Sunday 9 November 2025
Waxa aan akhriyey bayaan uu soo saaray Dr. Dessalegn Chane, oo ka mid aasaasayaashii iyo guddoomiyihii hore ee Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Amxaarada (NaMa), bayaanka oo uu soo saaray intii uu socday shirkii saddexaad ee xisbigu, oo Dr. Belete Molla loo doortay guddoomiyaha cusub ee xisbiga. Dr. Chane waxa uu yidhi: “Hadda laga bilaabo, maqnaanshaha xisbiga NaMa ayaa u roon bulshada Amxaarada, marka la barbardhigo jiritaankiisa”.
Konton sanno ayaa kasoo wareegay markii koowaad ee aynnu saaxadda siyaasadeed ee Itoobbiya ku aragno xisbi siyaasadeed. Laga soo bilaabo xilligaasna waxa aynnu arkaynay xisbiyo siyaasadeed oo cusub oo samaysmaya iyo kuwo baaba’aya. Muddadaas oo dhanna, dhif ayay ahayd in la arko wejiyo ku cusub xisbiyadaas siyaasadeed. Hal ku dhigyo cusub, mooyee dadku waa dadkii.
Dadka ku dhex jiray halganka siyaasadeed ee Itoobbiya, waa isla dadkii hore uun oo ilaa hadda xisbiyo cusub aasaasaya, ama isbahaysiyo cusub ku biiraya. Waa dadkii sida joogtada ah uu nidaamkii Mingiste u xidhi jiray, dadkaas dhaawaca jidheed iyo maskaxeed ba la soo daalaadhacay, ee marar badan xukunnada maxkamadeed ee la xidhiidha siyaasad lagu riday, ee marar kala duwan xisbiyo kala duwan magacyadoodu ka soo muuqdeen. Waxa intaa dheer, Itoobbiya waxa dhaqan ka ah in koox ama qofi ka goosto xisbi, mid kalena ku biiraan, kaddib marka ay isku dhacaan hoggaanka, amaba kooxdaasi aasaasaan xisbiyo cusub.
Meertada sidan ahi waxa ay maskaxdayda ku dhalisaa su’aalo dhawr ah: sideedaba ma u baahannahay xisbiyo siyaasadeed? Marka la eego jidka ay qaadeen inta badan xisbiyada siyaasadda ee Itoobbiya, sidee ayay u suurogalaysaa in xisbiyadani sheegtaan furdaaminta dhibaatooyinka, xoojinta heshiisiinta, amaba muujinta hoggaamin togan, iyada oo xisbiyadu arrimahan oo dhan ku guuldarraysteen? Sidee kooxahani ugu doodi karaan in ay dal hoggaamin karaan, oo ay baahida iyo wayddiimaha bulshada meteli karaan, taladana u qaban karaan?
Wayddiimahani waxa ay noqonayaan kuwo dhab ah si gaar ah xilligan oo uu talada hayo Xisbiga Barwaaqo, dhinacyada kala duwan ee siyaasaddana isku ballaadhiyey, oo uu dejinayo, fulinayana xeerarka danaha xisbiga uun u adeegaya, taladana aanay cidi kala hadli karin.
Inkasta oo aynaan sawiran karin metelaadda bulshada iyo dimuqraadiyadda cusub ee casrigan haddii aanay xisbiyo siyaasadeed jirin, xisbiga siyaasadeed waa mid kulmiya dad muwaaddiniin ah oo xubno ka noqda, dadkana u noqda jidka ay ku cabbirayaan aragtidooda, una tartama madaxnimada isaga oo doorasho galaya. Sidaas darteed, marka xisbiyada siyaasadeed ku guuldarraystaan shaqadan ay u jiraan, ee cid gaar ahi jaangoyso, meertada hoggaankiisana dad cayiman kusoo noqnoqdaan, iyada oo aan waxba la iska wayddiin, waxna aan la cusboonaysiin, muran kuma jiro in xisbiga siyaasiga ahi kaalintiisii waayayo.
Xisbiyada siyaasadeed waxa ay lagama maarmaan u yihiin dimuqraaddiyad badqabta, se in xisbiyada siyaasadeed ee Itoobbiya ku guuldarraysteen inay ka gudbaan qaabkan ay hadda u samaysanyihiin, loollanka dhinacyada isku haya iyo hanka cid gaar ahi leedahay, waxa ay daaha ka qaadaysaa sida aynnu uga fognahay bisayl siyaasadda xisbi siyaasadeed.
Marka laga soo tago shaqada xisbiyada siyaasiga ah ee ah in ay jiheeyaan muwaaddiniinta, soona bandhigaan aragtiyaha kala duwan, xisbiyada siyaasadeed waxa ay kaalin weyn ka qaataan hanashada talada dalka. Si ay yoolkan u dhabeeyaanna, waxa ay ka qaybgalaan doorashooyinka, waxa ay ku dedaalaan hanashada quluubta dadka wax dooranaya iyaga oo u soo bandhigaya feker, waxaanay ku dedaalaan in ay sidaas kursiga ku gaadhaan, oo ah wax kaalin ka qaata nidaamka siyaasadeed iyo horumarinta dimuqraadiyadda.
Marka xisbiyada siyaasadda lagu tilmaamayo ururro madani ah oo joogto ah, arrinkani waxa uu ku tiirsanyahay in ay xisbiyada ku abtirsadaan dad si iskood ah xubno uga noqday, oo ay leeyihiin barnaamijyo qayaxan, ku dedaalayaan in ay habka is doorashada ku gaadhaan talada dalka, oo ay cabbiraan mawqifkooda siyaasadeed ee la xidhiidha qaddiyadaha dalka ka jira xaaladaha adag iyo dhibaatooyinka bulsho ee taagan.
Intaas waxa dheer, jiritaanka xisbiyo siyaasadeed waxa ay kaalin weyn ku leedahay adkaynta dimuqraadiyadda, sababtoo ah waxa ay la xisaabtamayaan xukuumadda, dadka ayaa ay ka horumarinayaan dhinaca dimuqraadiyadda, waxa ay metelayaan danaha guud, waxaanay dhisayaan xukuumad taabbagal ah.
Inta badan, xisbigii Rockingham Whigs ee Ingiriiska laga aasaasay qarnigii 18aad, ayaa loo arkaa mid ka mid ah xisbiyadii siyaasadeed ee hirgaliyey tilmaamahaas sare ee xisbiga siyaasiga ahi yeesho, sidaas darteed waxa loo aqoonsanyahay xisbigii siyaasadeed ee ugu horreeyey taariikhda. Maraykanka marka la joogo, xisbiyada siyaasadeed waxa ay kasoo dhex baxeen kooxihii abuurmay dhammaadkii qarnigii 18aad, oo ku muransanaa wax ku oolnimada fedderaalka, doodahan oo dhaliyey inay abuurmaan laba xisbi oo waaweyni.
Inkasta oo samaysanka xisbiyada siyaasadeed ee Afrika la la xidhiidhiyo halgankii lagaga soo horjeeday gumaysiga, haddana waxa la aaminsanyahay in xisbigii siyaasadeed ee ugu horreeyey ee Afrika uu ahaa mid laga sameeyey Laybeeriya sannadkii 1860-kii. Xilli inta badan dalalka Afriki ku hoos jireen gumaysigii, sannadkii 1945-kii, diraasadaha qaar waxa ay caddaynayaan in indheergarad koobani isu urursadeen samaynta xisbiyo yaryar oo siyaasadeed. Se, inta badan xisbiyada siyaasadeed ee Afriki waxa ay soo ifbaxeen kontonaadkii qarnigii tagay, markaas oo ay bilaabantay xornimadii dalal badani ka qaateen gumaysiga. Inta badan xisbiyadan waxa sameeyey hoggaan qawmi ah oo ku dedaalayey in ay talada kala wareegaan maamulladii gumaysiga.
Xibsiyada siyaasadeed waxa ay Itoobbiya ka bilaabmeen Kacaankii 1974-kii kaddib, waxaanay ku aroortaa dhaqdhaqaaqii ardayda ee kacdoonkaas ka dambeeyey. Intaa dabadeed waxa saaxadda siyaasadda yimi xisbiyo siyaasadeed oo bidix ah, sida Xisbiga Dadweynaha Kacaanka Itoobbiya (EPRP) iyo Dhaqdhaqaaqa Hantiwadaagga Itoobbiya, waxaana ku xigay ururro kale oo siyaasadeed, xisbiyadaas siyaasadeedna waa kuwa udubdhexaadka u noqday qaabaynta siyaasadda cusub ee Itoobbiya.
Kaddib markii xukuumadda la beddelay 1991-kii, hoggaanka saaxadda siyaasadeed waxa qabtay EPRDF, oo dhiirrigeliyey samaynta xisbiyo iyo isbahaysiyo siyaasadeed oo kala duwan. Si gaar ah, xisbigan EPRDF wax ka qayb qaatay sal u dhigidda siyaasadda isirrada ku salaysan, si ay awoodda siyaasadeed ee jabhaddooda u xoojiyaan, dalkuna waxa uu galay in la weyneeyo kooxaysiga siyaasadeed ee isirka ku dhisan.
Intii uu EPRDF talinayey, waxa uu adeegsaday xabbis, masaafurin iyo hanjabaado lagu qaado dadka kasoo jeeda xisbiyada kale ee tartanka la geli kara. Waxa la diwaangeliyey wax ka badan boqol xisbi siyaasadeed, oo qayb ka ahaa dedaalladii lagu bixinayey ka hortagidda dhaqamada nidaamku wado. Isbahaysiyadaas waxa ugu weynaa, ugu cadcaddaa Isbahaysiga Midnimada iyo Dimuqraadiyadda (CUD), oo ay isugu tageen afar xisbi siyaasadeed. Waxa uu ahaa isbahaysi yoolkiisu ahaa in ay mideeyaan awoodaha mucaaridka, oo ay xukuumadda laf dhuun gashay ku noqdaan. Waxa uu noqday isbahaysigii ugu saamaynta badnaa xilligaas, sababtoo ah waxa uu ku guulaystay in uu bulshada metelo.
Kaddib doorashooyin la isku qabtay natiijooyinkooda iyo baaqyo xukuumaddu soo saartay oo saaxadda siyaasadda sii adkeeyey, waxa soo ifbaxay su’aalo ku saabsan mustaqbalka siyaasadda dalka. Arrimahan soo cusboonaaday waxa ay keeneen in kalsoonidii mar kale ceel ku dhacdo, dadkuna quus ka istaagaan siyaasadda dalka. Jawigaas siyaasad la’aanta ahi waxa uu socday muddo. Si kasta oo xaaladdu u adkayd, cabudhinna loogu hayay siyaasadda, haddana xisbiyada siyaasaddu waxa ay sii wadeen iska caabbintooda.
Sannadkii 2018-kii, isbeddelkii siyaasadeed ee dhacay waxa uu keenay in isbeddel gudeed ku yimaaddo EPRDF oo markaas weli talada dalka haysay, waxaanay albaab cusub u fureen sooyaalka siyaasadeed ee Itoobbiya. Tallaabada koowaad waxa laga bilaabay in heshiis dimuqraaddiyeed lala qaato xisbiyadii jiray, meeshana laga saaro tuhunkii argagaxisada. Arrinkani isbeddel dalka gudihiisa ah uun ma sababin, se xitaa muwaaddiniintii ku xannibnaa dibadaha ayaa fursad u helay in ay soo laabtaan, oo ay doorashooyinka ka qayb galaan.
Muddo ka badan konton sanno oo sooyaalka xisbiyada siyaasadeed ee Itoobbiya ah, kuma talaxtagayno haddii aynnu nidhaahno xisbiyadii siyaasadeed, oo sababsaday dhibaatooyin gudeed, waxa ay ku dambeeyeen ururro saqiiray oo sooyaalka uun ku xusan, se aan jiritaan lahayn, si kasta oo ay tiradoodu u badnayd.
Marar badan, waxa ay u muuqataa in ay bulshadu quus ka joogaan is wayddiinta in xisbi siyaasadeed meteli karo danahooda, oo uu oofin karo ballamihiisa. Haddii aynnu badka keenno sababaha taagdarrada joogtada ah ee soo foodsaarta xisbi siyaasadeed kasta, waxa suurogal ah in aynnu kusoo koobno qodobbadan dhawrka ah:
Inta badan xisbiyada siyaasadeed waxa ay muhiimadda horumarinta dimuqraadiyadda u sadqeeyaan loollanka loogu jiro danaha shakhsi keli ahi leeyahay, halkii ay ahayd in ay dedaalkooda isugu geeyaan wax ka beddelka nolosha bulshada. Halkii ay u shaqayn lahaayeen danaha bulshada, hoggaankoodu waxa uu doortaa in ay ka shaqeeyaan danaha dad gaar ah. Halkii ay ahayd in ay mudnaanta siiyaan waxbaridda, tababarka, gorfaynta iyo keenidda xalal istiraatiiji ah, waxa ay ku mashquulsanyihiin shaqooyinka maalinlaha ah ee xafiisyadooda ku kooban.
Xisbiyada siyaasadeed waxa ay rejaynayaan in isbeddel dhab ahi yimaaddo, iyaga oo weli ku socda jidkii hore ee hoggaamineed. Halkii ay iska wayddiin lahaayeen khibradda ay ka heleen ka qaybgalkooda siyaasadda, isqaabaynta gudeed ee ay samayn karaan iyo nooca isbeddel ee ay u baahanyihiin, waxa ay ku mashquulsanyihiin shaqooyin maalinle ah oo aan laga fekerin waxa laga dheefayo. Waxa ay ku mashquulaan in ay su’aalo aan isbeddelin kusoo celceliyaan, baaqyadii hore soo saaraan, meelihii cidhiidhiga ahaa ka shaqeeyaan, oo ay siyaasadda u arkaan wax macaash lagu rabo, waana habdhaqan si weyn loola qabsaday.
Doorashadu keliya waa mid ka mid ah tiirarka xoojiya nidaamka dimuqraaddiga ah. Sidaas oo ay tahay, xisbiyadeenna siyaasadeed waxa au doorashada u arkaan uun waddo xukunka lagula kala wareego. Waxa ay ku dedaalayaan kasbashada dadka iyo xubnaha, oo waxa ugu muhiimsan u ah xilliyada lagu jiro ololaha doorashada. Inta badan natiijada kasoo baxda doorashadaasna waxa loo arkaa inta uu xisbi kastaaba ku lahaa shacbiyadda bulshada. Se waxa habboon in dimuqraadiyadda la dhiso, oo nidaam is wata la taago, iyadoo loo marayo khibrad, dedaal iyo samir dheer. Waa arrin ku imanaya ka qaybgal habboon iyo in dhammaan dadka danaha gaarka ah lehi saaxadda ka baxaan.
Marka xisbiyada siyaasaddu ay yoolka kama dambaysta ah ka dhiganayaan doorashooyinka, waxa ay moogganyihiin yoolka ballaadhan ee dimuqraadiyadda, waana qodob gaabiskooda tilmaamaya. Iyada oo la joogo dal baahi weyn u qaba ururrada bulshada rayidka ah ee xooggan, ayaa ay xisbiyadii siyaasadeed ku guuldarraysteen kor u qaadidda heerka wacyiga bulshada iyo xoojinta dareenka waddaninimo, oo ahaa masuuliyaddooda.
Xisbi kastaba waxa loo sameeyaa ujeeddo iyo yool, xubnuhuna waxa ay ugu biiraan aaminaaddooda ah in xisbigaasi metelayo aydhiyoolajiyaddooda. Arrinkan oo jira, xisbiyo badani waxa ay baraha bulshada ku wadaagayaan khilaafkooda ka dhexjira iyada oo aan fahmin kala duwanaanta. Inkasta oo hore looga digay dhaqanxumada iyo ku xadgudubka anshaxa, haddana weli xisbiyadu waxa ay ku jiraan khilaafyo gudeed.
Dimuqraadiyaddu waxa ay ilaalisaa xuquuqda, waxa ay tixgalisaa aragtiyaha kala duwan, khilaafyadana waxa ay ku xallisaa wadahadal. Sidaas oo ay tahay, waa dhif in xisbiyadeennu sidan oo kale sameeyaan, amaba hoggaankoodu isku dayaan dhammaynta khilaafkaas. Marka ay khilaafyadu sii bataan, halkii laga xallin lahaa, labada dhinac ee is hayaaba waa ay is tuhmaan, waxaanay ka leexdaan dantoodii rasmiga ahayd.
Uma habboona hoggaanka xisbiyada siyaasadeed inay ku fekeraan shaki gelinta muhiimadda xubnahooda, oo si kasta oo uu hoggaamiyuhu u gaadho shacbiyad sare iyo awood uu wax ku qancin karo, haddana sina uma dhabayn karo guul aan xubno lahayn. Waxa intaas dheer, haddii la rabo in xisbigaasi noqdo mid dimuqraaddi ah, waa in cidda ugu dambaynta go’aanka gaadhaysa noqdaan xubnihiisa, oo weliba uu noqdo wax lagu faano.
Marka lagaba yimaaddo Xisbiga Barwaaqo, xisbi kasta oo adeegsanaya danta guud ee dadka iyo inta metesha loogu talagalay, se u adeegsanaya fulinta danaha xisbigaas gaarka ah, looma arki karo xibsiyo raacsan mabaadi’da dimuqraaddiga ah. Dalalka ay sidan oo kale isu dhexgalaan xisbiga iyo xukuumaddu, waa ay adkaataa in la kala saaro xisbiga iyo dawladda.
Hadda, xisbiyada siyaasadeed ee ka jira Itoobbiya, haddii aanay awoodin in ay dhistaan qaabdhismeed gudeed oo hannaan wanaagsan ku salaysan, oo aan xubnaheeda ka qaybgalin talada xisbiga; haddii aanu hoggaankeedu awoodin inay is xisaabiyaan, oo ay xuduud dhigtaan, kaalintoodana caddeeyaan; haddii aanay dooran inay ka baxaan jidkii hore loogu socday, kuwo cusubna sameeyaan, waxa aan shaki ka qabaa in doorashooyinka soo socdaa wax cusub keeni doonaan.
Waana sida uu yidhi Dr. Desalegn Chane: “Dadka Itoobbiya waxa u roonaan lahayd xisbiyadaas siyaasadeed oo aan jirinba, halkii ay kusii socon lahaayeen sidan ay imika yihiin”.
Maqaalkan waxa lagu daabacay mareegta Meseret Media waxaana laga heli karaa halkan