Skip to main content

Saturday 8 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Jalaal Ad-Diin Ruumi: Jacaylka, Suufiyadda iyo Falsafadda Suugaantiisa

6 August, 2026
Image
Jalaal Ad-Diin Ruumi: Jacaylka, Suufiyadda iyo Falsafadda Suugaantiisa
Share

Intii la uunku jireyba waxa dunida soo maray dadyow aan la qiyaasi karin tirada buugaagta ay qoreen ama baaxadda aqoonta ay ka tageen, balse la cabbiri karo saamaynta ay ku yeesheen in ay beddelaan hab-fikirka bini’aadamka iyo sidoo kale qaabka ay isu fahmi lahaayeen nafsad ahaan. Qaar ka mid ah dadyowgaas waxa ay reebeen dhaxal aan tirmayn sida: falsafad, cilmi iyo suugaan. Hase yeeshee, waxa jira dad yar oo faro-ku-tiris ah oo haddana, seddexdaas dhinacba hal meel isugu keenay, kuwaas oo ka dhigay bar-kulan ay ku kulmaan caqliga, qalbiga iyo ruuxdu. Jalaal Ad-Diin Muxamed Balkhi (30 Sebtember 1207 ilaa 17 Diisambar 1273), oo dunida badi u taqaan Ruumi, waxa uu ka mid yahay dadka ku jira safkaas dhifka iyo naadirka ah ee aysan cid walba ku biiri karin.

Waxa uu ku dhashay magaalada Balkh ee dalka Afgaanistaan. Aabihiis Bahaa’ al-Diin wuxuu ahaa aqoonyahan weyn oo takhasuskiisu ahaa diinta. Horaantii qarniga 13aad waxa dunida Islaamka hadheeyey masiibadii weynayd ee ciidamada Mongoolku ku burburiyeen dhulweynihii Islaamka. Ciidamadaas oo uu hor-kacayey Genghis Khan waxa ay afka ciidda u dareen, oo ay gumaadeen magaalooyinkii waaweynaa iyo caasimadihii ugu tunka weynaa dhulka shaam. Bahaa’ al-Diin (aabbaha Ruumi) oo ahaa aqoonyahan indheer-garad ah ayaa gartay halista soo fool leh, ka hor inta aan magaalada la hareerayn, isaga iyo boqolaal qof oo raacsanaa waa ay iskaga qaxeen. 

Sidaas darteed, Ruumi wuxuu ku koray nolol qaxootinnimo isaga oo qiyaastii 12 jir ah. Waxaana ay degeen ama si rasmi ah hoy uga dhigteen magaalada Anatolia (Turkiga maanta). Waxana si diiran u soo dhaweeyey aabbaha Ruumi iyo Qoyskiisaba suldaankii Ruum waagaas talada hayay Calaa' al-Din Kay Qubad I waxa uuna gacanta ka saaray caasimadda Konya si uu madax uga noqodo akadeemiyada diinta ee magaalada.

Bilowgii noloshiisa, Ruumi waxa uu noqday caalim ku xeeldheer culuumta Islaamka, waayo markiisa horeba waxa uu ahaa dhal-culimo kuna barbaaray qoys diintu biyo dhigtay. Kolkii uu noqday macallin, khadiib iyo buuni bulshada dhexdeeda sumcad weyn ku leh. Marka laga eego dhankaas, waxa aynu dhihi karnaa maanta waxa loo garan lahaa; wadaad caalim ah oo noolaa qarnigaas, balse taas beddelkeeda waxa maanta loo garan ogyahay in uu ahaa abwaan iyo faylasuuf oo ka tirsanaa dariiqada suufiyada, aasaasayna firqo hoos timaad suufiyada oo la yidhaa Mawlaawi. Sidaa li’ajligeed, taariikhdu mararka qaar ma xusto qofka waxa uu ahaa; waxa ay xustaa waxa uu noqday. Isbeddelkaasna waxa Ruumi nafsaddiisa saamayn weyn ku yeeshay, beddelayna jihadiisa Shamsu Al-Diin Al-Tabrizi kaas oo noqday hagihii iyo macalinkii xagga ruuxda. Kadibna Ruumi waxa uu qorey kumannaan bayd oo gabayo ah oo waliba isugu jira Carabi iyo Faarisi. 

Sannadkii 1244-kii miilaadiga, Ruumi waxa uu noqday sheekh, waxa uuna bilaabay in uu fatwoodo, isla markaa uu diinta kusoo dhex daro fadwooyin xalaal ka dhigaya muusiga iyo jaaska loo yaqaan wareegga-xadraynta. Isaga oo u aanaynaya, in Rabi uu ajar ama wanaag ku siinayo. Waayo waxa uu aaminsanaa heesaha, muusiga iyo jaasku in ay kordhiyaan dareenada qiirada iyo muxibbada leh ee loogu dhawaanayo Alle.

In badan oo ka mid ah qoraallada laga sameeyey Ruumi waxay xoogga saaraan xidhiidhka isaga iyo Shamsu Diin, balse xidhiidhkaas haddii aynu si fudud kusoo koobno waxa uu ahaa; “Saaxiibtinimo” ama “Macalin iyo Arday.” Waxba yaynaan sii dhex xulin taariikho badan e. Waxa aynu isku dayaynaa in aynu baadhno ama darisno su’aalahan soo socda; Maxay ahayd falsafadda ku qarsoon suugaantiisa? Sidee ayay maansadu ugu noqotay aalad uu ku sharxi karo xidhiidhka bini’aadamka, naftiisa iyo Ilaahay (SWT)?

Sirta Ku Qarsoon Suugaanta Ruumi

Haddii la is-weydiiyo waxa ugu badan ee kusoo noqnoqda maansada Ruumi. Jawaabta ugu dhow la bixin karo waxay noqonaysaa: Jacayl! Hase yeeshee, jacaylka uu ka hadlayo ma aha midka u dhexeeya jacaylka suugaantu inta badan sawirto ee ah; laba qof oo isu hilloobay ama dareen qalbi oo ku kooban xidhiidh bini’aadam. Jacaylka Ruumi waa mabda’ falsafadeed, waana dariiqa kaliya ee qofku kaga gudbi karo xayndaabka naftiisa si uu u gaadho xaqiiqada ka sarraysa isaga. Sidaas darteed, marka Ruumi ka hadlayo jacayl, waxa uu dhab ahaan ka hadlayaa habka aqoontu ku dhalato, habka ruuxdu u korto iyo habka bini’aadamku ugu dhawaado Alle. Waxa kale ee uu ku doodayaa Ruumi kolka qalbigu isbeddelo; in uu gaadhayo garashada, halka culumada waagiisaas noolayd ku doodeen in garashada lagu gaadho aqoon urursi, xifdinta wax badan iyo dhisidda awoodda doodaha. Ruumi waxa uu leeyahay: jacaylku qofka waxa uu ka saaraa isla-weynida, waxa uu jebiyaa kibirka, waxa uuna ku khasbaa qofka in uu qirto in ay jiraan xaqiiqooyin aanu garaadku keligiis gaadhi karin. Marka jacaylka Alle kaligii loo banbaxo, ma yareeyo caqliga ee waxa uu dhammaystiraa meelaha caqligu gaadhi karin.

Jalaalu Diin, marka kale isaga oo ka hadlaya suufinnimada waxa uu ku tilmaamay in ay tahay dariiqa kaliya ee ruuxu ula midoobi karo abuuraha, isaga oo muujinaya jacayl iyo muxibbo. Waxana uu rumaysnaa in ay tahay waddada qudhiya ee isku xidha addoonka xiisaynaya la kulanka Ilaahay. Haddaba, Haddii ay jirto hal arrin oo Ruumi kaga soocnaa suufiyada kale oo ka horreeyey ama kuwii ka dambeeyey, waa habka uu u adeegsaday diinta. Ma uusan u adeegsan Qur’aanka iyo qisooyinka anbiyada si uu u adkeeyo dooddiisa ama ugu guulaysto muran jirey waagiisaas. Taa beddelkeeda, waxa uu ka dhigtay muraayad uu dhugtuhu ka dhex dheehan karo naftiisa. Sidaas darteed, marka Ruumi ka sheekaynayo Nabi Muuse, Ciise iyo Yuusuf., ujeeddadiisu ma aha inuu dib u tebiyo taariikhda anbiyada; waxa uu doonayaa inuu daaha la rogo xaaladaha nafsiyadeed ee qof kasta oo bini’aadam ah mar uun la kulmo.

Marka uu ka sheekaynayo qisada Nabi Muuse iyo ninkii Adhi-jirka ahaa, oo ka mid ah sheekooyinka ugu qotoda dheer Masvani. Adhi jiraha ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu Ilaahay ula hadlay si ka turjumaysa jacaylka uu qabo Alle. Waxa uu yidhi; haddii aan kula joogi lahaa; timaha ayaan kuu shanllayn lahaa, dharka ayaan kuu dhaqi lahaa, caano ayaan kuu lisi lahaa…! Markii uu Nabi Muuse maqlay hadalkaas, waa uu canaantay, isaga oo ku eedeeyay in uu Ilaahay la simay bini’aadam kuna sifeeyey sifooyinka uunka oo kale. Adhi jirihii ceeb ayuu dareemay, murugo iyo qalbijab ayuuna la dhaqaaqay. Hase yeeshee, qisadu halkaas kuma dhammaane, Nabi Muuse isagana Alle ayaa canaantay , kuna yidhi: Muusow kuuma soo dirin inaad dadka isoo dhawayso mooyee wax kale, mana eego addoomahayga waxa ay dhihi, balse waxa aan eegaa kaliya jacaylka iigu jira quluubtooda.

Intaas ka dib, waxa jirta iyaduna in la is-weydiiyo sababta ku kalliftay in uu noqdo badweyn maanta dunida Islaamka iyo kuwa kale ee aaminsan diin aan Islaam ahayn; in ay maanta isku si u wada jeclaadaan suugaantiisa. Sida ku cad taariikhaha laga soo minguuriyey waayadii uu noolaa, waxa la xusaa in uu waayay macalinkiisii ama hagahiisii uu naftiisa ka jeclaa, kaas oo dadka taariikhda baadha ay ku soo urruriyeen laba aragtiyood midkood:

Kow; in la dilay, waxaana la sheegaa in ay dileen xaasidiin ka tirsanaa xerta Ruumi kuwaas oo aad ugu xumaaday xidhiidhka qotoda-dheer ee ka dhexeeyey Ruumi iyo Shamsu Diin. Xogaha qaarkoodna waxa ay si toos ah farta ugu fiiqayaan inuu dilkaasi ku lug lahaa wiilka uu dhalay Ruumi oo la odhan jirey; Suldaan Walad. Sida ay xogtaasi sheegaysana waxa lagu dhuftay toorrey, kadibna meydkiisa waxa lagu tuuray ceel ku yaalla magaalada Konya.

Laba; inuu iska tagay oo geeriyooday, culumo badan oo baadhay taariikhdaas waxa ay qabaan inuusan dil dhicin, balse Shamsu Diin uu iskaga tagay magaalada Konya si qarsoodi ah kadib markii uu dhibsaday xinka iyo xaasidnimada ka muuqata xerta Ruumi. Waxaana la rumeysan yahay inuu u safray magaalada Khoy (Iiraanta maanta), halkaas oo ay ku taallo minnaarad laga dul dhisay xabaashiisa.

Laba qof oo Ilaahay dartii isu jeclaada, hadhka Ilaahay ayay hadhsadaan maalinka Aakhiro’e, markii uu waayay saaxiibkii uu jeclaa, waxa uu jibaaxay buur iyo badba si uu u helo. Laakiin kolkii uu yaqiinsaday in aanu helayn waxa uu tiriyey ama sameeyey diwaan-duugaaneed uu ugu magac daray saaxiibkii oo la yidhaa Divan-i Shams-i Tabrizi, oo ay ku yaallaan in ka badan 40,000 oo bayd. Waxana uu kaga warramayaa; Muxubbada Alle, murugada wax kaa lumay, iyo la kulanka Abuuraha. Taasina waa waxa sababtay in dadyow u badan diimaha kiristaanka in ay ka soo digarogtaan una soo digarogtaan Islaamka. Waxyaabaha xiisaha geliyayna waxa ka mid ah maansooyinkiisa, xadrooyinkiisa, xikmadaha ku duugan iyo waliba jacaylka xad-dhaafka ah ee loo qabo Abuuraha.

Ugu dambayn, waxyaalaha uu aadka uga hadlay waxa ka mid ah arrimaha nolosha iyo jiraalka. Kuwaas oo uu ku sheegay; in nolosha ay tahay mid waaraysa, halka dunidana uu ku tilmaamay mid aan dhammaad lahayn. Tusaale ahaan; qof haddii uu dhinto; in uu kusii nagaanayo arlada korkeeda, isaga oo ka geddisan sidii hore (bini’aadam), yacni waxa uu uga jeedaa in uu qaadanayo muuqaal kale. Isaga oo ka warramaya waxa uu yidhi; “hadii aad dhimato adoo bini’aadam, waxa aad noqon geed ama xayawaan.” Arrintan ayaana noqotay midda cajiibka ah ee soo jiidatay dadyowga kale ee haystay dariiqooyin kale iyo diimo kale. Waana halka ay Soomaalidu yidhaahdaan; waalidiintii ayaa inna soo booqatay, kolka ay arkaan xayawaannada qaarkood, waxa ayna u qalaan xoolo si ay u siyaartaan ama u xusaan waalidkood.

Ruumi waxa aynu dhihi karnaa waxa uu ahaa shakhsi baal dahaba kaga dhigan suugaanta iyo abwaannadii kownka soo maray. Isaga oo isku darsaday; aqoon diimeed, khalaawo, xadrayn, falsafad iyo farshaxan suugaaneed. Dhan badan waa uu ka dhisnaa, balse kolka uu ka hadlayo in noloshu tahay mid waaraysa; waa mid gebi ahaanba liddi ku ah aasaaska diinta, sida Alle Qur’aankiisa ku sheegayna waxa uu yidhi; (كُلُّ مَنْ عَلَيْهَا فَانٍ ۝٢٦ وَيَبْقَىٰ وَجْهُ رَبِّكَ ذُو الْجَلَالِ وَالْإِكْرَامِ ۝٢٧), “Wax kasta oo kor ka saaran dhulka, waa ay baaba'ayaan; Waxaa se hadhi doona Wejiga Rabbigaaga, Rabbiga leh Weynida iyo Karaamada.” Ruumi, waxa uu ahaa ruux ay ku badnayd muxubada Alle, kuna weynayd la kulanka Alle, balse doonidan uu raacay ayaa meelaha qaar ka liigaysay.

Allahayow wixii xun ee ka dhacay shaydaanka korkiisa ka yeel, wixii wanaagsanna ajar iyo xasanaad ugu beddel.