Tuesday 19 May 2026
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israa’iil ayaa safiir u soo magacaabay Hargeysa. Tallaabo uu qaaday Wasiir Saacir, Wasiirka Arrimaha Dibedda, oo uu ku kala beddelay xilal diblumaasiyadeed, ayuu ku magacaabay Michael Lotem inuu noqdo danjirihii u horreeyay ee ay Israa’iil u dirsato Somaliland.
Michael Lotem ayaa hore u soo noqday safiirka Israa’iil ee dalalka Kenya, Aderbijaan, iyo Kasakhistaan taas oo muujinaysa heerkiisa diblumaasiyadeed. Safiirkan ayaa muddada bilowga ah ahaan doona danjire aan deggenayn Somaliland.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland, bishii Diseembar 2025. Somaliland ayaa, dhankeeda hore ugu magacawday safiir leh awoodo dheeraad leh.