Sunday 16 November 2025
Laga bilaabo roboodadda wadasheekaysiga ee aynnu u adeegsanno nolosha maalinlaha ah, kuwa aynnu u adeegsanno hagidda iyo jihooyinka, ilaa kuwa kale ee aynnu u adeegsanno xasuusinta ballamaha, farsamooyinka cusub ee garaadka macmalka ahi waxa uu si deggan u beddelayaa nolosheenna maalinlaha ah. Sidaas oo ay tahay, lama odhan karo kacaankan farsamo waa mid gebi ahaan ammaan ah, oo aan wax dhib ah lahayn, sida dad badan oo adeegsadaa u maleeyaan in farsamadani ay saxartiran tahay, la iskuna hallayn karo. Dalal ay ka mid yihiin Shiinaha (83%), Indooniisiya (80%) iyo Taylaan (77%), inta u badan bulshadu waxa ay aaminsanyihiin in waxsoosaarrada iyo adeegyada garaadka macmalka ah uu waxtarkoodu ka badanyahay dhibaatadooda. Hase ahaatee, jiho werwer leh baa kasoo ifbaxday cilmibaadhisaha cilmu-nafsiga, oo ah in adeegsiga badan ee nidaamyada ku shaqeeya garaadka macmalka ahi uu marar la xidhiidhsami karo khalkhallada hummaageed (hallucinations), xaaladaha shakiga nafsadeed (Paranoia) iyo Khalkhal ku yimaadda ku baraarugsanaanta waaqica.
Walow aanu ahayn shaybaadh cilmi-nafsi oo la cuskan karo, haddana ereybixinta “waallida garaadka macmalka” waxa loo adeegsadaa in lagu sifeeyo xaalado ismoodsiis oo u eeg waallida, kuna salaysan xaalado laga qaaday garaadka macmalka ah. Si ka duwan waalliyaha kale ee nafsi ee soojireenka ahaa, oo inta badan la xidhiidha aaminaado aan jirin oo qofku wax dhalanteed ah ka aamino arwaaxda, xukuumadaha amaba aragtiyaha shirqool, hadda waallidani waa mid ku qotoma arrimo farsamo. Dadka qaar ayaa aaminaya in robooddada lala sheekaystaa ay adeegsanayaan farsamo ujeeddo gaar ah laga leeyahay, ama aaminaya in khawaarsimiyaadku ay la socdaan, amaba xitaa ay yihiin jirayaal dabeecadda jabiyey. Islafalgalladan ayaa adaykeynaya kala soocidda waaqaca iyo ismoodsiiska, adeegsiga dhijitaalkana u rogi kara tijaabo dhibaato leh.
Adeegsiga qalabyada kala duwan ee garaadka macmalka ahi, si kaste oo ay u waxtar badan yihiin, waxa ay keeni karaan xaalado dhimir oo muhiim ah sida khalkhaladda hummaageed, xaaladaha shaki iyo garab-marka waaqica, heer ay gaadhi karto waxa loo bixiyay waallida garaadka macmalka ah
Waa arrina aan inta badan sabab keliya lahayn, ee ka dhasha isla falgalka qaabsamayska farsamo, nugaylka qofka iyo arrimaha dhaqan ee qofku ku dhex noolyahay. Nidaamyadan badankooda waxa loo qaabeeyey hab xoojinaya in dadka adeegsanayaa la falgalaan, kuna dhiirrigelinaya in ay kusoo laablaabtaan, waana halka sawirashada khaldani ka bilaabmi karto. Farsoomiyinka qotodadheer ee loo adeegsaday asliddoodu, sidoo kale, waa farsamooyin sii kordhinaya isku dhawaynta ama isku qasidda waaqaca iyo mala’awaalka. Dhaqanka laftiisu saamayn weyn buu ku leeyahay fasirka farsamooyinkaas, xaaladaha walbahaar ee qofku hore ula noolaana, sida werwer, saska iyo ka go’a bulshadu, waa kuwo qofka ka dhigi kara mid khatarta u nugul, oo wixii afkaar madmadow ku jiro u ahaa, ayaa mushkilado caafimaadka nafta la xidhiidha noqonaya oo la arki karo.
“Waallida garaadka macmalka ahi” waa mid yeelan karta saamaynno bulsho iyo nafsi oo qotodheer. Dadka qaar ayaa la sameeya nidaamyadan xidhiidho caaddifadeed oo xooggan, una arkay inuu ugu jiro kaalinta hage ruuxi ah, waa kaalin uu ka qaatay xidhiidhadii aadame, kuna yareynayo iskuxidhnaantii bulsho, arrinkan oo sababaya gooni-socodka iyo kelinnimada oo sii bata. Saamayntu kuma koobna qofafka, ee sidoo kale waxa iman karta aaminaad ah in garaadka macmalka ahi halis yahay ama dhibaato weyn wato, arrinkan oo keeni kara in dadku dhinaca kale ka istaagaan, iskana caabbiyaan farsamooyin faa’ido u leh waxyaabo aasaasi ah, sida caafimaadka ama waxbarashada.
Waallida garaadka macmalka ah oo ah xaalado dhimir oo u eeg midda caadiga ah kuna saabsan hummaagyo iyo ismoodsiisyo la xidhiidha farsamada garaadkani waxa ay ka dhalataa isla falgalka qaabsameysanka farsamadan, nugeylka qofka iyo xaaladaha dhaqan ee uu ku soo koray waxana ay yeelan kartaa saameyn bulsho iyo nafsi oo weyn
Doodda ka taagan waallida garaadka macmalka ahi waa mid si weyn ula xidhiidha in garaadka macmalka ah loo adeegsado dhakhtar ahaan. Si kasta oo agabka la adeegsanayaa yahay, dadku waxa ay dareemayaan in ay baahi kooban u qabaan in ay kaalmo la talin weydiistaan dadkii caadiga ahaa. Arrinkani waxa uu hoos u dhigi karaa takoorkii qofku kala kulmi jiray dawaynta xaaladaha nafsi, waana la talin uu markasta helayo, se sidoo kale waa mid halis weyni ku gadaamantahay.
Waxa muhiim ah in qofku ogaado soohdinta adeegsiga garaadka macmalka ah, sababtoo ah nidaamyadani ma awoodaan in ay dareemaan murugada aadanaha, amaba dareennada sidaas ah ma fahmi karaan, ee keliya waa kuwo la damqashada qofka kusoo gudbinaya luuqad hore loogu borogaraamiyey. Marar bay talooyin aan habboonayn soo gudbin karaan; talooyin dhib leh, amaba xitaa ay khaldaan fasirka hadallada xasaasiga ah. Sidoo kale, maqnaanshaha habraacyada qaanuuniga ah ee adag ee nidaaminaya shaqada dhakhaatiirta cilmi-nafsiga ee aadamaha ah, waxa ay suurogal ka dhigaysaa kaydinta falgalladan ama u adeegsiga xogahaas khaldan tababaridda hannaano cusub, waana waxa cabsida ku keenaya khusuusiyaadkii dadka.
Cilmibaadhayaasha dareennadu waxa ay xusayaan in aynnu weli ku jirno bilawga casriga garaadka macmalka ah ee arrimaha bulshada, oo xitaa heer kooban oo si xun u adeegsi ahi uu ka tagi karo raad xun oo ballaadhan. Diraasad cusub oo lagu sameeyey labo kun oo qof, kooxda cilmibaadhistu waxa ay heleen natiijooyinkan:
Boqolkiiba labaatan (20%) dadku waxa ay aaminsanaayeen in aanay habboonayn in qof 18 jir ka yari adeegsado garaadka macmalka ah.
Boqolkiiba toddoba iyo konton (57%) dadku waxa tixgaliyeen in aanay habboonayn in garaadka macmalka ahi isku qeexo qof xaqiiqo ah.
Boqolkiiba sagaal iyo afartan (49%) dadku waxa ay taageereen in la adeegsado codad kuwa dadka u eg si la falgalidda garaadka macmalka ahi u noqoto mid soo jiidasho leh
Garaadka macmalka ahi waxa uu dadka qaar u horseedi karaa in ay caaddifad ahaan ula falgalaan oo ay u beddelaan xidhiidhadii bulsho, qaar kalena waxa ay u adeegsadaan kaalin daaweyneed oo iyana leh khataro mug weyn
Hadalka oo koobani waxa uu yahay, in garaadka macmalka ah marka lagu adeegsado ka fiirsasho lana hoos geeyo korjoogtayn aadame, ay suurogal tahay in uu noqdo agab waxtar leh, si kastoo khatarahani u jiraan. Waxa uu suurogalinayaa inuu kaalin ka gaysto waxqabadyada ay ka mid yihiin diwaangalinta xogaha, u kuurgalidda xaaladaha dareen iyo xasuusinta. Sidoo kale, dhakhaatiirta cilmi-nafsigu waxa ay u adeegsan karaan adeegyada qiimaynta horumarka bukaanku ku sameeyey fadhiyada la-talineed ee kala duwan, abla’ablaynta xogahooda iyo soojeedinta habab kala duwan oo dawayneed.