Monday 28 April 2025
Dadyowga dunidan guudkeeda saarran, qolo waliba waxa ay leedahay sheekooyin caanbaxay oo ay wadaagaan kalana dhaxlaan. Mararka qaarkoodna waxaa dhacda in sheekooyinkaasi ay caalamka oo dhan ama badhkii wada gaadhaan.
Sheekooyinka dunidan ka caanbaxay ee caalamka isaga gudbay waxaa ka mid ah: "Kun habeen, iyo habeen. Qays iyo Leyla. Cantar iyo Ceebla. Romeo iyo Juliet. Juxa, iyo qaar kaloo badan."
Marka laga hadlayo sheekooyinka jacaylka ee Soomaalida waxa qof walba maankiisa ku soo dhacaysa Cilmi-Boodhari iyo Hodan. Waa sheeko lagu halqabsado oo isaga gudubtay dhammaan geyiga Soomaalida. Waa sheeko tusaale loo soo qaato; la isugu maahmaaho; la isugu digo; marmarka qaarkoodna digasho ahaan loo isticmaalo.
Sheekadani waa sheeko wax badan laga qoray. Waa sheeko suugaan badan laga sameeyey. Waa sheeko taariikh ma guurto ah iyo tilmaan aan laga gedmanayn leh. Waa sheeko aan mala-awaal ahayn oo dhexmartay wiil iyo gabadh Soomaaliyeed oo aynu abkooda iyo isirkoodaba garanayno.
Magaalada Berbera oo ka mid ah magaalooyinka ugu faca weyn dhulka Soomaalida, marka ay dhegtaada ku soo dhacdo waxa laga yaabaa in qalbigaaga ay ku sawiranto sheekadii Cilmi Boodhari iyo xeebta Batalaale! Sheekadan Boodhari waa sheeko xusuusteedu ay baaxaddaa leedahay,
Qoraalkan ujeeddadiisa dhabta ah aan u galo, si aynu haddaba aan akhristaha ula wadaago waxa igu xambaaray.
Galab aan sii fogayn baan makhaayad Soomaaliyeed oo laga shaaheeyo soo fadhiistay. Waxa ay ku agtaalla masaajid. Waa galbeedka London. Salaaddii Maqrib baannu sugaynaa. Buug anigu aan qoray oo la yiraahdo "Calaf iyo Cugasho" ayaan gacanta ku hayaa. Raggii goobta fadhiyey baan la wadaagay buugga iyo waxa uu ku saabsan yahay. Ereyga " CUGASHO" baa raggii qaarkood uu fahamkiisu ku adkaaday. Waxa aan ugu micneeyey sida uu buugga ugu jiro oo ah "Jamasho, Doorasho, ama Calmasho."
Waxa la qiyaasay in aan sheekadaas jacayl ka madhnayn. Nin raggii ka mid ah, uguna 'cod-dheeraa' baa markiiba surucyo ku kaceen. "Idinka lahjaddiinna aad rabtaan in aad dadka ku khasabtaan. Waa haddii aan idinka yeelno!" buu yiri isaga oo difaac adag soo xirtay. Waxa aan ugu jawaabay in Soomaalidu afka wada leedahay, horumarintiisa iyo faafintiisana uu waajib inaga wada saaran yahay — taa beddelkeedana aynu ka fogaanno in aynu afkeenna ereyadiisa qaar ka xantanno. Waxa aan ugu soo gebagebeeyey in afkeennu kobcin iyo kaalo inooga baahan yahay, in la kala rifaana ay ceeb inagu tahay.
Ninkii dood dheer buu galay. Isaga oo "reer Waqooyiga" weeraraya, buu tusaale u soo qaatay Cilmi Boodhari. "Boodhari oo ahaa nin miskiin ah oo gaajo u dhintay aad nooga dhigteen aabbihii jaceelka. Sheeko baraleydaas aad dhegaha noogu riddeen. Qasab aad nooga dhigteen in aan sideeda u qaadanno," waxa ay ahayd qayb ka mid ah dooddiisa. Intaa kuma uu joogine waxa uu jeebka ka soo saaray abwaan Soomaaliyeed oo magaciisu ahaa Abwaan Sugaal Cabdulle.
Ninkii waxa dooddiisii ay isu beddeshay in uu noo sheego in Sugaal Cabdulle uu soo maray jacayl baaxad weyn oo ka qoto dheer, kana xiiso badan kii Cilmi Boodhari. Waxa uu sii raaciyey in 'Boodhari ciddiisu ay yihiin cid afmiinshaarin ah oo suugaanta aad u yaqaanna. Sidaa daraaddeed, ay iyagu buunbuuniyeen, gabayo badanna u sameeyeen si ay nooga dhaadhiciyaan.'
Markiiba waxa aad ii taabatay meesha hoose ee ninkaasi uu sheekadii la aaday. Waxa aan ku khasbanaaday in aan aratidayda la wadaago. Dooddaydu waxa ay daarranayd: -
Sheekada Boodhari waa sheeko Soomaaliyeed. Waa sheeko caanbaxday oo socotay. In ay heerkaas gaadhona cid lagu khasbay ma ay jirto — ee miisaanka ay lahayd bay sheekadani Soomaali ku kasbatay. Sabab qof Soomaali ahi uu isugu dayo in uu liido ama hoos u dhigona maaha wax maangal ah. Taariikhda fankeenna ayay sheekani ku xardhan tahay. Cid laga leeyahayna ma ay jirto. Waxa la inooga baahan yahay in aynu qoraallo ku baahinno, idaacadaha ka sheegno adduunkana aynu la wadaagno si ay diiwaanka sheekooyinka dunida inoogu gasho.
Waxa kale oo aan ugu daray, 'abwaankan kale ee Soomaaliyeed ee aad sheegaysid, in aad sheekada Boodhari aasto mooyaane — miyaad weyddey si kale oo aad jacaylkiisa u soo bandhigtid!"
Nasiib wanaag, rag badan oo markii hore hadalka ninkan u jaameynayey, ayaa garwaaqsaday in aan dood maangal ah soo bandhigay. Ragggii baa saaxiibkood ku jeestay. "Wax ka dheh, hee. Maalin walba sheekadan camal aad nagu akhriyi jirtee, ninkaan iska dhici!" Waxa xigtey qosol iyo qaylo wadasocda!
Waxa aan ku soo afmeerayaa, Soomaaliyeey aynu is iimaansanno. Sheekooyinka xiisaha lihi waa ay inagu yaryihiina, qofkii dhacdo qiimo leh hayoow, adiga oo aan ka masayrin sheeko ama dhacdo hore u baxday oo bulshadu ay aqbashay, adigu soo bandhig waxa cusub ee aad rabtid in ummaddu ay dhegeysato. Iyada oo aan qofna la khasbin baa bulshadu qiimaynaysaa doodda aad soo bandhigtid. Shaakadaadu haddii ay dareen leedahay bulshadu way qaadanaysaa sida tan Cilmi Boodhari oo kale.
Sheekooyinka jacaylku waabay inagu yaryihiine, wax halagu soo biiriyo tii Boodhari. Haddii aan lagu soo biirin karaynna, ta Boodhari waynu wada leenahaye aynu ilaashanno.