Tuesday 20 January 2026
Jamhuuriyadda Somaliland markii ay la soo noqotay xorriyaddeeda 1991-kii, dalku ma lahayn sharci lagu maamulo ee xukuumaddii ugu horraysay ayaa loo igmaday inay dastuur diyaariso muddo 2 sanno ah gudahood. Nasiibdarro, dastuur lama diyaarin maamulkiina ma saldhigin ee Boorama ayaa shirweyne lagu qabtay lagu doortay maamul cusub, axdi-qarameed na lagu sameeyay. Qorshuhu waxa uu ahaa in dastuur la diyaariyo, hayeshee duruufo jiray awgood sannadkii 2001-kii ayaa dastuurkii afti dadweyne lagu ansixiyay oo ay Somaliland yeelatay dastuur shacabku u codeeyay oo dhaqangal ah. Bishii Maaj, 2001-kii ayaa afti shacabku ku meelmariyay dastuurka, madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal na waxa uu digreeto ku dhaqangeliyay 14-kii Juun, 2001-kii. Dastuurka waxa codeeyay 1,183,242 qof oo 97% oo ka mid ahi “Haa’’ ugu codaysay, halka 3% ay diidday oo “May” u codaysay.
Dastuurku waxa uu ka kooban yahay 130 qodob oo sheegaya tilmaamaha qaranka, mabaadi’da aasaasiga ah, xuquuqda muwaadinka iyo haykalka dawladda. Inta badan, dastuurka waxa ku qoran “xeer ayaa qeexi doona” iyada oo goleyaasha xeerdejinta looga tegay inay xeerarka kasoo saaraan kolba sidii ay baahidu noqoto. Hayeshee, xeerarka la sameeyay oo boqol ku dhaw, waxa ku badan xeerarka lagu noqnoqday ee lagu sameeyey wax-ka-beddel iyo kaabis.
Qormadan, waxaan dul-istaagi doonaa xeerarka ugu badan ee lagu noqnoqday ee wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyay iyo sida aanu qaranku weli u yeelan xeerar saldhigay oo awoodsiinaya koboca nidaamka dawladnimada, hufnaanta adeegyada arrimaha bulshada, garsoorka iyo koboca dhaqaalaha.
Waxa ayaandarro weyn ah inaanu dalku lahayn xeerka caafimaadka oo marar badan ay dhacdo in la waayo xeer loo raaco mas’uuliyad-darrada ay geystaan xirfadleyaasha caafimaadku. Sidoo kale, xeerka saxaafadda oo la ansixiyay 2004-kii, dhaqangal maaha oo maxkamadda ayaa laashay, ka dib markii uu dhamaystay jaranjartii sharci ee madaxweyne Daahir Rayaale na saxeexay. Muddo 21 sanno ah ka dib, xeerkiina lama hagaajin, haddii uu gol-daloollo lahaa, mid kale na lama samayn. Sidee ayay suurtagal u tahay in loo maamuli karo warbaahinta, iyada oo lagu jiro xilli tiknoolajiyaddu hor’umar weyn samaysay? Saw nasiibdarro maaha inaanu dalku lahayn xeer dabar u noqonaya weriyaha iyo warbaahinta, dawladdana ka ilaalinaya inaanay cabudhin xorriyadda saxaafadda iyo ra’yi dhiibashada?
Somaliland oo ah dal dimuqraaddi ah oo ay doorashooyin si joogto ah uga dhacaan, weli xeerarka doorashooyinku waxa ay leeyihiin gol-daloolooyin tiro badan, waana xeerar ugu badan ee wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyay. Aan soo qaato sooyaalka xeerka doorashooyinka oo markii ugu horraysay la sameeyay 2001-kii. Xeerkii ugu horreeeyay ee doorashooyinka waxa la sameeyay sannadkii 2001-kii oo goleyaashu meel-mariyeen Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleha Degaanka, Xeer Lr. 20/2001. Xeerkaa waxa wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyay 6 jeer oo markii ugu dambaysay ahayd Jeenaweri 2017-kii oo lagu soo daray nidaamka casriga ah ee Bu’da Isha laga sawirayo codeeyayaasha.
Bal dhug u yeelo Xeer Lr. 20/2001 inta jeer ee isku xigta ee wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyay oo kala ah 2009, 2010, 2011 iyo 2012-kii. Intaa kuma eeka ee ilaa 2023-kii xeerarka doorashooyinka sannado aad iskugu dhaw ayaa lagu noqnoqonayay. Saw aragti gaabni maaha in xeer la odorosi kari waayo baahidiisa ugu yaraan shanta sannadadood ee soo socda? Haa, xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diwaangelinta Codbixiyeyaasha Qaranka oo 2020-kii la sameeyay, si hal meel la isugu geeyo xeerarka doorashooyinka Madaxtooyada, Wakiillada iyo Degaanka waxa laga waayay sida laga yeelayo haddii doorashada Goleyaasha Degaanka iyo doorashada Axsaabta/Ururradu ay isku mar dhici waayaan oo ay is daba maraan!
Markii la waayay qodob sharci oo sheegaya habka loo qabanayo doorashada axsaabta/ururrada wakhtigeedii la soo gaadhay (2022), waxa ay isku qasmeen (overlap schedule) doorashadii madaxtooyada oo xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2011 oo nidaamiya habka ururradu ugu gudbaan xisbi qaran, muddada liisankooda, xilliga la bilaabayo hawlaha doorashada asxaabta/ururrada, waxa xeerkii laga waayay sidii la isku waafajin lahaa qodobka 5aad oo sheegaya muddada hawlgalka ururrada iyo xilligii doorashada madaxtooyada oo ay su’aal sharci ka timid xisbiyo uu dhacay liisankoodii ma geli karaan doorashada madaxtooyada oo dhacaysay Noofimbar 13, 2022-kii, xilli badhtanka lagaga jiro hawlihii diwaangelinta ururrada, xisbiyadii jiray na ay isku diyaarinayaan inay ku biiraan hanaanka doorashada axsaabta/ururada oo dhacaysay Diisambar 2022.
Dood sharci oo ay keentay gaabiska ku jira xeerarka doorashooyinka, dabcan dano siyaasadeed na looga faa’idaystay ayaa bilaabantay 2022-kii, iyada oo la isku qabtay sida loo kala nidaaminayo doorashada Axsaabta/ururada iyo tan madaxtooyada.
Xeerarka Somaliland waxa ay u baahan yihiin in marka la curinayo laga horraysiiyo cilmibaadhis lagu dersayo baahida xeerka loo qabo, gol-daloollada uu gufayn doono, iyo dhammaan faahfaahinta loo baahan yahay in lagu qoro, si looga baaqsado xeer kolba lagu noqdo oo dhaqaale, wakhti iyo tacab lagu bixiyo.
Qaranku waxa uu galay khilaaf siyaasadeed oo ragaadiyay doorashooyinkii, iyada oo ay sabab u ahayd hufnaan la’aanta xeerarka dalka. Sidoo kale, Nidaamkan Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda oo markii ugu horraysay la sameeyay 2002-kii, waxa wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyay 20 sannadadii 2011 iyo 2023, inkasta oo ay kala fogaayeen wakhti ahaan, haddana waxa aanu la jaanqaadayn xeerkii doorashooyinka ee uu ku dhammaanayay hannaanka ku xusan Xeer Lr. 14 waxaanu marar badan sababay muran hor leh. Iyada oo sannadkii 2023-kii wax-ka-beddel iyo kaabis fool eri ah lagu sameeyay Xeer 14/2011 iyo Xeer 91/2020, haddana qodobada 24aad ee Xeer Lr. 14/2023 iyo Xeer Lr. 91/2023 weli way iskhilaafsan yihiin oo Xeer 14, qodobka 24aad isku biirista ururada iyo xisbiyada 60 maalmood ka hor doorashada ayuu sheegayaa, halka qodobka 92aad ee Xeer 91/2020 ka sheegayo 90 maalmood ka hor.
Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka; Xeer Lr. 23 oo la curiyey 2002-kii, si doorashada degaanka loo qabto, waxa wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey 2007-kii iyo 2019, weli na kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka lama samayn oo 2019-kii markii wax laga beddelayay degmooyinka dalka waxa ay ahaayeen 42 degmo, halka 2019-kii laga dhigay 109 degmo. Haddana markii ay xukuumadda xisbiga Waddani talada qabatay dabayaaqadii sannadkii hore, waxa ay soo kordhisay wasaaradda Hor’umarinta Dawladaha Hoose oo laga jaray Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ahayd wasaaradda ku shaqaysa Xeer Lr. 23. Nasiibdarro, talada laguma darsan Xeer Lr. 23/2019 oo Wasiirka Wasaaradda Hor’umarinta Dawladaha Hoose waxa uu ku magacaabaa Xoghayeyaasha Fulinta ee Dawladaha Hoose qodobka 49aad ee Xeer Lr. 23/2019 oo ay ku qoran tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha! Weliba si qodob khaldan ah ayuu wareegtooyin kusoo saaray Wasiirku.
Somaliland oo ah dal dimuqraaddi ah oo ay si joogto ah doorashooyin kala heer ahi uga dhacaan, haddana weli xeerarkeeda doorashooyinku waxa ay u muuqdaan kuwo leh gol-daloolooyin tiro badan, waana xeerarka ugu badan ee wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyay.
Sidoo kale, Xeerka Kala-Xadaynta Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxabannaan; Xeer Lr. 71/2015 oo nidaamiya awoodaha, xilka iyo wadashaqaynta wasaaradaha iyo hay’adaha madaxabannaan oo wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyay 2018-kii, mar labaad ayaa 2025 wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyay, iyada oo aanay jirin baahi macno leh, marka laga reebo Wasaaradda Hor’umarinta Dawladaha Hoose oo lagu soo kordhiyay, inkasta oo la iska indho-tiray qodobbada 111aad iyo 112aad ee Dastuurka oo maamulka Gobollada iyo Degmooyinka oo ay ku jirto magacaabistooda iyo shaqadoodu hoos geynaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, hayeshee wasaarad dhismaha shaqadeedu ka hor imanayo dastuurka ayaa la magacaaabay.
Xeerarka mushkiiladda dalka ku ah ee la meelmariyay waxa ka mid ah Xeerka Shaqaalaha Dawladda; Xeer Lr. 97/2021 oo qodobkiisa 26aad oo ka warramaya Agaasimeyaasha Guud waxa uu sheegayaa in Agaasimaha Guud yahay shaqaale dawladeed joogto ah (permanent civil servant) oo haddii xilka laga qaado uu ku wareegayo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, isaga oo qaadanaya mushaharkiisii oo buuxa iyo kala badh gunno-xileedkiisa ah (qodobka 26 (7), Xeer Lr. 97/2021). Waxa la wada xasuusan yahay, waaqaca jira oo inta badan Agaasimeyaashii Guud ee xukuumaddii Muuse Biixi xilal ka hayay waa laga qaaday, suuqa ayaanay mushaharkooda iyo kala badh gunno-xileedkoodii ku qaataan.
Falkani waa ku dhiigbax qaranka oo waxa lagu dabooli lahaa kharashkaa meel kaga habboon. Qodobka 4aad faqradaha 2aad iyo 7aad Xeer Lr. 97/2021 waxa ay si iska hor imanaysa u sheegayaan shaqaalaha Dawladaha Hoose iyo Bangiga Dhexe inay yihiin shaqaale dawladeed marna inaanay ahayn. Hadda waa xeer 2021kii la meermariyay!
Xeerarka Somaliland waxa ay u baahan yihiin in marka la curinayo laga horraysiiyo cilmibaadhis lagu dersayo baahida xeerka loo qabo, gol-daloollada uu gufayn doono, dhammaan faahfaahinta loo baahan yahay in lagu qoro, si looga baaqsado xeer kolba lagu noqdo oo dhaqaale, wakhti iyo tacab lagu bixiyo. Haddii aad u fiirsato xeerarka Somaliland la dhaqangeliyay, waa kuwo tayo ahaan aad u liita oo ay ka muuqato inaan laga baaraandegin markii la curinayay. Waxa habboon in wax la iska wayddiiyo curinta xeerarka dalka oo inta badan ka yimaadda hay’adda fulinta ee xukuumadda oo iyadu ah hay’adda ku shaqayn doonta xeerka, haddana soo diyaarinaysa xeerar aan daboolayn baahidii loo abuuray.
Sidoo kale, xeerdejinta ayaa u baahan inay wakhti, aqoon iyo tamar geliso sidii ay u curin lahayd xeerarka loo baahan yahay ee weli dalka ka maqan, kuwa ka yimaadda xukuumaddana uu u saxartiri lahayd. Ururada bulshada rayidka ah oo uu sii shiiqayo doorkoodii, iyagana waxa la gudboon inay ku dedaalaan ka qaybqaadashada xeerar macno leh in la curiyo. Jaamicadaha dalka iyo hay’adaha cilmibaadhista iyaguna waa inay gacan kagaystaan sidii loo heli lahaa xeerar la saxartiray oo ka turjumaya baahida dalka, ku dhisan cilmibaadhis iyo aqoon waaqac ah.