Sunday 9 November 2025
Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa ku eedeeyay Dawladda Eritariya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigreey (TPLF) in ay isu garabsanayaan sidii ay u bilaabi lahaayeen dagaal ka dhan ah Itoobiya.
Warqad rasmi ah oo uu u diray Xoghayeha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterre, waxa uu Wasiirka Dibedda Itoobiya ku sheegay in is bahaysiga Xukuumadda Eritariya iyo garabka mayalka adag ee TPLF uu yahay mid hadda shaacsan waxanu ku eedeeyay in is xulufeysigooda, oo loogu magacdaray 'Tsimdo', uu yahay diyaargarow dagaal oo ka dhan ah Itoobiya.
Waxa uu, sidoo kale, Wasiirku ku eedeeyay in ay maalgalinayaan oo ay tababar iyo abaabulba u sameynayaan kooxo hubeysan, sida kooxda Amxaarada ee hubeysan - Fano, si ay u baahiyaan aagga colaadda waxana ay kooxahani ka qaybqaateen dhawaan dagaallo ay ku qabsanayeen magaalada istiraatiijiga ah ee Woldiya oo ah xarunta maamul ee soonaha Wollo, gobolka Amxaarada.
Waxa ay warqaddu ku tilmaantay Eritariya in ay tahay cidda maleegaysa 'dhaqdhaqaaqyadan foosha xun' isaga oo Wasiirku ku eedeeyay Eritariya in ay doonayso in ay khalkhal galiso degganaanshaha Itoobiya oo ay kala furfurto, iyada oo u maraysa maalgalinta iyo taageerada farsamo iyo midda siyaasadeed ee ay siinayso kooxahan. Waxa uu Wasiirka Dibedda Itoobiya deedafeeyay sheegashada Eritariya ee ah in ay is difaacayso, isaga oo ku tilmaamay arrintaas in ay tahay marmarsiiye ay foodsaar uga dhigayso qorsheheeda tobannaanka sanadood jiray ee ah in ay khalkhal galiso degganaanshaha Itoobiya.
Madaxweynihii hore ee Kumeelgaadhka ahaa ee Tigreey, Getachew Reda, oo hadda ah La-taliyeha Raysal Wasaare Abiy, ayaa isaguna dhawaan ka hadlay walaacyadan oo kale, mar uu wareysi bixinayay. Waxa uu sheegay in 'Eritariyaanku yihiin xarfaan' og in ay Itoobiya ka tiro badan tahay, sidaas awgeed ay ka faa'iideystaan fursadaha gudaha Itoobiya sidaa midda TPLF dhexdeeda.
Waxa uu Getachew Reda ku eedeeyay xubno ka tirsan hoggaanka TPLF in ay isku dayayaan in ay dib u walaaleystaan Eritariya waxanu uga digay in Eritariyada Asias Afawerki ay safka hore kaga jirtay dambiyadii dagaal ee laga galay shacabka Tigreeyga, isaga oo ku eedeeyay xubno ka tirsan hoggaanka TPLF in ay ka dhiganayaan Eritariya gaashaan ay isaga dhigaan khatar ay is tuseen oo kaga imanayso dhanka Dawladda Federaalka Itoobiya.
29-kii Sebtember, waxa ay TPLF soo saartay bayaan ay kaga digtay ‘xasuuq aamusan’oo ka socda Tigreey waxana ay ku eedeysay Xukuumadda Federaalka in ay ku fashilantay hirgalinta Heshiiskii Pretoria ee la saxeexay bishii Noofember, 2022, kaas oo soo afjaray dagaal khasaare badan geystay oo labo sannadood ka socday Tigreey una dhexeeyay xoogagga Tigreey iyo Xukuumadda Federaalk Itoobiya. Is waydaarsigan eedaha ee hadda soo kordhay ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysteen hadallada kulul ee ay is dhaafsanayaan Itoobiya iyo Eritariya ee ku soo saabsan arrinta marinka ‘badda’ ay Itoobiya raadinayso.