Saturday 8 November 2025
Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay in muwaaddiniinteedu ay tagi karaan Somaliland sababo la xidhiidha amniga awgeed, si ka duwan Soomaaliya.
Talo cusub oo ku saabsan safarka oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jarmalku soo saartay, waxa ay muwaaddiniinteeda uga digtay in ay u safraan Koonfurta Soomaaliya sida Muqdisho iyo maamul goboleedyada Soomaaliya, marka laga reebo Puntland oo ay sheegtay in ay iyana qayb ahaan deggan tahay.
Dadka u socdaalaya Somaliland ayaa ay ku wargalisay in ay fiisaha ka heli karaan magaalooyinka Somaliland markii ay gaadhaan.
Arrintani waxa ay ku soo beegmaysaa xilli uu Koongereska Maraykankana horyaallo soojeedin biil ku saabsan in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku ay soo saarto talinbixin ku saabsan safarka muwaadiniinta Maraykanka oo Somaliland ka soocaya Soomaaliya.