Skip to main content

Sunday 15 February 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Itoobiya oo Bilawday Dhismaha Madaar Cusub oo ku kacaya 12.5 Bilyan oo Doollar

12 January, 2026
Image
بتكلفة 12.5 مليار دولار.. إثيوبيا تدشّن مشروع "أكبر مطار في أفريقيا"
Share

Dawladda Itoobiya ayaa iyada oo adeegsanaysa Shirkaddeeda duulimaadyada waxa ay bilawday fulinta madaar caalamiya oo cusub oo laga dhisayo magaalada Bishufto taas oo caasimadda Addis ababa u jirta ku dhawaad 45 km.

Mashruucan oo ah mid ballaadhan oo ku kacaya adduun gaadhaya 12.5 bilyan oo Doollar ayaa ay dawladdu sheegtay in uu noqon doono Madaarka ugu weyn guud Afrika oo dhan, kolka la soo gabo gabeeyo dhismaha madaarka sannadka 2030.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Aby Axmed ayaa bartiisa X ku qoray in dhismaha Madaarka Bishoftu uu noqon doono “Mashruucii ugu weynaa ee la fuliyo taariikhda Afrika” waxa uu intaas ku daray in uu garoonku yeelan doono afar dhabbe/haad, goobo ay joogsan karaan 250 diyaaradood, iyo in uu qaadi karo 110 milyan oo rakaab ah sannad walba, taas oo afar laab ka badan awoodda garoonka weyn ee hadda ka shaqeeya dalka.

Sida ay xuseen masuuliyiin ka tirsan shirkadda Dulimaadyada Itoobiya, ku dhawaad 30% maalgelinta mashuurca waxa bixin doonta Shirkadda Duulimaadyada Itoobiya halka inta kale laga heli doono haayado dawladeed iyo amaah bixiyeyaasha.

Mashruucan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Itoobiya ku jirto dib u habayn dhaqaale gaar ahaan daymaha oo ay ku guul darraysatay in ay bixiso qoondooyin daymeed oo lagu lahaa dabayaaqadii 2023. Mashruucan oo ah mid adduun ballaadhani ku baxayo ayaa abuuray dood culus oo ku saabsan mudnaanta qarashaadka iyo maamul wanaagga, maaddama oo u ku soo beegmay xilli ay Itoobiya u diyaar garoobayso doorashooyinka guud oo ku beegan Juun 2026.

Dawladda ayaa mashruucan ku tilmaantay casriyeyn iyo horumar dhaqaale balse dhaleeceeyayaal ayaa qaba in mashaariicda caynkan ah loo adeegsanayo xoojinta dano siyaasadeed ka hor doorashooyinka, iyagoo muujinaya welwel ku saabsan hufnaanta iyo maalgelinta.

Dhanka kale, Shirkadda Duuliymaadyada ee Itoobiya ayaa ku doodaysa in garoonka cusub uu yahay mid baahi loo qabo, baahidaas oo ka dhalatay koboca degdegga ah ee shirkadda iyo cidhiiga madaarka Bole. Mashruucu wuxuu taageero ka iyo kaabis ka helayaa Bangiga Horumarinta Afrika, waxaana la qorsheeyay inuu noqdo madaar “cagaaran” oo qaadi kara ilaa 110 milyan oo rakaab ah mustaqbalka. Si kastaba mashruuca waxa ka dhashay caqabado bulsho iyo dhaqaale gaar ahaan dib-u-dejinta kumannaan beeraley ah ee Gobolka Oramaya taas oo dhigaysa madaarka Bishoftu mid huwan horumar, isla mar ahaantaana ay ku xeeranyihiin caqabado adag oo ka mid yihiin maareynta maaliyadeed, hufnaanta, iyo mas’uuliyadda dawladeed xilli doorasho oo ah xaasaasi.