Skip to main content

Friday 14 February 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Kaalinta Carabtu ku Leedahay Sooyaalka Soomaalida: Gorfaynta Hindisaha Cali Xirsi

24 January, 2025
Image
geeska cover
Share
Dedaallada madasha Geesku ugu jirto in ay iftiimin aqoonaysan ku samayso Geeska Afrika awgood, madashu waxa ay diyaarisay taxane buugag cilmi, suugaan iyo sooyaalba leh oo muhiimad gaar ah u leh gobolka. Tani waa qaybtii koowaad ee taxanahan, waxaanannu ku gorfaynaynaa qoraal aan la daabicin se lagu diyaariyey PhD, oo uu sameeyey Cali Xirsi, cinwaankiisana uu yahay “Kaalinta Carabtu ku Leedahay Sooyaalka Soomaalida”. Qoraalkan waxa laga dooday, PhD-na lagu guddoonsiiyey Cali sannadkii 1977-kii.
Hordhac: fahanka saamaynaha dhaqan 

Xidhiidhka Carabta iyo Soomaalida ka dhexeeyaa waxa uu muunad tayo sare leh u yahay isla falgalka dhaqan iyo sooyaal ee aadka u xeesha dheer, iskuna dhafan. Isku dhafanka dhaqanka marka aynnu ka hadlayno, waxa aynnu tilmaamaynaa mabda’ cilmi-bulsheed oo uu bedka keenay Edgar Morin, oo tilmaamaya in fahanka dunida loo maro qeexitaanka isla falgalkiisa, isdhexgalka iyo isku dhafsanaanta, se aan lagu fahmi karin soo qaadashada xeerar fudud oo aan bixinayn fasiraad qotodheer. Si qaddiyad cayiman loo fahmo waxa ay u baahantahay in la abla’ableeyo la falgalkeeda arrimo kale iyo dhaqamo kale, se laguma fahmi karo in goonnideeda loo diraaseeyo. Innaga oo halbeeggan sidanna, waa in aynnu xidhiidhka Carabta iyo Soomaalida u diraasayno qaabkan. Si aynnu uga gungaadhno lafagurkaas, waxa habboon in aynnu soo qaadanno mid ka mid ah cilmibaadhasaha jaamacadeed ee hindisaha cusub bedka keentay, oo uu diyaariyey Cali Xirsi, si uu jaamacadda Kalifoorniya uga qaato shahaadada PhD-ga. 

Cali Xirsi waxa uu u kuurgalayaa awoodaha saamaynta ku yeeshay xidhiidhka Carabta iyo Soomaalida, waxaanu keenayaa hindise cusub oo burinaysa fasiraadihii hore ee sar-ka-xaadiska ahaa, Soomaaliyana gebi ahaanba ka dhigaysay keliya meel dhaqanka Carbeed iyo Islaamku ku fiday. Si ka duwan odhaahahan soo jireenka ah, Cali Xirsi waxa uu aaminsanyahay in xidhiidhka Soomaalida iyo Carabtu ku dhisnaa wax isdhaafsi iyo isla falgal, waana sababta hindasihiisa ka dhigaysa albaab cusub oo loo maro fahanka xidhiidhkan. 

 Waaqica siyaasadeed ee hadda jiraa waxa uu dib u qaabayn ku sameeyey xidiidhkan soo jireenka ahaa, waxaanu gundhig uga dhigay iswaydaarsiga danaha iyo ka shaqaynta caqabadaha laga midaysanyahay. Waxa is weydiin mudan in isla falgalkii uu hore Cali Xirsi ugu tilmaamay xidhiidhka soo jireenka ah ee Carabta iyo Soomaalida in uu weli jiro, iyo in xidhiidhkani isu beddelay xidhiidh danowadaag ah oo u hoggaansan awoodihii hore ee saamaynta ku lahaa xidhiidhkaas hore. 

Ku biiritaankii Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta 1974-kii waxa uu ka dhignaa dhigaal lagu dammaanad qaadayo sii jiritaanka xidhiidhada dhaqan iyo diineed. Xidhiidhkii Carabta iyo Soomaalidu intaas ka dib waxa ku dhacay isbeddello cusub oo ay saamayn ku leeyihiin siyaasadda iyo dhaqaaluhu. 

Islafalgalka dhaqamada iyo aqoonsiyada bulsho

Cali Xirsi waxa uu cilmibaadhistiisa ku xusayaa in ujeeddada gundhigga u ahi tahay dabagalka iyo lafaguridda jidkii xidhiidhka Carabta iyo Soomaalidu soo maray muddo aad u fog, isaga oo abla’ablaynaya saamaynihii kala duwanaa ee soo bilaabmay xilliyo Islaamka ka hor ah, ilaa haddana sii jira. Inkasta oo cilmibaadhisaha iyo qoraallada mawduucan ku saabsani badanyihiin, se waxa gaar ah in aanu Cali Xirsi cilmibaadhistiisa xoogga saarayn lafaguridda socdaalladii Carabtu ku yimaaddeen dhulalka Soomaalida, isaga oo si badhaxtiran xagal dimuqaraafi ka eegaya. Sidaas cagsigeeda, waxa uu soo gudbinayaa gorfayn cusub oo uu dib ugu milicsanayo saamaynta xidhiidhkan soo jireenka aha, isaga oo diiradda saaraya dhinacyada kala duwan ee saamayntaasi gaadhay sida dhaqanka iyo diinta. Si ka duwan cilmibaadhiso hore oo xoojinayey sheegashada ah in socdaalladii Carabtu tiro ahaan kordhiyeen dadka dhulalka Soomaalida dega, Cali waxa uu kasoo horjeedaa sheegashada aan qotoda dheerayn ee xidhiidhka ka dhexaysiiya socdaalladii Carabta iyo korodhkii tiro ee dadka Soomaalida iyo kobocii dhaqan. 

Qoraagu waxa uu soo bandhigayaa sida xidhiidhka Soomaalida iyo Carabtu u ahaa mid isku dhafan oo isdhexgal weyn sameeyey, saamayntana hal dhinac lagu koobi karin. In kasta oo uu Islaamku ahaa midka kaalinta ugu weyn ku yeeshay qaabaynta summadda dhaqanka iyo diinta ee Soomaalida, haddana ma ahayn waxa kaliya ee saamaynta leh, se waxa hortii jiray is dhexgal bulsho iyo awoodo hore oo dhaqan, saamaynna ku lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada dhinac. Sidaas darteed, halkii kaalinta Carabta loo arki lahaa duullaan dhaqan oo hal dhinac ah, cilmibaadhistani waxa ay soo gudbinaysaa isdhexgalka iyo isla falgalka dhaqamada Carabta iyo Soomaalida, oo ah qodob dheellitiraya xidhiidhka ka dhex jira labada dhinac.

Cali Xirsi waxa uu gorfayntiisa cusub meesha kaga saarayaa sheegasho hore u jirtay oo si aan qotodheerayn xidhiidhka Carabta iyo Soomaalida ugu soo koobi jirtay saamayn dibadeed oo dadka Carabta ahi ku lahaayeen bulshada Soomaalida, se aanay Soomaalidu wax isdhexgal dhaqan ah la lahayn dhinaca kale. Dooddiisan ah in labada dhinacba; Soomaalida iyo Carabtu, saamayn isku lahaayeen, dhaqanno isku dhafanna meesha ka jireen, waxa ay xoojinaysaa in labada bulsho wada yeesheen summado isku dhafan oo isku milmay lana wadaago, si loo fahmo summaddaas na aan hal dhinac laga eegi karin. 

Cilmibaadhista Cali Xirsi waa sagaal cutub, oo uu mid kastaba xagal muhiim ah ka istaagayo xidhiidhadii isku dhafnaa ee Carabta iyo Soomaalida. Cutubka koowaad waxa uu ku bilaabmayaa soo bandhigidda milicsi guud oo dhaqanka Soomaaliyeed ee xilligan ah, waxaanu diiradda saarayaa saamaynaha Carabtu ku yeelatay. Cutubka labaad waxa uu dib ugu laabanayaa qarniyo hore si uu diiradda mar kale u saaro xidhiidhadii caalamiga ahaa ee Geeska Afrika Islaamka ka hor, waxaanu gogoldhig uga dhigayaa ka sheekaynta xidhiidhadii Carabta iyo Soomaalida oo xilliyadaas wixii ka dambeeyey bilaabmay. Cutubyada saddexaad ilaa lixaadna, waxa uu qaadaadhigayaa socdaalladii Carabta iyo bulshooyinka kale ee kasoo socdaalayey koonfur-galbeed Eeshiya, imanayeyna Somaliland. Waxa kale oo uu ka warramayaa sidii ISlaamku ugu dhex faafay bulshada Soomaalida. Waxa kale oo uu garabwadaa iftiiminta saamayntii ganacsatadii Carbeed iyo Carabta deegaamaysmaysay ku lahaayeen dhaqanka Soomaalida. Cutubka toddobaad waxa uu ku gorfaynayaa xilli saamaynta Carabta ee gobolku hoos u dhacday oo ah intii u dhaxaysay 1500 ilaa 1800, waana xilli gumaysi iyo dawlado kale yimaaddeen dhulalka Soomaalida, sida Burtaqiiskii iyo Cusmaaniyiintii. Cutubka siddeedaad waxa uu u banbaxayaa xilligii gumaysiga, waxaanu iftiiminayaa sida Islaamka iyo qoomiyadda Soomaalinnimadu uga qaybqaateen cusboonaysiinta xidhiidhadii dhaqan iyo siyaasadeed ee lala lahaa dunida Carabta. Ugu dambayn waxa uu gorfaynayaa natiijooyinka kasoo baxay cilmibaadhistiisa. 

Cali Xirsi waxa uu cilmibaadhistiisa ku cuskaday ilo kala duwan, waxaanu adeegsaday ilo sooyaal oo kala wakhtiyo ah, oo isugu jira buugag jiquraafi iyo taariikh ay qoreen Carabtii qarniyadii dhexe iyo hadallada dadku afka isugu weriyo ee Soomaalida. Waxa kale oo uu adeegsaday ilo kale, sida raadadka hore iyo abla’ablaynta luuqadaha. Walow uu ilo kala duwan adeegsaday, haddana qoraagu waxa uu qiray in ilaha xogta uu rabay ku yaraadeen, sababta u weynina tahay in aan Soomaalidu sooyaal qoran oo badan lahayn, farta Soomaaligana la qorayba 1972-kii. 

Sidee socdaalladii Carabtu u qaabeeyeen habdhaqanka cusub ee Soomaalida?

Cali Xirsi waxa uu aaminsanyahay in socdaallada Carabtu ku iman jireen dhulalka Soomaalidu koobnaayeen, badankana ku koobnaayeen deegaannada xeebaha, hase ahaatee ay saamayn weyn socdaalladaas koobani kaga tagee dhaqanka iyo diintaba. Socdaalladani may ahayn socdaallo aan saamayn weyn yeelan oo dadku uun isku gudbaan, se waa socdaallo qaabeeyey dhismaha xaddaarad dadka isla falgelisay, oo isku lammaanaysay dunida Carabta oo dhaqankii Islaamka wata iyo Soomaalida oo dhaqankii Afrika metelaya. Dad badan oo Carab ahi dhulka ma iman, saamaynta xidhiidhkani yeeshayna kuma iman tiro badan oo deegaannada soo gaadhay. Tani waxa ay caddaynaysaa in saamaynta dhaqamo isku yeeshaan ku xidhnayn tiro badan oo meel degta. Islaamku waxa uu dib u qaabeeyey dhaqankii Soomaalida iyo aqoonsigii bulsho, waxaanu ka mid noqday summadda bulshadu leedahay. 

Muddo ka dib, gaar ahaan qarniyadii 19aad iyo 20aad, baraaruggii Islaamiga ahaa iyo saamayntii gumaysigu waxa ay kaalin ka qaateen soo noolaynta xidhiidhka Carabta iyo Soomaalida. Ka dib markii Soomaaliya ku biirtay Jaamacadda Carabtana, xidhiidhadii hore u jiray ee Carabta iyo Soomaalidu waxa ay yeesheen weji cusub oo xilligan casriga ah la jaanqaada. 

Gunaanad: Soomaalida iyo hirdanka dhaqamada 

Cilmibaadhista Cali Xirsi waa diraasad gundhig u ah iftiiminta xidhiidhadii taariikhiga ahaa ee Carabta iyo Soomaalida, waana diraasad bayaamisay kaalintii dhinac walbaa ku lahaa dhinaca kale. Sida diraasaddiisa ku cad, socdaalladii Carabtu ku yimaaddeen dhulalka Soomaalidu ma aha dhaqamo keliya Soomaalida ku fiday sidaasna ku saameeyey, se waa socdaallo sameeyey xidhiidho labada dhinac ah oo dhinac waliba saamayntiisa leeyahay. Xirsi waxa uu sidoo kale ku baaqayaa in la sameeyo cilmibaadhis ka qotodheer intan oo Afrika oo dhan dhinac laga dhigi karo, iyada oo Soomaalida afaaf u tahay Afrika, oo ay degaan dhul ay ku kulmaan dhaqanka Afrika iyo Carabtu. 

Dhabnimada abla’ablayntiisan waxa xoojinaya in uu adeegsaday ilo badan oo taariikheed, oo ay ka mid yihiin buugag Carabtii qarniyadii dhexe qoreen iyo qoraallada sahamiyayaashii Yurubiyaanka ahaa ka tageen, waxa kale oo u dheer in uu adeegsaday xogaha afka la isugu gudbiyo ee Soomaalida. 

Ugu dambayn, muran kuma jiro in qoraallo badan laga sameeyey xidhiidhka Carabta iyo Soomaalida, waana suurogal in aragtiyo kala duwan oo xidhiidhkan ku saabsan soo gudbiyeen, iyaga oo isku dayey in ay qeexaan waxyaabaha saamaynta ku lahaa samaysanka aqoonsiga bulsho ee Soomaaliyeed. Diraasada Cali Xirsi waxa ay xoogga saaraysaa dhinaca xidhiidhada dhaqanka iyo diinta, waxaanu ku doodayaa in bulshada Soomaalidu aqoonsi ahaan madaxbannaanaayeen.  Qoraayo kale, sida David D. Laitin iyo Siciid Sheekh Samatar ayaa buuggooda “Soomaaliya: Qaran Dawladraadis ah”, waxa ay ku doodeen in xidhiidhka Carabtu ee diineed saamayn ku yeeshay dhinacyada siyaasadda iyo aqoonsiga bulsho ee Soomaalida. Qoraaga kale ee Cali Jimcaale. Buuggiisa “Sooyaalka Soomaalida iyo Islaamka” waxa uu keenayaa gorfayn kale oo muhiim ah, waxaanu ku doodayaa in dhaqanka iyo aqoonsiga bulsho ee Soomaalidu ahayn wax si fudud uga samaysmay saamayntii Carabta, se ay isla falgaleen dhaqankii Afrikaannimo ee ay hore usii haysteen bulshadu iyo diinta iyo dhaqanka cusub ee Carabtu keeneen. 

Qoraallada kale ee qoraaga