Skip to main content

Sunday 8 February 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Istanbuul: Magaaladii Dunidu ay Jeclayd

7 June, 2025
Image
Istanbuul: Magaaladii Dunidu ay Jeclayd
Share

Magaalada Qusdandiiniya (magacii hore ee Istanbuul) waxa ay caasimad u ahayd dawladdii Cusmaaniyiinta, dunidana waxa ay kaga jirtay kaalin weyn, waxaanay magac weyn ku lahayd magaaloyinka kulansada jinsiyadaha iyo diimaha kala duwan.

Juquraafi ahaan goobtay ay dunida ay kaga taallaa waxa ay ahayd mid saameyn weyn leh, oo Yurub iyo Aasiya isku xidha. Waxa ay ahayd xarun ganacsi oo weyn iyo suuq wax la isku weydaarsado, hoggaankana u haysa dhaqdhaqaaqa ganacsiga badda. Intaas waxa dheer kaalinta udubdhexaadka ah ee ay siyaasadda dunida kaga jirto, wakhtigii hore iyo kan haddaba. Si la mid ah sidaas ay yoolka ugu ahayd ganacsato iyo siyaasiyiinba, ayaa ay yool u ahayd taariikhyahannada, sahamiyayaasha, suugaanyahannada iyo fannaaniintaba.  

Waa magaalo laga sameeyey qoraallo jiquraafiyadeed, sooyaal, siyaasadeed iyo suugaaneedba. Waa dhif qoraa ama sahamiye aan booqan magaaladan, oo aan ka bixin faallo, mid togan ama mid taban. Dadkii wax ka qoray si is khilaafsan bay wax uga soo tebiyeen; oo qaar baa janno aan dunida dhiggeed laga heli karin ku sheegay, kuwana waa ay liideen, oo magaalo aan dhaqanka dadkeeda lagu galayn bay ku tilmaameen.  

Tusaale ahaan, Axmed Xamdi, oo wax ka qoray, waxa uu ku tilmaamay magaalo maanka qofka xadaysa, soo jiidasho leh, oo mala’awaalka qofka dhaafsiisan. Dadkeedu gebi ahaan abwaanno gabayga loo sahlay buu yidhi, oo magaalo sooyaalkeeda ilaa nolosheeda maalinlaha ahi qofka soo jiidanayaan. Sidan si ka duwan, Andre Gide oo bookhday Istanbuul 1914-kii, waxa uu xasuusqorkiisa ku qoray in ay tahay magaalo aad u liidata, sida Venesia, oo wax kasta oo dhexyaallaa meel kale ka yimi, xoog iyo xeelad midkii lagu keenayba. Waxa keliya ee ku xiiso gelin kara magaaladani waa ka bixitaankeeda ayuu hadal kusoo gunaanaday.  

Andre oo taxaya sababaha uu ku nacay magaaladan ayaa yidhi: “Maba jiro wax magaaladan si toos ah ugu abtirsadaa, oo ku tusin kara isku milanka iyo loollankii u dhexeeyey isirrada, sooyaallada, aaminaadaha iyo xaddaaradaha magaaladan”. Isagoo ka aragti dhiibanaya lebbiska dadka Turkida ayuu ku tilmaamay ka dunida ugu kharriban.  

Gabyaagii Ruushka ahaa, Joseph Brodsky, oo labadan tilmaamood ee hore u dhexeeya, ayaa si dhexdhexaadnimo leh ugu tilmaamay; in wax kasta oo magaaladan yaallaa leeyahay raad sooyaal, walow oo aanu raadkaasi aad duug u ahaynna, haddana raadad sooyaal ka muuqdaan.  

Waa magaalo la gaar ah in raadadkeeda taariikheed kulansadaan asalnimadii iyo casriyawga, wejiga diiniga ah iyo ka calmaaniga ah, iyo kelitalisnimada iyo kacdoonkaba.  Waa sababta magaaladani ula gaar tahay raadad taariikheed oo ka turjumaya hodannimada xaddaaradeed ee magaalada. Waxyaabaha soo jiidashada leh waxa ka mid ah maktabadaheeda buugaagta badan, ee cid walba soo jiidan jirtay. Waxa ugu caansan maktabadahaas maktabadda Masjid Jaamaca al-Sulaymaaniya, oo ah maktabada Sulaymaan al-Qaanuuni amray in masaajidkan la raaciyo sannadkii 1927-kii. Masaajidka laftiisu waa masaajid si farshaxan sare leh loo dhisay, oo  qurux ahaan iyo minaarado ahaanba aan ka dhicin masaajidka Aaya Soofiya. Maktabaddani waa mid jaadgoonni ah, oo ay yaallaan qoraallo-gacmeed dunida kale aan oollin, waana maktabad koobsatay maktabado shakhsiyadeed oo dadkii lahaa ugu deeqeen maktabadda, oo waxa ay koobsataa wax ka badan 117 maktabadood oo dad gaar ahi ku deeqeen.  

Waa magaalo ilhaamisay qoraayo badan oo sooyaalkeeda wax ka qoray, una kuurgalay guulihii ay soo martay iyo kacaankufkii ay soo aragtay ee uu sababayey hirdanka kursiga loogu jiray. Buugaagta sida waafiga ah u qaadaadhigay sheekooyinka ku duugan magaaladan, samaysankeedii siyaasadeed, bulshadii ku dhaqnayd iyo loollanadii iyo dagaalladii badnaa ee loogu jiray saldanadda ama dagaalyahanno dibadeed kusoo qaadayeen si ay uga dhigtaan albaabka ay uga galaan Bariga oo dhan, waxa ka mid ah buugga uu qoray Philip Mansel, “Qusdandiiniya: Magaalada Dunidu Jeceshahay (1453 – 1924), oo ah laba qaybood.  

Qoraagu waxa uu isu xilsaaray in uu raacdeeyo sooyaalkii magaalada iyo bulshooyinkeedii kala duwanaa, laga soo bilaabo markii uu furtay Suldaan Maxamed al-Faatix, ee uu magaalada soo galay sannadkii 1453-kii Miilaadiga, kaddib markii uu 53 maalmood go’doomiyey. Waa suldaankii magaalada kusoo galay faraska cad, waana dhacdo la la xidhiidhiyo bishaaradii Nebigu NNKH uu siddeed qarni ka hor kolkaas sii sheegay, isagoo yidhi: “Waa la furan doonaa Qusdandiinaya, ee boqor waxa ugu wanaagsan boqorkaas, ciidanna waxa ugu wanaagsan ciidankaas”. Suldaan Faatix waxa uu magaaladan ka dhigtay caasimad, waxaanay noqotay xuddunta boqortooyo dunida ku faaftay oo meelo badan dunida gaadhay, figtana gaadhay, ilaa ugu dambayn 1924-kii boqorkii u dambeeyey ee tafiirta boqorkaas, Suldaan Cabdimajiid, laga saaray magaalada, tareenna loo saaray bari, oo ah wax ka turjumaya in la xidhay boggii hore ee magaalada, oo ay gashay xilli cusub oo qawmiyadnimadu kitaab u tahay, lana tiro wax kasta oo hore oo magaaladani xidhiidh kula lahayd Islaamka.  

Qoraaga buuggani waxa uu isku ladhayaa tafaasiisha sooyaal iyo fasirka qaababka magaalooyinku ku samaysmaan, bilaw ilaa dhammaad. Waa buug u muuqda sooyaal saqaafadeed oo magaalada laga sameeyey, oo la moodo in magaalada lafteedu sheekaynayso. Waa sooyaalka shan qarni oo boqortooyadii Cusmaaniyiinta ah, waxaanu mar gorfaynayaa goobta, marna isbedbeddelkii salaadiinta iyo dhaqannadii bulshada. Waa sooyaalka magaalo cid waliba kaalinteeda ka heshay, marka muslimiinta u badnaa laga yimaaddo, sida Yahuud, Qibdiyiin iyo Armiiniyiinba. Istixgelintan magaalada ka jirtay waa wax qoraayo badani ka markhaati kaceen, oo waa magaalo ku caanbaxday si ka duwan magaalooyinkii kale ee dunida ee dadka laga tirada badan yahay aanay ku nabadgali jirin. Waa sababta uu Jooraj Soros u yidhi: “Turkidu cidna kuma colaadiyaan diintiisa iyo in uu middiisii hore ka digarogtay, iskumana hawlaan qancintiisa”. Qoraa kale oo u markhaati furaya Jooraj ayaa yidhi: “Ma jiro dal dunida ku yaalla, oo diimaha oo dhan laga tixgaliyo, sida Turkiga oo kale”.  

Qodobka xoojinaya istixgelinta diimaha ka dhaxaysay waa in inta badan intii ay Cusmaaniyiintu talinayeen, muslimiinta iyo masiixiyiintu xaq siman ku lahaayeen magaalada Qusdandiiniya. Lama soo tebin cid lagu khasbay inay diinta Islaamka qaadato, waana sababta qoraayo magaaladan ugu bixiyeen ‘Magaaladii Ilaahay”.  

Qaabka uu qoraagu u sawirayo magaaladani waa mid la mid ah sida uu Thomas Mann u falkiyey sheekadii uu soo saaray 1901-dii, ee uu kaga sheekaynayo dumitaanka qoys hodan ahaa oo waqooyiga Jarmalka degganaa, hodannimadaasna soo dhaxlayey afar jiil. Philip laftiisu waxa uu qaadaadhigayaa bilawga ilaa dumitaanka qoyskii Cusmaaniyiinta, isagoo ku milaya sooyaalka magaaladan. Waa boqortooyo markii ay magaaladan furatay isku ballaadhisay Yurub iyo dunida kaleba, Carabta iyo Muslimiintana ku samarsiisay khasaarihii Andulus ee 1492-kii.  

Waxa uu buuggu u kuurgalayaa sida magaaladan Kiristaanka Otodhogoska bari xarunta u ahayd isugu beddeshay caasimadda khilaafadii Cusmaaniyiinta, iyada oo aan ku xadgudbin xuquuqda dadkii kale ee diin ahaan laga tirada badnaa. Waa dhaqan ka duwan sida boqorradii Cusmaaniyiintu dhexdooda aanay isu tixgelin jirin, oo walaaluhu isugu dilayeen hanashada kursiga.  

Waa magaalo la yaab badan leh, oo qaababka dhismeed dunida kusoo jiidatay. Waxa kale oo la yaab lahaa nolosha dadka qasriyada deggan oo hodantinnimo halkii u sarraysay ka gaadhay, boqorraduna kharash badan ku bixiyeen madadaallada qoysaskooda, heer ay gaadhay inaanay dawladdu dabooli karin kharashaadkaas. Waa sawirka ay qaateen culimada galbeedka ee deraaseeya dhaqanka Bariga, iyaga oo aan tixgelin dhaqanka waaqica ah ee dadka magaalada ku nool. Waa magaalo lagu bartay sida boqortooyadu dhexdeeda shirqoollo isugu maleegto, oo bahuhu u kala riixdaan kursiga, iyada oo dumarku kaalin weyn ka qaadanayeen dirirtaas.  

Istanbuul waxa ay bilawgii ahayd mustacmarad Giriiggu qabsadeen qarnigii toddobaad ee Miilaadiga ka hor, waxaana loogu magacdaray boqorkii Roomaanka ahaa ee Qusdandiin. Waxa aasaasay oo degay dad kasoo qulqulay Giriigga, oo ka sameeyey halkan ay hadda ku taallo. Waa magaalo uu kala qaybiyo marinka Boosfoor, oo waa magaalo labadeeda midiba qaarad ku taallo; Yurub iyo Aasiya. Waa magaalada ugu weyn Turkiga, waana magaalada labaad ee ugu dadka badan dunida. Waxa ay caasimado usoo noqotay boqortooyooyin badan; Roomaankii, Biisandiyadii, Laatiiniyadii iyo Cusmaaniyadii.  

Sida caanka ah waxa la aaminsanyahay in Turkidu asal ahaan Turkiga leeyihiin, se sida Mustafa Maxamed Qaasim sheegayo, Istanbuul ma aha caasimaddii koowaad ee Turki ka taliso, Cusmaaniyiintuna uguma horrayn qoys taliya oo Turki ah. Waa bulsho soo maray dalal badan, oo boqortooyooyin waaweyn soo dhisay, oo cagta soo mariyey magaalooyin ay ka mid yihiin Bukhaara iyo Samarqandi. Waa dad xitaa ku milmay boqortooyadii Cabbaasiyiinta, qaybna ka ahaa Mamaaliiktii Masar iyo Shaam ka taliyey. Se intaasba ka sokow, Turkiga iyo Istanbuul waa meesha ay saldhigtay boqortooyadii ugu weynayd ee Turkidu yeeshaan taariikhda.  

Magaca iyo maamuuska ay hadda leedahay Istanbuul dedaalka ugu weyn waxa ku leh Cusmaaniyiinta, oo muddadaas dheer xukunkooda ku ilaashanayey. Waxa ay ka dhigeen magaalo Islaam oo raadad Islaam ku caan ah, sida minaaradaha tirobeelka ah ee farshaxanka sare leh.  

Muxammed al-Faatix waxa uu kaalin weyn ku leeyahay qaabdhismeedka Istanbuul, oo waxa uu dedaal u galay in uu dadka usoo jiido, kaddib markii dagaalkii uu ku qabsaday magaaladu ku baaba’day, daacuunna uu ka dillaacay oo dadka intii dagaalka kasoo hadhay ka qaxeen. Waa ninka ganacsatadii Boorsa ku khasbay inay magaaladan usoo guuraan, ee amray in guryo badan la dhiso. Waxa kale oo uu keenay Talyaani, Giriig iyo Yahuud, oo ku biiray Turkidii, Carabtii iyo Kurdidii.  

Boqortooyada aad baa loo xushmayn jiray, waana waxa markii dambe keenay in boqortooyadu kolkii danbe la gaadhsiiyo heer muqaddas ah. Waa wax magaalada u diiday inay yeelato furfurnaantii Baqdaad iyo Qurduba oo kale, oo ad’adkaan Islaami ah ayaa wax badan lagu hor istaagay, sida daabacaadda oo la diiday inay soo gasho dunida Islaamka, heer dil loogu gooddiyey cidda xirfad ka dhigata daabacaddaas cusub. Masaajiddadu waxa ay ahaayeen summadda haybadda boqortooyada, oo suldaanku waxa uu isu arkayey qofka Eebbe dhulka uga masuul dhigay, sidaas darteed, in masaajiddada la qurxiyaa waa wax uu arrinkani keensanayo.  

Burburka boqortooyadan waxa lagu saleeyaa in qasrigu kaalintiisii waayay iyo in madaxbanaani la siiyey Kaamil Baasha oo ciidankii ka fogeeyey siyaasadda. Waxa kale oo qayb muhiim ah burburkaas ka ahaa aasaaskii “Jamciyadda Muxammad” ee sannadkii 1909, iyo ciidankii oo amardiiddo sameeyey oo codsanayey in shareecada la isku dhaqo, xildhibaannadana la kala diro. Waxa se kaalinta ugu weyn lahaa dalalkii Galbeedka iyo shidaalintii bulshooyinkii kale ee Islaamka ee boqortooyada hoos tagayey.  

Waxii ka dambeeyey 1924-kii, Qusdandiinayadii kooxaha, isirrada iyo diimaha kala duwanba soo dhawaysay, waxa ay isku beddeshay caasimadda ugu qawmisan Yurub oo dhan. Waxa ay ka takhallustay tagtadeedii hore oo dhan, oo xitaa magacii ayaa laga beddelay. Ka sokow isbeddelkaas, haddana marka Turki la joogo waa magaalada jaangoysa cidda Turki xukumaysa.  

  • Waa Turjumaad iyo soo koobid, waxaanad ka heli kartaa halkan.