Skip to main content

Sunday 16 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Kalamaan: Xusuus-wadareedka Soomaalida

28 September, 2025
Image
Kalamaan: Xusuus-wadareedka Soomaalida
Kalamaan waa barnaamij idaacadeed oo lagu matalo waayaha Soomaalida. (YouTube | @Kalamaan)
Share

Soomaalidu waa ay isku maandhaafsanyihiin tagtadoodii, lagamana filayo in ay isku waafaqaan wakhtiga taagan. Haddii aan hadalkan la aqbalin, geeddiga loogu jiro siyaasad lagu samato-baxaa way sii dheeraanaysaa, si kasta oo ay yididdiilo u leedahay. Midnimada iyo midnimo la’aantuba lama xidhiidho soohdin ama calan, ee waxa wax kasta ka horreeya xusuus wadareedka maanka lagu hayo iyo hiraalka la wadaago.

Badhtimihii qarnigii 20aad, Soomaalidu waxa ay awoodeen in ay si wadar ah u sawirtaan waaqaca siyaasadeed ee ay ku go’doonsanaayeen, waana sababta iyagoo wadajira ay u sahamiyeen jid ay kaga samato baxaan. Laga soo bilaabo kolkii hannaankii siyaasadeed ee la doortay dumay Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo hiraalkoodii kala daadiyey, xusuustii Soomaaliduna waxa ay noqotay mid kala daadsan in ka badan inta ay tahay wadar. Haddaba, si aad fekrad uga heshid xusuustaas kala daadatay, dhegayso masrixayadda kaftan-dhablaha siyaasadda Soomaalida ee barnaamijka KALAMAAN.

Laga soo bilaabo 2018-kii, si maalinle ah ayaa barnaamijka Kalamaan looga soo daayaa idaacadda Kulmiye. Waa barnaamij idaacadeed oo Soomaali ah, oo ay ka hadlaan shakhsiyado la mala’awaaley oo ku kala aragti duwan siyaasadda iyo dhacdooyinka socda, iyagoo sheekadooda ku mila kaftan, geeraarro iyo aragtiyo dhab ah oo ka tu rjumaya doodaha dhabta ah ee bulshada ka dhex socda. Barnaamijku muddooyinkii dambe waxa uu helay shacbiyad ballaadhan iyadoo janalkiisa YouTube-ku uu helay wax ka badan 45 milyan oo daawasho. Barnaamijku waxa uu sooc la yahay afar tilmaamood. Marka koowaad, ma aha barnaamij war oo badhaxtiran, mana aha muuqaal keliya madaddaalo ah, ee labadan ayaa uu u kulmiyaa qaab u eg in barnaamijku yahay nuskhadda Soomaaliga ee barnaamijyo galabeedka Maraykanka.

Marka labaad, ma aha barnaamij lafagur uun ah, ee sidoo kale waa barnaamij wax dhaliila. Barnaamijku, waxa uu dhacdooyinka maalinlaha ah ku eegaa il qotodheer, oo ah qaab dadweyneha u sahla in ay fahmaan mawqifka guud ee barnaamijka, si kasta oo shakhsiyadaha barnaamijku u kala aragti duwanyihiin.

Marka saddexaad, barnaamijka waxa lagu soo tebiyaa tix iyo tiraab. Ma aha hab-tebin la iska doortay, ee waa istaraatiijiyad la darsay. Markasta oo aragtiyaha shakhsiyaduhu ku kala duwanaadaan qaddiyad taagan, waxa kordha tixaha ay adeegsanayaan. Barnaamijku waxa uu suugaanta u adeegsadaa hab toolmoon oo lagu soo bandhigo aragtiyaha is haya, iyadoo la ilaalinayo habdhac gaar ah.

Marka afaraad, waxyaalaha Soomaalidu kala xigtaysato iyo waxa ay ka midaysanyihiin si isku mid ah ayaa uu barnaamijku u tixgeliyaa, qaabaynta barnaamijkuna waa mid ka tarjumaysa hannaankan. Waxa muuqda in shakhsiyadaha barnaamijku wadaagaan garaad wadareed; waxa ay adeegsanayaan hadal, af, geeraarro, maahmaahyo, heeso iyo sheekooyin – mid kasta oo ka mid ahi fahmayo. Waxa ay ka doodayaan qaddiyado ay si siman ula xidhiidhaan. Sidaas oo ay tahay, maankoodu ma aha mid wadar ah oo ku haga qaadashada aragtiyo ama mawaaqif siyaasadeed oo is waafaqsan ama la isku raaco.

Waxa kasii muhiimsan, in maankoodu aanu waxba wadaagin heer aanu midina midka kale meteli karin ama u hadli karin. Sidan loo qaabeeyey barnaamijku waa mid ka tarjumaysa waaqac siyaasadeed in ka badan inta ay ka tarjumayso hal’abuurnimo faneed. Waa qaabayn kala dhigdhigaysa oo tebinaysa xusuusaha kala daatay ee ay maanta Soomaalidu xambaarsanyihiin, kana sitaan waaqacooda siyaasadeed ee kala qoqoban.

Cagsiga barnaamijkan madaddaalada ah, ilaa hadda waxqabadyada akaaddamiga ahi may sawirin noocan qotodadheer ee xusuusta ah. Aqoonyahanku waxa ay laba kooxood ugu kala qaybsanyihiin waxa la xidhiidha xusuus wadareedka siyaasadeed ee Soomaalida. Kooxi waxa ay bilawgii xusuus wadareedka siyaasadeed ee Soomaalida u celisaa dhaqdhaqaaqyadii xornimodoonka, dhacdooyinkana waxa ay ka tixraacdaa xagal sooyaal. Kooxdani waxa ay ku baaqdaa hannaan xusuus oo midaysan, oo Soomaalidu wadaagto xusuus wadareed qudha. Kooxda kale oo iyana xagal sooyaal uun ka eegaysaa waxa ay samaysanka xusuusta siyaasadeed ee Soomaalida u celisaa maalmihii xornimada. Kooxdani waxa ay soo jeedisaa hannaan xusuus oo isku dhafan, iyadoo si kala soocan loo tixgelinayo xusuusaha dadkii ku kala dhaqnaa dhulkii Ingiriisku haystay iyo kii Talyaanigu gumeysanayey.

Ka sokow kala duwanaanshaha yoolasha siyaasadeed ee labadan dhinac, haddana waxa ay wadaagaan laba aragti oo isku eg. Marka koowaad, labadooduba waxa ay aaminsanyihiin in samaysanka xusuus wadareedkaasi lahaa sabab isku mid ah. Tusaale ahaan, hannaanka raba xusuus wadareed keli ahi waxa uu ku doodayaa in dhaqdhaqaaqyadii xornimadu sees u yihiin xusuusta siyaasadeed ee Soomaalida. Sidan si la mid ah, hannaanka raba xusuus isku dhafanna, waxa uu xornimadii Somaliland u tixgalinayaa bilawga xusuus siyaasadeed oo kasoo biqishay khibraddii laga helay gumeysiga.

Labadooduba waxa ay iska indho tirayaan xaqiiqada ah in xusuus wadareedka hal dhinac ama sabab qudhi si hal mar ah u samayn, sababtaasi ha noqoto dhaqdhaqaaqyadii xornimada amaba awoodihii gumeysiga. Waxa kale oo ay iska indho tireen xaqiiqada ah in Soomaalidii beelaha ahaa ay khibrado kala duwan ku lahaayeen awoodihii gumeysiga iyo dhaqdhaqaaqyadii xornimadaba.

Marka labaad, qaabka labadan kooxood u fahmeen xusuus wadareedku kuma dhisna taariikh. Macnaha waxa ay xusuus wadareedka u arkaan waxsoosaar kolka uu samaysmaba dhufays ka galaya isbeddellada sooyaalka. Halka waaqaca dhabta ahi yahay, in dhammaan awoodihii gumeysiga, dhaqdhaqaaqyadii xornimada, dawladdii gumeysiga ka dib, nidaamkii Kacaanka, jabhadihii mucaaradka, maamulladii ka dambeeyey iyo kooxihii Islaamiyiintuba, ay dib usoo celiyeen (una cusboonaysiiyeen) soo noolaynta Soomaali leh xusuus kala qoqoban.

Midaysnaanta iyo kala tagsanaanta xusuusta siyaasadeed ee Soomaalida waxa sal u ah kala juquraafiga, kala duwanaanta facyada, waxbarashada iyo barbaarinta.

Isbeddelladani waxa ay xusuusta siyaasadeed ee Soomaalida ku keeneen laba kala duwanaansho oo waaweyn. Midi waa kala duwanaanshaha jiquraafi-siyaasadeedka. Tusaale ahaan, xusuusta siyaasadeed ee bulshada Somaliland waxa ay soo martay saddex marxaladood oo muhiim ah: gumeysigii Ingiriiska, Jamhuuriyaddii Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Si la mid ah, xusuusta siyaasadeed ee bulshada Buntilaan waxa ay soo martay saddex marxaladood: gumeysigii Talyaaniga, Jamhuuriyaddii Soomaaliya iyo maamulka Buntilaan. Mid kasta oo ka mid ah nidaamyadan siyaasadeedna waxa uu hirgeliyey barnaamijyo waxbarasho oo qaabeeyey aragtida dadka ee nafahooda iyo waxa ku xeeran.

Somaliland iyo Buntilaan, jidadkooda siyaasadeed ee inta kale ka soocan awgood, bulshadoodu waxa ay yeesheen xusuuso siyaasadeed oo si muuqata uga duwan xusuusaha Soomaalida kale. Kala duwanaantan jiquraafi-siyaasadeed ee xusuusta siyaasadeed ee Soomaalidu waxa uu sii adkaanayaa kolka la deraasaynayo labada gobol ee koonfurta iyo badhtamaha.

Laga soo bilaabo xilligii Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa dhif ah in magaalo ku taalla labada gobol ee koonfurta iyo badhtamuhu ay nidaam siyaasadeed la wadaagto magaalo kale. Arrinkani waxa uu sababay qoqobka xusuusaha siyaasadeed ee gobolladaas, marka la barbardhigo Somaliland iyo Buntilaan. Dhalashada maamul-goboleedyaduna waxa ay keenayaan soo bixidda xusuuso siyaasadeed oo cusub, oo kala soocan, mar kasta oo uu wakhtigu sii socdaba.

Kala duwanaanta kale waa mid faca ama jiilka la xidhiidha. Xitaa Soomaalida ka wada tirsan hal nidaam siyaasadeed, xusuusaha siyaasadeed ee abuurmay xilliyo kala duwani waxa ay dhaliyeen kala duwanaan seeskeedu yahay fac. Kala duwanaantani waxa ay si qayaxan uga muuqan kartaa Buntilaan. Faca da’ ahaan roon, oo xasuustooda siyaasadeed abuurantay xilligii Jamhuuriyadda Soomaaliya, Buntilaan waxa ay ka dhex arkaan uun Soomaaliya. Si kasta oo ay ugu arkaan Buntilaan mashruuc guulaystay oo siyaasad ahaan firfircoon, haddana waxa ay u tixgeliyaan mashruuc ku tiirsan Soomaaliya. Buntilaan waa u lama huraan, se kuma filna.

Sidan cagsigeeda, faca da’ ahaan ka yar kuwani Soomaaliya waxa ay ka eegaan xagal Buntilaanaysan. Jiilkan oo ay metelaan jiilka Buntilaan ku hanaqaaday, Soomaaliya kuma xidhna inta Buntilaan kaga xidho mooyee. Jiilkan Soomaaliya waa u lama huraan, se kuma filna.

Somaliland iyo Buntilaan, jidadkooda siyaasadeed ee inta kale ka soocan awgood, bulshadoodu waxa ay yeesheen xusuuso siyaasadeed oo si muuqata uga duwan xusuusaha Soomaalida kale, gaar ahaan Koonfurta iyo badhtamaha.

Si la mid ah kala duwanaanta jiquraafi-siyaasadeedka, kala duwanaanta facuna waxa ay Soomaalida ugu soo laalaabataa qaab kala heerar ah. Kala duwanaantan awgeed, xusuusta siyaasadeed ee Soomaalida waxa aan ku sheegaa xusuus wadaradeed, haddana aan loo dhammayn, oo qoqoban. Xusuus wadaradeed waxa ay ku tahay unugyada Soomaalida mideeya, ee dhaqan iyo sooyaalba leh, se waxa ay ku kala qaybsantahay duruufaha siyaasadeed iyo sooyaal ee sababay kala fogaanta waayaha Soomaalida.

Xusuus wadareedka haddana kala qoqoban, ee kala heerarka ah fac ahaan iyo jiquraafi-siyaasadeed ahaanba, waxa ay si qotodheer u saamaynaysaa wadahadallada siyaasadeed ee Soomaalida. Aynnu tusaale usoo qaadanno wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya. Inta badan masuuliyiinta Somaliland waxa ay Soomaaliya ka dhex arkaan nidaamkii Siyaad Barre. Sababtu waa in laga soo bilaabo dhicitaankii Siyaad Barre aanay Somaliland arag hal mar oo kalaguur siyaasadeed ah mooyee, haldoorka metelayaana ay yihiin isla kuwii la dagaallamay nidaamkaas. Xasuusahooda siyaasadeed ee Soomaaliya ku saabsan iyo jidka ay qaateenba waxa uu si mug weyn u abuurmay xilligaas.

Muddadaas Somaliland jirtay, Soomaaliya waxa ay martay isbeddello siyaasadeed oo kuwa Somaliland ka badan, oo ay muddadaas soo baxeen haldoorkii siyaasadeed ee Soomaaliya hor kaca waxii ka dambeeyey dumitaankii nidaamka. Haldoorkan xusuustooda siyaasadeed waxa ay la xidhiidhaa dhinacyadii qabyaaladeed iyo Islaamiyiintii, in ka badan inta ay la xidhiidho nidaamkii Kacaanka. Waxii dhacay soddonkii sanno ee tagay ayaa qaabeeyey xusuustooda siyaasadeed.

Arrinkan waxa ka dhashay in haldoorka siyaasadeed ee Soomaaliya ay qaddiyada Somaliland ula dhaqmaan sidii qaddiyad qabiil uun. Farqigan ka dhex abuurmay jiilasha kala duwan ee xusuusta siyaadeed awgii, Soomaaliya ma aha sida ay Somaliland ka aaminsantahay, Somaliland-na ma aha sida ay Soomaaliya ka aaminsantahay, dhinac kastaana waxa uu haystaa sababo run ah in ka badan inta laga maadsado, oo uu ku caddeeyo saxnimada waxa uu ka kale ka aaminsanyahay.

Kala duwanaanta juquraafi siyaasadeedka iyo kala duwanaanta u dhaxaysa jiilasha Soomaalida awgeed, xusuusta siyaasadeed ee Soomaalida waxa lagu tilmaami karaa mid dhan ka midaysan dhanka kale na kala qoqoban.

Haddaba, suurogal ma tahay in ay wada hadlaan dad xusuusahoodu kala qoqobanyihiin? Kalamaan, waxa uu muujinayaan suurogalnimada arrinkan. Mid ka mid ah taxanaha Kalamaan, oo ku dardaarmaya in tusaale looga dhigo wadahadalka noocan ah, waa qaybta soo baxday 2-dii Jeenaweri, 2024, maalinkii ku xigay kolkii Somaliland isafgarad la saxeexatay Itoobiya, oo dhul laga kiraynayo. Mawqifka Waaqle, oo aragtida Somaliland metalayey, waa mid muhiimad u leh qaddiyaddan. Kuma gaabsan in uu afjaro xujooyinka kuwa kale, ee sidoo kale waxa uu ku adkaystay in ay Somaliland dhulkeeda u madax bannaantahay. Qaddiyadda oo xasaasi ah awgeed, wadasheekaysigu waxa uu ilaaliyey in uu qaab deggan ku socdo.

Arrinka barnaamijka isku xidhaa waa aqoonsiga in Soomaalidu ku noolyihiin waaqac siyaasadeed oo kala tagsan, si kasta oo ay ugu midaysanyihiin dhaqanka. Ereyga furaha ahi waa aqoonsi – aqoonsiga in aadanuhu yahay jire leh xusuus siyaasadeed. Qofina ma noqon karo wax aan ahayn waxa kasoo miirma xusuustiisa siyaasadeed, oo kasoo samaysanta barbaarintii qoyska, nidaamyada waxbarasho iyo haayadaha warbaahineed. Haddii qofi dhinacyadan kaaga duwanyahay, waxa ay u badantahay in uu kaaga duwanyahay xusuusta siyaasadeed, markaana kaaga duwanyahay aragtiyaha iyo hiraalkiisa siyaasi.

Kolka aad maqashid qof sheegaya aragtiyo iyo hiraal siyaasadeed oo aanad la wadaagin, waxa ay u badantahay in xusuustiisa siyaasadeed u samaysantay qaab taada ka duwan. Sida aanad u awoodin in aad dib u qaabaysid xusuustaada, waxa ay u badantahay in aanu isaguna dib u qaabayn karin. Haddaba, suurogal maaha in wadahadal dhab ahi bilaabmo, inta aan laga heshiin ku kala duwanaanta xusuusaha.