Skip to main content

Friday 12 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Jaarles Bukofiski: Ismalurihii dhaxalgalay

1 October, 2025
Image
Jaarles Bukofiski: Ismalurihii dhaxalgalay
Share

Haddii aad go'aan dhaba

Ku dhaqaaq is leedahay

Dhexda lama istaagee

Dhab baa loo abbaaraa

Ama waa la dhaafaa.

~Tixdii Jaarles: Don't try.

Tixayn: Guryasame Cabdi.

Hordhac iyo Sooyaal

Heinrich Karl Bukowski, kuna caan baxay Charles Bukowski, wuxuu ahaa noofaliiste, gabyaa iyo faaqide suugaaneed. Wuxuu leeyahay in ka badan sodoomeeyo buug oo isugu jira noofallo iyo urursan gabayo ah. Wuxuu ku dhashay 16 Agoosto, 1920-kii, tuulada Andernach ee ku taal jiinka webiga Rhine ee gobalka Rhineland-Palatinate, galbeedka Jarmalka. Adooga dhalay Jaarles oo askari Ameerikaana ahaa ayaa Dagaalkii Koowaad ee Dunida, galbeedka Jarmalka ku la kulmay Katharina Fett, oo ahayd bilcaan ahayd Jarmal dhalad ah. Jaarles, sidaas ayuu ku noqonayaa iska-dhal ay iska-dhaleen labo kala jinsiyad, hayb, iyo dhaqan duwan. Qoyskiisa ayaa u soo guuraya Loos Anjelis, Maraykan, isaga oo aad u yar ka dib hoobadkii dhaqaale ee dalka Jarmalka. Adoogu (Kaaral) waxa uu ahaa macangag aan diirnixin iyo sakhraan aad u jirdili jiray Jaarles. Ka dib barbaarintaas adag ee ka madhan kalgacalka waalidnimo, waxa uu Jaarles ka looxjiitay dugsiga sare ee Loos Anjelis (Los Angeles High School). Jaamacadda halkii uu digriiga koobaad ka diyaarin lahaa, waxa uu ka doorbiday in uu muddo kooban xerow ka ahaado Kolleejka Caasimadda Loos Anjelis (Los Angeles City College), isaga oo ka diyaarinayay, muddadaas, suugaanta iyo farshaxanka. Sida uu ku xusayo tix ka mid ah tixaha ku jiro buug tixeedkiisa "On Love" waxa uu xilli hore xidhiidh wanaagsan oo uu isagu ugu yeedho 'Jacaylkiisii koobaad' la yeeshay buugta iyo akhriska suugaanyahannada waaweyn waxsoosaarkoodii. Aabbihii ma uusan jeclayn buugta uu inankiisu ku shuqlan yahay ee uu habeenkii ku dhafro. Dabcan, hooyadiina sidaas oo kale ayay ahayd, sababta oo ah adooga dartii. Muddo ka dib, Kolleejkii ayuu isaga tagay. Waxa uu goostay in uu xoogsado, waxqoristana uu la noolaado. Wuxuu durbaba billaabay in uu harjado, oo uu la loolamo nolosha, isaga oo ka shaqo billaabay warshado, maqaaxiyo iyo, ugu danbayn, xafiiska Boostada—oo noqonaya xafiiska qaabaynaya noloshiisa. Gunnada billaha ah ee uu ka helo shaqooyinkaas waxa uu ku bixin jiray: kirada, qamaarka, sigaarrada raqiiska ah iyo qamriga.

Jaarles Bukofiski oo ay iska dhaleen aabbe Maraykan ah iyo hooyo Jarmal ah, kuna koray nolol kadeedan, waxa uu noqday suugaanyahan iyo qoraa ku foogan kadeedka nolosha oo aanu dan ka yeelan – waxa uu muteystay in lagu sheegi karo ‘isma-lure’

Jaarlees iyo Qoraalka

Qar-iska-xoornimada ayuu Jaarles billowgii noloshiisa ka dhex raadiyay macanaha jiraalkiisa. Ismalurnimaduna waxa ay u ahayd tab uu ku la tacaalo nolosha. Saaxiibkii, John Martin (1930–2025), oo ahaa asaasaha madbacadda Black Sparrow Press, ayaa joornaallada aan caanka ahayn ku arkay gabayada iyo qoraallada uu Jaarles ku qori jiray joornaalladaas, intii uu ka xamaalanayay xafiiska boostada. Halkaas waa halka uu John ku arkayo qotodheerida suugaaneed ee Jaarles. Mudane Martin, waxa uu ka warramay mar uu u warramayay Paul Ciotti, oo ah qoraa si joogta ah uga tirsan muddaalaha Loos Anjelis Taymis (Los Angeles Times Magazine) kadeedkii uu Jaarles ku sugnaa. Martin waxa uu yidhi: "Habeenno badan ayuu xilli danbe iga soo wici jiray xafiiska boostada isaga oo ku cataabaya: 'Waan dhimanayaa haddii aanan meeshan ka bixin'. Markaas ayuu John Martin u ballanqadayaa Jaarles Boqol Doollar in uu siin doono bishii haddii uu isaga soo tago shaqadaas, si uu waxqorista ugu hibeeyo waqtigiisa oo dhan. Martin waxa uu yidhi: Shaqadaas wax hanti ah kama uu san haynin, ama xitaa kayd ka ma samaysan karin. Kaliya nacfiga uu ka hayay waxay ahayd gunnada sannadlaha ah.

Diseembar, 1969-kii ayuu shaqadii boostada ka soo tagayaa. Kolkaas ayuu boqolkii u qoondaynayaa dhowr qaybood: kaalmada bilcaantii uu gabadha ku furay, kirada, cuntada, dhowr baako oo biir ah iyo baakadaha sigaarrada raqiiska ah. Boqolkii ayuu isku celcelinayaa, isaga oo dhanka kalana wada qorista noofalkiisii u horreeyay. Dabcan, taasina kadiso ayay ku ahayd John Martin oo lama uusan socon shaqadaas. Jaarlees waxa uu buuggiisa 'Women' ku lee yahay: "Waxaan isku dayay sheekadaydii ugu horreysay ee buug noofal ah. Habeen kasta, waxaan cabbi jiray qiyaastii dhowr beeg oo Wiski iyo Biirr ah, anigoo qoraalka ku shuqlan. Sigaar raqiis ahna waan nuugi jiray, oo dhammi jiray, oo aan raadiyaha ka dhagaysan jiray muusiig kalaasiig ah illaa waaberiga. Waxaan goostay inaan habeen kasta qoro toban bog laakiin ma ogaan jirin inta aan qoray illaa iyo barqada maalinta kale. Subaxdii ayaan hunqaaco la soo toosi jiray, oo aan fadhiga saldhigan jiray si aan u hubiyo inta aan qoray. Had iyo jeeraale, waan ka badin jiray qoraalka intii bog ee aan goostay. Mararka qaar waxa ay gaadhi jireen 17, 18, 23, illaa 25 bog. Waxay igu qaadatay kow iyo labaatan habeen in aan dhammaystiro noofalkaygii u horreeyay."

Ogobeey, Jaarles waxa uu, noofalkiisa 'Post Office' ka hor, daabacay nuskhado gabayo iyo sheekooyin yaryar ah. sidaas oo ay tahayna 'Post Office' (1971) waxay ahayd noofalkiisii u horreeyay. Waxa uu kaga warramayay kadeedkii xafiiska boostada, sandullaynta shaqaalaha iyo tacaddiga lagu la kaco. Ka dib, waxa uu soo saaray noofalka Factotum (1975) oo uu kaga warramayo noloshiisa, shaqooyinka hoose ee uu so qabtay iyo harjadkoodii, oo ay sii raacdo dhacdooyinkiisii baararka iyo qamaarka. Waxa ku xigay noofalka Women (1978) oo uu kaga sheekaynayo haasaawaha, haweenkii kala jaadka ahaa ee uu la kulmay, kuwii uu caashaqay iyo guurkiisii fashilmay. Wuxuu kol danbe soo saaray Ham on Rye (1982) oo laguna sheego in uu yahay noofalkii ugu danbeeyay ee uu soo saaro, isagana waxa uu ku hogatusaaleeyay xusuusqorka dhallinyarnimadiisa iyo dhibaatooyinkiisii hore. Wixii intaas ka danbeeyay, Jaarles waxa uu u qalab qaatay qoridda gabayada, isaga oo soo saarayay nuskhado urursan-tixeed ah.

Falsafadda Jaarles ee kuu aaddan saddex xagalka: Nolosha, bulshada iyo tacliinta

Jaarlees duruusta nolosha waxa uu ka dhex helay isku-dayga iyo isku-day la'aanta dhexdooda. Isku-daygiisa ay weheliso qar-iska-xoornimada ayuu ku bartay waxa ay yihiin dheragga iyo baahidu, waxa ay yihiin waxgalnimada iyo tacabku, waxa ay yihiin akhlaaqda iyo qeexiddeedu, farshaxanka iyo hal-abuurku. Isku-day la'aanta lafteeda waxa uu u arkayay tab aan lagu kadsoomin. Tixdiisa caan baxday; 'Ha isku dayin' ayuu kaga warramayaa waxa lagu waayi karo isku-dayga iyo ku-dhaca nolosha. Tixdiisu ma tibaaxayso caajisnimada, se waa lidka oo ah: isku-day, adiga oo sii ogsoon inaad isku-dayga laftiisa aad wax ku waayi karto. Isku-daygaas oo aad ka dhex arkaysay inaad wax ku helayso, in wax kasta noqon karaan lidka oo aad ku hafanayso hirarka nolosha. Kolkaas ayuu leeyahay: Waxaa suuragal ah inaad (isku dayga) ku waydo gashaantidaada, xaaskaaga, qaraabadaada, shaqadaada ama xitaa, laga yaabee, inaad ku waydo maskaxdaada oo aad waalato. Sidaas oo ay tahayna laga yaabee inaad ku mutaysato (isku-dayga) xabsi. Mar kale, tixdiisa 'Qoraanimo haddaa doonayso – So you want to be a writer' waa kii tuducyada qaar ku dooday: Haddaad wax u falayso si aad uga samayso lacag ama magac, falkaas ha ku kicin. Haddaad u falayso si aad bilcaan ugu hesho oo aad ula seexato, adeerro ha ku kicin. Si fudud gabaygiisa hore iyo kiisa danbe falsafaddoodu waa: Maandhow, dhabta noloshu roog cas iyo ubaxyo kuma daadsana. Kiisa danbe waa: Fekradda aan laabtaada ka soo go'in oo aan maskaxdaada si dhab ah uga soo maaxan ha ku kicin.

Ha isku-dayin; Jaarles tixdiisa cinwaankaas leh kuma uu diidin in isku-day la sameeyo, laakiin waxa uu ku dooday in nolosha wax la isku-dayo iyada oo la ogsoon yahay in isku-daygaas wax badan lagu waayi karo oo lagu khasaari karo

Jaarles waxa uu marar badan lid ku ahaa oo uu dhaleecayn jiray hannaanka maamul ee bulshada, xusuuswadareedda bulshada, taariikhda buunbuunisa kuwa loogu yeedho 'halyeeyada' iyo sida biyakamadhibcaanka ah ee bulshadu u qeexday qaayasoorrada iyo akhlaaqda. Wuxuu ayidsanaa xorriyaddu in ay tahay waxa uu qof waliba ku dooran karo qaayasoorradiisa gaarka ah iyo insaannimadiisa. Si la mid ah ayuu lid ugu ahaa adeecista xeerarka qoys ee jaangoysa habfekerka qofka. Iyaga oo ay xeerarkaasi ka dhigaan qofka mid ku tiirsan qoyska, sidaas oo ay tahayna kolka uu fekerayo ay tahay in fekerkiisa sees uga dhigo sida qoyskiisu oggolaan karaan. Taasina waa ta laga dhex arki karo aragtidiisa ku aaddanayd isbarkanaanta 'xorriyadda iyo kelinimada'. Dabcan, wuxuu Jaarles ayidsanaa xorriyadda dawgeeda oo la raaco in ay ka dhigan tahay goonimeernimo. Halkaasina waxa uu Jaarles ku sheegay in goonimeernimadu ku lammaan tahay hal-abuurka qofeed. Taas oo ka dhigan in qofka goonimeernimadu ku qasbayso in uu qooraansado, isaga oo si xor ah u fekeraya, habdhismeedka bulsheed, qaayasoorrada iyo wax kasta oo ku hareeraysan.

Jaarles Bukofiski sida uu qabo, qaab-dhismeedka bulsho iyo xeerarkeedu waxa ay lid ku yihiin xorriyadda qofka. Sida uu qabo, waxa isku lammaan xorriyadda iyo goonimeernimada ama kelinimada oo ku qasabta qofka in uu habdhismeedka iyo habdhaqanka bulshada soo qooraansado kana fekero – middan dambe ayaana horseedda hal-bauurnimada

Mar kale, Jaarles waxa uu liddi ku ahaa hannaanka tacliineed ee bulshooyinka. Isaga oo u aaneeyay in ay tacliintu tahay 'fiiro' oo aysan ahayn 'naqdi' ay bulaaliyaan wax-is-waydiinta iyo carinta garaadka. Dugsiyada ayuu u arkayay in ay soo saaraan arday xanbaarsan 'fiirooyin' kaliya, isla jeerkaas oo ay ardaydu noqdaan kuwa aan u diyaarsanayn dhabta nolosha. Kolka taas laga yimaado, mudane Jaarles waxa uu dhaliilsanaa hal-abuur xumida dugsiyada, iyo sida aan muhiimad loogu siin tacliinta cusub hal-abuurka iyo wax-is-waydiinta. Waxa xusidda mudan ayaa ah in uu, sidoo kale, Jaarles diiddanaa shaacsanaha tacliinta laga faafiyay taas oo ah: in ardaydu ay noqonayaan 'madaxda berri' iyo 'guulaystayaal' haddii ay si dhab ah u xifdiyaan/qaybaan fiirooyinka laga soo waarido khubaro hore iyo indheergaradkii tacliinta habfekerkooda. Buugga Ham on Rye (1982) ee iska-hadalkiisa qofeed ah waxa uu ku qaadaa dhigayaa aragti ah: in ay jaamacaduhu yihiin halka lagu aaso hibooyinka, hal-abuurka iyo maanshaxnimada.

Si la mid ah sidaas ayuu mudane Jaarles u dhaliilsanaa kuwa loogu yeedho 'Indheergarad' ee saldhiggoodu yahay dugsiyada iyo jaamacadaha. Wuxuu ayidsanaa in jihaynta bulshada iyo hal-abuurka loogu soo arooro aartiistayaasha. Halhayskiisii caanbaxay ayaa ka marag kacaya dhaliisha, isaga oo yidhi: "Garaadku/indheergaradku wax fudud ayuu u dhigaa tab adag. Aartiistuhuna wax adag ayuu u dhigaa tab fudud." Mar kale, wuxuu garaadlayda ku dhaleeceeyay in ay yihiin kuwa ay ka-la-furasho kala dhaxayso dhabta oo aan dhex muquuran abidkood kakanaanta nolosha. Tani waxaa loo dhigi karaa in indheergaradka akaadeemiyadda ay ka soocan yihiin bulshada ama ay yihiin kuwa u janjeero dhinaca dabaqad gaar ah oo aysan ka warqabin wacaalka xoogsata iyo iskuraranka.

Waxa uu Jaarles qabaa in nidaamka tacliineed ee bulsho aanu ahayn mid ay hagaan naqdin iyo weyddiimo e, uu keliya ku dhisan yahay fiirooyin hore iyo jawaabo. Sidaa awgeed, ma soo saarto tacliintani waxgarad/indheergarad dhab ah. Indheergaradka aqooneed laftooda, ayaa uu sheegay, in ay kala furan yihiin nolosha dhabta ah oo ay ka soocan yihiin bulshada

Galbashadii Jaarlees

Ogobeey, waxay soo jiitantaba waxaa timid maalintii madoobayd ee ku astaysnayd oofsashada. Jaarles waxa uu muddo la ildarnaa oo noloshiisa intii danbe oo dhan ku lammaanaa cudurka Lookiimiya (Kansarka dhiigga). Xanuunkaasi waxa uu u jiidayay dhanka godka, isaguna waxa uu u jiitamayay dhanka baarka si uu u dhamo dhowr beeg oo Wiski ah, dhanka qammaarka si uu uga adkaado kasiinada ragga joogo, iyo dhanka teebka si uu qoro tixo iyo noofaallo uu ku hogatusaalaynayo kadeedka nolosha. Maarso 9-keedii, 1994-kii ayuu Jaarles godgalay. Qabrigiisa waxaa astaan looga dhigay tuduca caa baxay ee tixdiisa ciwaanka u ah "Ha isku dayin".

Qoraallada kale ee qoraaga