Tuesday 19 May 2026
Wadanka Imaaraadka ayaa, 28-kii Abril, ku dhawaaqay in uu ka baxay Ururka ay ku midoobeen wadamada dhoofiya shidaalka ee magaciisa loo soo gaabiyo ‘OPEC’ iyo OPEC Plus oo ah ururkaas oo lagu daray dalal dheeri ah sida Ruushka.
Wasiirka Tamarta ee Imaaraadka, Suhayb Maxamed, ayaa, goaankan ka dib ka warbixiyay tallaabadan, isaga oo waraysi oo Reuters siiyay ku sheegay in Imaaraatku uu go’aanka qaatay ka dib markii uu eegay istiraatiijiyada tamarta ee dalkiisa. Waxa uu sheegay in aanay cidna kala hadal go’aankooda, waxanu yidhi: “Arrintani waa go’aan siyaasadeed waxananu tallaabadan qaadnay ka dib markii aanu eegnay siyaasadaha mustaqbalka ee khuseeya waxsoosaarka”. Dhanka kale, waxa uu sheegay in adduunku u baahan yahay tamar dheeri ah, isla markaana uu Imaaraatku dabooli doono baahidaas.
Qiimaha shidaalka ee suuqyada caalamiga ah ayaa durba hoos u dhigay qiimaha, ka dib markii uu Imaaraadka Carabta (UAE) ku dhawaaqay in uu 1-da Meey ka baxayo OPEC iyo OPEC+{oo mideeya ururka OPEC iyo waddamada kale ee la shaqeeya ee shidaalka soo saara}.
Wasiirka Tamarta ee Imaaraadku waxa uu sheegay in go’aankoodu aanu degdeg saameyn u yeelan doonin, maadaama oo uu weli Marinkii Hormuus xayiran yahay.
Imaaraadka Carabta oo ah mid ka mid ah wadamada ugu waaweyn dhanka soosaarista iyo dhoofinta shidaalka in uu ka baxay ururkani waxa ay hoos u dhac ku keenaysaa awooddii ururka waxana ay wiiqaysaaa kartidiisa maamulida suuqa shidaalka iyo sicirkiisa, maaddaama oo ay ujeeddooyinka ugu waaweyn ee loo aasaasay OPEC ay ka mid ahayd mideynta sicirka shidaalka iyo xadididda baaxadda soosaaristiisa. Dhanka kale, waxa ay tallaabadan Imaaraatku sii dhaawacaysaa xidhiidhkii ka dhexeeyay Imaaraadka Carabta iyo dalka ay jaarka yihiin ee Sucuudi Arabiya oo uu xidhiidhkoodu marka horeba u waxyeelloobay siyaasadaha labada dal ee ku aaddan Yemen iyo Suudaan. Go’aanka Imaaraatku waxa uu xor uga dhigayaa in uu suuqa shidaalka ee dunida geeyo xaddiga uu doono oo shidaal ah, isaga oo aanu dabrayn nidaamka OPEC, arrintaas oo suuragalinaysa in qiimaha shidaalku hoos u dhaco, isla markaana uu yaraado macaashkii dalalka dhoofiya shidaalku.
Wadamada shidaalka soosaara ee Gacanka ayaa la halgamaya in ay dhoofiyaan shidaalkooda, iyaga oo sii maraya marinka cidhiidhiga ah ee Hurmus oo u dhexeeya Iiraan iyo Cumaan. Marinkan ayaa ay Iiraan xidhay kuna habjabtay in ay weerari doonto maraakiibta maraysa, xilli uu Maraykanku sii saaray xannibaado dheeri ah si uu u cunaqabateeyo dekedaha Iiran. Marinkan ayaa ay, caadi ahaan, maraan ku dhawaad shan meelood meel (1/5) ka mid ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee dunidu.
Maaddaama oo ay, haddaba, dhoofinta shidaalka ee Gacanku hakad gashay, waxa ay Hay’adda Tamarta Caalamiga ah (IEA) sheegtay in saamiga waxsoosaarka shidaalka ee OPEC+ uu hoos ugu dhacay 44%, bishii Maarij ee sannadkan, halka uu bishii Feebarwari ka ahaa qiyaastii 48%, waxana la filayaa in uu bishan Meey hoos u sii dhaco maadaama hakinta wax-soo-saarku ay sii xoogaysanayso.
Ka bixitaanka Imaaraadka Carabta (UAE) ee OPEC waxa ay u muuqataa guul u soo hoyatay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, kaas oo khudbad uu ka jeediyay golaha guud ee Qaramada Midoobay, sanadkii 2018, ku eedeeyay ururka OPEC in uu “ka faa’iidaysanayo dunida inteeda kale” isaga oo si joogto ah qiimaha shidaalka kor ugu qaadaya.
Trump waxa kale oo uu isku xidhay taageerada militari ee Maraykanku siiyo dalalka Gacanka iyo qiimaha shidaalka, isaga oo sheegay in uu Maraykanku difaaco xubnahan ururka, halka uu ururka OPEC “ka faa’iidaystaan arrintaas oo ay sii qaaliyaynayaan qiimaha shidaal”
Bixitaanka Imaaraadka Carabta ee OPEC waxa, haddaba, loo arkaa mid u wanaagsan dalalka shidaalka isticmaala iyo guud ahaan dhaqaalaha dunida ee sida xun ugu wiiqmay dagaalka Bariga Dhexe iyo xidhitaanka marinka Hurmus. Waxa kale oo uu go’aankani u horseedayaa Imaaraadka Carabta in uu saami weyn oo shidaal ka helo suuqyada, ka dib marka ay xaaladdu caadi ku soo laabato, maaddaama oo uu xor u yahay xaddiga shidaal ee uu soo saarayo isla markaana dhoofinayo iyo qiimaha uu ku iibinayo. Waxa Imaaraatka u fududeynaysa arrintan in uu ka mid yahay dhawr xubnood oo ka tirsan OPEC oo leh awood waxsoosaar oo aanay weli wada adeegsan (spare capacity), waxana uu sidaas kaga mid ahaa dalalka saameynta ku leh ilaalinta iyo jaangoynta sicirka shidaalka ee suuqyada dunida.
Labadan dal waxa ay, markii hore, ahaayeen xulafo isku fiican, laakiin Abu Dabay iyo Riyaad waxa ay galeen tartan qarsoon oo isa soo tarayay oo ah mid jiyobolitiko oo ku saabsan saameynta iyo galaangalka goboleed. Waxa ay si weyn isugu maandhaafeen arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda shidaalka, xidhiidhdada gobolka, iyo tartanka loogu jiro metaaladda wakiilnimada gobolka ee hantida dunida iyo soo jiidashada shaqaale shisheeye oo xirfad leh.
Dalka Imaaraatku waa xarunta ganacsi iyo dhaqaale ee gobolka, isla markaana waa mid ka mid ah xulafada ugu muhiimsan ee uu Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe. Waxa uu, sidoo kale, ku guulaystay siyaasad dibadeed oo firfircoon iyo galaangal muuqda oo uu ku hantay saameyn u gaar ah oo uu ku leeyahay Bariga Dhexe iyo Afrika. Waxa ay arrintani ka dhigtay awood goboleed oo soo xoogeysanaysa. Waxa uu siyaasaddiisa ka hirgaliyay oo raadkiisa lagu arki karaa meelo ay ka mid yihiin Geeska Afrika, Suudaan iyo Yeman.
Markii uu bilaabmay dagaalka Iran, si gaar ah, waxa uu Imaaraatku xoojiyay xidhiidhka uu la leeyahay Maraykanka iyo Israa’iil, isaga oo ku dhisan isbahaysiga istiraatiijiga ah ee labada dhinac kaas oo hore u horseeday in uu Imaaraatku, 2020-kii, hormuud u noqdo heshiishka Abraham Accords oo ay dalal Carbeed la galeen Israa’iil. Imaaraatku Waxa uu u arkaa xidhiidhka ay la leeyihiin Israa’iil in uu yahay tallaabo ay ku xoojiyaan saamayntooda gobolka, isla markaana uu noqon karo tubta toosan ee uu ku gaadhi karo Waashintoon.
Jidkaas siyaasadeed ee uu qaaday Imaaraatku waxa uu toos isaga horkeenay Abu Dabay iyo Riyaad. Bilo ka hor, waxa ay labada dal si xun isugu dhaceen gudaha Yemen, halkaas oo uu Sucuudiga u faragaliyay milatari ahaan si uu u wiiqo qorsheha Imaaraatka una jabiyo kooxda Koonfurta Yemen ee uu taageero Imaaraatku. Ilaa heer, waa uu ku guuleystay Sucuudigu in uu xakameeyo galaangalkii Imaaraatka ee Yemen, waxa se ay arrintaasi khatar galisay derisnimada nabadeed ee labada dal. Intaa oo qudha ma aha e, waxa ay labada dal isku hayaan Suudaan oo ay kala taageerayaan labada ciidan ee ku hardamaya halkaas, waxana ay aad ugu kala duwan yihiin guud ahaan siyaasadaha gobolka waana sababta go’aanka Imaaraatka ee ka bixitaanka OPEC toos loogu aaneyn karo mid wiiqaya Sucuudiga ah, inta aanu noqon mid lagu xakameynayo saameynta dagaalka Bariga Dhexe.