Skip to main content

Wednesday 9 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti
Title

Israa’iil Waxa ay Duminaysaa Tiirkii Jiraalkeeda

16 June, 2025
Image
Israa’iil Waxa ay Duminaysaa Tiirkii Jiraalkeeda
Share

Bishii Ogos ee sannadkii 1945-kii waxa uu Maraykanku ku dhuftay Jabbaan labo bambo oo nukliyeer ah. Labo magaalo, Heroshiima iyo Nagasaaki, ayaa uu ka dhacay wax u eeg qiyaamihii waxana ku dhintay dad ku dhaw rubuc malyan. Waxa ay ahayd dhacdadii ugu saameynta badnayd qarnigii tagay taas oo muddo dheer dunida cabsi ku sii xukuntay. Waxa ay soo afmeertay Dagaalkii 2aad ee Dunida oo waxa ay taladii adduunka gacanata u galisay Xulafadii uu Maraykanku hoggaaminayay. Dagaalka iyo adeegsiga nukliyeerka, oo cid walba ku cusbaa markaas, waxa ay cabsi dhaxalsiiyeen dunida oo dhan oo uu ku jiro isla Maraykanku. Sidaa awgeed, waxa ay dalalkii guuleystay dadaal u galeen in ay abuuraan nidaam sharci oo caalami ah oo ilaaliya kala-dambeyn caalami ah oo ay iyagu ka yihiin ‘guurti’. Nidaamkaasi waxa uu aqoonsaday madaxbannaanida dalalkii jiray, iyo kuwo soo biirayba, waxana uu soo afjaray gumeysigii iyo dhulboobkii socday dagaalka hortii oo loo arkay sababta tooska ah ee dagaallada waaweyn iyo qalalaasaha. Sidaas oo tahay, dalalkii guulaystay ee nidaamkan sharci dejiyay waxa ay isu xilsaareen in ay iyagu ilaaliyaan, iskana ilaaliyaan in uu si buuxda u qabto oo intoodii ugu muhiimsanayd waxa ay isa siiyeen awood ay si qayaxan (vito) ugu deedafeyn karaan . Haddana nidaamkan ilaa heer waa lagu soo tanaaday oo dalal badan iyo ummado faro badan oo aan taag lahayn ayaa kaga badbaaday in xoog lagu qabsado ama la barobixiyo. 

Si kaste oo uu ummado badan ugu shaqeeyay, waxa uu nidaamkani duudsiyay ummadaha qaar oo uu masiirkooda uga taliyay qaab xaqdarro ku dhisan. Tusaalaha ugu cad ee dunida oo dhani isla qirsan tahay waa Falastiin oo Qaramada Midoobay (QM), hay’addi sharci ee metalaysay nidaamka caalamiga ahi, ay sannadkii 1947-kii soo saartay Qaraarkii lanbarkiisu ahaa181 ee lagu go’aamiyay in Falastiin loo qaybiyo labo dawladood oo ay kala leeyihiin Yuhuudda iyo Carabtu. Waqtiga ay qaraarkaa soo saaraysay Qaramada Midoobay, waxa Falastiin ku noolaa dad ku dhaw 2 milyan oo qof oo in ka badan 60% ay yihiin Carab, Yuhuudduna waxa ay ahaayeen 30% ay intooda ugu badani dool ku yimaaddeen sannadihii Xukunka Ingiriiska. Tusaale ahaan, waqtigii Dagaalkii 1aad ee Dunida, Yuhuudda ku nool Falastiin waxa ay ka yaraayeen 8% waxana ay isku tiro dhawaayeen Kiristaanka, halka ay Carabta Muslimka ahi ahaayeen in ka badan 85%. Nidaamka Caalamiga ahi waxa uu mar kaste u xaglinayay dhanka Dawladda Yuhuudda oo noqotay midda qudha ee hirgashay, halkan ay Carabtu diideen qaraarkaas lagana dhigay dad ka baxsan sharciyadda dunida ee aqoonsan Israa’iil. Waxa duudsigaa abuuray waa in dalalkii sameeyay nidaamka iyo sharciyadda caalamiga ahi ay mar kaste la safnaayeen dawladda loo dhisay Yuhuudda ee Israa’iil oo noqotay ‘dawlad ay leeyihiin ummad dool ah’ oo nidaamka cusub ee dunidu dhisay kuna ilaaliyo gobolka. Dagaallo iyo deganaansho la’aan laxaad leh ayaa ay arrintani ka abuurtay gobolka Bariga Dhexe oo noqday ubucda qalalaasaha iyo diidmada nidaamka dunida, waxana la odhan karaa dhammaan dhacdooyinkii waaweynaa ee gobolkan ka dhacay siddeetankii sannadood ee ugu dambeeyay, laga soo bilaabo Bacsigii Carabta iyo qoomiyadnimada, Baraaruggii Islaamiga iyo Kacaankii Iiraan, ilaa Kacdoonnadii Guga Carabta, waxa ay la xidhiidheen gadoodka ku saabsan ‘Dawladda Israa’iil’ ee lagu beeray Falastiin. 

Muddo 77 sannadood ah oo ay Israa’iil jirtay, waxa si weyn ugu shaqeeyay nidaamka caalamiga ah ee uu Maraykanku hoggaamiyo. Waxa ay Israa’iil noqotay dawlad ku taalla Bariga Dhexe se awooddeedu ay taallo Maraykanka; Washington oo la barbartaagan xoog ciidan iyo mid dhaqaale, iyo Niyuu Yook oo ay u taallo sharciyaddii dunida ee aqoonsiga siisay. Muddadaa waxa ay bulshadii Yuhuudda ee Falastiin lagu dawladeeyay kortay oo gaadhay 60% dadka maanta ku nool dhulkii, halka ay Carabtii Falastiiniyiintu hoos ugu dhaceen ku dhawaad 30%. waxa dhacay is-waydaar oo Yuhuuddu waxa ay intaas wadeen deegaameyn iyo in ay dunida isaga yimaaddaan, halka Falastiiniyiintu ay qaxeen oo la barabixiyay. Kala-dambeyntii uu Maraykanku ka abuuray dunida ayaa meesha ka saartay halis kaste oo ay Israa’iil waajihi lahayd, waxana ay awooddeedu noqotay mid ka dhanbalan awoodda Maraykanka ee ciidan, aqoon, farsamo iyo dhaqaale. Ogobeey, wax loo gartay ma ahayn e, Israa’iil waxa ay in badan ku muteysatay dadaal ay waxgaradka Yuhuuddu galiyeen galaangalka iyo saameynta Galbeedka iyo nidaamka caalamiga ahba. Sidaas oo ay tahay, waxa uu nidaamkani ogolaa in Falastiiniyiintu ay noolaadaan, iyaga oo qaba rejo dawladeed oo ay sharciyadda dunidu u soo waddo. Waxa sannadkii 1949-kii la aasaasay Wakaaladda Qaramada Midoobay ee Gargaarka iyo Shaqada (UNRWA) oo loogu talagalay in ay caawiso Falastiiniyiinta, arrintaas oo lagu muujinayay in nidaamka dunidu uu xil iska saarayo waxtarka Falastiiniyiinta. Dhanka kale, waxa uu Maraykanku isu dhigayay in uu hormuud ka yahay sidii xal waara loogu heli lahaa Dhibaatada Bariga Dhexe oo uu si qunyar ah ugu rogay ‘sidii Falastiiniyiinta xal loogu heli lahaa’ halka ay dhibaatada dhabta ahi ahayd ‘sidii loo xallin lahaa dhibaatada Israa’iil’. Waxa udub dhexaad u ahaa dadaalladaas oo dhan, iyo dhammaan qaraarradii ka soo baxay QM iyo Goleha Ammaanka in arrinta lagu furdaamiyo ‘Xalka Labo Dawladood’ oo ku qotoma Qorshihii Qaybinta Falastiin ee QM, 1947-kii, in kaste oo ay sohdimihiisa aad isugu beddeleen dhanka Israa’iil oo dhulkii boobtay, heer aanu maanta Falastiiniyiinta u hadhin dhul ay dawladi ka dhismi kartaa. 

Dunida Muslimka, gaar ahaan Bariga Dhexe, marna ma seegin in nidaamka dunida xukumaa uu iyaga ku jawrfalay. Sidaa awgeed, waxa ay falcelintoodu ahayd gadood lagu cabbudhiyo xoogga Maraykanka iyo talisyada gobolka oo ay in badani kuraastooda uga eexeystaan doonista dadkooda. In badan ayaa ay shucuubta Bariga Dhexe isku dayday in ay beddelaan shaxda dunidan maamuleysa, kacdoonno qoomi ah iyo kuwo diineedba waa ay dhasheen, waana la muquuniyay. Ha se ahaato e, maanta shaxdii waa ay isbeddelaysaa, weliba si xawaare xooggan leh. Waxa la moodaa in ay u cuntami wayday isla ciddii ay u tirsanayd. Maraykankii oo ay ku fidayso siyaasadda uu metalayo Donald Trump, iyo Israa’iil oo ay sallaankeeda soo koreen kooxo ay metalayaan Itamar Ben-Gavir iyo Bezalel Smotrich oo waxa ugu yar ee lagu tilmaami karaa yahay in ay ‘argagixiso’ yihiin, heer uu qunyarsocod u yahay Benjamin Netanyahu oo weligii hoggaamin jiray xagjirka Israa’iil, waxa ay gebi ahaanba wiiqaysaa nidaamkii dunida ee ‘sharciga caalamiga ah’ ku tilmaannaa. Waxa ay riixayaan siyaasado iyo dhaqanno furfuraya waxii mandiq iyo curfi siyaasadeed ama diblumaasiyadeed ee dunida ka soo dhismayay waxii ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Intuba waxa ay ku suntan yihiin xagjirnimo aragtiyeed, cunsuriyad isir iyo mid diineed, iyo damac badheedh ah oo ku dhisan ‘xoogid iyo xasuuq’. Donald Trump iyo Netanyahu waxa ay si kaste u xooreen sharciyaddii dunida iyo curfigii dhaqangalay ee ay, iyagu, dunida ku aqbalsiiyeen sadbursigooda. 

Sannadkii labaad, waxa ay Israa’iil ka waddaa Qasa xasuuq iyo isir-sifeyn argagax leh, waxa kale oo ay hal mar dagaal kula jirtaa oo duqeymo ku waddaa Iiraan, Yaman, Lubnaan iyo Suuriya. Waxa ay si cad oo qayaxan u diidday in uu jiri karo mustaqbal ay Falastiiniyiintu ku noolaan karaan waxana ay dib u bilowday dhul-ballaadhsigii ka baxsanaa Falastiintii taariikhiga ahayd oo waxa ay hadda dhul dheeri ah ka qabsanaysaa Suuriya. Waxa ay Israa’iil hore u sii riixaysaa siyaasadda cusub ee Maraykanka ee ku qotonta quudhsiga nidaamka caalamiga ah iyo dheellitirkii jiray. Nidaamkaas dunida, oo aan marna caddaalad ku qotomin, waxa ugu weyn ee uu dheefi u lahaa dunida waxa ay ahayd in ‘dunida la saadaalin karo’ laguna dhaqmo xeer la isla yaqaan. Hadda, waxa meesha ka baxaysa arrintaas. Waxa uu Donald Trump caadi u arkaa kuna dhaqmayaa in la isku duuli karo oo uu dal qabsan karo dal kale isaga oo yeelanaya, iyo in ummadi xasuuqi karto mid kale oo ay ka awood badan tahay, iyo in sida loo kala xoog weyn yahay la isu xoogo, iyada oo aan loo baahan marmarsiiye sharci. In uu Maraykanku dalbado dhulal ay dalal kale leeyihiin sida Gacanka Banama, Jasiiradda Greenland iyo, xitaa, dalweynaha Kanada, waxa ay Israa’iil u aragtaa fursad ay, iyaduna, ku dalban karto kuna qabsan karto dhul iyo ummado dheeri ah. Si, kooban, Israa’iil iyo Maraykanku waxa ay si darandoorri ah u burburinayaan nidaamkii dunida ka jiray. 

Waxa lumaya isku-halleyntii iyo tilmaantii nidaamka dunida ee ahayd in ‘la saadaalin karo’. Sidaa awgeed, waxa si xawli ah dib ugu curanaya loollankii awoodda iyo is-hubeynta ee aan xakameysnayn. Walaaca dalal badani waxa uu keeni doonaa in ay isku tashadaan kana baxaan xakamaha Maraykanka. Arrintaasi waxa ay dunida galinaysaa qalalaase xooggan iyo dagaallo waaweyn oo khariiradda siyaasadeed beddeli kara, dal kastena waxa uu ku sii jiri karaa hadba inta uu leeyahay awoodo iskii u haya iyo sida uu u tashado. 

Shacabka Israa’iil, oo Mufekerkii reer Masar ee Cabdilwahaab al-Masiiri mar ku tilmaamay in uu yahay shacab ay shandaduhu u xidhxidhan yihiin, ma laha awood madaxbannaan oo ay dawlad ku sii lahaan karaan, dimogaraafi ahaan iyo juquraafi ahaanba. Tiro aad u badan oo shacabka Israa’iil ka mid ahi waxa ay haystaan dhalashooyin kale, inta u badanna waxa ay ku joogaan jiilkii labaad oo weli waxa ay xusuusan yihiin dalalkii ay asal ahaan ka yimaaddeen. Isir ahaan, keli ayaa ay ku yihiiin gobolka waxana ay si cidhiidhi ah ugu dhexeeyaan Badda Dhexe iyo badweyn isir oo Carbeed. Dhul ahaan waa dal aad u yar oo bedkiisu ka yar yahay Jabuuti. Waa dalka ay muuqato in tiro kooban oo gantaallo ahi ay godadka ku xareynayaan shacabkiisa maaddaama oo ay ku urursan yihiin dhul aad u kooban. Sidaa darteed, mustaqbalka jiritaanka ee Israa’iil waxa uu ku xidhan yahay awoodda Maraykanka oo iyaduna, inta ay awood dunida ku haysato ay ka badan tahay inta la aqbalsan yahay sharciyada caalamiga ah iyo nidaamka dunida oo uu Maraykanka abbaan u yahay. Haddii uu nidaamkaasi burburo, awoodda Maraykan waa la tijaabin doonaa, waxana jira quwado badan oo soo kacaya, iyo kuwo ay duruuftu ku qasbi doonto in ay gaar u tashadaan, awoodda Maraykanka oo wiiqantaana waa dhammaadka jiritaanka Israa’iil; waa dhabbaha ay hadda  hayaan Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu.