Saturday 6 December 2025
Joon-Bool Saartar (Jean-Paul Sartre 1905 – 1980) waxa uu ahaa faylasuuf Faransiis ah oo ku caan baxay falsafadda jiraalleyda (existentialism). Sida oo kale, waxa uu ahaa suugaan gorfeeye iyo u dhaqdhaqaaqe siyaasadeed. Waxa uu noolaa xilligii Hitler ee uu nidaamkii Naatsigu qabsaday Baariis, wadciga Faransiiskana ay xorriyaddu qiirqiir ka ku ahayd, taas oo niyadjab iyo quus badani ay ka jirtay waddanka. Fekradda xorriyadda iyo muhiimaddeeda waxyaabaha ku dhaliyey waxaa la sheegaa in ay ka mid ahayd xorriyad la’aantii iyo niyadjabkii ka jiray Faransiiska. Saartar Waxa uu xidhiidh wadaag jacayl la noqday Simoon di Bofowaar (Simone de Beauvoir 1908 – 1986) oo ahayd qoraa iyo mufakirad u qareenta doorka dumarka ee nolosha. Waxa ay ku caan baxday buuggeeda maguuraanka ah ee la yidhaahdo Jinsiga Labaad (The Second Sex) oo bud-dhig u ah aragtida fiimanisamka (feminism).
Sheekada jacayl ee Joon-Bool Saartar iyo Simoon di Bofowaar waxaa ku dahaadhan labo falsafadood oo gilgilaya caalamka, qarnigii labaatanaad illaa maanta. Labadaas falsafadood waxa ay kala yihiin: Falsafadda jiraalleyda (existentialism) oo ah wadiiqo ka mid ah wadiiqooyinka falsafadda akhlaaqda, gaar ahaan qeexitaanka dadka, iyo falsafadda fiimaniisamka oo ah mid ku saabsan qeexitaanka doorka dumarka ee nolosha.
Qiso jacayl oo nooc gaara ah iyo xidhiidh lammaane oo dellegan ayaa ka dhexeeyey. Ugu horrayn, labadoodu waxa ay is barteen 1929-kii, iyaga oo arday falsafadeed ka ah dugsiga Ekool Normaal Suberiyoore (École Normale Supérieure) ee ku yaalla magaalada Baariis. Judhiiba, fariidkii fallaagga ahaa ee Saartar waa uu u bogay garaadleydii Simoon, waxayna dhidibbada u aaseen dabar caashaq oo aan salguur lahayn, walow ay dafiraad ku jiideen dabarka guurka ee dabiiciga ah.
Waxa ay isla qaateen in xidhiidhkoodu uu noqdo mid ballaqan (open relationship). Taas oo macneheedu yahay in midkoodba uu ciddii uu u bogo la tuman karo. Halka uu Saartar ka cosobsanayey oo uu habeenba qaalin cusub kula bardootamayey kalaabyada Baariis, Simoon, iyaduna, rag iyo dumar waxa ay hesho ayaa ay booshaaqi jirtay. Marka ay iyadu naag ka hesho oo ay shukaansato, isagana waa ay bari jirtay, isaguna wiaii ina rag ah ee Simoon damaaciya dan kama uusan geli jirin. Xidhiidhkoodu waxa uu sahan u ahaa xorriyadda dardhaafka ah (radical freedom) ee dunida waleecaadisay dhammaadkii qarnigii hore iyo bilowga qarnigan.
Falsafadda jiraalleydu waxa ay ku dhisan tahay xorriyaddaas oo nuxurkeedu yahay in qof walba uu ka masuul yahay macnaha ay noloshiisu yeelanayso, korjoogtayn la’aan.
Saartar iyo Simoon, keliya, ma ay ahayn lammaane jacayl wadaag ah ee, sidoo kale waxa ay ahaayeen jaallayaal fekereed oo qaabeeyey hab-fekerka jiraalleyda iyo fiimaniisamka ee qarnigii labaatanaad. Waxa ay ahaayeen labo ka fallaagoobay wax kasta oo soo-jireen ahaa iyo dhaqan kasta oo aadamuhu yaqaanay. Ha xumaato ama ha samaato e, labadaas falsafadood iyo wax kasta oo ay dhaleen iyo raandhiiskoodii waa dhaxal aan maanta la nool nahay.
Falsafadda jiraalleyda ee ay hormuudka u ahaayeen Soorin Kiirkigaadh (Soren Kierkegaard), Maartin Haydigeer (Martin Heidegger), Albeerto Kaamo (Albert Camus) ayaa uu sii ambaqaaday. Joon-Bool Saartar, buuggiisa Ahaanshaha iyo Baabahda (Being and Nothingness 1943) ayaa uu ku dhalaaliyey fekradda jiraalleyda. Waxa uu soo bandhigay in ay ku dhisan tahay mabda’ keli ah, kaas oo ah dadku “waxa ay u qoollan yihiin xorriyaddooda” – waxa aynu u jirnaa si aynu nafteenna u qeexno.
Jiritaanka wax kastaa waxa uu leeyahay labo nooc oo jiraal ah, mid nuxurka ah (haybta) oo ah ujeeddada uu u jiro iyo midda ah jiraalkiisa maaddiga ah.
Jiriyaasha, guud ahaan, nuxurkooda ayaa ka horreeya jiraalkooda. Tusaale ahaan gaadhiga jiraalkiisa maaddiga ah waxaa ka horreeya ujeeddada iyo nuxurka uu u jirayo oo ah in uu gaadiid yahay.
Wax kastaana sidaas oo kale nuxurka jiraalkiisa ayaa ka horreeya jiraalkiisa. Taasi waa sida dabiiciga ah ee uu maankeenu u fahmo jiritaanka. Waxa aynu male-abbaarnaa in jire kasta ay ka horreyso ujeeddo iyo nuxur ka horreeyey oo ay tahay in uu u jiro. Laakiin, taas cagsigeeda jiraalleyda Saartar waxa ay qabtaa in dadka laga soo reebayo xeerkaas oo uu jiraalkiisu ka horreeyo nuxurkiisa. Jiraalleydu waxa ay leedahay, jiritaanka dadka waxa la socda doonis xor ah, sidaas awgeed ma jiri karto nuxur ka horreeya oo ay tahay in uu u jiro. Waxa uu xor u yahay in uu samaysto nuxurka iyo ujeeddada noloshiisu yeelanayso. Waayo haddii ay jirto u jeeddo ka horraysa jiraalka, waxa meesha ka baxaysa xorriyaddii. Xorriyaddu waa in aad adigu masuul ka tahay waxa aad noqonayso, qof walbana isaga ayaa laga rabaa in uu noloshiisa iyo jiritaankiisa macne iyo nuxur u samaysto. Ficillada aad xorta u tahay iyo waxa aad ku samayso xorriyaddaas ayaa aad tahay. Haddii aad tuug noqonayso iyo haddii aad taqi noqonayso adiga ayaa ka masuul ah. Tusmeynta jaadkaas ah waxaa ku dahaadhan; ma jirto ujeeddo hore u qeexan oo uu jiritaankaagu leeyahay.
Isla fekraddaas ayaa ahayd middii dhaqaajisay Simoon, halka Saartar uu xoogga saarayey isku-dubarididda xorriyadda iyo masuuliyadda, iyadu waxa ay ula kacday aragtidan dhankaas iyo jinsiga (labka iyo dheddiga), taas oo ay ka dhigtay in dumarkuna, sida oo kale, ay “u qoolanyihiin xorriyaddooda”, laakiin xorriyaddoodaas ay ka faramaroojiyeen dabarrada dhaqan ee bulshadu.
Buuggeeda Jinsiga labaad (1949) oo ah isha ay ka soo burqadaan afkaarta fimaniisamku waxa ay cod dheer ku leedahay Simoon;
“Qofna uma dhalan, laakiin waa uu noqon karaa, naag”.
Weedhan ayaa ah mid ku salaysan nuxurka aasaasiga ah ee jiraalleyda, taas oo macneheedu yahay in aan waxna loo dhalan ee wax kasta oo aad noqonaysaa ay tahay doorashadaada.
Buuggeeda dhexdiisa waxa ay si baaxad leh ugu gorfaynaysaa sida, taariikh ahaan, dumarka aan loogu tibaaxin in ay yihiin jiritaan iskii u jira oo ka madaxbannaan ragga, ee ay mar walba ragga uun ugu lifaaqan yihiin. U madaxbannaanida jiritaankooda marna ma ay helin dumarku, ayaa ay ku doodaysaa, sababta oo ah si abaabul ah ayaa looga xayuubiyey awooddi ay isku qeexi lahaayeen, waxii ay iyagu doortaanna ay ku noqon lahaayeen. Nolosheeda, Simoon, waxa ay go’aansatay in ay noqoto doorashadeeda oo xitaa dumarka iyada la midka ah ay wax u doonato.
Doodda fiimaniisamka, Simoon di Bofowaar, waxa ay saldhig uga dhigtay aragtida jiraalleyda, waxa ayna cuskatay qaab sharraxaadeedka Joon-Bool Saartar. Xoriyadda ay masuuliyaddu ku lammaan tahay ayaa ay ka dabqaadatay, waxa ayna go’aamisay in naagnimadu aysan ahayn door dhalan ah iyo nuxur ka horreeya jiritaanka gabadha, ee ay tahay wax ay noqon karto dooranna karto, haddii ay rabto, haddii kalena ay wax kale dooran karto. Walow doodda fiimaniisamku ay sharraxaado iyo dhidibbo kale leedahay, meesha ay ka istaagtay iyadu waa dhanka falsafadda jiraalleyda.
Saartar oo loo aqoonsan yahay aabbaha falsafadda jiraalleyda ah, iyo qoraa muhiim ah oo ka mid ah qoraayadii qarnigii labaatanaad, waxa uu leeyahay dhaxal feker oo baaxad leh iyo dhiganayaal tiro badan. Xidhiidhka jacayl ee u dhexeeyey isaga iyo di Bofowaar waxa uu ahaa mid wejiyo badan, oo leh dhinacyo xirfadeed. Tusaale ahaan, illaa maalintii ay Simoon isbarteen, waxa la yidhaa weligii ma uu daabicin nuqul uu qoray oo aysan iyadu tifaftirin. Marar badan, waa ay kala doodi jirtay afkaartiisa iyo kuweedaba, qaarkoodna waxa ayba gaadhsiiyaan in qoraalladiisa qaar ka mid ah ay yihiin afkaartii Simoon di Bofowaar. Waxa ay ahaayeen lammaane jacayl iyo lammaane feker, labadaba.
Sida oo kale, Simoon waxa ay dunida kaga tagtay raad iyo saamayn laxaad leh, waxa ayna ka mid ah tahay qoraayada qaabeeyey sida uu u eegyahay caalamka aan maanta ku nool nahay. Doodeheeda la xidhiidha doorka dumarka iyo ahaanshaha naagtu waa kuwo illaa maanta aad loo soo xigto. Waxaa lagu naanaysaa ama loo aqoonsan yahay in ay tahay hooyada fiimaniisamka. Dhanka kale, Saartar oo ahaa horyaalka xorriyada dardhaafka ah, buugtiisa kuma uu soo qaadin janjeedhka ka jira labka iyo dheddiga dhexdooda, halka ay Simoon xoriyadda jiritaanka ku sheegtay mid aan si siman loo wada helin oo dumarka ay daadifeeyeen dabbarada iyo soohdimaha dhaqan-bulsheed. Qaar ka mid ah fiimaniistayaashu waxa ay ba ku eedeeyaan Simoon in ay hortabyo siisay fekradda jiraalleyda oo aan ahayn fekrad ay fiimaniistayaal lahaayeen.
Aragti ahaan, waxa muuqata in labadooduba ay wadaagaan tilmaanta ku talaxtagga, labada qaayasoor ee xoriyadda iyo sinnaantana ay geeyeen koonaha ugu fog.
Ugu danbayntii, Simoon iyo Saartar waxa ay ganafka ku dhufteen wax kasta oo la isla yaqaannay, dhanka caashaqa keliyana ma ay dardhaafine, xitaa dhanka fekerka. Xidhiidhka ka dhexeeyaa ma ahayn roomaansiyad keliya e, maskaxda aya ay ka jaaleen, garasho iswaydaarsi ayaa ayna dhisteen. Waxa ay jid cusub u jeexeen falsafadda jiraalleyda waxayna dhidibbada u qotomiyeen fiimaniisamka. Xorriyadda dardhaafka ah ee uu Saartar ku dhawaaqay waxa ay marin u noqotay halgankii fiimaniisam ee Simoon. 51-kii sannadood ee uu xidhoodhkoodu jiray illaa dhimashadii Saartar ee 1980-kii, waxa ay aadamaha bareen habdhaqannada muranka badan leh ee xidhiidh-furan iyo dhaqan-jiidhka oo ay u dalleysteen xorriyadda iyo wax-iskadhicinta. Waxa ay ahaayeen labo maskaxood oo widhwidhaya oo xumaan iyo samaanba daahfuray, sida ay aragtiyuhu ugu kala qaybsan yihiin.