Thursday 5 December 2024
Muslimiintu, ka dib geeridii Suubbanaha oo ay arrintu isu beddeshay maamul siyaasi ah, waxa ay la kulmeen dhawr kacdoon oo sees bulsho leh. Waxa ugu horreeyay kacdoonkii loo bixiyay ‘riddoobidda’ oo isugu jiray qabiillo diiday in ay sako siiyaan dawladdii Abu Bakar iyo kuwo yeeshay rag nabinimo u holladay, se ka wada mideysan in ay diiddan yihiin nidaamka cusub. Waxa ay astaanta ugu muuqa dheeri ahayd qabiilladii Carbeed oo ay qaar diiddan yihiin in uu qabiil kale sii xukumo, ka dib geeridii Nabiga oo ugu muuqatay in xaalku ku noqday sidii hore ee nabi la’aanta, ama markan ay Carabi u siman tahay nabinimada.
Ka dib markii Khaliifkii 1aad ee Muslimiintu, Abu Bakar, uu seef ku damiyay kacdoonkii ay Carabtu ku sameysay dawladdii Islaamka ee ugu horreysay, waxa uu Cumar oo ka dambeeyay fursad u helay in uu qaado guluf dhulqabsi ah oo baaxad leh. Dhul aad u ballaadhan oo ilaa badhtamaha Eeshiya ku siman ayaa lagu qabsaday duullaannadii la baxay ‘Furashooyinkii Islaamiga ahaa’. Waxa Furashooyinkaa ku faaftay diinta Islaamka oo waxa muslimay ummado waaweyn oo aad uga mug iyo taariikh ballaadhan Carabta. Xukunka Islaamka e ballaadhay waxa si kaste ugu lammaanaa uguna milnaa isirka Carabta oo ahaa xuddunta Islaamku ka curtay iyo cidda faafinaysay. Ummado badan, oo ay qaarkood aad uga ilbaxnimo horreeyeen Carabta, ayaa gacanta u galay xukunkii Islaamka. Dhulkii Beershiya (Ciraaq iyo Eeraan), Shaam (Suuriya, Urdun, Falastiin iyo Lubnaan) iyo Masartii guunka ahayd ayaa mar qudha ay qabsadeen Carab ay diinta cusubi u yeeshay foof iyo hiigsi, laakiin aan hore loogu aqoon ilbaxnimo iyo dawladoobid hanaqaadday. Ummadahaasi, in kasta oo ay badankoodu muslimeen, waxa ay markii hore noqdeen kuwo la qabsaday, laga qaniimeystay oo dad iyo duunyaba la qaybsaday. In badan ayaa ku dambeysay addoomo ama mawaali (dad magan ah ama xor cid ku hoos nool ah).
In kasta oo dad badan oo ka mid ah ummadahan la qabsaday ay bilowgiiba colaad u qaadeen Carabta, tusaalena loo soo qaato ninkii dilay Khaliifkii 2aad, Cumar bin Khaddaab, oo lagu magacaabi jiray Abu Lu'lu'a al Majuusi, sida ay Ahlu Sunnuhuna u yaqaannaan oo ka dhigan in aanu Muslimin ee uu Dabcaabud ahaa, kana soo jeeday ummadihii la qabsaday ee Beershiya, haddana, ummadahaas la qabsaday lana muslimiyay waa ay isu dhiibeen waaqica cusub ee xukunka Muslimka iyo sarreynta Carabta. Ha se ahaato e, dareenka diidmadu weligii ma uu wada damin. Waxa uu u muuqday oggolaansho ay shiiqiyeen loollannadii xukunka ee Carabta dib uga dhex curtay ee ay kala hoggaaminayeen Haashimiyiinta iyo Ummawiyiintu, ka dib dilkii Cusmaan binu Cafaan.
Horraantii qarnigii 2aad ee Hijriga, ayaa uu dib u soo fufay dareenka Carab-diidku oo uu qaatay weji dhaqan iyo mid siyaasadeed. Waxa soo baxay dhaqdhaqaaq aragtiyeed oo deedafeeya 'sarreynta Carabta' una arka in Islaamka qudhiisu uu simay 'dadka'. Dadka dhaqdhaqaaqan hormuudka u ah waxa loo bixiyay 'Shucuubiyiin' oo la sheego in laga keenay halhayskooda oo ahaa erayga 'shucuub' ee ku jira aayadda Quraanka ah: "Waxa aannu idinka dhignay shucuub iyo qabiillo, waxaana idiinku maamuusan, Eebbe agtiisa, kuwa idiinku dhawrsoon". Waxa kale oo la sheegay in magacan ay Carabtu bixisay kuna dhistay in waxii Carab ahi ay yihiin qabiillo, waxii Cajam ahina (ee iyaga ka soo hadhay) ay yihiin shucuub oo aayadda ujeedkeedu sidaa yahay. Sidaa awgeed, dadka u dooddaya xuquuqda cajamta waxa ay u bixiyeen 'Shucuubiyiin'.
Dhaqdhaqaaqani waxa uu soo ifbaxay badhtamihii casrigii Ummawiyiinta oo uu dib u soo noolaaday dareen bulsho oo ay qaadeen maansoyahannadii ka soo jeeday dhulalka la qabsaday, gaar ahaan Beershiya, oo ku faanaya isirkooda iyo taariikhdooda una arka in aanay Carabtu waxba dheereyn isirkooda. Dareenkani waa uu cabbudhsanaa intii hore ilaa uu bilowday kacdoonkii Cabbaasiyiinta oo u baahday in ay maalgashadaan dareenkan Carab-diidka ah si ay ugu jabiyaan xukunkii reer Bani Ummayah. Waxa uu isbahaysiga Cabbaasiyiinta iyo Shucuubiyiintu u ekaa ‘cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibkaa’.
Dhaqdhaqaaqani waxa uu kaalin udubdhexaad ah ka ciyaaray burburkii dawladdii Ummawiyiinta, iyaga oo gacan siiyay kacaankii Cabbaasiyiinta oo kolkii hore ku dagaalgalay in ay yihiin xigtadii Nabiga, se markii dambe ka takhallusay waxii Calawiyiin ah (tafiirtii Cali bin abi Daalib). Abu Muslim al Khuraasaani, hoggaamiyihii burjiga lahaa ee xukunka keenay reer Banii Cabbaas isla markaana soo afjaray xukunkii reer Bani Ummayah, ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah tiirarka siyaasadeed ee shucuubiyiinta. Waxa ay taariikhdu warisaa in, muddadii uu waday hawlgalladii Khuraasaan, uu layn jiray ciddii af Carbeed ku hadasha ama Carab ka soo jeedda. Waxa la sheegaa in hoggaamiyihii ololaha Cabbaasiyiinta, Ibraahiim ibnu Maxamed, uu ka oggolaa in dadkaas la laayo, isaga oo fiirsanaya danta ah in sirta ololehiisa aanay helin reer Bani Ummayah. Ma aha, keliya, Abu Muslim al Khuraasaani e, kacdoonkii ay Cabbaasiyiintu kula wareegeen xukunka Muslimiinta waxa ay cudduddiisu ahayd ummadihii Beershiya iyo badhtamaha Eeshiya ee, iyaga oo muslimiin noqday haddana utumaha u qabay sarreynta Carabta. Arrintaa waxa, in badan, isugu toosiyay aragtiyo ay faafiyeen Shiicada iyo Aalu Baytka laftoodu oo ahaa in dhaxalkii Nabi Maxamed laftiisa, NNKH, ay Carabi dhacday, sidaa awgeed aanay sarreynta carabnimo ee ay metalayaan reer Bani Ummayah lahayn sees diineed.
Cabbaasiyiinta laftoodu waa ay ku baraarugsanaayeen khatarta dareenka Carab-diidka ee ay garbihiisa saaran yihiin. Sidaa awgeed, markii ay sugeen jiritaankooda ee ay dhulka intiisa badan ka tirtireen reer Bani Ummayah, waxa ay Cabbaasiyiintu isugu geeyeen awooddooda in ay quwadjabiyaan kacdoonkaas awoodda keenay. Waxa ay dileen Abu Muslim al Khuraasaani, waxa ay damiyeen gadoodkii ciidankiisa waxana ay xakameeyeen dareenkii shucuubiga ahaa, iyaga oo adeegsanaya diin iyo seef.
Cadaadiskaa ka dib, waxa uu kacdoonkii shucuubiyiintu isu beddelay mid dhaqan iyo aqooneed. Waxa caanbaxay suugaanyahanno, faylasuufyo iyo wadaaddo ku caanbaaxay khilaafka dhaqankii diineed ee lagu bartay Carabta. Gabayo aan dhawrsi lahayn, fahanno diineed iyo aragtiyeed oo lagu suntay in ay leexsan yihiin, heer qofka shucuubiga ah ama dareenkaas xambaarsan lagu suntay in uu yahay ‘sindiiq’ oo ah eray Beershiyaan ah oo ka dhigan diinlaawe maaddaama oo ay shucuubiyiintu u badnaayeen Beershiyaanka. Casrigaa Cabbaasiyiinta waxa caanbaxay maansoyahanno ka mid ah kuwa ugu magaca dheer oo dhammaantood qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqa Carab-diidka ah. Waxa laga xusi karaa Bashaar bin Burdi, Abu Nuwaas, Abu Qaasim al Firdawsi, Cumar al Khayaam iyo kuwo kale oo astaan u noqday waayihii dhaqan-siyaasadeed ee casrigii Cabbaasiyiinta.
Dareenkan Carab-diidka ahi waxa uu ku faafay, waqtiyadii dambe, inta badan ummadihii aan Carabta ahayn sida Hindida, Turkida, Kurdida iyo shucuubtii Andalus, waxana ay gaadhay heer qofka Carbeed loo arko qof liita, jilicsan oo aan macne ku yeelan wax aan ahayn in uu Nabi Maxamed xigsado. Arrintan, iyo sababo kale oo maamulxumo iyo loollan gudeedba leh, awgeed, waxa ay awooddii Carabtu ku soo ururtay Baqdaad waxana dhulka intii kale la wareegay maamullo iyo awoodo ka baxsan Carabta oo isugu jira Beershiyaan, Turki, Hindi iyo Kurdi, waxaa la galay qarniyo badan oo aanay Carabtu xuddun u ahayn awoodda. Qabsashadii reer Yurub ee Dunida Muslimka ayaa qarnigii 19aad iyo horraantii qarnigii 20aad wiiqday dawladdihii ay dhiseen Muslimiinta aan Carabta ahayni. Waxa la odhan karaa gumeysgii reer Yurub iyo shidaalkii laga soo saaray dalalka Bariga Dhexe ee Carabta u badan ayaa mar labaad dib u soo celiyay ahmiyaddii Carabta ee qarniyada soo rifantay.