Skip to main content

Tuesday 11 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Isu furan Bulsho

20 October, 2025
Image
Isu furan Bulsho
Share

Bulsho waliba waxa ay meeqaam iyo sharaf ku leedahay kala dambaynta, kala ahaanshaha qaybaha kala duwan ee ummadnnimo iyo in qof kastaaba ku eg yahay halka u ga bannaan ee uu kaga toosan yahay nolosha salka iyo baarkaba ballaadhan. Qaayasoorrada bulshooyinku caanka ku yihiin ayaa uu ka mid yahay qoddobkani, oo koox waliba waxa ay qaabilsan tahay qayb muhiim ah oo shaqada nolosha ka mid ah. Sida uu xilligu isu beddelay ayaa ay qaayasoorradaasina isula beddeleen oo mar waxa jirtay noloshu kala soocnayd: aabbuhu kaalintiisa qaadan jiray (inta aannu noqon sida hadda uu yahay ee uu Hadraawi ku qeexay maansadiisa Awaaltiris: “Ilayska dhulkaad ahaydee, raggoow indhabeelistaada, asaayo maxaa ka beermay”), hooyadu doorkeeda qaadan jirtay, wadaadku intiisa buuxin jirey cid kasta oo si ama si kale masuul u ahina ay kasoo dhalaali jirtay masuuliyadda saaran. Sidaas iyada oo nolosha qaarkeeda hore u socdo ayaa mar qudha wax dhaceen. Waxa dhacay wax aan dhici jirin. Wax aynu ugu yeedhi karno isu furan bulsho ayaa soo if baxay. Isu-furanka bulshadu waa iyada oo qof waliba qaato door aan kiisii ahayn, u dhaqmo si aan sidiisii ahayn, yeelo wax aanu yeeli jirin ama u eekaado cid aanu ahayn. Isu-furanka waa doorsoomidda xuduudihii ummadnnimo iyo tiiyoo aan wax la kala yahayba jirin, bulshaduna waxa jiraalkeeda qurxiya kala duwanaanshaha oo ah in kooxiba meel ku aroorsan tahay, in qoloba meel lagu tirin karo oo loo daba fadhiisan karo, waayo, haddii bulshooyinku isku dhex daataan waxa dhaca iskala garanwaa cid kastaa u lunto si aan ‘kabasho’ lahayn.

Kala duwanaanshahan waxaa lagu arki karaa sida qaybaha bulshadu u shaqeeyaan, sida ay u leeyihiin masuuliyado gaar ah ama sida ay u qaataan doorka ku habboon ee nolosha iyo xidhiidhka ummadda dhexdeeda. Nolosha saxda ah bulshadu waxay leedahay qaybo kala duwan oo ay u kala xilsaaran yihiin, taas oo ka dhigeysa in ay u shaqeeyaan si wadajir ah si loo gaadho himilooyinka guud.

Faylasuufkii bulsheed ee Weber buuggiisa The Protestant Ethic and the Spirit of Capitalism wuxuu tilmaamay in nidaamka casriga ahi ku dhisan yahay faa’iido raadis shaqsi ah (individualism), taas oo halis ku ah wadar u noolaanshaha bulshada.

Cilmiga bulshadu (sociology) wuxuu u arkaa bulshada inay tahay nidaam isku xidhan (interrelated system), halkaas oo koox waliba ay leedahay shaqo gaar ah oo muhiim u ah joogteynta iyo xasilloonida guud ee bulshada. Sida uu Eemal Durkhaam ku xusay buuggiisa The Division of Labour in Society, “bulsho kasta waxay ku dhisan tahay qaybinta shaqada (division of labour) taas oo micnaheedu yahay in koox walba (culimo, macallimiin, dhallinyaro, hoggaamiyeyaal, iwm) ay qabato shaqo gaar ah oo la’aanteed nidaamka bulshadu uu burburi lahaa. Qayb kasta oo bulshadu ka kooban tahay waxa ay leedahay door iyo masuuliyadda ay ka qaadato xasilloonida, wanaagga iyo horumarka bulshada. Tusaale ahaan, qaar waxa ay noqon karaan madax, qaarna waxay noqon karaan shaqaale ama hawlwaddeenno bulsho.

Sida aynnu xusnay bulshooyinku waxa ay u baahan yihiin kala duwanaansho, gaar ahaan midka ku saleysan xirfadaha, aqoonta, iyo waayo-aragnimada dadka si loo helo isu dheelitirnaan keeni kara horumar waara. Tusaale ahaan, bulsho kasta waxay ka kooban tahay dhakhaatiir, macallimiin, farsamayaqaano, hal-abuurro, ganacsato, iyo shaqaale farsamo; kala duwanaanshahan xirfadeed ayaa keena in bulshadu u shaqeyso si wadajir ah oo midba midka kale dhammaystiro. Maadaama dadku ay ku kala duwan yihiin xirfadda, aqoonta, iyo aragtida, waxay ka shaqeeyaan meelo kala duwan si loo dhammeeyo hawlo kala duwan oo dad isku mid ahi aanay qaban kareen. Kala duwanaanshahan wuxuu ka caawiyaa in bulshadu ay noqoto mid isu dheelitiran oo kobcisa wadajir iyo isfahan “qawmi” ah.

Aqoonta kasmo-bulsheeddu waxa ay bulshada ku qeexday in ay tahay nidaam isku xidhan (interrelated system), halkaas oo koox waliba ay leedahay shaqo gaar ah oo muhiim u ah joogteynta iyo xasilloonida guud ee bulshada taas oo iyana horseedda horumar waara.

Nolosha bulshada, marka la eego, waxay ku salaysan tahay isdhexgalka iyo wada shaqaynta dadka, iyada oo qof walba uu ku leeyahay doorkiisa muhiimka ah. In kasta oo qaybaha bulshada ay leeyihiin kala duwanaansho, haddana waxay wadaagaan

ujeedooyin iyo himilooyin isku mid ah oo ku saleysan danta guud. Sida bulsho loogu qeexo: dad meel ku wada dhaqan laakiin kala duwan oo iniba waxa gaarka ah ay taqaanno, aamisan tahay, baratay, dabeecad ahaan leedahay ama aragti ahaan haysato ayaa kala duwanaanshiyuhu sal ugu yahay samaysanka bulsho caafimaad qabta oo ka fayow isku dumista ashkhaasta. Marka aynnu sidaas u garanay qiimaha kala duwanaanshaha bulshada; aynu haddaba ku dabaqno waaqaca waayahan dambe taagan iyo sida nolosheennu u eeg tahay.

Casrigan dambe wax badan ayuu fududeeyey halka uu wax badan oo kale na kharribay, ”horumar weliba nusqaanteeda leh”, laakiin waxa iswayddiin mudan ma casriga dambe ayaa wax walba saameeyay mise dadka ayaan sidii saxda ahayd uga faa’iideysan casriga oo iyaga ayaa wax kharribaya. Khadra-Dhool Daahir Cige ayaa mar ku calaacashay:

“Allahayoow mar ii sahal

Hay maaxduminin anigee (annaggee)

Muraadkayga ii yeel…”

Jiilba ka uu ka dambeeyo waxay u muuqataa in dadkii ay isu wada eg yihiin, oo ay isku mid ka yihiin doorka ay bulshada ka ciyaarayaan, aragtidooda ku aaddan nolosha iyo xitaa waxa ay qiimeeyaan ama muuneeyaan. Tusaale ahaan, ardaygii iyo macallinkiisii waxaa laga waayey kala dambeyn iyo is qadderin. Qof kastaa wuxuu isu beddelay hal-abuur, qoraa, ama dood-wade, iyada oo aan la kala lahayn xirfad gaar ah ama waayo-aragnimo dheeri ah. Waxa la waayey waayihii ay dadka bulshadu kala lahaayeen masuuliyado cad-cad iyo doorkii uu mid walba ku lahaa bulshada dhexdeeda taas oo keentay isu furan.

Nolosha bulshada, waxa sal u ah is dhexgalka iyo wada shaqaynta dadka, si kasta oo ay qaybaha bulshadu ugu kala duwanyihiin xirfadda iyo fekerkana haddana waa kuwo isku tiirsan isna kaaba oo leh u jeeddooyin iyo himilooyin guud oo mid ah.

Faylasuufkii bulsheed ee Weber buuggiisa The Protestant Ethic and the Spirit of Capitalism wuxuu tilmaamay in nidaamka casriga ahi ku dhisan yahay “shaqsi-doon” iyo faa’iido raadis shaqsi ah (individualism), taas oo wiiqaysa wadar u noolaanshaha bulshada. Intii aanu isku rarankani dhicin oo aanay bulshadu dhakada iska wada saarmin qof waliba wax uu lahaa meel loogu hagaago oo aan loogu tagin, wixii cilmi iyo aragtiyo ahna isaga loo daba fadhiisan jiray oo lagu ixtiraami jiray.

Waxaa maankayga ku soo dhacay hadalkii farshaxamiistihii weynaa ee reer Netherland Van Gogh oo ahaa: “Qalbiga qofku waa sida badweyn, waxa uu leeyahay hirarkeeda oo kale, duufaanteeda oo kale, deggenaanteeda oo kale, moolkeeda oo kale, iyo luulka gudaheeda laga helo oo kale!” bad weyntaas uu farshaxamiistuhu sheegayo bulshooyinka isku rarani waxa ay ka taagan yihiin qooriga oo ay meel gaar ah kaga sii uruursan yihiin!

Jiilashii hore ee bulshada Soomaalida waxa aynu ka xusi karnaa: wadaaddo qaabilsan diinta iyo laamaheeda kala duwan iyada oo aanay cidi faragashan jirin. Waxa la mid ah macallinka iyo kaalmaha kale ee bulshada. Tusaale macalinka weynu ognahay halka uu ugu jiro bulshada iyo ubadka uu wax barayo. Macallinku waxa uu ahaa isha keliya ee ardaygu ka helo aqoon iyo waayo-aragnimo, hadda isaga iyo ardeygiisii way is leeg yihiin oo ma aha ardaygii wax ka sugi jirey ee macallinku hoggaanka u ahaa waxaana lagu tilmaami karaa isu furan bulsho. Waxa la mid ah siyaasiga oo waa kii Hadraawi lahaa:

Rag siyaasi wada-noqoy

Wada-furey sil-siladaha,

Hadba taanu suurayn

Yidhi anigu aan saxo.

Ugu dambeyntii qof kasta kaalinta uu ku jiro haddii uu ku eekaan lahaa kana soo dhalaalilahaa waxa dhacay ma dhaceeen. “Wixii dumayna” ma dumeen. Weliba way badan yihiin goobaha uu ka dhacay isku milanka bulshooyinku: waxa jira qoraagii, akhristihii, dhakhtarkii, kal-kaaliyihii, farsamayaqaankii, sawirqaadihii, muusigyahankii.

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Qofka iyo Nabadda Gudaha