Skip to main content

Wednesday 19 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Jeeymis Maatiyus: Gabyaa iyo halgamaa dulmi diida

23 September, 2025
Image
Jeeymis Maatiyus: Gabyaa iyo halgamaa dulmi diida
Share

Jeeymis Maatiyus waxa uu ahaa Gabyaa u dhashay Koonfur Afrika waxaanu dhintay 7-dii Sebtember sannadkii 2024, isaga oo jira 95 sanno. Dhawaan ayaa loo qabtay munaasibad lagu weynaynayo sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay dhimashadiisa. Iyada oo lagu maamuusayo doorkiisii bulsho, maaddaama oo uu ahaa codkii ugu danbeeyey ee jiilka hal-abuurka la diriray nidaamkii midabtoorka ee ka jiray Koonfur Afrika.

Waayo-aragnimada Suugaaneed iyo siyaasadeed ee Jeeymis waxa ay astaan u noqotay iska caabbinta dhaqan, dhab ahaanna waxa uu huray qiime sare iyada oo mawqifyada uu qaatay ay u soo jiideen cabudhin, xadhig iyo in la xayiro wax soo saarkiisa. Iyada oo ay sidaas tahay, haddana waxa uu sii watay wax qorista, daabicista iyo qayb ka noqoshada nolosha guud, waxaanu ku adkaystay in ay erayadu noqon karaan hub laga ga hor tago caddaalad darrada. Kolka dib loo milicsado noloshiisa, Jeeymis keliya laguma tilmaamo Abwaan, waxa se loo arkaa astaan dhaqan iyo aqoonyahan, kaas oo raad qoto dheer kaga dhex tagay xasuusta Suugaaneed iyo Siyaasadeed ee Koonfur Afrika iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqyada Xornimo doonka ee Caalamka.

Waayihii nololeed ee Jeeymis

Jeeymis Maatiyus waxa uu ku dhashay xaafadda la yidhaa Bo-kaap ee magaalada Cape town taariikhdu markay ahayd 24-kii, Maaj 1929-kii isaga oo ugu weynaa lix carruur ah oo la dhashay. Waxbarashadiisii, waxa uu ku qaatay xaafadda lixaad ee magaalada Cape town, halkaas oo si qasab ah looga baro kiciyey dadka dubka madaw si looga hirgeliyo mashruucyo horumarineed oo loogu adeegayo caddaanka.

Intii hore ee noloshiisa waxa uu ku hawlgalay shaqooyin kala duwan oo fudud ka hor inta aanu wargeyska Cape times u qaadan kaaliye tifaftire iyo xidhiidhiye teleefoon. Sidoo kale, waxa uu wariye ka noqday wargeyska Golden city post oo goonni u ahaa dadka madaw kaas oo ku yaallay Johansanberg, intaas dabadeed, waxa uu qormooyin ku daabici jiray wargeyska ‘Muslim news’ oo uu hormuud u ahaa Imaam Cabdillaahi Haaruun, oo ahaa halgamayaashii ugu horreeyey ee ka dhiidhiya midab takoorka, isaga sannadkii 1969-kii ku dhintay gacanta booliiska intii uu ku jiray xabsiga.

Tan iyo dhallaanimadiisii, Jeeymis Maatiyus waxa uu si joogto ah u daneyn jiray wax qorista, hibadiisa qoraalka iyo geesinimadiisana waxa u bogay qaar ka mid ah macallimiintii wax u dhigay kuwaas oo ku dhiirigeliyey in uu ka midho dhaliyo hibadiisa. Inkaste oo uu waxbarashada kaga hadhay dugsiga dhexe, haddana waxa uu si aan kala go’ lahayn u sii waday humuumta uu qabay adabka. Jeeymis, sheekadii koowaad ee uu qoro waxa uu ku faafiyey jariidada “The Sun” oo ku taallay magaalada Cape town isaga oo markaas da’ ahaan jiray toddoba iyo toban sanno. Tan iyo wagaas na marna dib ugama joogsan jidkaas suugaaneed ee uu qaaday.

Geeddigiisii qorista adabka iyo gabayada

Jeeymis, geeddigiisa wax qorista waxa uu ku bilaabay curinta qisooyinka gaagaaban isaga oo ku baahiyey majallado kala duwan sida “Hi note” iyo “Drum” waxa kale oo uu ka qayb qaatay dhigane ah ururis –sheeko oo uu ciwaan u ahaa (Afarley 1963) kaas oo uu tifaftiray qoraagii caanka ahaa ee reer Koonfur Afrika; Rijaadh Raayf (1938—1989), intaas waxa xigay oo dibedda lagu daabacay qisadii ugu horreysay ee uu leeyahay oo ah urur shookooyin ah oo uu u bixiyey “ Azikwelwa kolkii dambe na waxa lagu daabacay gudaha dalka iyaga oo wata magac kale oo ah “Beerta iyo qisooyin kale “.

Noofalkiisa kale ee la yidhaa “The Party is Over“oo la micne ah “Xafladdii Way Dhammaatay” isna waxa kolkii ugu horraysay lagu daabacay af Jarmal 1986-kii. Laga bilaabo toddobaatanaadkii qarnigii hore, Jeeymis waxa uu si gaar ah diiradda u saaray muhiimad weynna uu siiyey qorista gabayada, taas oo u soo jiidday in loo aqoonsado Abwaan. Wax soo saarkiisa gabayadana waxa ka mid ah "Cry Rage", “Pass Me a" Meatball, Jones" No Time for Dreams" و"Poisoned Wells and Other Delights”.

Maanta, Jeeymis waxa aanu ku tilmaamnaa qoraa iyo siyaasi leh muhiimad weyn gaar ahaan waayadii dulmiga siyaasadeed iyo bulsheed ay ka jireen Koonfur Afrika. Dhab ahaanna, codkiisu waxa uu ahaa mid joogta ah oo u taagan difaaca xorriyada siyaasadda iyo hadalka, mana uu jeclayn in ay ay dabraan awoodaha siyaasadeed, waxaanu si adag uga horyimid nidaamkii midab takoorka ee Koonfur Afrika.

Hibada qalinka iyo wax curinta ee Jeeymis Maatiyus waxa ay soo if baxday isaga oo aad u yar. Sheekadiisii ugu horraysay na waxa uu faafiyey isaga oo aan gaadhin labaatan jir.

Kolka laga hadlayo, waxyaabihii ku riixay in uu noqdo qoraa waxa lagu doodi karaa in ay sabab u ahaayeen dabarradii ad adkaa ee nidaamkii midab takoorku dusha kaga keenay Madawga. Waxaana xusid mudan, nidaamkii cunsuriga ahaa keliya in aanu ku koobsan in uu dadka u kala fadhiisiyo kooxo bulsheed oo kala mudan, balse sidoo kale, waxa uu ku sandulleeyey in ay banneeyaan dhulalkooda iyo guryahooda, isaga oo abuuray sawir xun oo sheegaya in ay yihiin dad liita, sidaas awgeed qoraa Jeeymis dadnimo tirkaas waxa uu u wajahay si adag oo laga dhex arki karo qoraalladiisa.

Dhammaadkii toddobaataneeyadii, Jeeymis waxa uu la kawsaday dhaqdhaqaaqii xorriyadda iyo Falsafaddii Baraarugga Madawga oo dhab ahaan lahaa soo jiidasho siiba tiirarka aasaasiga ah ee la xidhiidha isku filnaanta duunka, isku kalsoonaanta iyo diirad saarista waxyaabaha ay wadaagaan idil ahaan dadka ku dhaqan dalka. Dhanka kale, qoraalladiisii iyo mucaaradnimadiisii midab takoorku waxa ay jahwareer iyo qas ku rideen nidaamkii cunsuriga ahaa, sidaas awgeed looma ogoleyn in uu dibedda u safro, waxayna dawladdu xayiraad ku soo rogtay buugaagtiisa, marar bandanna waxa uu xidhnaa muddooyin dhaadheer.

Waxii ka dambeeyey sannadkii 1994-kii wax soo saarka Jeeymis gaar ahaan gabayadu waxa ay xoogga saareen qaddiyadaha ay ka midka yihiin; saboolnimada, faquuqa iyo riyooyinka aan dhaboobin, waxa intaas u dheeraa siyaasadaha hayb sooca bulsho ee ay ku dhaqmaysay xukuumaddii cusbayd ee waqtigaas taas oo xadgudubkeeda iyo nacaybka ay u qabto qaybo bulshada ka mid ah. Waxa iyana aan meesha ka maqnayn oo udub dhexaad u ahaa waayo aragnimadiisa gabayga mawduucyada la xihdiidh gabawgaiyo dhimashada, waa sida ku cad “Flames and Flowers”,” Age is beautiful phase” iyo “Gently stirs my soul” oo lagu ururiyey waxqabadkiisa.

Jeeymis Maatiyus, waxa uu lahaa shaqsiyad jaad goonniya oo aan u hoggaansamin xeerarka caadiga ah sida kuwa dhaqanka, isla jeerkaas na aan oggolaan xeer wal oo xadidaya xorriyadiisa qofeed, taas oo inta badan horseedi jirtay mawqif adag, xitaa kolka ay arrintu joogto inta ka ag dhaw sida saaxiibadii, haddii se laga istaago dhanka togan, waxa ay taasi ku hoggaamisay laxdooyin dhaqan oo aad muhiim u ah, Tusaale ahaan, waxa uu salka u dhigay bandhigii Farshaxan iyo dhaqan ee ugu horreeyey kaas oo ay lahaayeen dadka Madaw kana dhacay Magaalada Cape town.

Daabacadda “Blac” oo uu Jeeymis aasasay ayaa ahayd tan soo saarta buugtiisa iyo kuwa kale ee ay lahaayeen qoraayasha kale. Waayadii dambe ee uu cimriyey Jeeymis waxa uu koorasyo waxbarasho oo ku saabsan gabayada, siin jirtay ardayda jaamacadaha iyo dadyawga waxbartay.

Shaqsiyadda Jeeymis Maatiyus, waxa ay ahayd mid jaad goonniya oo aan u waaban xeerarka iyo qiyaasaha ay leeyihiin dhaqannada iyo caadooyinku, isla markaas na aan oggolaan wax kaste oo dabraya xorriyaddiisa qofeed.

Waxa lama huraan ah shaqooyinka iyo wax soo saarka Jeeymis Maatiyus in loo arko kuwo ka turjumaya deegaan gaar ah iyo xilli goonniya, waana sida laga dheehan karo gabayiisa oo mid waliba uu ka turjumayo waayo iyo laxdooyin tariikheed oo gaar ah, gaar ahaan Koonfur Afrika. Saamaynta wax soo saarkiisa na sida ugu habboon ee loo qiimeyn karaa waa in si wadar ah loo eego shaqooyinkiisa iyo saamaynta ay u ku yeesheen bulshada.

Bilawgii xirfadiisa, Jeeymis waxa uu helay aqoonsi caalamiya. Tusaale, Maraykanka waxa uu ka helay abaal marinta Woza Afrika(1978) waxaana magaciisa lagu daray liiska tix gelinta ee Kwaza (1979), sidoo kale, waxa uu iskaashi qoraal ka helay Jaamacadda Lowa. Jarmalka ayuu isna ka helay abaal marin isaga oo helay abaal marinta Xorriyadda labada magaalo ee Leerti iyo Nurembeeg.

Sidaas oo ay tahay, Koonfur Afrika dhexdeeda marna lama guddoon siin wax shahaado sharaf ah ilaa laga soo gaadhayo cahdigii dimuqraadiyadda. Sannadkii 2004-kii ayaa la guddoon siiyey “National Order of Ikhawmanga” oo ah abaal marin qaran oo aad u sarraysa, taas oo uu ku mutaystay guulihii uu ka soo hooyey Suugaanta, doorkiisii saxaafadda iyo sidii ay uga go’nayd in la helo Koonfur Afrika oo ayna ka jirin cunsuriyad iyo kala sarrayni. Waxa iyana xusid mudan sannadkii 2022-kii in ay Wasaaradda Farshaxanka iyo Dhaqanku u aqoonsatay “Halyeyga dadeed ee nool”

Dhaqan ahaan, dhimashadiisu waxa ay ka dhigantahay dhammaadka xilli go’an. Jeeymis, waxa uu ahaa haayad dhan oo suugaaneed iyo dhaqan oo ku dhex taalla Cape town iyo astaan ka dhex ifaysa saaxadda dhaqanka ee magaalada. Waxa iyana jira gidaarro si farshaxamaysan loogu muujiyey sawirkiisa oo ku yaal mid ka mid ah waddooyinka ugu waaweyn magaalada, waana wax sii waarin kara jiritaankiisa iyo xusuustiisa.

Nidaamkii cunsuriga ahaa ee Koonfur Afrika ka jiray, bulshadii Madawga ee Koonfur Afrika, waxa uu kula kacay dadnimotir iyo gobood falyo xun xun, waana sababaha Jeeymis Maatiyus ku riixay in uu noqdo QORAA iyo GABYAA si uu ula diriro dulmigaas.

Kolka la joogo Suugaanta Koonfur Afrika, Jeeymis waxa lagu tiiriyaa fac hormuuda oo ahaa qoraayaal madaw kuwaas oo salka u dhigay dhaqanka wax qorista ee iska caabbinta gaar ahaan badhtimihii kontomeeyadii, lixdameeyadii iyo toddobaatannadii ee qarnigii labaatanaad. Wax qabadkiisu na waxaabu ka mid ah kuwii ugu horreeyey ee ay xayirtay xukuumaddii cunsuriga ahayd. Codka Jeeymis waxa uu ahaa mid si weyn uga soo horjeeda takoorka xilli ay Koonfur Afrika ay ku jirtay marxalad taariikheed oo aad u adag.

Jeeymis Maatiyus, waxa uu u taaganyahay oo matalaa nooc qoraannimo iyo iska caabbin oo gaar ah kaas oo aan ka gu’in degaankiisa siyaasad ahaan iyo bulsho ahaan labadaba, isla markaas na codkiisa u adeegsaday hub ka dhan ah cunsuriyadda iyo dulmiga. Jeeymis intii uu ku guda jiray geeddigiisa suugaaneed iyo siyaasadeed waxa uu dhabeeyey in erayga qorani uu noqon karo awood laga ga hortago dulmiga waxaanu dhaxal iyo saamayn ballaadhan kaga tagay suugaanta Koonfur Afrika iyo guud ahaan suugaanta caalamiga ah, saamayntaas oo keliya aan ku koobnayn wax soo saarkiisa la daabacay ee sidoo kale koobsanaysa haayadaha dhaqan iyo aqooneed ee uu aasasay una sii gudbiyey jiilasha dambe.

Nolosha iyo waxqabadyada Jeeymis waxa ay muujinayaan oo la ga la dhex bixi karaa sida qoraalku uga tallaabi karo xuduudda fanka si uu u noqdo mid lagu dhaqan geliyo caddaaladda iyo xorriyadda isaga oo qoraaga ka dhigaya goobjooge iyo falcuriye hal mar qayb ka wada ah isbeddellada bulsheed iyo taariikheed. Sidaas awgeed, dhaxalka Jeeymis Maatiyus waxa uu noqday isha dhiirrigelinta ee cilmi baadhayaasha, akhristayaasha iyo mufekeriinta, waxa kale oo dhaxalkiisu muujinayaa doorka suugaantu ku leedahay iska caabbinta.

Qoraallada kale ee qoraaga