Skip to main content

Sunday 9 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Kalahaadkii Muqdisho

28 September, 2025
Image
Kalahaadkii Muqdisho
Share

Markale, ayaan si ku talagal ah u akhriyay buugga Kalahaadkii Muqdisho, nuqulkiisa Af-Soomaaliga ah ee uu Boodhari Warsame turjumay. Buuggu waxa uu u qoran yahay hab xusuusqor ah, waxa dhacdooyinkii uu u soo joogay ka warramaya goobjooge, Yuusuf Xayd, oo 1991-kii, isaga oo xusuustiisa kaashanayana ka war bixiyay dhacdooyin qalbi taabad ah, waa taariikh iyo tagtadii uu Kacaanku sababteeda lahaa. Yuusuf Xayd waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Dawladdii Kacaanka, xogogaalna waxa uu u ahaa waxii dhacay iyo intii aanay dhicinba ka hor. Bilawgii qalalaasaha, qaxii, foolxumooyinkii ka dhashay iyo cidhibxumadii laga dhaxlay ayaa uu ku faahfaahiyay buuggan.

Kalahaadkii Muqdisho waxa uu Yuusuf Xayd kaga warramayaa xusuusihiisa ku saabsan dhacdooyinkii 1991-kii; waayihii keenay ee taliskii Kacaanka iyo waxii ka dhashay oo ahaa qalalaase, qax iyo foolxumooyinkii badnaa ee ka dhashay iyo raadxumadii faaftay

Qoraagu waxa uu ku dhashay kuna hanaqaaday miyi. Marka uu ka warramayay sidii uu magaalada ku soo galay, waxa uu sheegay in ay abaari dhacday oo ay biyo la'aan iyo baad la'aan keentay. Sababtaa awgeed, waxa ay hooyadood u keentay meel ceelka Caynaba u dhaw si ay biyaha ugu soo dhawaadaan. Aabbihii waa uu dhintay beryahaa inyar ka hor, koritaankoodana waxa, sida qoyays badan oo Soomaali ah, ku kaliyaysatay hooyadood. Abaartii waa ay sii dabo dheeraatay, qoraaga hooyadii ayaa magaalada u tagtay si ay wax ugu raadiso, waxana ay la soo noqotay hadiyado ay ka mid yihiin kabo. Hase ahaato e, waxa ay tidhi; “Qofkii kabaha qaataa waa uu ila joogayaa, kii kalena magaalada ayaa aan gaynayaa.” Markan, waxa kale oo ay hooyo igu dhiirigalisay, ayuu leeyahay, in magaalada markii la doono aan biyo cabbi karo, kolkaa ayaa aan kabihii u daayey walaalkay oo aan sidaa ku doortay in aan magaalada galo.

Qoraagu waxa uu xusayaa, in 30-kii bishii Diiseember, 1991-kii, iyada oo uu dadku deggan yahay, suuqyadu camiran yihiin, noloshuna sideedii maalinlaha ahayd u socoto, in goor duhur ah ay jabhaddii USC, xabbadii ugu horraysay ka bilawday waqooyiga Muqdisho, taas oo noqon doonta, bilawga dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya [Muqdisho]. Xabaddu digniin la'aan ayaa ay ku bilaabantay, hase ahaato e, sida uu Yuusuf xusayo, waa lagu farxay in dagaal bilawday, sababta oo ah dadku waxa ay jeclaysanayeen in ay mar uun ka hoos baxaan xukunka kalitaliyaha ee cabudhinta iyo handadaadda joogtada ah ku hayay. Muddo yar ka dib, USC iyo dawladdii dagaalku u bilawday waxa ay labaduba abaabuleen nidaamkii reeraha, taas oo keentay in waxii intaa ka dambeeyay uu bilowday beegsi reereed iyo dagaal qabiil. Fursaddan waxa ka faa'iidaystay madaxdii Kacaanka ee awelba ay siyaasaddoodu ahayd qaybi oo xukun, oo markanna sii hawlgaliyay durbaankii qabiilka.

Maydka 'cadowgu' duugid ma leh, waa mid ka mid ah aafooyinka ka jiray Muqdisho ee uu qoraagu xusayo. Maydadka waddooyinka wadhan ee tarabtarabka ah, waxa uu leeyahay, markii ay USC aasato waxii mayd ah ee ciidkankooda ahaa, waxa ay maydadka kale ee ‘cadawgooda’ u adeegsanayeen in ay jidadka ku gooyaan oo uga faa'iidaystaan in ay waddooyinka looga iman karo iskaga xidhaan. 1991-kii ayaa loo noqonayaa haddii aad maqasho, waa in ay sawirradani kugu soo xaadiraan.

Xabbadii maalin duhur ah qarxisay dagaalkii Muqdisho, 1991kii, waa ay ku farxeen dadku sababta oo ah waxa ay filayeen in ay mar uun ka hoosbaxaan gacanta kulul ee Kacaanka. Ha se ahaato e, dagaalkii xoroobiddu waxa uu hal mar isu beddelay dagaal qabiil oo ay taliska iyo jabhadduba hawlgaliyeen waxana jidadka buuxiyay maydad aan qaarkood loo duugin in ay ‘cadow’ yihiin

Buuggu waxa uu akhristaha siinayaa fahan uu markaaba ka qaadanayo asalka mushkilad kasta oo ku xeeran waayahaa 1991-kii iyo Muqdisho, in ay ka soo fufayayaan eexda, nin jeclaysiga, caddaalad-darrada iyo cabudhinta shacabka oo xadgudubka iyo ku takrifalka awoodda oo wax iska caadi ah noqday. Burburka kacaanku waxa uu sababsaday intaas oo lagu daray macangagnimadii Maxamed Siyaad Barre.

Layntii dadka, beegsashadii qabiilka, in qof loo ajalo sababta ah in uu reer hebel yahay, iyo boobkii lagu waday hantidii shacabka iyo middii dawladdaba ayaa uu qoraagu ku xusay buugga oo kaga warramay. Rejo maalinba midda ka danbeysa sii gabaabsiyeysa ayaa jirtay. Sababtaa darteed, ayaa kolka xaalka Muqdisho xumaado uu hibanayaa tagtadiisii hore, in kasta oo qof sida qoraaga oo kale miyi ku dhashay ay dawladnimada iyo ilbaxnimadu macna u samaynaysay, haddana markan, maaddaama oo foolxumadu badatay waxa uu qofku door bidayay shiddo la'aanta, sidaa darteed ayaa tagtadii loogu ordayay. Buuggan xusuusqorka ah marka laga yimaaddo in uu ka faalloonayo dagaalkii sokeeye ee 1991-kii ka qarxay Muqdisho, waxa uu, sidoo kale, sawir ka bixinayaa sida ay ahayd noloshii beryahaa ee kacaanka, Muqdisho iyo, guud ahaan, dadkuba.

Macangagnimadii Maxamed Siyaad barre iyo sida loo garan karayay ficiladiisu in ay meel xun ku danbayn doonaan ayaa uu qoraagu xusay. Sidoo kale, waxa uu qoraagu taabtay sida uu Siyaad Barre raaxo uga qatanaa, taa beddelkeedana la isula qirsan yahay in waxa qudha ee uu u oomanaa ay ahayd awoodda oo uu aad u jeclaa. Dhaliiisha beesha caalamku ku lahayd burburkii Soomaaliya ayaa uu, iyana, qoraagu tibaaxay, waxaanu ku dooday in beesha caalamku ay dayacday farogelin u bannaanayd oo ay wax ku beddeli kareen. Dhanka kale, USC waxa ay ku guuldarraysatay in ay hawlgalladii ay wadeen la talantaalliyaan jabhadihii kale ee SSDF, SNM iyo SPM. Haddii ay sidaa sameyn lahaayeen, waxa fududaan lahayd in kalitaliska lagu qaban lahaa gacan midaysan, taas beddelkeeda, waxa uu qoraagu xusayaa in ay faleen intaas lidkeeda.

Qof kaste oo yaqaannay macangagnimada Maxamed Siyaad, boobkii hantida dadka iyo midda dawladda, beegsigii qabiillada iyo layntii haybtu waxa uu ogaa in ay Soomaaliya ku dambeyneyso burburkii foosha xumaa. Dhanka kalena, jabhadihii iskaaashan waayay ee aan lahayn qorshe dhaafsan dagaalka, iyo beesha caalamka oo dayacday Soomaaliya ayaa uga sii daray burburkii dhacay

Waxyar ka hor, inta aan dagaalka Muqdisho bilaabmin, Yuusuf Xayd waxa uu xusayaa in laga qaaday xilkii maareeyaha telefishinka qaranka. Digreetadaa xilka lagaga xayuubinayaa waxa ay dhaxalsiisay, sida uu xusayo, cadho iyo ciil uu u qaaday dawladda, taas oo uu gaadhsiinayo in uu jeclaysto burburkeeda. Waxyar ka dib, kolka dagaalku qarxo, meelaha ugu horreeya ee la bililiqaysanayo waxa ka mid ah telefishanka, dhacdadaas qudheedu waxa ay sii siyaadinaysaa qosolka iyo farxadda uu qoraagu dareemayo, in kasta oo uu xusayo in daqiiqadaa aanu dareensanayn saameynta ay isaga iyo dalkiisaba ku yeelan doonaan ficiladaasi.

Waxa kale oo uu tilmaamayaa sidii ay muddo yar gudahood magaaladu u noqotay mid kale oo leh muuq cusub. Isgaadhsiinta oo go'day, korontadii oo meesha ka baxday, isu socodkii oo yaraaday, iyo mugdiga isku fidiyay magaaladu, waxa uu ahaa ifafaalaha jidka ay Soomaaliya qaadday. Jabhaddii USC waxa ay ku fidaysay magaalada, waxana muuqatay in ciidanka dawladdu aanu lahayn awood uu ku sii caabbiyo jabhadda. Waxa kale oo xiise leh, oo uu qoraagu sheegayaa, in asalkaba, awoodda ciidan ee dawladdu ay ahayd gabaabsi tan iyo dagaalkii Itoobiya lala galay, 1977-kii.

Qoraagu in kaste oo uu xusayo dhaliilo badan oo dowladdu lahayd, haddana, sida uu jabhadaha eedda u saarayo, waxa aad mooddaa in uu, meelo badan, kacaankii u cudurdaarayo, qabaa'ilka qudhooda qaarna waxa uu ka dhigay in ay is difaacayeen, kuwa kalena in ay weerar ahaayeen. Haddana, waxa uu isla qoraagu xusayaa labada dhinac (jabhadda USC iyo dawladduba) in ay adeejiyeen qabaa'ilka iyo tolniimada oo ay jireen labada dhinacba cid dareenka tolniimadu soo kiciyay. Jidkaa ay Soomaaliya qaadday waayahaas, sidii uu ku bilaabmay ayaa uu qoraagu ka sheekeeyay. In kaste oo uu yahay muwaaddin ka murugaysan sida uu dalkiisii u burburay, haddana, isaga qudhiisa waxa aad mooddaa in ay marmar jiidanayso tolniimada iyo reernimadu, oo sida aan kor ku xusnay qiraalkiisa in ay jireen labada dhimacba cid reernimo ku hawlgalaysay, haddana waxa jira cid uu u cudur daarayo ama dhibane ka dhigayo, run ahaantiina waa meelaha uu xusuus qorkani dhaliisha ka leeyahay.

In kaste oo qoraagu uu jeclaa in ay dawladdu dunto maalmihii dagaalka ka horreeyay, maaddaama oo maalmahaas laga qaaday xilkii Maareeyaha Telefishanka Qaranka, kuna farxay markii uu arkay in telefishankii laga bilaabay bililiqada, haddana burburkii iyo mugdigii durba ku baahay magaaladu waxa uu beddelay dareenkiisa iyo qiimeyntiisa, waxana qoraalkiisa laga arkayaa eexeysi qabiileysan

Qoraaga iyo qoyskiisa waxa dagaalka ka soo gaadhay dhacdo xanuun badan oo uu ciwaan uga dhigay 'Geeridii qoyska gilgishay'. Abtigii, walaalkii, wiil uu adeer u yahay iyo gabadh uu abti u yahay ayaa lagu dilay dagaalkaa Xamar ka socday. Isaga, hooyadii iyo qoyskiisuna waxa ay ka mid noqdeen dadkii ka qaxay. Sida uu xusayo, walaalkii iyo abtigii waxa ay maydka ka ururinayeen jidadka, maalintaa la dili doono iyo maalmo ka horreeyayba.

Buugga inta aad akhriskiisa waddo ee dhacdooyinka ku jira u fiirsanayso, waxa kaaga soo baxaya kala duwanaanshaha jabhadihii la dagaallamay kacaanka. Si kooban, jabhadihii dareenka toliimadu ku badnaa ee reer beegsiga ku kacay waa ay ku adkaatay in ay dawladnimo iyo nidaam dhaliyaan, sidoo kale, waxa markii dambe, in uun, nidaam sax ah abuuray jabhadihii markii hore iyagu si nidaamsan u dhisnaa ee doorashooyinku ka soo dhex dhaceen, ama ugu yaraan aan cid gaar ah beegsanin sida SSDF iyo SNM; isla qodobkan waxa mar dhexe isaguna xusay Cabdiraxmaan C. Warsame, isaga oo ku doodayay kala duwanaanta imika ee Soomaaliya iyo Somaliland in ay salka ku hayso waxii ay hore u soo ahaayeen USC iyo SNM.

Qoraaga laftiisu waxa u dhibbane u noqday beegsiga qabiilka waxana dagaalkaas ku dhintay tiro ka mid ah qoyskiisa. Beegsigaas iyo kala-dambeyn la’aanta gudeed ee USC waa midda lumisay fursad kaste oo ay Muqdisho kaga soo hadhi lahayd burburkii Kacaanka. Jabhadihii hore u lahaa nidaamka, isla markaana aan sameyn beegsigu, waxa ay burburkii ka dib dhiseen nidaam dawli ah – sida SNM iyo SSDF.

Markale, waxa dooddan kala duwanaanshaha USC iyo SNM sii xoojinaya, waraysi uu dhowaan bixiyay Jeneraal Dhuumaal oo ka tirsanaa dawladdii kacaanka, magaalada Berberana ka hawlgelayey. Wax uu Jenaraalku xusay, in markii jabhaddii SNM soo gashay Berbera ee dhulka la wareegtay, ay bilawday in ay xukunto oo kala saarto askartii kacaanka, iyaga oo aan diin, qabiil iyo astaan kale lagu kala xulayn, ee kaliya lagu kala saarayo waxii uu shacabku ka sheegto ee samo iyo xumaan ah. Taliyuhu waxa uu ka warramay dhacadadaa, isagaana ka mid ahaa dadkii uu shacabku furtay ee wanaaggiisii iyo shaqo gudashadiisii wacnayd ku bedbaaday, sidaa darteed, ayuu u leeyahay ma jirin beegsi qabiil iyo cid gaar ah oo la beegsanayey e, waxa ay ahayd qof kasta iyo waxii laga sheego.

Buuggan kalahaadkii Muqdisho waa xusuusta qof waayahaa goobjoog u ahaa, isagana dhibaato ka soo gaadhay qalalaasihii Muqdisho ka dhacay. Sidoo kale, waa buugta laga dheehan karo habdhaqankii Kacaanka iyo ciddii u adeegaysayba.

Qoraallada kale ee qoraaga

Sheeko

Aas Gobanimo leh

Dhaqan

Sooraan: Jilaa iyo Naaqid Bulsheed

Dhaqan

Xusuusqor Reerguuraa

Aragti

Colaadda Sokeeye Waa Maandooriye