Thursday 15 May 2025
Kolka ay xaaladdu meel adag marayso, odayadii hore iyaga oo hoga tusaaleyn uga jeeda waxa ay odhan jireen “Ma tabar baynu guurnaa mise taako” Markaas bay haddana ku jawaabi jireen xikmadlaydu ‘taako ma hubnee aan tabar guurno. Qormadan waxaan ku falanqaynayaa halista weyn ee ay wajahayso Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya. Waxaan ku doodayaa go’aamada ah isku-koobidda xukunka, burburinta heshiis-siyaasadeedkii saldhiga ahaa iyo xiritaanka fagaaraha siyaasadda waxay keeni karaan inay burburto Jamhuuriyada saddexaad Qiimeyn kadib, waxaan soo bandhigayaa sababaha aysan go’aamada dowladdu uga guureyso heshiis-siyaasadeedka Jamahuuriyadda 3aad aysan u hirgeli karin. Waxaana ku soo gunaanadayaa baaq ah in la badbaadiyo inta ay goori goor tahay.
Kolka ay xaaladdu meel adag marayso, odayadii hore iyaga oo hoga tusaaleyn uga jeeda waxa ay odhan jireen “Ma tabar baynu guurnaa mise taako” Markaas bay haddana ku jawaabi jireen xikmadlaydu ‘taako ma hubnee aan tabar guurno.
Dowladdii Soomaaliyeed ee dhalatay 1960-kii waxay soo martay saddex marxaladood oo kala ah Jamhuuriyaddii 1aad ee dimuqraadiga ama shacabka (1960-1969), Jamhuuriyaddi 2aad ee Militariga (1969 – 1991), iyo Jamhuuriyaddii 3aad ee Ku-Meel-Gaarka ahayd ee lagu dhisay Carta, (2000 ilaa iyo hadda). Jamhuuriyadda 3aad ee ugu dambeysay waa tan ugu cimriga dheereyd saddexda marxaladood, waxaana saldhig u ahaa afar tiir: Awood-qeybsiga beelaha ee 4.5, nidaamka federaalka, nidaamka baarlamaaniga ah iyo doorashooyin dadban oo xilliyeysan. Waxay qaadatay in la dhiso jamhuuriyaddan 10 sanno iyo shirar aad u badan kaddib. Iyadoo ay saas tahay ayay ku dhalatay qabyo.
Waxaa markii hore Jabuuti isugu yimid bulsho u badan dadka rayidka iyagaana dhisay aasaaskii koowaad. Sannadkii 2004 waxaa ku soo biiray hoggaamiye-kooxeedyadii. Qaybtii heshiiska qaadatay ee Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa ku soo biiray sannadkii 2008. Ugu dambayntii, sannadkii 2012, waxaa la ansixiyey dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah oo ay qayb ka ahaayeen dowlad-goboleedyadii Buntilaan, Galmudug, Ahlu-Sunna iyo Dowladdii dhexe ee Ku-Meel-Gaarka ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Madaxweynaha ka ahaa. Is-beddelladii dhacay 2012, 2016 iyo 2022 waxaa sameeyey intaas oo kooxood oo wada socda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku guuleystay doorashadii 2022 markii labaad. Waana madaxweynihii ugu horreeyey ee mar labaad fursad la siiyo. Wuxuu kula wareegay maamulka teendhada Xalane oo ay joogaan xoogagga siyaasadeed ee dalka ka jiray oo iskugu jira maamul-goboleedyo iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. Maamul heysta dhul Soomaaliyeed oo ka mid ah jamhuuriyaddii 1960-kii xorowday oo aan joogin goobta uu xilka kula wareegay waxaa ka jira Soomaalilaan oo doonaysa inay ka baxdo midnimadii 1960-kii iyo kooxaha xagjirka ah oo doonaya inay xoog kula wareegaan xukunka. Marka aan sidan leeyahay waxaan wax ka fiirinayaa xaqiiqada dhulka ka jirta oo kaliya.
Markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu goostay inuu xukunka ku koobo xisbigiisa gaarka ah oo ma uusan dhisin xukuumad wadaag ah. Halkaas waxaa ku haray xoogaggii ka qeyb qaatay guusha madaxweynaha. Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Buntilaan Saciid Cabdullaahi Denni markiiba waa kala noqdeen taageeradii. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo markii hore la shaqeeyey dowladda iyo Ra’iisul-Wasaare hore, Xasan Cali Khayre iyaguna waa ka horyimaadeen Xukuumadda Xasan Sheekh, Madaxweynihii xukunka laga la wareegay, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyo kooxdiisa dhankoodaba lama fiirin. Ugu dambeyntii waxaa bannaanka ku dhacay Madaxweynaha Jubbalaan Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku dhaqaaqay inuu waqti iyo hanti badan geliyo sidii looga guuri lahaa heshiis-siyaasadeedkii (political settlement) inta wada joogta ay ku wada joogtay. Afar cutub oo dastuurka ah ayaa si qarda-jeex ah lagu marsiiyey baarlamaanka, waxaana halkaa lagu beddelay nidaamkii baarlamaaniga ahaa oo waxa la keenay mid madaxtooyo. Sidoo kale, madaxweynaha iyo qaar ka mida madasha wadatashigu waxay ku heshiiyeen in awoodaha loo asteeyo hab u sad-burinaya dawladd dhexe. Tusaale, heshiiskaasi wuxuu siinayaa 44 awoodood oo u gaar ah dowladda dhexe, waxayna la wadaageysaa dowladda dhexe 20 awoodood dowlad-goboleedyada. Waxaa la siiyay 32 awoodood oo u gaar ah dowladaha hoose. Dowlad-goboleed, markii wareerkoodu ku batay madaxda dowladda dhexe, waxa loo reebay 29 awoodood oo aan macno badnayn.
Dhanka doorashooyinka, dowladdu waxay si aan heshiis lagu ahayn ku marsiisay baarlamaanka xeer doorasho, mid xisbiyeed iyo midka guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha oo dhammaantood u khidmeynaya maamulka. Xeerka doorashada iyo kan xisbiyadu waa kuwa aad u jahwareersan, ayna ka muuqato in danta dowladda la waafajinayey. Tusaale, waxaa la yiri waxaa la adeegsanayaa dhammaan nidaam-doorashooyinka jira haddaba waxa guusha leh ka ugu dheereeya (First Past The Post), metelaada isku-dheeli-tiran ee liiska furan (Open List Proportional Representation) iyo metelaadda isku-dheelli-tiran ee liiska xiran (Closed List Proportional Represenation). Ku darsoo hal guddi oo dowladdu leedahay baa maamulaya doorashooyinka oo dhan. Kaba sii darane, waxay ku koobeen xisbiyada saddex kaliya oo aan u fahmay mid guuleysanaya iyo laba lagu qurxiyey.
Haddaba, suurtagal ma tahay in go’aanka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh hirgalo? Marka la qiimaynayo soo-jeedin siyaasadeed waxaa laga fiiriyaa saddex dhinac oo kala ah taageerada siyaasadeed ee uu mashruucu heysto (political agreement), farsamo ahaan in waxa la soo jeediyey ay sax ku yihiin duruufaha jira (technically and contextually appropriate) iyo in cidda hirgelinaysa ay leedahay awood ay ku hirgeliso (organizational capability).
Anigoo ka amba-qaadaya saddexdaas arrimood waxaan qabaa inaysan suurtagal ahayn in la hirgeliyo go’aamada dowladda. Marka hore, intii ay taladu dhex tiillay heshiis kuma ahaan mashruuca ay madaxweynaha iyo xisbigiisu wadaan. Madaxda mucaaradka dowladda dhexe badidood, Jubbalaan iyo Buntilaan waa caddeeyeen mowqifkooda ku aaddan arrinkan. Sidoo kale, waxaa ka warwareegay inay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed siiyaan bulshadii caalamka. Tabarta iyo abaabulka dowladduna waa kooban yihiin. Mar labaadka, hayadaha la wado ma ahaan kuwa ku habboon farsamo ahaan bulsho qeybsan oo heshiis ku ah in wada-tashi lagu guuro. Asal ahaan, jamhuuriyadda 3aad waxay ku timid heshiis iyo gorgortan siyaasadeed oo dhex maray hoggaanka qabaa’ilka iyo madaxda maleeshiyooyinka. Ma jirto koox ka adkaatay inta kale oo qasbi karto. Sidaa darteed, colaadaha ku dhammaada habka wada-hadalka waxaa qasab ah iyo nidaam is-qancin ah lagu wado. Tan kale, hababka sahla in laga wada-qeyb-qaato go’aamada waxaa ka mid ah nidaamka baarlamaaniga ah iyo kuwa baahsan (decentralization). Waxyaalaha ay dowladdu soo jeedisay waxay u egyihiin waxyaalaha ay qolyaha kala-adkaada adeegsadaan.
Xitaa haddii loo daayo hayadaha jira iyo halka ay marayso dowlad-dhisku waxay tusinayaa inaysan suurtagaleyn go’aamadani. Kaba sii darane, maamulka doorashooyinka waxay dowladdu rabtaa inay ku koobto guddiga ay keensatay, halka ay maamullada qaar diidan yihiin. Dagaalkii Raaskaambooni ku dhex maray Dowladda Dhexe iyo Jubbalaan waxaa saldhig u ahaa maamulka doorashooyinka cidda iska leh. Dabcan guddiga la doonayo inuu ka hirgeliyo doorashooyinka dalka oo dhan waa mid cusub oo aan weli saldhigan, islamarkaasna haysan kalsoonida kooxaha uu u garsoorayo oo dhan, markaa soo jeedinta dowladdu qodobkan way ku dhacaysaa.
War iyo dhammaantii, heshiis-siyaasadeedkii Carta ka soo billowday waxaa ka soo haray awood-qeybsiga beelaha. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbigiisu waa ka guureen saddexdii saldhig ee kale. Xoogaggii siyaasadda intooda badan, sida mucaaradka dowladda dhexe, Buntilaan iyo Jubba laan waxay ku hareen bartii looga guuray iyo dastuurkii qabyada ahaa ee 2012. Marka la eego waaya-aragnimadiisii hore iyo sanadihii mucaarada, waxaa la filayay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu intii wada-joogtay isku-hayn doono, inta maqanna uu wax ka keeni doono. Taasi ma dhicin. Taladii wareertay waxay dalka keentay is-goys halis ah. Aragtidii ahayd aniga guuleystay oo wax walba ka talinaya, go’aamadii looga guuray heshiis-siyaasadeedka iyo xiritaanka fagaaraha siyaasadda waxaa ka dhalanaya inay jamhuuriyadda 3aad burburto. Haddii aan la daba-qaban, Xasan Sheekh wuxuu noqonayaa Madaxweynihii ugu dambeeyey ee Jamahuuriyadda 3aad.
Ugu dambayn, is-giijin iyo waxaan suurta-galayn in waqti lagu lumiyo waxaa ka habboon in runta mudan la abbaaro. Waxaan qabaa in Madaxweynaha iyo xisbigiisuba ay dib ugu noqdaan intii heshiiska lagu ahaa ee ahayd dastuurkii 2012 si la isugu hayo intii wada joogtay 2022. Dabcan, kama wado dastuurka 2012 ayaa fiican ama waddo sax ah ku yimid, waxaan se ka wadaa wuxuu ahaa aasaas qabyo ah oo laga amba-qaadi karo, intii wada-joogtayna ay ku wada joogtay. Waa dhaamaa in ay qolo kasta dastuur iyo mashruuc u gaar aaddo. Dhanka doorashooyinka, waxaan qabaa in lagu dul-shaqeeyo, wixii la isla gartana laga beddelo, sharcigii doorashooyinka ee ay mucaaradku keeneen 2020, islamarkaasna uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ansixiyey. Waa ka sahlan yahay sharciga ay hadda dowladdu wadato, wuxuuna ku salaysan yahay heshiis-siyaasadeedka dalka. Haddii Jamhuuriyadda 3aad burburto ma filayo inay jirto cid garanaysa inta ay qaadan doonto in la dhiso Jamhuuriyadda 4aad iyo sida ay jamhuuriyaddaasi u ekaan doonto. Waar ha laga joogo oo tabar ha la guuro.