Friday 25 April 2025
Qisadani waxa ay dhexmartay muusigyahankii cajabta lahaa ee reer Ruush Biiter Iliyikh Jaykofiski/Pyotr Ilyich Tchaikovsky oo noolaa intii u dhaxaysay 1840 ilaa 1893, kaas oo allifay muusigga heesaha yaabka leh ee (Haradii Xuurta, Qorijebiso iyo Quruxleyda Hurudda) iyo Naadishda Fon Meek/Nadezhda von Meck, oo ahayd carmal hantiile ah muusigga na aad ugu hoolnayd oo hamuun u qabtay isla markaa na jeclayd cidlada iyo goonnijoognimada ilaa ay gaadhay heer ay ka soo qaybgeli waydo arooskii gabdheheeda. Jaykofiski waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa muusigyahankii ugu waynaa ee Ruushka soo maray. Wuxuu ku kacaamay xirfaddiisu na ku hanaqaadday magaalada Sayn-butrisbeeg oo ahayd caasimaddii hore ee Qaysaraddii Ruushka qarniyadii dhexe. Inkasta oo bilowgii hore ee noloshiisa uu ku howlanaa sidii uu garsoore iyo sharciyaqaan u noqon lahaa, haddana mar danbe ayay soo burqatay hibasoorkan uu ku caan baxay ee fanaannimada.
Dhaxalka suugaaneed ee diiwaankiisu wuxu ka kooban yahay toddoba siimafooniyadood, koob iyo toban obeero oo wadar loo tumo, saddex masrixiyadood oo biyaano ah, koob iyo toban oorkestaro, labaatan kooras, boqol heesood iyo hal masrixiyad oo fiyooliin ah. Markii uu u digarogtay majaalka fanka saddexdii sannadood ee u horreeyey wuxu la qaatay macallinkiisii Antoon Roobinishtayn/Anton Rubinstein oo uu la diraasayn jiray habdhaca jiibta, hannaanka laxammada iyo heerarka isku-dubbadhaca jabaqda iyo codadka.
Jaykofiski iyo Naadishda xidhiidhkooda iyo isbarashadoodu waxay ku bilowdeen waraaqo iyo farriimo u bogid iyo bogaadin ahaa oo ay ugu sheegtay sida ay uga heshay fankiisa. Sida ay sheegtay muusiggiisa waxa ay ka dhex heshay xannaano iyo dugaal ruuxdeeda doojiyey. Afartan iyo shan jir qurux u dhalatay ayay ahayd, hanti badanna gacanta ku haysa.
Markii ay ka war heshay xaaladdiisa nololeed iyo in jeebku ka dayacan yahay, ayay waxay ka codsan jirtay inuu muusig u soo tumo, kadib na kuus fiican oo lacag ah ayay u soo diri jirtay. Dabadeed, ka helitaankii ayaa wuxu u dallacay jacayl, waxay isku hareerayn jirtay sawiraddiisa oo dugsan jirtay mudda na ay la noolayd, waraaqo naxariis iyo kalgacal ka tifqaamayo na way u soo diri jirtay, muddo ayay na farriimahaas kalgacalka ah is waydaarsanayeen. Waxaa laga hayaa Naadishda in ay tidhi,”waraaqaha Jaykofiski iyo farriimihiisu waxay iga caawiyaan in aan culaysyada nolosha xammilo oo dulqaad u yeesho”.
Dhexdooda waxa ka qarxay jacayl oodihiisa wata, oo sida daadka iyo duufaanka ah, wax moosi karayaa na aysan jirin, arrinta la yaabka leh ayaa waxay tahay, in Naadishda ay shuruud ka dhigatay in aysan kulmin oo aysan is arag, iyada oo ku sababaynaysa in uu san belelka jacaylka iyo holoca dhamacda ah ee caashaqu ka damin dhexdooda. Mar ayuu wuxuu u qoray, “ma habboontahay inaan dhaho, adiga oo iga dheer oo aan gacan ba iigu jirin ayaan naftayda kaa jeclahay? Maya, weligay lama kulmin qof ruuxdayda sida aad ugu dhawdahay u dhex degay”. Iyana waxay u soo qortay, “mar kasta oo uu jacaylkaagu igu sii siyaado, waxaa sii badata cabsida aan ka qabo la kulmiddaada”.
Muddo dheer oo toban sano iyo dheeraad ah ayaa xaalkoodu sidaa ahaa, oo marxaladdaas fogaanjiidka ahna ku metelayeen dareenka. Waagii danbe ayay ka codsatay in uu soo guuro oo soo dego mid ka mid ah qasriyada ay magaalada ku leedahay, markii danbe na waxay ugu yeedhay in uu guriga ay Moosko ka deggantahay uu qayb ka soo dego. Wuxu soo galay Jaykofiski hoygii loo diyaariyey, waa guri wada muraayad ah, oo farshaxanka iyo qaabka loo sharraxay iyo sida wax walba meeshii loogu talagalay loo dhigay ay lku ashqaraar gelinayso. Wax kasta oo u baahnaa na loogu diyaariyey, biyaanadii, gitaarkii, jaakadihii dhaxanta, sigaarka noocii uu jeclaa iyo xitaa dawadii hurdada ee uu adeegsan jiray si uu u seexdo! Buugtii uu muusigga ku qoran jiray iyo khadkii na waa la isu dul saaray. Aad ayuu ula yaabay daryeelkeeda iyo sida ay noloshiisa uga warqabtay, fajaciso ayay ku noqotay heer uu ilmada ceshan waayey!
Waxay ka codsatay gacalisadu in uu agteeda ku noolaado laakiin aysan indhohoodu isqaban; sidii ballantu ahayd waraaqo ayay ku wada xidhiidhi jireen. Shaqaalaha guriga ayaa na dhambaallada u kala qaadi jiray. Mar ay dhanbaal u soo dirtay waxa ay u soo qortay “ Riyaaq iyo raynrayn badan ayaa ku dareemayaa in aad ii dhowdahay, ereyo aan ku cabbiro dareenkayga na ma hayo".
Sidii ballantu ahayd se, way soo ogaysiin jirtay xilliga ay baxayso iyo marka ay soo hoyanayso, si aysan jidka ugu kulmin, koob iyo tobanka subaxnimo ayay soo bixi jirtay, haddii ay dhacdo in uu daaqadda ka halacsado iyada oo sii baxaysa na, gudaha ayuu ku carari jiray si aysan indhohoodu isugu dhicin. Muddo sanad ah ayay sidaas u noolaayeen. Isku guri ayay ku noolaayeen, waraaqo ayay isu qori jireen, way is xaal waraysan jireen, nolosha fekerka iyo afkaarta ayay wada gorfayn jireen, aragtiyaha fanka iyo siyaasadda ayay wadaagi jireen, falsafadda jacaylka iyo macnaha nolosha ayay wax iska wayddiin jireen, way is uur baadhan jireen, dhimbiisha cishqiga, hilowga iyo muxibbada ayay ereyga qoran isku waraabin jireen. Halkaas ayay ka wada xaajoon jireen, laakiin ma ay kulmi jirin.
Waraaqo dareen lagu nuursado xambaarsan ayay is waydaarsan jireen, “Alla cawadayda iyo nasiibkayga, waxaan dareemayaa inaan ku haysto, waxaan moodayaa in uu san waxani jacayl ahayn, sida cibaadada diimeed baan ugu khushuucsanahay” ayay u soo qortay. Mar kasta oo ay farriin ka hesho na sidii aayad samada ka soo degtay ayay u dul hogan jirtay. Xamaasaddii uu dhambaalkaas sare ka qaaday ayuu wuxuu ku allifay obeerada caalamiga ah ee Gashaantidii Oorliyaano/Maid of Orleans.
Maalintii danbe ayay soo daahday, oo xilligii ay soo hoyan jirtay Naadishda xilli ay saacad ka soo wareegtay ayaa iyada oo soo gelaysa qasriga, waxay si kedisa isaga isaga hor yimaadeen fannaankii, meel loo kala leexdaa na ma jirto. Saddex iyo toban sannadood oo dhambaallo jacayl ah ay soo wadeen kadib, ayay markii ugu horraysay indhaha isku dhufteen. Ilbiqidhsigaas milicsiga ah, iyo ammintaas kooban wakhtiga ayaa istaagay, waxaa na ku kulmay labadooda ruuxood ee isu jeellanaa dareemadii bini’aadamka oo idil. Mashaacir isku walaaqan ayaa sida heego gu’ oo curatay labadooda ba hafisay. Riyaaq iyo hamuun, naxdin iyo rayrayn, cabsi iyo naxariis. Qajilaad iyo yaxyax khalkhalisay garaadkii iyo baraadkii kalasoocidda iyo garashada qaabilsanaa ayaa labadooda ba ku habsaday. Wuu foorarsaday oo salaamay, iyadu na sidoo kale indhahay hoos u rogatay, markaas ayay salaantii ka qaaday, intu ba ilbidhiqsi bay ahayd e hore ayay usii gudubtay oo gudaha qasriga ayay gashay. Isla markii ba dhambaal cudurdaarasho iyo raalligelin ah ayuu u soo qoray, laakiin iyadu waxay u soo qortay, ‘adigu na waxaad ka cudurdaaranaysaa inaad i aragtay, anigu na waxaan ilaahay ugu mahadnaqayaa kedisadii uu inagu kulmiyey, riyaaq iyo raynrayn wayn bay i gelisay kulantidaadu".
Jaykofiski fankiisu wuxuu sammada isku shareeray heerkii ugu sarreeyey na gaadhay kadib markii obeerada Gashaantidii Oorliyaano ay soo baxday, heesihiisu na ay caan bexeen, hanti badan ayuu na ka helay. Qaysarkii Ruushka ayaa deeq badan siiyey, Yurub iyo Maraykan ayuu safarro iyo bandhigyo ku soo galaabixiyey. Bishii Abriil 1891 isaga oo Maraykanka jooga ayay ka go'een waraaqihii u ka heli jiray, gacalisadiisa. Maalmo kadib na waxaa ay warqadi ka soo gaadhay wiil ay soddoh u ahayd Naadishda oo u sheegay in ay xanuunsanayso. Welwel iyo murugo laxaad leh ayaa soo wajahday muusigyahan Biiter Jaykofiski. Sannadkii 1893 wuxuu allifay oorkestarada loo yaqaan Simafooniyadda Murugada, oo ay gorfeeyayaasha fanku ku tilmaameen muusiggii ugu xeeldheeraa ee murugo lagu cabbiro, labo bilood kadib na waa lagu soo booday, wuu na geeriyooday, isaga oo xabaasha uga sii hormaray gacalisadiisii aanay abid is arag, oo iyana waxyar kadib kadaba tagtay, iyada oo filashadeeda ugu wayn ee aakhiro ay tahay in ay gacaliyeheedii adduunka aakhiro kula kulanto, si ay wadajir ugu godlaan jacaylkii gaaxsanaa oo ay gaawaha uga milaalaan kalgacalkii ay gujada ugu diideen waayihii adduunyada, kolkaas na ay ku asteexi doonaan codkii debecsanaaye Caabbi Mire Dacar iyo jacaylkii guyaal badan.
“Jacaylkii guyaal badan
galiilyada qabee, igu gaaxsanaa
adna aadan garan, bal gubaabiyoo
hadduu soo godlado, gaawaha u qaad …”
Ama luuqdii dahabiga ahayd ee Shamsa Cumar ku dheeraysan jirtay ee Oomane Kalgacal.
‘Naftan.n.n. gebiga dheer,
garbadaa ka lulatee
sidii oon geyaan kale
geyigeenna lagu arag
goobaysa keligaa …
Oomane kalgacal iyo
jacayl gaaxsanaa abideey
haddii aad guddoon tidhi …”