Skip to main content

Saturday 13 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Kaadsi Dheer ka Dib, Xuutiyiinta Ayaa Galay Dagaalka Bariga Dhexe

28 March, 2026
Image
Yaxya Sariic, afhayeenka milatari ee kooxda Xuutiyiinta Yemen.
Yaxya Sariic, afhayeenka kooxda Xuutiyiinta Yemen.
Share

Iyada oo uu bishii labaad galayo dagaalka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil oo isku dhan ah iyo dalka Iiraan, Ururka Xuutiyiinta Yemen oo isbahaysi la ah Iiraan ayaa u muuqda in uu u tallaabsaday dhanka ku biiridda dagaalka, waxana ay markii u horreysay gantaal ku rideen Israa’iil, sida ay tabisay Reuters. Tallaabadan ayaa timid maalin qudha ka dib markii uu hanjabaad hawada mariyay afhayeenka kooxda Xuutiyiinta, Yaxye Sariic, oo uu ku sheegay in ay dagaalka soo gali doonaan, isla markaana xidhi doonaan marinka Baabal Mendab, haddii ay dalal cusub ku soo biiraan weerarka ay Maraykanka iyo Israa’iil ku hayaan dalka Iiraan, ama uu dagaalku u gudbo weji hore leh oo sii ballaadho. Waxa ay Xuutiyiintu sheegeen in ay weerarkan u qaadeen hadda si ay uga jawaabaan burburinta kaabeyaasha ee ay Israa’iil iyo Maraykanku ku wadaan dalalka Iiraan, Ciraaq iyo Lubnaan.

Xuutiyiinta Yemen oo ka mid ah ururrada Bariga Dhexe ee lagu tilmaamo wakiillada Iiraan ee Gobolka ayaa hore uga qaybqaatay dagaalkii Qasa, iyaga oo si joogto ah gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ugu weerari jiray Israa’iil, isla markaana isku dayay in ay xidhaan marinka muhiimka ah ee Baabal Mendab, arrintaas oo keentay in ay Maraykanka iyo Israa’iilna weerarro xooggan ku qaadaan Yemen.

Dagaalkan hadda ayaa ay Xuutiyiintu u muuqdeen koox is gamaarinaysa oo aan wax dhaqdhaqaaq ciidan ah samaeyn muddo bil ah oo uu gulufku socday, waxa ay se u muuqataa in ay Iiraan u isticmaalaysay cadaadis kayd u ah oo u shaqeyn kara haddii uu dagaalku sii fido. Iiraan oo si rasmi ah u xidhay marinka Hurmus oo ay maraan 20% shixnadaha shidaalka ee dunida, ayaa dhawaan ku hanjabtay in ay, sidoo kale, xidhi doonto Baabal Mendab oo ah marin-biyood kale oo halbawle u ah dhaqaaleha iyo ganacsiga adduunka.

Tallaabada ay Xuutiyiintu qaadeen ayaa ballaadhinaysa dagaalka Bariga Dhexe waxana ay dib u soo celinaysaa qalalaasihii Baabal Mendab, arrintaas oo sii cakiri doonta dhaqaalaha dunida iyo isu socodka ganacsiga. Haddii ay sii socdaan weerarrada Xuutiyiintu, waxa ay colaadda Bariga Dhexe culeys cusub oo hor leh saaraysaa dalalka saaran Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Waxa aan, sidoo kale, la saadaalin karin in Xuutiyiinta iyo Iiraan ay aaggan u adeegsan doonaan isla istiraatiijiyadda ballaadhinta saameynta colaadda ee ay hadda Iiraan ka waddo Gacanka Beershiya/Carabta halkaas oo ay si joogto ah gantaallo iyo daroonno ugu weerarayso kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalalka Gacankaas. Haddii ay isla tallaabadaas fidiyaan, waxa weerarradan khatar ugu jira dekedaha Jabbuuti, Berbera iyo kuwa Soomaaliya ee saarayn Gacanka iyo badweynta Hindiya, kuwaas oo ah kaabeyaal soo jiidasho u leh weerarrada khalkhal galinta ah ee ay wadaaan Iiraan iyo xulafadeedu, waxana ay arrintaasi sii xoojin doontaa saameynta bad-xidhanka ee ka bilaabantay xidhitaanka marinka Hurmus.