Saturday 13 June 2026
Doorashada Itoobiya ee dhacaysa 1-da Juun waxa ay u muuqataa in ay noqon doonto mid ka mid ah doorashooyinkii ugu tartanka yaraa ee dalkaas ka dhaca tan iyo markii la hirgaliyay nidaamka xisbiyada badan, sannadkii 1991-kii.
Xilligaas wixii ka dambeeyayba, doorashooyinka Itoobiya waxa loo qabanayay si loo sii adkeeyo awoodda xukuumadda talada haysa, in ka badan inta shacabka Itoobiya la siinayo kala-doorashooyin siyaasadeed oo dhab ah.
Hadda, diyaargarowga doorashadan waxa durba hadheeyay xiisadaha ka taagan gobollada Tigreega iyo Amxaarada, kuwaas oo si dhow ula xidhiidha cilaaqaadka xumaaday ee Itoobiya iyo dalalka Eriteriya iyo Suudaan, arrintaas oo kor u qaadaysa cabsida laga qabo in colaadda gobolku ay sii xoogeysato.
Raysal Wasaare Abiy Ahmed waxa uu raadinayaa guul doorasho oo fududeysa in xisbigiisa talada haya ee Barwaaqo (Prosperity Party – PP) uu dib u hubsado awooddiisa hoggaamineed. Waxa, sidoo kale, loo arkaa in guusha doorashadu ay u furi karto Abiye Axmed jid uu ku sameeyo isbeddello dastuuri ah oo lagu xoojinayo awoodda dowladda dhexe ee Itoobiya, sida abuurista nidaam madaxweyne oo awoodo fulineed leh iyo isbeddel lagu sameeyo nidaamka federaalka Itoobiya ee ku dhisan qowmiyadaha.
Si guud marka loo eego, waxa ay tirooyinku muujinayaan hannaan doorasho oo tartan u furan. Guddiga Qaranka ee Doorashooyinku waxa ay sheegeen in ay isu diiwaangeliyeen in ka badan 50 milyan oo codbixiyayaal ah (waa qayb ka mid ah dadka dalkaas oo dhan oo gaadhaya qiyaastii 130 milyan), waxana ka qaybgalayay in ka badan 11,000 oo musharax oo ka tartamaya 47 xisbi siyaasadeed.
Ha se ahaato e, qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ah ayaa la sheegay in ay la safan yihiin Xukuumadda lafteeda, waxa lagu baraarugsan yahay in xukuumaddu ay kala xaajoonayso hannaan awood-qaybsi, doorashada ka dib, si xeeladaysanna aanay ugu tartamin kuraasta baarlamaanka qaarkood.
Sannadkii 2021-kii, xisbiyada mucaaradka ah ee kala ah Muwaadiniinta Itoobiya ee Xaqsoorku Bulsho (EZEMA) iyo Dhaqdhaqaaqa Qoomiga ah ee Amxaarada (NaMA) waxa ay ku guuleysteen afar iyo shan kursi oo ay u kala heleen sida ay u kala horreeyaan, waxana la siiyay xilal wasaaradeed.
Ciddii la tartami lahayd xisbiga Barwaaqo (PP) ee talada haya ma rabto in ay u tartanto doorashadan. Qaarkood waa dibed-joog, qaarna waa laga mamnuucay tartanka, qaar kalena waa la xidhay, halka qaar badan laga yaabo in aanay u muuqan sabab ay uga hadhaan 'halgan hubeysan' oo ay kula jiraan dawladda Itoobiya. Sansaankaa siyaasadeed ee aadka u xidhan iyo hannaanka doorashadu waxa uu u muuqdaa mid ku siman gorgortan dhex yaalla madaxda sare ee koox kooban.
Shacabka Itoobiya, maadaama aanay haysan kala-doorashooyin dhab ah, waxa ay ku dhex jiraan xaalad isugu jirta rabitaan la'aan, codbixinta hortaal, iyo xabbad oogan. Kooxda hubeysan ee Faano ee gobolka Amxaaradu waxa ay ka digtay in qof kaste oo ka qaybqaata doorashada loo arki doono in uu cadow u yahay dadka Amxaarada. Dhanka Oromada, Ciidanka Xoraynta Oromadu (OLA) waxa ay kordhiyeen weerarradooda tan iyo markii Ciidamada Federaalka loo daadgureeyay dhanka Tigreega ee waqooyiga, bishii Feberweri.
Gobolka Tigreega, waxa toddobaadyadii la soo dhaafay burburay Heshiiskii Pretoria, 2022, ee u dhexeeyay dawladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF. Ururka TPLF waxa uu ku dhaqaaqay in uu dib u soo celiyay maamulkiisii gobolkaas waxaanu dib u dhistay golihii sharci-dejinta ee dagaalka ka hor, ka dibna waxa uu u doortay Guddoomiyaha Xisbiga Debretsion Gebremichael in uu noqdo Madaxweynaha gobolkaas.
Iyada oo uu sii hoobanayo xidhiidhka labada dhinac, tan iyo markii la saxiixay Heshiiska Pretoria, waxa ay dawladdu muuqatay in ay isku-dayday sidii ay u wiiqi lahayd awoodda TPLF ee gobolka Tigreega, iyada oo adeegsanaysa qorshe labo geesood ah. Marka laga tago in Tigreega la saaray culeys dhaqaale, waxa ay dawladdu isku dayday in ay meesha ka saarto sharciyadda ururka TPLF waxana ay si dadban u taageertay mucaaradka kale ee Tigreeyga oo uu ku jiro xisbiga Simret ee uu hoggaamiyo La-taliyeha hadda ee Abiy Axmed, Getachew Reda, kaas oo doonaya in uu dhiso isbahaysi ballaadhan.
Ciidamada Eriteriya waxa ay weli ka hawlgalaan Tigreey, waxana ay Eriteriya u tahay TPLF xadka keliya ee haddii ay xulafo la yihiin u furnaan kara. Dhanka kale, dagaalyahannada Tigreega ee uu fadhigoodu yahay bariga Suudaan waxa ay ka barbar dagaallameen Ciidanka Milatariga Suudaan. Kulankii isku-dubbaridka ahaa ee dhawaan lagu qabtay Boort Suudaan waxa uu kulmiyay kooxaha mucaaradka Itoobiya iyo xubno uga qaybgalay Suudaan iyo Eriteriya oo taageersan Milatariga Suudaan.
Dawladda Itoobiya waxa ay isbahaysigan oo la baxay Tsimdo u aragtaa halis hor leh. Waxa ay ka walaacsan tahay khatarta kaga soo wajahan aagga soodinta ee ay la leedahay Eriteriya iyo Suudaan, oo ay ku jiraan Galbeedka Tigreey, oo ay Amxaaraduna u taqaan Welkeyt, iyo gobolka Benishanguul-Gumus.
In kaste oo Dawladda iyo TPLF aanu midkoodna doorbidayn in uu dib ugu laabto dagaalkii, haddana khatarta ay leedahay in colaaddu dib u soo cusboonaataa waa mid weyn. Go'aanka ay TPLF keligeed ku sheegatay maamulka gobolkaasi waxa uu ku yareynayaa Dawladda Federaalka fursadaha ay dib u guran karto iyada oo aan u muuqan mid laga itaal roon yahay.
Marka laga eego heer gobol, waxa imanaya mandiqii ahaa "cadowgayga cadowgii waa saaxiibkay" oo halkan ka shaqaynaya. Ururka TPLF waxa uu xoojiyay xidhiidhka uu la leeyahay Eriteriya iyo Ciidanka Qaranka Suudaan (SAF) oo labadaba uu hadda xidhiidh xuni kala dhexeeyo dawladda Itoobiya.
Haddaba, iyada oo aan loo eegin doorashooyinka, waxa ay Itoobiya u baahan tahay xaalad dejin iyo wada-hadallo dib u heshiisiin ah oo ka duulaya heshiiskii Pretoria si salka loogu dhigo nabad waarta oo ka hanaqaadda gobolka Tigreey. Arrintani waxa ay u baahan doontaa in lagu gacansaydho tallaabooyinka keli-toocsiga ah ee ururka TPLF, iyada oo isla markaana lagu dhiirigelinayo in uu iskaashi la yeesho Dawladda Federaalka Itoobiya, loona marayo maamul gobol oo ku-meel-gaadh ah oo meelmar ah.
Haddii aan horumar laga gaadhin arrimahan gudaha iyo kuwa gobolka ee xidhiidhka la leh, waxa ay doorashooyinka Itoobiya kordhin karaan oo keliya khatarta in dalku sii kala qaybsamo iyo in ay ka dhashaan dagaallo ballaadhani, halkii ay ka noqon lahaayeen kuwo xal keena. Ururka Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah waa in ay garwaaqsadaan halista xaaladda hadda taagan iyo saameynta ay ku yeelan karto gobolka oo dhan si loo helo jawaab diblumaasiyadeed oo degdeg ah.
Qoraalkan waxa laga soo turjumay lagana soo koobay halkan.