhan kula kulmayo, ee noloshiisa qaybta ka noqonaya, waa gabadha qudha ee uu guursanayo, waana gabadha qudha ee uu gacantiisa ku dilayo.
Shakhsiyadda Mustafe Saciid waa layaab, waa qof caddayn u ah saamayntii gumaysiga, waxa ay doonayeen in ay ka dhigtaan aalad ay mar kale isticmaalaan, laakiin isaga ayaa ku noqonaya cudur aan dawo lahayn. "Dhulkiinnii ayaan idiinku imi, waa aan soo duulay, waa i kan aniga oo sida cudurkii aad nagaga timaaddeen..."
Sinaba uguma ay guulaysan in uu Mustafe Saciid noqdo qofkii ay doonayeen, "adiga ayaa astaan u ah in uu tacabkayagii aannu Afrika galinnay oo dhami khasaaray Mustafow, wax kasta waxa aannu u hurnay sidii aannu qof kaaga dhigi lahayn, haddana waxa lagu moodaa in aad imika duurka ka soo baxday. Waannu idinku khasaarnay..." ayuu ku odhanayaa macallinkiisii Jaamacadda Landhan oo nacaybka uu u hayo qarsan kari waayay.
Sheekadu waa ay dhacdooyin badan tahay, shakhsiyaadka ku jiraana way badan yihiin, mid kastaa doorkiisa sidiisa ayuu uga soo baxay. Sida oo kale sheekadu mawduuc kasta oo ay dhex gashay sida ugu qotada dheer ayay uga hadashay, gumaysiga, oo ah mawduuca ay sheekadu ku dul wareegayso waxa ay inoogu soo koobaysaa wax shar iyo khayrba lahaa: "sida ay inoo sheegeen dhamaantood khayr ma ay ahayn, sida aynu innagu moodnayna dhammaantood shar ma ay wada ahayn." Dayib Saalix, qoraaga sheekadu, waxa uu u huray garaadkiisii iyo hal-abuurkiisii oo dhan, iyaduna waxa ay siisay magaca 'cabqariga sheeko-curinta Carbeed'.
Sheekada Kalkii Hayaanka Waqooyi waa mid ka mid ah sheekooyinka ugu layaabka badan dunida iyo caalamka Carabta, in ka badan labaatan af ayaa loo turjumay, turjumaaddeedii ugu horraysay ee af-Soomaali ahna dhowaan ayay soo bixi doontaa.
Sheekada sida uu bilawgeedu u yahay mid layaab iyo xiise leh ayuu dhamaankeeduna uga sii daran yahay. Mustafe Saciid isaga oo weli ku jira siraacii naftiisa ayuu dhamaanayaa, ma dhimanayo, mana noolaanayo, waa la waayayaa, habeen madaw oo uu webiga Niil fatahay ayay xaanfalay qaadanaysaa, waxaana loo badinayaa in uu qarqoomay. Xaaskiisa iyo laba carruur ah oo aan magaciisa mooyee wax kale ka aqoon ayuu ka tagayaa. Waxa kale oo uu ka tagayaa saaxiibkiisii uu sirtiisa ku aaminay oo uu markanna qoyskiisa iyo maqsin qufulan oo uu lahaa ku sii ballaminayo. Maqsinkaas qufulan qudhiisa cajaa’ib kale ayaa dhex taalla, yaab baa yaab ka sii daran.
Mustafe dagaalkii uu naftiisa kula jiray isla naftiisa ayuu ku waayay, ama isaga ayaa lagu waayay, dad badan oo kalena wuu sii galaaftay. "Waxa uu helay dhamaadkii uu muddada badan raadinayay..." ayuu ina odhanayaa barbaarka sheekada inoo soo warinayaa. Laakiin sidaas kuma dhamaanayo ee isaga ayuu ismalluug ku noqonayaa hurdo iyo soo-jeedba waa uu la joogayaa, meel kasta oo uu tagana qof ay hore isu yaqiinneen oo ay Suudaan ama Landhan wax ku wada barteen ayuu kula kulmayaa.
Intani waa soo koobid kooban oo sheekada ah Kalkii Hayaanka Waqooyi (Mawsim al-Hijira ila al-shamal) waa usduuro aan kugula talinayo in aad akhrido.