Thursday 5 March 2026
Mafhuumka “qaxoontigu” waa qodob ay si aad ah isugu maandhaafsanyihiin siyaasadaha caalamiga ah, aqoonsiyada dhaqan iyo digarogashada juquraafiyadeed ee qaxa qasabka ahi keeno. Inta badan, sheekooyinka laga maqlo xarumaha cilmbaadhisaha iyo warbaahintu waxa ay si siman ugu janjeedhaan in qofka qaxoontiga ah laga dhigo jire la duudsiyey, muwaaddinnimo aan dhammaystirnayn leh, oo ka dabran la falgalka dadka iyo maamulka uu u qaxay. Sheekooyinkan badanaa ma soo bandhigaan kaalinta bulsho ee qaxoontiga iyo in uu yahay qof go’aan leh. Inta badan tijaabada qaxa waxa laga soo qaataa silica iyo kadeedka qofku ka maro qaxaas iyo sugitaanka dib-u-dejin, iyadoo hoos loo dhigayo isbeddellada qotoda dheer ee ay dadka qaxoontiga ahi dib noloshooda ugu abuuraan qurbaha, dib u qaabaynna ugu sameeyaan dhaqamadooda iyo xidhiidhka kala dhexeeya goobaha kala duwan.
Dhinaca kale se, waxa labaatankii sanno ee u dambeeyey soo ifbaxay habab kale oo isku dayay in laga gudbo fahankaas aan qotodadheerayn ee qaxa iyo qaxoontiga, hababkan oo iftiimiya, soona bandhiga, kaalinta maalinlaha ah ee qaxoontiga, awoodda qaxoontigu u leeyahay in ay istiraatiijiyad ku guuraan iyo samaynta shabakado qotodheer oo ah xidhiidho bulsho, dhaqaale iyo diineed oo xuduudaha ka tallaaba. Hababkan waxa ka soo dhexbaxaya fekradda “qaxoontiga kosmobolitaanka ah”, oo ah mafhuum aragti iyo gorfayn ku salaysan. Waa mafhuum raba in dib loogu noqdo fekerka qaxa laga haysto, oo halkii loo arki lahaa dad filqamay iyo xaalad bulsho haleeshay, qaxoontigana loo arki lahaa dad aan saamayn yeelanayn kol haddiiba ay ka qaxeen hoygoodii dhaqanka, waxa uu keenayaa in qaxa loo arko habnololeed dunida ka jira, oo qofka ku khasba in uu isla falgaliyo meeshii uu kasoo qaxay iyo meesha uu yimi, isku milo dhaqankiisii iyo isbeddelka cusub, oo uu iswaafajiyo waxa uu ku khasbanaaday ee uu qaxu baday iyo waxa uu doorashada u haysto.
Qaxoontiga kosmobolotaaniga ahi waa mafhuum ka soo dhexbaxay isla falgalka diraasadaha socdaalka, antaraboolajiga magaalawga iyo aragtida kosmobolotaaniga. Kosmobolataanigu, soojireen ahaan, waa qof si iskii ah u doortay in uu dunida wareego, afaf badan barto oo dhaqamo kala duwan la qabsado, markaasna caalamiyooba, oo aan dalalka, dhaqamada iyo afafkaasi kala xigin, se markan qaxoontiga kosmobolotaaniga ahi waa qof qaxu ku khasbay in uu nolol ka dhex samaysto dalalka uu isaga gudbay, qaxuna ka reebin dhaqankii iyo aqoonsigiisii, se meesha uu ku hakadaba is waafajiyo dhaxalka uu wato iyo habnololeedka cusub ee uu soo dhexgalay.
Habraacan cusub innaga oo wax ka eegayna, dumarka qaxoontiga ahi waa udubdhexaad, oo keliya ma aha dadka u badan ee qaxa, ee sidoo kale waa qofka dib u dhiska bulshada qaxday kaalinta u weyn leh, kuna khasban ka tallaabsiga dabarrada jinsi iyo dhaqan ee ay sida siman ugu khasbaan bulshada ay u qaxday iyo dadkii ay ka timidba.
Iyada oo ay kordhayso tirada dumarka u qaxa magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan gudaha qaaradda Afrika, waxa soo baxaysa baahida loo qabo diraasado qotodheer oo ka fog sawirka soo jireenka ah, se beddelka, u dhow khibradda dhabta ah ee dumarkaas qaxoontiga ahi ka helaan qaxa. Kolkan, mafhuumkii “qaxoontiga kosmobolitaaniga ahi” waxa uu diiradda saarayaa mashruuc gorfayneed oo ballaadhan, oo ah dib ugu noqoshada sheekooyinka, nolosha maalinlaha ah iyo xeerarka aan muuqan ee qurbaha ee dumarkaasi noloshooda ku dhex wataan. Marka xagashan wax laga eegayo, magaaladu keliya maaha meesha gabadha qaxoontiga ahi ku nasatay ee ay diiftii qaxa kaga gabbatay, se waa meel ay nolosheeda ku wadato, dhaqankeeda ku ilaashanayso, hal’abuur cusubna ay la timi.
Buugga “Dumarka Qaxoontiga Kosmobolitaanka ah: Dumarka Soomaaliyeed ee Qaxoontiga ku ah Nayroobi iyo Johanisbeeg”, oo ay Nereida Ripero-Muniz soo saartay sannadkii 2023, waa buug qayb laxaad leh ka qaadanaya dib u qaabaynta soohdimaha doodda ku saabsan qaxa, socdaalka iyo kaalinta dumarka. Buuggu kuma koobsanayo soo bandhigidda xaaladaha iyo waaqica ay ku noolyihiiin dumarka Soomaalida ee qaxoontiga ahi, se taas beddelkeeda waxa uu xoogga saarayaa in dumarka laftooda la dhegaysto, waxaanu soo bandhigayaa sida ay noloshooda iyo dhaqanka ay la qaxeen dib ugu yabyabaan goobahaas cusub, ula falgalaan bulshooyinka magaalooyinkaas ee kala duwan, dibna isugu qaabeeyaan.
Buuggu waxa uu ku bilaabmayaa sheeko saamayn leh: waa gabadh Soomaaliyeed oo sharraxaysa in xidhashada niqaabku keliya aanay ka ahayn gudasho diineed, se sidoo kale ay isku qariso, nafteedana ku ilaaliso. Sheekadan gogoldhigga ahi waa seeska buugga, oo ah in aan fasirka dhaqan ee aan qotodadheerayn lagu koobsan, se waaqica iyo xaaladwarranka qofkana la dhegaysto. Waxa muuqata in ujeedka qoraagu aanu ahayn in ay keliya soo bandhigto sheekooyin cusub oo dumarkaas Soomaalida ah ku saabsan, se sidoo kalena uu yahay furfuridda iyo lafagurka sawirka iyo fasirka soo jireenka ee halka qaab uun loo tebiyo, lana soo bandhigo sawir intaas ka qotodheer oo ku saabsan sida dumarkani nolosha u wataan.
Waa buug la falgalaya waaqica dhabta ah ee dumarka Soomaaliyeed ee qaxoontiga ah, oo iyaga oo magaalooyin cusub iyo nolol cusub u soo qaxay, haddana weli si adag ugu xidhan shabakadahooda dhaqan iyo diineed. Buuggu dumarkan qaxoontiga ah kama soo qaadayo dad, kol haddii ay hoygoodii dhaqan iyo diineed ka soo qaxeen, noqday sidii geed xididdada loo siibay oo halkaas ku qaadhay, se taas beddelkeeda waxa uu u arkaa dad kaalin leh, oo ku xididdaysanaya deegaanka cusub iyagoo raacaya habab u gaar ah oo maalinle ah, degaamaynayana dhaqankooda, laga bilaabo qaab xidhashada dharka ilaa figta u sarraysa ee ah aqoonsigooda bulsho iyo abtirsigooda dhuleed.
Cinwaanka buugga ee ah “Dumarka Qaxoontiga Kosmobolitaanka ah” waxa uu dusha uga muuqdaa mid is burinaya, se waa mid si badheedh ah loo adeegsaday, si meesha looga saaro ereyada lammaanaysan, waxbana aanay ka dhaxayn ee qaxa iyo deggenaanshaha, dhibbanaha iyo dambiilaha. Nereida Ripero-Muniz waxa ay tilmaamaysaa sida dumarka Soomaaliyeed u ilaashadaan dhaqankooda, isla jeerkaasna u halabuuraan hab-nololeedyo cusub oo degaamaysan, sida xinnaha lagu mariyo goobaha qurxinta dumarka, xaadiridda goobaha cibaadada iyo hal-abuuridda qaab adeegsi cusub oo baraha bulshada ah. Halkii awal kosmobolotaanigu uu ka ahaa qof iskii u tamashlaynaya, oo goobo iyo dhaqanno cusub tijaabiya, markan waa hab dantu khasabtay oo qofka dani bidday, jiraalkiisana uu ku ilaashanayo, waana qaab ka mid ah qaababka dib isku dhiska, si loo waajaho caqabadaha goobta iyo bulshada cusub.
Aragtadani waxa ay si xooggan u soo baxaysaa marka la gaadho cutubyada buugga ee ka sheekaynaya sida xaafadaha Islii iyo Mayfair, ee ku kala yaalla Nayroobi iyo Johanisbeeg, isugu beddelayaan Muqdisho yar. Macnaha waa xaafado Soomaaliyeed oo qurbe ku yaalla, oo sida ay dalkii uga fogyihiin aanay ka tarjumayn isku xidhnaanta bulsho, dhaqan iyo dhaqaale ee Soomaalida. Nereida Ripero-Muniz, waxa ay u kuurgalaysaa sida dumarka Soomaaliyeed uga qayb qaataan samaynta dhaqaalaha maxalliga ah, iyagoo abuura mashaariic ganacsi oo yaryar, iyo abuuridda dhaqanno deegaamaysan, sida suuqyo, goobaha qurxinta, hudheellada cuntada iyo goobaha cibaadada. Xogahan warbixino-dhaqameedka ah, waxa si qayaxan uga muujismaya in dumarka Soomaaliyeed magaalooyinkaas keliya aanay ku noolayn, se sidoo kale kaalin ku leeyihiin dib-u-qaabayntooda iyo kobacooda. Waa wax ka dhigan in aanay dumarkaasi meeshaas ku ahayn socoto mar uun ka gudbi doona, se joogitaankooda ka dhalinaya door bulsheed oo muuqda, oo ah qodob hodminaya fasiraadaha antaraboolijga magaalawgu ka bixiyo degaamaynta dhaqanka iyo qaabaynta qurbaha.
Buuggu, waxa uu figta gorfayntiisa gaadhayaa cutubka shanaad, oo ay qoraagu xoogga saarayso kaalinta iyo kartida dumarka Soomaaliyeed, iyada oo deeddifaynaysa ereybixinaha la lammaaneeyo ee aanay waxba ka dhaxayn ee ah gabadh dhibbane ah iyo gabadh xorowday, ee uu dejiyey habraaca leebaraaliga ahi. Taas beddelkeeda, waxa ay sawiraysaa sawirka dumar dhex guurguuraya shabakadda kakan ee xuduudda dhaqan, diineed iyo dhaqan, oo caqabado kasta oo jira, haddana go’aanno wax-ku-ool ah gaadha, kaalinna ku leh, sida guurka xuduudaha ka tallawsan, maamulka shaqada iyo qaadidda masuuliyadda qoyska filiqsan.
Mid ka mid ah qodobbada saamaynta leh ee cutubkan ku jiraa waa “buufiska” oo ah ereybixin Soomaali ah oo ka tarjumaysa xaaladda u hilawga daran iyo u wajaqa socdaal iyo qurbe aan qofka u hirgalin. Nereida Ripero-Muniz waxa ay muujinaysaa in qodobkani keliya aanu ka tarjumayn rabitaanka qurbe iyo socdaal, ee uu yahay safmar caaddifadeed oo ballaadhan oo qofka ku kulmiya ka werwerka riyada uu leeayahay iyo waaqica uu ku dabranyahay, iyo yididdiilada iyo hungawga isla falgashan. Aragtiyeynta buufisku waxa uu albaab u furayaa in si qotodheer loo fahmo dareennada la xidhiidha tahriibta iyo socdaalka.
Habraaca buuggu waxa uu la goonni yahay furfurnaan iyo aqbalidda kala duwanaanshaha. Nereida Ripero-Muniz waxa ay isla falgalinaysaa warbixin-dhaqameedka soojireenka ah iyo gorfaynta sheekada dhabta ah, oo ah waxa cilmibaadhisteeda qotodheeraynaya ee xoojinaya. Qoraagu kuma gaabsanayso soo ururinta xog, ee waxa ay wax iska wayddiinaysaa seeska dhaqan samaynta, iyada oo weliba ah cilmibaadhe reer Galbeed oo caddaan ah, oo la shaqaynaysa bulsho Afrikaan oo Muslim ah, oo badanka sheekooyinka laga sheegaa aanay xaqiiqada abbaarin.
Qoraagu waxa ay ka duulaysaa mawqif dheddigeed oo kasoo horjeeda gumeysiga, oo bannaanka keenaya isdiiddooyinka anshax iyo aqooneed ee ku lammaan warbixin-dhaqameedyada duudsiya qaxa iyo kaalinta qaxoontiga. Habraacan iyada oo ku socota, waxa ay qoraagu isu miisaamaysaa laba tiir oo manhaj u ah kuwaas oo kala ah 1) sheekooyinka qofku iskaga hadlayo, oo dumarka xaq u siinaya in ay luuqaddooda isku cabbiraan, 2) warbixin-dhaqameed wadasheekaysi ku dhisan, oo aan dumarka wax uun laga qorayn, ee wax la la qorayo, iyada oo wax kasta la la wadaagayo, sida la sheekaysi, dhegaysasho iyo dhugasho.
Dhinaca tebinta iyo hirgalinta diraasaddan waxa ay kaga dayanaysaa Judith Butler, la sheekaysigana waxa ay kaga dayanaysaa Bakhtin, si ay u caddayso in aanu aqoonsiga dhaqan ahayn wax hal meel taagan, se uu yahay dhisme bulsho oo isbedbeddela, kuna kulmaan diinta, jinsiga iyo abtirsigu. Dharka, afka, gudashada diinta iyo baraha bulshada, sida Facebook iyo TikTok, waxa ay kaalin weyn kaga jiraan qaabaynta aqoonsiga-dhaqan ee dumarka Soomaalida ah ee qurbaha u qaxay. Xijaabku waxa uu soo gudbinayaa summad diineed iyo qaab bulshadu isku cabbirayso, sidaas darteed xaafadaha Islii iyo Mayfair waxa ay isku beddelayaan goobo dhaqan cusubi ku soo biiray oo uu kaalintiisa leeyahay, se ma aha goobo dumarkaasi ku hakadaan, kana gudbaan iyagoon saamayn iyo soo ifbixinta dhaqan cusub kaga tagin.
Buuggu waxa uu qaab jaadgoonni ah uga qaybqaadanayaa diraasadaha qurbaha, isagoo ka eegaya xagal dheddig oo waxyaabo badani ku kulmaan. Waxa uu iftiiminayaa sida dumarkaasi kaalin muuqata u leeyihiin iyagoo ku xidhan dhaqan uu dabar u yahay soo jeedinta labka iyo beeluhu. Walow buugga meelaha qaar fiirogaar ah laga bixin karo, sida cufnaanta soo bandhigidda aragtiyaha iyo hoos u dhigidda gorfaynta kala sarraynta dabaqadaha, haddana heerka gorfayntiisu waa mid aad u sarreeya, gaar ahaan sida uu xoogga u saarayo guurguurka qaarada Afrika dhexdeeda iyo dib ugu noqoshada fekerka laga haysto kaalinta dumarka.
Mafhuumka buufiska waxa uu xagal dihin ku soo darayaa diraasadaha caaddifadda la xidhiidha socdaalka, isagoo iftiiminaya dareennada isla falgashan ee yididdiilada iyo werwerka ah. Sidoo kale buuggu waxa uu ictimaadayaa warbixin-dhaqameedka wadaagga ah, ee kulminaysa sheeko tebinta, u kuurgalka iyo hababka nolosha loo wato, welibana ku dhex gorfaynaya habraac anshax leh oo aan gumeysi ahayn.
Buuggu, waxa uu diidayaa ereyada lammaanaha ah ee aan waxba laga dhaxaysiin, sida qaxoonti/muwaaddin ama dhibbane/qof kaalin leh, si uu u soo bandhigo sawir isla falgashan oo muujinaya kaalinta iyo firfircoonida dumarka qurbaha u qaxay. Waa waxsoosaar aragtiyeed oo manhaj ku salaysan, dibna u qaabaynaya fahanka aynnu ka haysanno socdaalka, qaxa, aqoonsiga bulsho iyo magaalada la la falgalayo, isagoo innaga tusaya xagal ku salaysan nolosha maalinlaha ah.