Monday 28 April 2025
Ka dib markii ay horumareen diraasadaha gumaysiga iyo aragtiyahoodu, waxa hanaqaaday fahanka ka xarroobidda gumaysiga, waxaana loo sameeyey gundhig cusub oo koobsanaya arrimaha bulsho, dhaqan iyo dhaqaale ee dalalkii ka xorroobay gumaysiga. Waa kacdoon isku dayay in uu meesha ka saaro caqliyaddii Yurubiyaanka ee isu arkayay in uu wax kasta udubdhexaad u yahay, bulshooyinka kalena ka sarreeyo. Qaybtii dambe ee qarnigii dhammaaday, ka xorroobidda gumaysigu kuma koobnayn in lagu kaco dal haysta dal kale dhulkii oo khayraadkiisa ka faa’idaysanaya, se waxa si guud kacdoon loogala hortagay isa sarraynsiinta Galbeedka iyo bulshooyinka ay xuurtada ku haystaan ee ay dhaqan ahaan xitaa maskaxda uga qabsadeen. Kacdoonkani, waxa uu dhaliilsanyahay ereybixinaha Galbeedku meelmarsaday, qaabka uu u buunbuuniyey in uu xuddunta dunida yahay iyo siyaasadaha gumaynta ah ee uu bulshooyinka kale ee dunida kula dhaqmo.
Buugga “Ka Bixidda Mugdiga: Maqaallo ku Saabsan Iska Xorraynta Gumaysiga ee Afrika” oo uu qoray qoraaga reer Faransiis, asal ahaan se Kamaruun u dhashay, Achille Mbembe, waxa uu kusoo beegmay xilli uu kacsanyahay fikirka iska xorraynta gumaysigu, si gaar ah, iyada oo Israa’iil muddo sannad ka badan ay xasuuq ku waddo bulshada Falasdiin. Waxa dhashay dhaqdhaqaaq akaadami iyo feker oo caalami ah oo codsanaya in dib loo bilaabo doodda ka xorroobidda gumaysiga iyo qaabka loola dirirayo noocyada kala duwan ee gumaysiga ah, iyo qaabka loo loodin karo hay’adaha iyo nidaamyada caalamiga ah ee u shaqeeya gumaystayaasha. Dhaqdhaqaaqan waxa shidaalinayey qaddiyadda Falasdiin, oo kaalin weyn ka qaadatay diraasadaha iyo doodaha ka xorroobidda gumaysiga. Israa’iil waa gumayste ku dhaqmaysa siyaasad dabargoyn iyo kala soocid ah, bulshada reer Falasdiinna waa dadkii asalka u lahaa dhulkaas oo ay awoodaha gumaysigu rabaan in la baabi’iyo.
Mbembe, waxa uu buuggiisan cusub kaga qaybqaadanayaa gundhigga manhaj ku saabsan iska xorrayntii gumaysiga ee Afrika ee qarnigii 20aad, waxaanu lafagurayaa hadallada iyo dhaqannada wixii ka dambeeyey gumaysiga. Sida cad, siyaasadaha gumaysigu waxa ay keeneen in bulshooyinka laga xayuubiyo sooyaalkoodii, dhaqannadoodii iyo qaababkii ay u noolaayeen. Gumaysigu waxa uu bulshooyinkaas kusoo rogay hab-nololeedyo cusub iyo qaab-fikir ka duwan kii hore ee bulshada, gumaysiguna waxa uu saameeyey wax kasta oo bulshada ku saabsan. Sidaas darteed, ka xorroobidda gumaysigu, si ka duwan sidii hore, waxa uu u baahday luuqad iyo habab cusub, si loo helo bulsho ka madaxbannaan duullaanka maskaxeed ee gumaysigu bulshada ku hayo.
Diraasadaha ku saabsan ka xorroobidda gumaysigu waxa ay bilaabmeen lixdanaadkii iyo toddobaatanaadkii, waxaanay ahayd aragti falsafadeed oo uu hormuud u ahaa Franz Fanon. Fanon, waxa uu kaga qayb qaatay qoraallo uu ka qoray hirdanka ka dhexeeya kacdoonnada gumaysi la dirirka ah iyo siyaasadaha gumaysiga. Waxa ka dambeeyey oo isaguna qayb laxaad leh ka qaatay mufakirkii reer Maraykan, asal ahaan se ahaa reer Falasdiin , Edward Saciid, oo kaalin ka qaatay gundhigga diraasadaha iyo aragtida gumaysi la dirirka ee gumaysiga ka dib. Waxa uu dhinacyo badan ka istaagay qaababka is xorraynta, waxaanu soo saaray cilmibaadhisyo xeeldheer oo ku saabsan sooyaalka gumaysiga iyo saamayntiisa. Dedaalkiisa ka dib, dad badan baa ku dhiirraday in ay wax iska weyddiiyaan gumaysiga iyo imbiryaaliyadda.
Muddadaas hore dhaqdhaqaaqa gumaysi la dirirka iyo ka xorroobiddiisu waxa ay ku koobnayd dhinacyada akaademiga, se waxa markii dambe soo ifbaxay kooxo ku baaqa in gumaysiga laga saaro dhinac wal oo nolosha bulshada ah; waa in bulsho kastaa xor u noqoto afkeeda, waxbarashadeeda, sooyaalkeeda, xasuusaheeda iyo dhismaheeda. Aragtida ka xoroobidda gumaysigu waxa ay halbeeg ka dhigatay isbeddellada bulsho, dhaqaale iyo dhaqan ee dalalkii ka xoroobay gumaysiga.
Aragtida gumaysiga ka dib waxa ay bedka keentay masalooyin muhiim ah oo la xidhiidha diraasaynta xidhiidhka Bariga iyo Galbeedka, iyo kaalinta “orientalism”-ku ka qaatay suuqgaynta reer Galbeedka iyo sedbursigiisa. Waxa ay diraasadaha gumaysiga ka dib ka hadleen raadka dhaqan iyo siyaasadeed ee gumaysiga reer Galbeedku ku yeeshay fekerka caalamiga ah. Aragtida iyo diraasadahani waa ay kobceen, ugu dambaynna waxa ay si guud uga diiradda u saareen dhammaan dhaqamadii dunida ee ku raadaysmay imbiryaaliyada. Waxa ay diraasadahani taxliiliyeen aragtiyada gumaysi ee dhammaan bulshooyinka kale ee dunida saameeyey. Waxa ay ka hawlgaleen furfuridda hadallada gumaysiga iyo qaababka ay u marinhabaabiyaan caqliyadda dadka kale oo gundhig u ahaa mashruuca imbiryaaliga.
Mbembe, waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa qaaradda Afrika iyo markii dalalka Afrika ka xorroobeen dalalkii gumaystay. Waxa uu rejaynayaa in raadadka gumaysiga la wada tirtiro oo waa cusub u beryo qaaradda, waxaaanu odorasayaa in mugdiga laga baxo oo iftiin cusub la galo. Waxa kale oo uu ku doodayaa in gumaysigii siyaasad ahaan uun la iska xorreeyey, se dhaqan ahaan aanay fari ka qodnayn oo bulshada Afrika gumaysi dhaqan lagu hayo. Tusaale ahaan, waxa uu ku doodayaa in Faransiisku, walow uu qaaradda mar hore ka baxay, haddana uu qaabab cusub oo gumaysi ah qaaradda ku joogo, dhaqamadiisana uu weli ku faafinayo bulshooyinka dhexdooda. Weli waxa uu caqliga dadka ka dhaadhiciyaa in uu yahay dalka keli ah ee wax u qaban kara, khayraadka usoo saari kara, oo aanu gabbalkiisu dhicin. Inkasta oo Faransiisku ka baxay mar hore, haddana dalalka Afrika ee ku hadla Faransiisku weli waa dalal ku hoos jira gumaysiga uu wado, wax kasta oo dalalkaasi gaar u lahaayeenna faraha kula jira, waxaanu ku hoos dhuuntaa caalamiyeynta iyo isku furanka adduunka.
Mbembe, waxa uu aaminsanyahay in mashruuca ka xotroobidda gumaysiga ujeedkiisu yahay ballaadhinta fahanka iyo manhajka diraasadaha gumaysiga ka dib iyo diraasadaha la xidhiidha, waxa kale oo uu ka hortagayaa mashruucyada gumaysi ee ku hoos dhuunta midaynta aadamaha iyo aragtida midaynta dunida. Mashruuca ka xorroobidda gumaysigu waxa uu aaminsanyahay in dunidu kala duwantahay oo ay kala qaybsantahay, sidaas darteed waa in dedaallo lagu bixiyo dib u dhiska wacyiga Afrikaanka iyo burinta aragtiyaha dadka laga dhaadhiciyey ee gumaysiga u adeegaya. Waxa kale oo habboon in laga shaqeeyo qaabka ugu wanaagsan ee maamulka loo mari karo wixii gumaysiga ka dambeeyey. Waa in si dhab ah loo dhaliilo talisyada siyaasadeed ee garabka siiya siyaasadaha gumaysiga.
Marka la eegayo dedaallada mashruuca ka xorroobidda gumaysiga, waa in dib loogu noqdo aragtiyaha waddaniyadda, aqoonsiga qofka, dimuqraadiyadda iyo cusboonaysiinta nolosha dadka. Haddaba, si gumaysiga looga xoroobo, waa in dedaallada xorayntu koobsato waxbarashada, qaaradda Afrikana lagu sameeyo saddex heer oo xorayn waxbarasho ah. Waxa kow ah in la beddelo manhajka waxbarasho iyo casharrada lagu daro manhajka, weliba si gaar ah cilmiga bulshada. Marka labaad waa in la beddelo halbeegyada casharrada ee lagu dhigto dugsiyada.
Mbembe, waxa uu mashruuca ka xorroobidda gumaysiga u arkaa dedaal lagu difaacayo qaaradda Afrika iyo difaaca nafta muwaaddinka Afrika. Waa mashruuc raba in waa cusub u beryo qaaradda. Waa mashruuc loo arko rejada cusub ee aadamaha. Ka xorroobidda gumaysigu kuma koobna dagaal Yurub lagula jiro, se waa wax koobsanaya bulshooyinka dunida. Haddana, gumaysiga Yurub ayaa ah ka adeegsaday qaababka ugu xun ee gumaysi iyo siyaasadaha ugu liita, sidaas darteed ka xoroobidda gumaysigu waa nafhur loo samaynayo aadamaha si loo helo mustaqbal aadamaha oo dhammi qayb ka yahay oo aan la kala soocin.
Waxa laga soo turjumay halkan.