Saturday 13 June 2026
Juliis Nayreere (1922—1999) waxa uu ahaa siyaasi iyo indheergarad isticmaardiid ah. Waxa uu ka mid yahay midhadhka hoggaanka Afrika ee xaqiijiyey qarandhis la taaban karo, isla markaana curiyey falsafad dawladeed oo wax badan ku biirisay hawlgalkiisii qarandhiska. Waa asaasaha jamhuuriyadda cusub ee Tansaaniya, taas oo ku sifaysan isdhexgal bulsho, muwaaddinnimo loo siman yahay, iyo xuquuq shacab oo aan la kala xigin. Nayreere qarnigii labaatanaad waxa uu ku astaysnaa tiirarka hoggaanka Afrika ee aragti-curinta, casriyeynta hay’adaha dawladnimo iyo is-ahaanta Afrika aad ugu shuqlan.
Saqaafo Afrikaan oo sugan, xaaddiritaanka jaamacadaha Afrika iyo caalamkaba ugu sumcadda weyn, aragti falsafadeed oo maamul, iyo ka go’aanta horukaca Afrika, intaas oo la isu geeyey waxay dhaxalsiiyeen in uu noqdo hoggaamiye la raadguro, la derso, la dhuuxo, oo jidadkii uu qarandhiska dawladeed u maray aad loo baadho. Haddaba, curiskani waxa uu daarran yahay in aan wax ka sheegno dariiqa qarandhiska iyo dawlad-dhiska ee Nayreere qaaday, taas oo ka soocday badi hoggaankii Afrika ee fashilmay. Waxa aynu dul istaagi doonnaa qodobbada lamadhaafaanka ah ee uu u adeegsaday yagleelka, isdhexgelinta, iyo horumarka dalka Tansaaniya innaga oo ku xidhayna wixii ka toosay ama ka tasoobay.
Waa shaybaadh aad loo derso, oo lagu tadabburo hannaankiisii dawladnimo. Nin farabbadan oo indheergarad siyaasadeed lagu qeexo ayuu ahaa. Madaxda kooban ee hoggaamintooda la ayidsan yahay ee Afriki dihatay ayuu Nayreere ku jiraa. Dalkiisa waxa looga yaqaannaa macallin iyo hoggaamiye ruuxi ah. Ninka caynkaas ah ayeynu mashruuciisii qarandhiska wax ka taaban doonnaa.
Juliis Nayreere waxa uu sannadkii 1922 ku dhashay Tanganyiika oo ahayd mustacmarad uu Ingiriisku haystay. Qoys dhaqan iyo xukun ayuu ka soo jeeday, oo aabbihii waxa uu ahaa caaqil dhaqan cahdigii uu jiray nidaamkii dadbanaa ee Ingiriiska. Nayreere waxa uu shahaadadiisii kowaad ka qaatay jaamacadda macruufka ah ee Makarere, halka uu ta labaad ka qaatay jaamacadda Adinbarah (Edinburgh) oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn adduunka ee Ingiriiska ku yaalla. Adduun’araggiisa siyaasadeed waxa qaabeeyey isutagga hiddaha dhaqan ee Afrika, aragtida hantiwadaagga iyo qiyamkiisii diineed ee Kiristaanka.
Kolkii uu waxbarashada soo dhammeeyey ee uu dalkiisa ku soo laabtay shaqadii ugu horraysay ee uu qabtay waxay ahayd macallinnimo, waana ta kolkii danbe naanays looga dhigay: “Mucallimuu.” Sannaddii 1954 waxa uu asaasay ururkii isticmaardiidka ahaa ee la odhan jiray TANU (Tanganyika African National Union), kaas oo ahaa ururkii gobonnimada kala wareegay gumaystihii Ingiriiska. Sannaddii 1961 ayey Tangayiika xornimada qaadatay, waxana raysalwasaare u noqday oo halganka hoggaaminayey Juliis Nayreere.
Macallin Nayreere halkan ayey si hagaagsan uga soo baxaysaa kartidiisii hoggaamineed iyo aragtidiisii falsafadeed, oo waxa uu sannaddii 1964 mideeyey Sansibaar iyo Tangayiika, oo ahaa labo dal oo si kala madaxbannaan xorriyadda u hantay, waxa uuna ku mideeyey Jamhuuriyadda Isutagga Tansaaniya (United Republic of Tanzania). Waxay ahaayeen labo waddan oo wax walba ku kala duwan: diin, dhaqan, bulsho, hidde iyo taariikhba. Cali Masruuci (2013), waxa uu qoray: “Nayreere dedaalkiisii ugu weynaa ee guulaystay ee isdhexgelka gobolku waxa uu ahaa midayntii Tangayiika iyo Sansibaar.”
Nayreere ka hor xorriyadda waxa uu qabay in nidaam federaal ah lagu mideeyo dalalka Bariga Afrika, oo shir madaxeed magaalada Adis Ababa ee waddanka Itoobiya ka dhacay sannaddii 1960, waxa uu ku sheegay in uu diyaar u yahay in uu dib u dhigo gobonnimada Tangayiika si uu federaal gobolka ka hirgala loo helo. Cali Masruuci waxa uu buugga uu la-qoraha ka yahay ee la yidhaahdo Julius Nyerere, Africa’s Titan on a Global Stage: Perspectives from Arusha to Obama, ku xusay in Nayreere uu si qun ah u aaminsanaa midnimada Afrika iyo in uu ka shaqeeyey in dalalka Afrika ee imbiriyaaliyadda Galbeedka ku hoos jira laga xoreeyo.
Midabtakoorkii Koonfur Afrika ayuu si dhiirran uga hor yimi, sida oo kale waxa uu taageeray, oo waddankiisa xarumo ka siiyey kacdoonnadii hubaysanaa ee isticmaarka la isaga kicinayey ee ka socday Afrikada Koonfureed sida dalalka Musambiik, Simbaabwi, Namiibiya, iyo Gini. Intaa waxa dheeraa in Tansaaniya ay saldhig u ahayd horusocodka iyo fekerka Dunida Koonfureed, oo waxa jaamacadda Daarasalaam ka socday mashruucyada gumaysi-ka-bi’inta (decolonization projects), oo ahaa aragtiyo lagu caynad-geddinayey raadadkii dhaqan, feker, xukun, dhaqaale iyo siyaasad ee gumaystuhu kaga tegay la-gumaystaha. Waxay ahaayeen waxqabadyo wax badan ku biiriyey aqoon-dhalinta Afrika oo uu Nayreere kaalin weyn ka qaatay.
Masalada midnimada Juliis Nayreere waxay ka mid ahayd istiraatiijiyadihiisa qarandhiska dawladeed sida uu qalinka ku ballaadhiyey Cali Masruuci oo madaxda Afrika aad wax uga qoray. Nayreere in uu Baan-Afrikaan ahaa waxay dalkiisa ku xidhay Afrika inteeda kale, sida oo kalana waxay xoojisay is’haysadkii iyo midnimadii bulsheed ee shacabka reer Tansaaniya. Sidaa awgeed, midnimadu waxay u ahayd qiyam udubdhexaad u ah aragtida uu ka qabay dawladnimada Afrika ee isticmaarka ka dib.
Juliis Nayreere falsafaddiisa siyaasadeed waxa gundhig u ahayd aydhiyoolojiyadda uu tumay ee la yidhaahdo: “Ujamaa”, oo ah erey Sawaaxili ah oo ku beegmaya qoysnimo (familyhood). Waa aragti ku arooraysa waxwadaqabsi, iskutiirsanaan, iyo sinnaan sal u ah horumar qaran. Falsafaddani waxay wax badan ka tartay qarandhiskii dawladeed ee Tansaaniya ee isticmaarka ka dib, waxayna tusaale u noqotay Hantiwadaagga Afrikaanka (African Socialism). Waxa kolkii ugu horraysay lagu dhawaaqay sannaddii 1967, waxayna ku shaacbaxday "Baaqii Caruusha (Arusha Declaration)."
Ujumaa waxay noqotay falsafad hantiwadaag ah oo bulshada isu ururisa, isdhexgelisa, oo jid qaran oo wax ka sokeeyaa aanu jirin dalka ku hagta. Nayreere aragtidan isaga oo ka dabqaadanaya waxa uu isdhexgeliyey qawmiyadaha kala duwan ee dalka ku dhaqan, waxa uu sameeyey muwaaddinnimo loo dhan yahay (inclusive citizenship), oo aan dadka loogu kala gurayn diin, dhaqan, af, isir, jinsi iyo midab toona. Waxa uu xaqiijiyey in muwaaddinnimadu ay sal u tahay dhulka, ee aanay ahayn abtirsiin hayb gaar ah khusaysa, taas oo ah wax ka duwan badi dalalka Afrika ee qawmiyado gaar ahi shiiqiyeen.
Maxamuud Mamdaani buuggiisa Define and Rule: Native as Political Identity, waxa uu si hagaagsan ugu tiiqtiiqsaday in uu Nayreere ahaa qarandhise libaystay. Waxa uu qalinka ku adkeeyey in uu shacabka reer Tansaaniya isdhexgeliyey, oo hayb qaran oo mid ah u sameeyey, sida oo kalana uu aslay hay’ado dawladeed oo xeerarka dawladnimada casriga ah ku shaqeeya. Waxa uu tilmaamay in uu burburiyey xeerarkii uu isticmaarku ka tegay ee dadka kala qoqobayey, iyo in uu xididdada u siibay awood-hoosaadyadii dhaqan ee qabaa’ilka ee isticmaarku ka adeejiyey (native authorities), kuwaas oo caqabad ku ahaa dawladnimadii isticmaarka ka dib ee Afrika ka hanaqaadday.
Mamdaani waxa uu tilmaamay Nayreere jidka uu qarandhiska u maray in uu ahaa mid nabad ah, oo aan wax cunfi ah lahayn. Baaqii Caruusha waxa uu ahaa asaaska aragtida qarandhiska dawladeed ee mashruuciisa. Kol uu ka hadlayey muhiimadda uu baaqu leeyahay waxa uu ku kaftamay: “Kaaral Maarkis haddii uu ku dhalan lahaa Tansaaniya waxa uu qori lahaa Baaqa Caruusha”.
Nayreere aragtida Ujumaa waxa uu ku geeddigeliyey qaramaynta luuqadda Sawaaxiliga, oo ah luuqad ay ku hadlaan badi dadyowga Bariga Afrika. Waxa uu ka dhigay luuqadda rasmiga ah ee dalka, waxa uuna dhiirrigeliyey awoodsiinteeda, isaga oo tilmaamay in luuqadaha Afriki ay xanbaari karaan ilbaxnimo iyo saqaafo ummadeed. In luuqadda la hodmiyo oo wax lagu turjumo, laguna curiyo ayuu ka shaqeeyey. Sidaa awgeed, waxa uu Sawaaxiliyeeyey oo turjumay qayb ka mid ah waxsoosaarkii suugaaneed ee Wilyaam Shakisbiir. Buugagga kala ah: The Merchant of Venice iyo Julius Caesar ayuu turjumay.
Cali Masruuci waxa uu sheegay in Nayreere uu Sawaaxiliga u arkayey luuqad lagu gudbin karo xaddaarad iyo aqoondhalin ummadeed. Luuqaddii waxay noqotay mid qaran waxayna gashay: waxbarashada, maamulka, warbaahinta, dawladda, iyo dadweynaha. Ugu danbayntiina waxay isu rogtay luuqad ay nukhbada bulsheed kuwada sheekaystaan, wax ku qoraan, oo ay ku doodaan. Waxsoosaarkii aqooneed ee Sawaaxiliga lagu turjumay waxa ka faa’iidaystay iskuullada Afrika, oo sida uu Masruuci tilmaamayo buugaggii uu Nayreere turjumay waxa lagu dhigan jiray fasallada dugsiyada sare ee Kiiniya ee lagu qaato maaddada suugaanta Afrika.
Waxa la xusaa Nayreere saddex qodob in uu Sawaaxiliga luuqad qaran uga dhigay: 1) waxa uu u arkayey luuqad midayn karta shacabka, taas oo ka sarraysa isir gooni ah; 2) in luuqadda Sawaaxiligu ay leedahay awood fekradeed oo xooggan; iyo 3) in luuqadda gumaysi-ka-bixin lagu sameeyo oo aqoonta caalamka lagu akhristo afafka Afrika, halkii taa lidkeeda lagu akhrisan lahaa luuqadaha Yurub.
Guugi Wa Tiyaango buuggiisa Decolonizing Language and Other Revolutionary Ideas, waxa uu si wanaagsan ugu bogaadiyey qaadhaanka uu Juliis Nayreere ka geystay gumaysi-ka-bixinta luuqadaha Afrika iyo hodmintooda. Waxa uu Nayreere u arkayey midhadhka kooban ee hoggaamiyayaasha Afrika ee isticmaarkii ka dib, ee ay ka go’nayd in uu jebiyo silsiladaha iyo dhulgoosi-afeedka (Linguistic feudalism) ay reer Galbeedku is bideen. Faransis Fukuyaama oo ah caalim siyaasadeed oo si weyn wax uga qora qarandhiska iyo dawlad-dhiska waxa uu buuggiisa caanka ah ee la yidhaahdo: “Political Order and Political Decay”, ku tibaaxay in luuqaddu ka mid tahay agabyada loo adeegsado qarandhiska dawladeed ee bulshooyinka oo ay muhiim tahay. Nayreere luuqadda Sawaaxiliga waxa uu u isticmaalay dariiq uu ku hirgelin karo qarandhis bulsheed oo waara, taas oo uu si waafi ah uga niibkeenay.
Juliis Nayreere shaqooyinka la taaban karo ee uu qarandhiska Tansaaniya ka geystay waxa ka mid ah, oo malaha waaxaha ugu muhiimsan soo gelaya sida uu u qeexay kaalinta hay’adaha diineed. Waxa uu ka shaqeeyey in diintu dadka dhex u noqoto oo aan la isku collaadinin. Sidaa awgeed, waxa uu ku baaqay in hay’adaha diineed ay qayb ka noqdaan dawlad-dhisidda iyo kobcinta daryeelka bulshada. Dadyowga Kiristanka iyo Muslinka wuu u xaqsooray, oo fursado waxbarasho iyo nololeed ayuu u abuuray.
“Nayreere waxa uu yaqiinsaday in midnimada qaran ay ku jirto in uu waxbarasho isku mid ah siiyo Kiristanka iyo Muslinka dalka ku nool. Aad ayuu ugu baraarugsanaa khatarta ka iman karta haddii aan si wanaagsan la isugu dheellitirin labadan caqiido”, ayuu yidhi Masruuci mar uu ka hadlayey sida uu Nayreere dhex uga ahaa masalada diinta. Masruuci waxa uu sheegay dibuqaabayntii uu hay’adaha diineed ku sameeyey in ay wax badan ka tartay kolkii ay soo shaacbaxday colaaddii Islaam nacaybka iyo la dagaallanka argagixisada caalamiga ah. Maxaa yeelay, dalal badan oo Galbeedka raacsanaa waxay aamineen dicaayaddii Islaamka iyo dadyowga Muslinka ka dhanka ahayd, taas oo marar badani siyaasad ku lug lahayd.
Dalal badan oo gobolka ah ayaa colaaddaas dhex galay oo ku saamoobay wararkii ay warbaahinta Galbeedku shubaysay, taas oo ay ka dhaxleen qaybsan diineed iyo khilaaf hor leh oo tab ay u maareeyaan ay tahli kari waayeen. Laakiin Tansaaniya xaaladdaas iyada oo ay wax badan ka soo gaadheen sida qaraxii lala eegtay safaaraddii Maraykanka ee Daarasalaam, haddana si xilkasnimo leh ayuu hoggaankii siyaasadeed u maareeyey mushkiladdii caalamiga ahayd. Taasna waxa ka marag kacay Cali Masruuci oo masalada Islaamka, dawladnimada casriga ah iyo dhaqannada Afrika aad wax uga qoray, isaga oo xusay in haybta Tansaaniyaanku ay ka xoogganayd wax walba oo kale.
Sidaa awgeed ayey madax u noqdeen shakhsiyaad Kiristaan iyo Muslin isugu jira, oo tusaale ahaan kolkii uu Nayreere xilka ka degay (1985) madaxweynihii ku xigay waxa uu ahaa Cali Xasan oo Muslin ahaa. Kolkii uu tegayna waxa xigsaday Binjamiin Mkaaba oo Kiristan ahaa. Markii uu isagu baxayna waxa madaxweyne noqday Jakaya Kikweete oo Muslin ahaa. Sidaas ayuu isudheellitiranka diineed u jiray ilaa aynu maanta ka soo gaadhnay in ay dalka madax ka tahay Saamiya Suluuxu oo haweenay Muslin ah, taasina waxay tilmaamaysaa waxqabadka Nayreere ee sinnaanta jinsiga, oo markii horeba qayb weyn ka ahaa horukaca waddanka xag dhaqaale iyo siyaasadeed labadaba. Waana qodob Afrikada kale ku yar oo uu sameeyey.
Roobert Jaagson iyo Kaaral Rosbeeg buugga ay qoreen ee la yidhaahdo Personal Rule in Black Africa, waxay abla’ablayn wanaagsan ku sameeyeen madaxdii Afrika ee isticmaarkii ka dib talada qabtay sida uu xukunkooda shakhsiga ahi u kala geddisnaa. Nayreere oo muddo labo tobanguuro ah xukunka joogay waxay ku sifeeyeen hoggaamiye isbeddel sameeyey (prophetic ruler), waxayna qireen in uu ahaa hoggaamiye aragti leh oo qaran midaysan oo is-haysta ka tegay. Qodobbada qarandhiska ah ee aan kor ku xusay ka hadalkooda ayey aad u faahfaahiyeen.
Bawl Kolliyeer oo lagu yaqaan wax ka qoriddiisa dalalka Afrika ee saboolnimada iyo dawladxumadu naafaysay waxa uu buuggiisa la magacbaxay Wars, Guns, and Votes: Democracy in Dangerous Places, ku tibaaxay in Nayreere uu ku guulaystay qarandhiska Tansaaniya isaga oo ka tegay dal wadajira oo loollan qawmiyadeed aanu ka jirin. Haybihii isir (ethnic identity) in aan la cabbudhin ee si tartiib ah muhiimaddoodii loo wiiqay ayuu qalinka ku adkeeyey. Intaa waxa uu raaciyey Tansaaniya kolkii ay qaadatay nidaamka xisbiyada badan in aan xisbina loo oggolaan in uu ololihiisa siyaasadeed ku saleeyo qabiil ama qawmiyad.
Sidoo kale, Nayreere waxa uu caasimaddii ka raray magaalada Daarasalaam, isaga oo geeyey magaalada Dodoma, oo ah magaalo ku taalla badhtanka dalka. Waxa uu uga dan lahaa: 1) midnimo qaran iyo in uu dhimo qaybsanka gobol ama isir ee qawmiyadaha; iyo 2) in magaalada Daarasalaam ay noqotay magaalo ay xuddun u yihiin wax walba oo maamul iyo ganacsiba leh, oo ayna ka muuqdaan raadadkii isticmaarka. Kolkaa waxa uu uga socday in raadkii gumaysiga la tirtiro oo dalka qaybihiisa kale wax maamul iyo haykal dawladeed ah la gaadhsiiyo. Labadan qodob ayaa asaas u ahaa in uu caasimadda beddelo waxayna ka mid ahayd ajandayaashiisa qarandhiska, waana hannaan laamaha dawladda loo qaybiyo si dadku sinnaan iyo caddaalad u dareemaan.
Nayreere falsafadda hantiwadaagga waxa uu u qaatay in uu iskufilnaansho dhaqaale iyo casriyeyn maamul uu dalka ku gaadhsiiyo. Laakiin qodobka iskufilnaanshaha dhaqaale waxa la xusaa in uu ku fashilmay. Cali Masruuci waxa uu sheegay in dalka uu musuqmaasuq darani hareeyey, iyo in mashruucii iskufilnaanshaha uu fadhiidnimo ku danbeeyey. Sababta oo ah Tansaaniya waxay 1980nadii ahayd waddanka ugu badan ee Afrikada saxaraha ka hoosaysa ee qaata gargaarka shisheeye. Dalku waxa uu ku tiirsanaa hay’adaha Galbeedka, waxana si hagaagsan u soo galay barnaamijyadii lagu hagaajinayey qaabdhismeedka dhaqaale ee dalalka soo koraya ee la magacbaxay “Structural Adjustment Programs”, kuwaas oo wiiqay waxqabadyadii hore ee ay dawladdu hirgelisay ee taabanayey: waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo daryeelka bulshada.
Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta adduunku waxay dalka ku qasbeen in la tuuro qaybo ka mid ah siyaasadihii hantiwadaagga, oo la dhaqangeliyo furfurnaansho dhaqaale iyo dib-u-haybayn lagu samaynayo suuqa xorta ah. Masruuci waxa uu ku dooday in masaladii dhaqaalaha uu Nayreere ku fashilmay, dalkuna uu si xad-ka-bax ah ugu tiirsanaa gargaarka Galbeedka. Tan oo ah iimaha uu qarandhiskiisu yeeshay kolka la fiiryo xagga dhaqaalaha. Intaa waxa dheer in uu ku fashilmay mashruucyadii tuulooyinka ee lagu kobcinayey beeraha iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Taas oo sababtay qax badan, dhibaatooyin daran oo deegaanka la xidhiidha iyo hoos u dhac ku yimi waxsoosaarkii. Nayreere in uu fagaarihii siyaasadeed xidhay oo hal xisbi oo keli ahi uu dalka muddo dheer ka talinayey waxay noqotay cillad uu hab-xukunkiisu yeeshay oo si weyn loogu dhaliilay. Dhawrkan qodob waxay noqdeen god-dalloolooyinka ay yeesheen dedaalladiisii qarandhiska iyo dawlad-dhiska ku tacalluqay.
Juliis Nayreere waxa loo tixgeliyaa in uu xaqiijiyey qarandhis dawladeed oo la taaban karo. Iimo badan ayuu nidaamkiisu lahaa mudaddii uu xukunka joogay, sidaas oo ay tahay waxa uu ka tegay haykal dawladnimo oo is’haysta, dadkiisu ku qanacsan yihiin, kaas oo ka badbaaday ufadii qaranjabka ee Afrika saaqday sagaashannadii qaranigii hoyday.
Socdaalkii siyaasadeed iyo hoggaamineed ee Nayreere waxa aynu kala baxaynaa in hoggaamiyuhu aanu iska samaysmin ee ay adduun’araggiisa ay qaabeeyaan dhacdooyinka nololeed, waayo’aragnimada shakhsiga ah, saqaafada bulsheed iyo fekerka uu ka haysto xukunka, bulshada iyo dawladnimada. Nayreere waxa uu ku sifaysan yahay hoggaamiye si qun ah u aaminsanaa horukaca dalkiisa iyo qaaradda oo idil.
Waa muhiim in aynu wax ka baranno waayihiisii qarandhis, oo aynu rogrogno waxa inoo hirgeli kara. Wax badan oo uu dalkiisa ka xalliyey ayaa weli dhulka Soomaalida ee dawladxumadu ka jirto xididdo adag ku leh. In hoggaamintu aanay aragti ka maarmin ayaa ah wax ugu weyn ee noloshiisa hoggaamineed laga biirsanayo, waana ta ay Soomaali u baahan tahay, ee saaxaddeeda siyaasadeed iyo maamulba ka maqan. Ardayda xiisaysa mawduuca Afrika, hoggaaminta iyo dhismaha hay’adaha dawladeed waxaan kula talin lahaa in ay noloshiisii siyaasadeed deraaseeyaan. Macallin Nayreere waxaan u arkaa hoggaamiye wax badan laga korodhsan karo.