Skip to main content

Thursday 22 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Itoobbiya iyo Eretariya Ma Waxay Qarka U Saaran Yihiin In Dagaal kale ka dhex Qarxo?

11 April, 2025
Image
ETR
A man holds a poster showing images of the Eritrean president Isaias Afwerki (L) and Ethiopia prime minister Abiy Ahmed (R) in Addis Ababa, Ethiopia. (Photo by AMANUEL SILESHI/AFP via Getty Images)
Share
Si kastoo xaaladdu u kacsan tahay, hadalada la isweydaarsanayaana u xanaf badan yihiin, oo uu u jiro dhaqdhaqaaq milatari, haddana, dagaal Itoobbiya iyo Eratariya dhex maraa waa mid laga fursan karo, iyadoo sidaa ah baddu way kacsan tahay, halistuna waa sarreysaa.

In kasta oo hadallada xanafta leh iyo dhaqdhaqaaqyada ciidanba kor u kaceen, haddana ma muuqdo dagaal dhexmara Itoobbiya iyo Eretariya, se halis weyn baa jirta. Waxa jirta maahmaah afka Tigranyaha ah, oo tarjumaaddeedu noqonayso: “ha i celin, ushaydana isii, cid aan ku cabsi geliyaan haystaaye”. Maahmaahdani waxa ay ka tarjumaysaa hadallada masuuliyiinta Itoobbiya kusoo gudbinayaan warbaahintooda, marka ay ka hadlayaan Eretariya iyo Badda Cas.

Qofka dhegaysta hadallada dagaalka hurin kara ee kasoo yeedhaya masuuliyiin sarsare oo Itoobbiyaan ah, sida taliyaha ciidamada, waxa uu u malayn karaa in dhawaan dagaal ka dhex qarxi doono Itoobbiya iyo Eretariya. Eretariya dhankeeda waxa u dhaqan ah in ay si aamusan ku fuliso waxii ay qorshaysay, waxaana hadda dhiirrigelinaya heshiiska ay la gashay Masar oo aan doonayn in Itoobbiya soo gaadho Badda Cas. Qalalaasaha hadda ka taagan gobolka Tigraygu sidoo kale waxa ay sii hurinayaan xaaladda dagaal. Dhawaan jeneraalka Tigrayga ah ee Megbay Haile, oo Getachew Reda casilay (amar aan la fulin), waxa ay ciidanka Itoobbiya ku eedeeyeen in uu garab siinayo, lana bahoobay kacdoonka Fano, inkasta oo uu eeddaas dafiray.

Khubarada gobolku waxa ay ka digayaan dagaal ay suurogal tahay in uu labada dal dhexmaro, digniinahanna waxa lagu baahiyey maqaallo lagu qoray wargeysyada The Economist, Chatham House iyo Financial Times. Dawladda Eretariya oo marka ay la macaamilayso khilaafka dalalka jaarka iska dhegomarisa diblumaasiyadda caalamiga ah, diblumaasiyeenteedu waxa ay ku doodeen in aanay wax dhul ah ka haysan Itoobbiya, oo aanay faragelinayn arrimaha ka taagan gudaheeda, waxaanay beesha caalamka ku dhiirrigeliyeen in ay Itoobbiya ku cadaadiyaan ixtiraamka jaarka iyo badqabka dhulkooda.

Inkasta oo aan lagu kalsoonaan karin marka la eego taariikhdiisa dagaal, raysalwasaare Abiy Axmed waxa uu khudbaddii u dambaysay ee uu ka jeediyey Baarlamaanka ku xusay in aanay Itoobbiya diyaar u ahayn dagaal ay la gasho Eretariya. Waxa uu xaqiijiyey in arrinka la xidhiidha gaadhitaanka Badda Cas yahay wax lagama maarmaan u ah dalkiisa, Itoobbiyana diyaar u tahay in ay iska waabiso daandaansi kasta oo loola yimaaddo. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda gaadhitaanka Badda Cas, isaga oo xusay in ay baddu u jirto masaafo dhan afartan kiiloomitir, cidina u diidi karin in ay gaadhaan. Hadalkiisa waxa laga fahmayaa in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo diyaargaraw, labada dhinacna isha ku hayaan cidda xabbada hor ridda xilli lagu jiro xaaladahan qasan.

Uhda dagaalkan la saadaalinayaa waxa ay ku aroortaa dagaalkii xuduudda ee labada dal dhexmaray intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2000, dagaalkaas oo aan la xallin, sababtoo ah labada dhinacba wax guul ah kama soo hoynin. Itoobbiya ayaa ku gacan sarraysay dagaalka, iyada oo qabsatay dhul ballaadhan oo Eretariya ah, se may awoodin, amaba may rabin in ay qabsato Asmara, nidaamkaasna mijaxaabiso. Intii dagaalku socday Isaias waxa uu ciidamadiisa amray in ay kasoo baxaan Casab, se taliyihii ciidanka, Cismaan Saalax iyo saaxiibbadiisii dagaalka kula jiray ayaa diiday in ay amarkaas u hoggaansamaan, waxaanay difaaceen Casab ilaa dagaalku istaagay.

Jeneraal Tsadkan iyo saaxiibbadii oo ka goostay hoggaankii TPLF, waxa ay Meles Zenawi ku eedeeyeen in aanu rabin in uu qabsado Casab iyo Asmara. Waxa ay aaminsanaayeen in ay suurogal ahayd in la qabsado, balse amar siyaasiyiinta ah waayeen. Muddo yar ka dib, TPLF iyo Jabhadda Xorraynta Bulshada Eretariya EPLF waxa ku yimi tafaraaruq iyo kala qaybsanaan gudeed, xubnihii ka goostayna waxa ay hoggaankooda ku eedeeyeen farsamoxumo dagaal. Xubnihii EPLF ka goostay dib looma arag tan iyo sannadkii 2001 se xubnihii ka goostay TPLF waxa laga qaaday xilalkii, qaar ka mid ahna waxa la xidhay muddo kooban, markii dambena waxa loo oggolaaday in ay siyaasadda kusii dhexjiraan.

Afaweerki waxa uu muddo dheer sugayey xilliga ugu habboon ee uu ka aargoosan karo TPLF, fursaddaasna waxa uu helay marka uu talada qabtay Raysalwasaare Abiy Axmed. Markan labada dawladoodba waxa ay cadaw u arkeen TPLF, waxaana arrinkan ka dhashay dagaalkii Tigrayga lagu baabiiyey ee socday intii u dhaxaysay 2020 ilaa 2022. Muddo kaddib waxa burburay xidhiidhkii Isaias iyo Abii Axmed. Isaias waxa uu Abii Axmed u arkay nin isu dhiibay reer Galbeedka, oo warbaahinta u oggolaaday inay goobaha dagaalka booqdaan, yeelayna in kooxaha gargaarku tagaan gobolka. Waxa arrinkan kaga darnaa in Abiy Axmed ciidamadiisa ka saaray magaalada Mekelle Juun 2021, isaga oo aan Eretariya ogaysiin, waxaanu u arkay dhabar ka toogasho. Kaddib markii dagaalka dib loo bilaabay, waxa ay labada dhinacba u midoobeen TPLF, se may awoodin in ay meesha ka saaraan. Xidhiidhkii Abiy iyo Isaias waxa uu god dheer ku dhacay kaddib heshiiskii Biritooriya ee dawladda Itoobbiya u oggolaatay TPLF in ay sii maamulaan Mekelle.

Xidhiidhka labadan dal ee xumaaday waxa uu salka ku hayaa siyaasadda gobolka iyo loollanka loogu jiro talada, waxaana kaalinta ugu weyn ku jirta doonista Itoobbiya ee ah in ay Badda Cas degto. Helitaanka Badda Cas waa istiraatiijiyad ay  baadigoobayso, kaddib markii ay Badda Cask u weyday madaxbannaanidii Eretariya heshay 1991. Si ka qarsoon warbaahinta, Abiy Axmed waxa uu masuuliyadda go’itaanka Eretariya dhakada ka saaraa TPLF, Eretariyana waxa uu ku tuhunsanyahay in ay carqaladaynayso heshiiskii Biritooriya. Mid ka mid ah khudbadihiisa gaarka ah waxa uu ku sheegay in uu Eretariya ka dhigi doono sida Qasa haddii ay daandaansi bilawdo. Itoobbiya waxa ay si aan gabbasho lahayn martigalisaa xubno mucaarid ku ah xukuumadda Eretariya, sida ururka Canfarta iyo koox dibadwareeg ah oo isu arka in ay yihiin xukuumadda rasmiga ah ee Eretariya. Waxa kale oo ay Eretariya ku tuhunsantahay in ay garabsiiso jabhadda FANO.

Walaw Itoobbiya ku guuldarraysatay in ay qabsato dekedaha Eretariya dagaalkii 1998-kii, oo uu meesha ka baxay hankeedii ahaa in ay Badda Cas gaadho, haddana xukuumaddii EPRDF waxa ay suurogalisay koboc dhaqaale oo gaadhay wax ka badan boqolkiiba toban (waxa uu dhaqaalaha Itoobbiya noqday dhaqaalihii ugu koboca sarreeyey Afrika). Abiy Axmed ayaa soo nooleeyey hankaas, waxaanu fikraddan ku beeray jiilka cusub ee Itoobbiya. 13-kii Aktoobar, warbaahinta Itoobbiya waxa ay baahiyeen khudbad hore loo duubay oo uu Abiy ka horjeediyey baarlamaanka. Waxa uu khudbaddiisan ku xusay sida ay  uga go’antahay in ay dekedo yeelato, marinna u ka hesho Badda Cas, Badda Casina kaalin weyn kaga jirto mustaqbalkeeda, isaga oo ku tilmaamay han bulshada meel sare gaadhsiin doona, ama dhabayntiisa loo burburi doono. Waxa kale oo uu xusay in ay Itoobbiya ka go’antahay saldhig badeed, oo ay haatan ciidamo badeed samaysatay. Itoobbiya waxa ay heshiisyo la gashay Faransiiska iyo Ruushka si ay ugu horumariyaan ciidamada badda. Waxa kale oo soo jiidasho leh in ku xigeenka ciidamada badda Ruushku uu horraantii 2024 booqday Eretariya, oo uu wadahadallo qotodheer la yeeshay madaxweynaha iyo taliyayaasha ciidanka.

Dagaalladu kuma cusba gobolkan colaado badani ka aloosanyihiin qaybo badan oo ka mid ah. Dagaalladani waxa ay soo bilaabmeen ka dib markii gumaysigii Talyaanigu sannadkii 1890-kii, kolkaas oo uu kumanaan Eretariyaan ah oo metelaya Talyaaniga u hubeeyey in ay weeraraan Itoobbiya, Soomaaliya iyo Liibiya. Dagaalladii ugu qadhaadhaa ee xilligaas dhacay waxa ka mid ah dagaalkii Cadwa ee sannadkii 1896-kii, dagaalkaas oo labada dhinacba khasaare weyni soo gaadhay. Sannadkii 1935-kii ayaa uu Talyaanigu mar kale isku dayay in uu Itoobbiya ka aargoosto, waxaanu ku qaaday dagaal uu jariimooyin waaweyn gaystay, sida adeegsiga gaaska sumaysan, isaga oo isku dayay in uu dalka qabsado. Kacdoonkii hubaysnaa ee Eretariyaanku waxa uu isna dhiirrigeliyey jabhadihii gobolka Tigrayga iyo qaybo kale oo dalka ka mid ah ka bilaabmay, ugu dambaynna waxa xilka laga tuuray Xayla Salaase, waana isla jabhadihii xukunka ka tuuray nidaamkii Mingistu sannadkii 1991-kii.

Dagaalka sokeeye ee tan iyo markii ay xornimada qaadatay sannadkii 1956-kii, marar kala duwan ka qarxay, waxa uu sababay dhimashada iyo qaxa malaayiin dad ah, ugu dambayna waxa uu dhaliyey in Koonfurta Suudaan ka go’do dalka intiisa kale, dagaalkii sokeeye ee Suudaan na waa mid weli socda. Dhicitaanka xukuumaddii Siyaad Barre ee 1991-kii isna waxa uu horseeday in Soomaaliya qalalaase dhinac walba ah gasho, waxaana ka dhashay in Somaliland go’do oo ay aqoonsi caalami ah raadsato. Eretariya lafteedu tan iyo madaxbannaanideedii waxa ay dagaal la gashay dhammaan dalalka la jaarka ah.

Xaaladda dagaal ee labadan dal ka ka dhextaagan waxa ku lammaan loollan ka dhexeeya labada garab ee TPLF oo ku hirdamaya talada gobolka Tigray. Khilaafkan jabhaddu waxa uu soo ifbaxay waxii ka dambeeyey heshiiskii nabadda ee xukuumadda Federaalka iyo TPLF ku kala saxeexdeen Biritooriya. Maamulkii ku meelgaadhka ahaa ee Tigray waxa gacanta ku dhigay garabka uu hoggaamiyo Debretsion, garabkan oo adeegsaday awood millatari, oo ah xaalad lagu tilmaami karo “afgambi qarsoon”. Markaas ka dib, Getachew Reda, Jeneraal Tsadkan, masuuliyiin kale iyo dhallinyaro badan ayaa iskaga tagay gobolkii Tigrayga.

Garabka Debretsion waxa lagu tuhmaa inay bahwadaag la yihiin Eretariya, halka garabka Getachew Reda uu u dhowyahay raysalwasaaraha Itoobbiya, masuuliyiinta labada garabna waxa ay eedaymahan isaga jeediyeen meelo mahwi ah. Loollanka labada garab maamulka ugu jiraan waxa uu leeyahay dhinacyo badan, mid ka mid ahina waa aydhiyoolajiyad: garabka Debretsion waxa ay aaminsanyihiin in TPLF iyo bulshada Tigraygu hal mid yihiin, habka kaliyee lagu badbaadin karo shacabkuna tahay ilaalinta TPLF. Garabkan waxa taageera hoggaanka sare ee TPLF iyo dadka reer miyiga ah ee gobollada qaar, oo aan kontankii sanno ee u dambeeyey arag xisbi kale oo aan TPLF ahayn.

Garabka Getachew waxa taageera dhallinyarada iyo dadka mutacallimiinta ah, oo aaminsan in TPLF muddo badan bulshada soo hortaagnayd, siyaasadda deegaankana gacanta ku haysay. Waxa ay jiraan jid siyaasadeed oo cusub, kana fog jabhadda TPLF, waxaanay ku baaqayaan ciidan ka madaxbannaan xisbiga iyo in xisbiga iyo xukuumadda deegaanka la kala saaro. Waxa ay doorbidayaan isbahaysi ballaadhan, oo xukuumadda laga qaybgeliyo dhinacyo siyaasad ahaan kala duwan.

Loollankan TPLF waxa kale oo uu ku salaysanyahay deegaan. Hoggaanka TPLF waxa u badan dad kasoo jeeda deegaannada Cadwa iyo Aksum, deegaannada kalena waxa ay rabaan metelaad habboon. Waxa kale oo khilaafkani ku salaysanyahay arrimo dhaqaale, iyada oo la isku hayo hanashada ilaha khayraadka dahabka ee deegaanka. Qaar ka mid ah jeneraallada ayaa qayblibaax ka qaata soo saarista dahabka iyo tahriibintiisa, iyaga oo Addis Ababa ama Asmara usii mariya Dubaay. Waxa la aaminsanyahay in soo saaristan habqanka ahi burbur laxaad leh gaysanayso deegaan ahaan. Dagaalka ka hor, gobolka Tigraygu waxa uu ka mid ahaa gobollada dahabka ugu badan keena Bangiga Qaranka Itoobbiya, isaga oo sannadkiiba 2.6 tan keeni jiray, oo lagu qiyaaso lacag dhan boqol milyan oo doollar. Wakhtixaadirkan, inta u badan dahabkaas waa la tahriibiyaa. Waxa muuqda in jenerallaadu eeganayaan danahooda shakhsiga ah.

Eretariya iyo TPLF waxa ay ciidamada Suudaan ka garabsiiyaan dagaalka ay kula jiraan jabhadda RSF, waxaana la aaminsanyahay in ugu yaraan laba sarkaal oo TPLF ahi ku suganyihiin Suudaan, kana barbar dagaallamayaan ciidanka Suudaan ee dhulka. Sida xogo bayaamiyaan, waxa suurogal ah in ciidanka Suudaan laftiisu TPLF ka garabsiiyo qabsashada galbeedka gobolka Tigrayga, Suudaanna jid u furto TPLF, se waa tallaabo aanay Eretariya taageeri karin, sababtoo ah ma rabto in TPLF jid ah dib ugu gurtaan ay helaan.

Marka la eego hadallada xanafta leh iyo saansaanta colaadeed taagan, suurogalnimada in dagaal dhexmaro Eretariya iyo Itoobbiya waa mid werwer leh, se ma aha dagaalka qarka u saaran in uu qarxo. Ciidamada Itoobbiya waxa ay ku daaleen dagaalkii iyo bulshadooda kula galeen gobolka Tigray muddo laba sanno ah, iyo dagaallada dhawrka sanno ka socda deegaannada Amxaarada iyo Oromada. Bulshada Tigrayga laftoodu waxa ay ka daaleen dagaalkii hore, dhallinyaraduna diyaar uma aha dagaal cusub. Ciidanka Eretariya laftiisu waxa uu ku jiraa duruuf adag. arrimahan ka sokow se, waa suuragal in Isaias iyo Abiy u gogolxaadhaan dagaal, sida laba diblumaasi oo reer Galbeed ahi xuseenna: “Itoobbiya iyo Eretariya waxa ay cadaawaddoodii hore u beddeleen iskaashi, se hadda, weliba si digniin leh, waxa ay qarka u saaranyihiin colaad kale”. 

Qoraallada kale ee qoraaga

Faaqidaad

Isiyaas Afawerki: Kelitaliye Go’doonsan