Skip to main content

Monday 17 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Ka Takhallusidda Hormuudka Bahaloobay ee Afrika: Mar Kale iyo Baaq Xornimo

13 March, 2025
Image
Masai
Masai warriors jumping in the air while performing a Masai traditional dance. Getty Images.
Share
Tan iyo Markii Madaxweyne Trump ku baaqay hakinta deeqihii calaamiga ahaa ee Maraykanku bixin jiray, gurxan lagu dhega barjoobayo ayaa ka soo yeedhay caasimadaha Afrika, haddana, si kastoo go'aanka xukuumadda Trump u yahay mid arxan daran, masuuliyaddu waxay saaran tahay madaxda Afrika ee in ka badan 70 sanno ku fashilmay in ay bulshooyinkeenna u abuuraan maceeshad waarta.

Bishii Jeenaweri kowdeedii, sannadkii 1956–kii, waxay ahayd maalin ku weyn sooyaalka Afrika. Waxay ku beegan tahay markii ay Suudaan noqotay dalkii koowaad ee si dhammaystiran uga  xorrooba maammulkii  gumaystaha, Afrika oo dhan. Dhawr qarni oo cagta hoosteeda lagu hayey kaddib, Koonfur Afrika ayaa iyaduna soddon sano ka dib iska dulqaadday heeryadii gumaysiga iyo midabtakoorka.

Masar, Itoobbiya iyo Laybeeriya oo qudha ayaa ka bedbaaday gumaysigii Afrika ku wada habsaday. Dadkii reer Afrika  ee ka soo qaxay Ameerika, iyaga oo gacan ka helaya ururkii dib u celinta dadka madaw ee Maraykanka  (American Colonization Society), ayaa sannadkii 1847-kii aasaasay Laybeeriya. Si kastaba ha ahaatee, dadkii asaliga ahaa ee dalkaasi wax aan hagardaamo ahayn kama ay dhaxlin xorriyaddaas; muddo qarni ka badan ayay hadimadii gumaysiga mid la mid ah kala kulmayeen hoggaamiyayaashii cusbaa.

Masar oo dalka labaad ahi waxa ay  madaxbannaani dhalanteed ah haysatey ilaa 1922-kii, laakiin gobonnimadeeda dhabta ahi waxay ku astaysan tahay markii la qarameeyey Marinka Suweys, sannadkii 1956. Ugu dambayn, Itoobbiya ayaa iyadana lagu tilmaamaa in ay tahay dalka qudha ee aan la gumaysanin qaaradda oo dhan, marka laga tago muddo kooban oo u dhexaysey 1936-kii ilaa 1941-kii, xilligaas oo Faashistihii Talyaanigu uu si bahalnimo ah u qabsaday. Laakiin, sawir kaa ka geddisan ayay taariikhda Itoobbiya ina tusinaysaa: Koox yar oo dhulgoosad ah oo qoomiyadnimo isku wadata, ayaa ka soo hangagaaray deegaankooda, Waqooyiga Itoobbiya, dabadeedna gumaysatey gobollada mar dambe isku noqon  doona Itoobbiya.

Dhab ahaan, Menelik waxa uu la shaqeeyey gumaystayaasha, si uu u qabsado dhul ka baxsan xukunkiisa. Maammulkii qoomiyadda yari waxa uu barakiciyay dadkii degganaa meelihii uu qabsaday, isaga oo dhaxalsiiyey nolol silic ah; taas oo la mid ah qaabkii ay gumaystayaashii reer Yurub u ula dhaqmi jireen dhulalka ay qabsadaan.

In kasta oo gumaysigu wax laga naxo ahaa, haddana waxaynu toddobaatan sano ka joognaa dharaartii baxsanayd ee ilayska xorriyaddu Khartuum ka soo bidhaamay.  Nasiibdarro se, Afrika badankeedu maanta waxay la nool yihiin  saboolnimo ba’an, mustaqbalkooduna waa mid aad u mugdi badan.

Saddex aqoonyahan ayaa horraantii gobonnimada ka digey dabinnadda maleegan ee xornimada ka dambeeya. René Dumont, oo ahaa aqoonyahan Faransiis ah, ayaa soo saaray 1962-kii buuggiisa wata cinwaanka ku habboon  ee “ The False Start of Africa”. Waxa uu ka dayriyey siyaasadaha gurracan ee ay Afrika qaadatay si ay u horumarto iyo jidka soo xidhmaya ee ay hayso. Qoraagii reer Gaana, Ayi Kwei Armah, oo sii anbaqaadaya dooddii Dumont ayaa sannadkii 1968-kii isaguna soo saaray sheekofaneed aad u kulul, lana magacbaxday The Beautyful Ones Are Not Yet Born; taas oo uu ku tibaaxayey  kartidarrada madaxda Afrika ee hoggaanka qabtay, xornimada ka dib. Isaga oo si daran u naqdinaya hoggaamiyayaashaas waxa uu ku sifeeyay “inay caloolgaleen iyaga oo sidaas u ah asaasaq”.

Ugu dambayn, dhaqaaleyahankii siyaasadeed ee horusocodka ahaa, Samiir Amiin, oo noloshiisa shaqo intii ugu badnayd ku soo qaatay magaalada Dakar ee dalka Sinigaal, ayaa sannadkii 1974-kii soo bandhigay aayatiinxumada hannaanka dhaqaale ee ku tiirsan waxsoosaarka dabiiciga ah (saliidda qaydhin, macdanaha, iyo dalagga beeraha), kaas oo ku  guuldarraystay inuu shaqooyin mug leh iyo hanti aasaasi ah bulshada u abuuro, si ay sabooblnimada uga samatabaxdo Afrika oo ah qaaradda ugu dhallinyarta badan dunida.

Taa beddelkeeda, Samiir waxa uu soo jeediyey hannaan dhaqaale oo udub-dhexaadkiisu yahay horummarinta beeraha, mudnaanta koowaadna siinaya quudinta bulshada iyo dalagga lagamamaarmaanka u ah warshadaynta.  Si kastaba ha ahaatee, madaxyoweyntii talada haysey digniinahaas aqoonyahannada sidooda u may aqbalin, arrin dhaamana ma ay keenin.

Ku sii socoshada jidka xidhan

Tan iyo dabayaaqadii 1960-kii, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba Afrika waxa lagu dhaqaayey laba istaraatijiyadood:  Kelitalis axmaq ah ama dimuqraadiyad musuqmaasuq ku dhisan; iyo hannaan dhaqaale oo taagdarrida Afrika sii dardargalinaayey. Dhanka siyaasadda haddii la fiiriyo, labaatankii sano ee ugu horreeyey xornimada, inta ugu badan waddammada Afrika waxa ay ku hoos noolaayeen nidaam kelitalis ah, ha ku yimaaddo gacan milatari ama mid kale ba. Doorashooyin gacan-ku-rimis ah oo musuqmaasuq hadheeyey ayaa haddana lagu hoobtay, kuwaas oo ilaa hadda socda. Dhaqaalaha ayaa isna xaalad taa u dhiganta ku jirey. Lixdamaadkii qarnigii hore, kolkii uu dhammaaday sare-u-kicii dalabka alaabta qaydhin ee warshaduhu, badi dhaqaalaha Afrika waxa labadibleeyey faragalintii xoogganayd ee xukuumadaha, iyo mashaariicdii haldoorka lagu naasnuujinayey. Siyaayasadihii xakamaynta suuqa ee xukuumaduhu,  waxay sababeen in dhaqaalaha Afrika sagxadda tago toddobaatamaadkii, halka dalalkii hore-u-socodka ahaa ee Bariga Aasiya, ay ku guulaysteen in ay dhaqaalohooda si wax-ku-ool ah u kobciyaan. Sababtaas awgeed, xukuumadihii Afrika iyaga oo aan haysan awood ay ku gorgortamaan oo buuran, ayay u dhaqaaqeen sidii ay deyn uga raadsan lahaayeen Bangiga Adduunka, iyo Hayadda Lacagta Adduunka (IMF), ka dib qalalaasihii saliidda ee 1973-kii.

Hayadaha maaliyadda ee caalamiga ahi waxa ay dalbadeen in la hirgaliyo siyaasadda suuqa xorta ah, iyada oo la tixgalinayo hannaanka dibuhabaynta maaliyadda ee (SAPs). Barnaamijyadaasi waxa ay meesha ka saareen door kasta oo dawladdu suuqa ku lahayd. Intaa ka dib, Afrika waxa ay baylah u noqotay suuqyada naxariista daran ee dunida.Isbeddel aan waxtar badan lahayn, isla markaana aan rejo u abuuri karayn dhallinyarta buuxdhaafiyay qaaradda Afrika, ayay barnaamijyadii dib u habaynta dhaqaaluhu keeneen.

Dadka Shanta boqol ee milyan ku dhow, ee  saboolnimada aadka u baahsan maanta la nooli, waa midhihii ka dhashay kartidarrada hoggaamiyayaasha Afrika ee ku fashilmay in ay isbeddel macne leh hindisaan muddo toddobaatan sano ah. Deganaansho la’aanta siyaasadeed iyo dagaallada sokeeye ee meelo badan oo qaaradda ka mid ah ka holcayaa waxay caddayn u yihiin, sida ay u kala war la’ yihiin hoggaamiyaasha Afrika ee dhalanteedka ku nool iyo shacabka saxariirsan ee nolosha la daalaadhacayaa.

Magdhaw: xaq sharci ah oo si xun loo adeegsado

Baroor aanay dheguhu qaadi karin ayaa ka soo yeedhaysey caasimadaha Afrika, tan iyo markii uu maamulka Donald Trump shaaciyey inuu hakiyey deeqihii ay dalalka dibedda siin jireen. Kiiniya illaa Sinigaal, Saaxil ilaa Koonfur Afrika, waxa laga wada werwersan yahay xaaladda ay ku dambayn doonaan dadkii ku tiirsanaa kaalmada Maraykanka. Marka laga tago naxariisdarrada ku dheehan qorshaha cusub ee Maraykanka, masuuliyadda arrinkaas waxa qaadaya dadka hormuudka u ah Afrika, ee ku fashilmay in ay  fursado nololeed u abuuraan dadkeenna, toddobaatan sano gobonnimadii ka dib. Halka ay badhaadhe iyo taxtaxaash kaga nool yihiin hormuudka Afrika, dadkeenna intii soo hadhay maanta bakhtiga ayaa xalaal u ah.

Dalalka dhaca koonfurta Afrika ayaa noqday kuwa ay kalasarraynta dakhli ee ugu weyni ka jirto, in kasta oo Afrikada kaleba aanay wax badan dhaamin. Sida ay ay sheegtay hay’adda Oxfam, boqolkiiba sagaashan dakhliga waddammada Galbeedka Afrika waxa uu jeebaddooda galaa boqolkiiba halka ugu qanisan gobolkaas. Maaddaama oo ay sannado badan arrintani isa soo taraysey, waxay u eg tahay in aanay dan iyo heello toona ka lahayn dadka hormuudka u ah Afrika.

Si ka geddisan madaxda Afrika,  isbeddelka nololeed ee uu horseedi karo hoggaamiyaha  yoolka leh, isla markaana daacadda ahi, waxaynu ka dheehan karnaa horumarka la taaban karo ee ay gaadheen qaar ka mid ah bulshooyinka Aasiya toddobaatankii sanno ee u dambeeyey, si gaar ah weliba Jamhuuriyadda Dadka ee Jayne.  Sannadkii 1972-kii ayuu Zhou Enlai, hoggaamiyihii hore ee Jayne, sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay dhaqaale ahaan uga kor mari lahaayeen Biritan, marka la gaadho sannadka 2000. Isla xilligii ay qorsheeyeen ayay himiladoodii xaqiijiyeen.

Toddobaatan sano ka dib gobonnimadii,  Midowga Afrika ayaa magdhaw ka dalbaday gumaystayaashii reer Yurub.  In kasta oo muddo dheer la sugaayey, isla markaana uu sharci yahay magdhawgu, haddana waxa la is wayddiin karaa, in ay tahay farsamo kale oo ay madaxda Afrika fashilkooda kaga dhuumanayaan iyo in kale.

Sidaas oo kale, innaga oo og sida ay madaxyoweynta Afrika u hakradeen in ay kheyraadka qaaraddooda si hufan dadka uga faa’ideeyaan,  waxa ay su’aali ka joogtaa haddii maantaba ay gumaystayaashii hore aqbalaan magdhawgaas, waxa uu qaaradda ku soo kordhin doono?

Baahida loo qabo xornimo cusub

Saddex masiibo ayaa ku habsaday qaaraddeenna. Kow, saboolnimo baahsan, sinnaan la’aan xadhkaha goosatay iyo innaga oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba adduunka ka takooran. Laba, dhiigga qulqulaya waddamada ay dagaalladu ka holcayaan, sida Suudaan, Soomaaliya, Itoobbiya, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo, Liibiya iyo meelo kale, ee gefka ku ah sharafta aadanaha, sida oo kalena khiyaamaynaya ballanqaadkii gobonnimodoonka. Saddex, tiro kooban marka laga reebo, sida ay qaaraddu guud ahaan uga arradan tahay madax tayo hoggaamineed leh, ayaa horummar kasta oo aynu gaadhi lahayn inaga hor joogsatey.

Caqabadahaasi waxa ay, ilaa maanta, dabar ku yihiin kartida jaadgooniga ah ee dhallinyaradeenna firfircoon ka buuxda.  Sidaa awgeed, gobonnimo cusub waxa lagu gaadhi karaa in qaranka dib loo qaabeeyo, isla jeerkaasna laga  takhalluso hormuudkan dulsaarka inagu ah. Haddii aan taa la yeelin, magdhaw kastaa mustaqbalka Afrika ma bedbaadin doono.

Wax turjumay Xamse M. Bushaar.

Qoraallada kale ee qoraaga