Friday 17 April 2026
Jabuuti waxa ay galaysaa doorasho madaxtooyo, 10ka bishan Abriil, waana doorasho aan saadaasheeda lagu kala baydhsanayn, gude iyo dibedba, oo waxa la filayaa in Madaxweyneha hadda, Ismaaciil Cumar Geelle uu talada ku sii haysan doono muddo xileed lixaad oo ah mid xidhiidhsan tan iyo sannadkii 1999-kii oo uu xilkan kala wareegay Madaxweynihii u horreeyay ee dalka Jabuuti, Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon. Madaxweyne Geelle ayaa dhawr jeer oo is xigxigay beddelay dastuurka si uu awoodda u sii haysto, waxana u dambeysay wax-ka-beddelkii dastuur ee u sameeyay dhamaadkii 2025 oo uu meesha kaga saaray da’da ugu sarreysa ee la isugu sharrixi karo xilka madaxweynenimo, si uu muddo lixaad u sii haysto awoodda, isaga oo dhaafay da’dii uu dastuurku oggolaa markii hore.
Saaxada siyaasadda ee Jabuuti ayaa ah mid xidhan oo aanu ka jirin tartan dhab ah, mana jiraan xoogag mucaarid ah oo ay murashaxiin uga qaybgalayaan doorashada, halka ay ururrada siyaasadda ay badankoodu xulafo la yihiin Madaxweyne Geelle iyo xisbigiisa. Xukuumadda ayaa gacanta ku haysa hannaanka doorashada taas oo meesha ka saaraysa jawi lagu tartami karo, iyada oo aanay dalka ka jirin warbaahin madaxbannaan oo tabin karta aragtiyaha kala duwan. Doorashadii hore oo dhacday sannadkii 2021 ayaa uu Madaxweyne Geelle ku guuleysatay 98% codadkii la tiriyay, haddana waxa la filayaa in uu si la mid ah ugu guuleysan doono, arrintaas oo su’aal galinaysa macneha doorashada iyo ujeeddada laga leeyahay.
Dhanka kale, qaar ka mid ah xoogagga mucaaridka ayaa si joogto ah u qaaddaca doorashooyinka Jabuuti, tan iyo sannadkii 2016, iyaga oo diiddan in hay’adaha dawladdu aanay dhex u ahayn hannaanka doorashada iyo habka loo maamulayo, waxana ay si joogto ah u dalbadaan in la sameeyo isbeddello aasaasi ah, inta aan la galin doorashooyin aan lahayn shuruudihii hufnaanta iyo tartanka.
Si kasteba ha ahaato e, hannaanka siyaasadeed ee Jabuuti ayaa wajahaya culeysyo gudeha ah oo isa soo taraya. Hannaankii awoodda ee uu u dhisnaa isbahaysiga talada haya ee uu hoggaamiyo ururka aqlabiyadda Madaxtooyada ayaa ay haystaan loollanno gudaha ahi. Isbahaysigan oo ku dhisan isleegyo nugul oo siyaasadeed, qabiil iyo qoys ayaa uu Madaxweyne Geelle ku dheellitiraa awoodda, waxa se hadda soo baxay ifafaaleyaasha loollan u dhexeeya garbaha isbahaysigan, iyada oo mar sii horreysay la xidhay shakhsiyaad siyaasi ah iyo kuwo amniga ah taas oo la xidhiidhay loollankan gudaha ee awoodda.
Waxa, dhanka kale, su’aal taagan ah oo marba sii xoogeysanaysa cidda beddelaysa Madaxweyne Geelle oo ay da’diisu sii weynaatay, isla markaana ay wararku sheegayaan in uu la nool yahay xaalado caafimaad oo shaki galinaya kartidiisa talada iyo habka kala wareegga awoodda ee mar kaste dhici kara.
Jabuuti oo ah dal dhaca aag istiraatiiji ah oo saaran Baabal Mendab, isla markaana haysta fursado aad u ballaadhan, ayaa la nool culeysyo dhaqaale iyo nugeyl siyaasadeed, taas oo ay ugu wacan yihiin xidhxidhnaanta siyaasadeed, culeysyada maamul iyo daahfurnaan la’aanta habka loo maamulo dalkaas. Waxa xaaladda ugu sii daraya xasaradaha sii baahaya ee gobolka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika oo laga yaabo in ay saameeyaan marinka Baabal Mendab oo ah marinka uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha Jabuuti ee uu loojistiga dekeduhu u yahay lafdhabarta.