Skip to main content

Wednesday 19 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Itoobiya iyo Masar oo uu Furitaankii Dhaamku sii cakiray xidhiidhkooda

16 September, 2025
Image
Itoobiya iyo Masar oo uu Furitaankii Dhaamku sii cakiray xidhiidhkooda
Share

Itoobiya ayaa ku eedeysay Masar in ay ka baxday heshiisyo ay hore u galeen oo ku saabsanaa biyaha Niilka iyo Dhaamka Itoobiya, isla markaana ay ku dheggan tahay caqliyadda xuquuqo taariikheed oo ay ku heshay biyaha Niilka. Iyada oo ka jawaabaysa warqad ay Masar u qortay Goleha Ammaanka ee QM oo ay ku durtay sharciyadda Dhaamka Weyn ee Itoobiya oo Salaasadii la soo dhaafay la furay, waxa ay Itoobiya sheegtay in Masar ay leedahay ilo biyood oo kale, isla markaana aanu Dhaamku u geysanayn waxyeello, sidaas awgeedna ay doodaha Masar ee ku saabsan amnigeed biyeed yihiin kuwo aan sal lahayn.

Itoobiya ayaa xadhigga ka jartay Dhaamka Weyn ee Horumarka Itoobiya (GERD) kaas oo sii xoojiyay xiisadaha muddada dheer u dhexeeyay Itoobiya iyo Masar ee ku saabsanaa biyaha Niilka. Waxa ay labada dal, iyo Suudaan, isku mari waayeen marar hore in ay heshiis ka gaadhaan arrintan Dhaamka oo ay Itoobiya ka dhistay meel u dhaw xadka suudan oo ka tirsan webiga Abbaay oo ah midka biyaha ugu badan siiya Niilka.

Masar ayaa ah dal lama-degaan u badan waxana uu beerashada iyo cabbitaankaba, weligii, ugu tiirsanaa biyaha Niilka oo loo bixiyay Hibadii Eebbe ee Masar. Ha se ahaato e, Dhaamkan Weyn ee Itoobiya ayaa ku haya walaac weyn oo ku saabsan amingeeda biyaha.