Sunday 16 November 2025
Dawladda Itoobiya ayaa bilowday in ay gudaha dalkeeda ku farsameyso diyaaradaha aan duuliyaha wadan, kuwa rayidka ah iyo kuwa ciidankaba. Warshad uu horraantii sannadka furay Raysal Wasaare Abiye Axmed oo lagu magacaabo Sky Win Aeronautics Industry ayaa rakibaysa qaybaha diyaaradahan oo dibedda laga soo dhoofsanayo iyaga oo furfur ah. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Itoobiya ku jirto xaalado colaadeed oo gudaha ah iyo xiisadda ka dhexaysa iyada iyo Eretariya oo laga digayo in ay u xuubsiibato dagaal toos ah.
Itoobiya ayaa si baaxad leh dagaalkii Tigreey ugu adeegsatay diyaaradahan aan duuliyaha lahayn oo ay markaa ka soo dhoofsatay dalalka Imaaraatka, Turkiga iyo Shiinaha, waxana ay dagaalka ku yeesheen saameyn mug leh oo miisaanka u rogtay dhanka Xukuumadda Abiye Axmed. Waxa hadda muuqata in ay Itoobiya doonaysa in ay heer isku filnaasho ku dhaw ka gaadho farsameynta iyo adeegsiga tiknoolojiyaddan cusub ee dagaallada, xilli aanu degganayn gobolku oo ay jiraan colaado huursan iyo kuwo firfircoonba.
Dhawaan ayaa ay Itoobiya diyaaradahan ku weerartay magaalada Mekane Selam oo ay qabsatay kooxda FANO ee fallaagada Amxaarada, waxana ay Itoobiya ku eedeysay dalka Eretariya iyo Jabhadda Shacbiga ah ee Xoreynta Tigreey (TPLF) in ay ku lug lahaayeen weerarkan oo ka dhacay gobolka Wollo oo aan ka fogeyn Addis Ababa. Waraaq uu Wasiirka Dibedda Itoobiya u diray Xoghayeha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa uu ku sheegay in ay Eretariya oo kaashanaysa TPLF ay doonayso in ay khalkhal galiso gudaha Itoobiya, eeddaas oo ay TPLF iyo Eretariyaba deedafeeyeen.
Qorshahan Itoobiya ee rakibaadda iyo hawlgalinta maxalliga ah ee diyaaradaha darooniska ayaa u muuqda in uu qayb ka yahay tartanka awoodda militari ee gobolka oo astaan u ah in dhanka colaadaha loo socdo, in kaste oo uu Raysal Wasaare Abiye iska fogeeyay in ay u dan leeyihiin duullaan ay qaadayaan, isaga yidhi: ku talagalkeennu ma aha in aan duullaan qaadno e, waa in aan ka hortagno”