Wednesday 19 November 2025
Tan iyo markii af Soomaaliga loo sameeyay summado xambaara codadka kala duwan ee uu ka kooban yahay si qoraal loogu rogo, 1972-dii, waxa sii kordhaayay horumarintiisa, midayntiisa iyo dabagalka xeerarka lagu dhaqaayo summadahaas metelka u ah codkii qofka Soomaaliga ah. Inkasta oo wax waliba bilaw ahaayeen, haddana xukuumaddii xilligaasi waxa ay soo gaadhsiisay heer manhajkiisii, Qaamuuskiisii, dadkii baranaayay iyo kuwii baraayayba la diyaariyay. Waxa uu lahaa guddi loo dabafadhiisto oo ereygiisa iyo midka qalaad isu doorinaysay. Waxa jiray kuwo dejinta iyo hirgalinta manhajyadiisa u dabranaa. Waxa socday daraasado badan oo afka iyo xeerarkiisa lagu waday. Waxa caan ahayd daah-ka-faydiddii miisaanka casriga ah ee maansada. Iyada oo rejo fiican iyo yadiilo ka muuqato geeddiga horumareed ee afka, waa tii dawladdii, dadkii, duunyadii iyo afkiiba isla dumay. Waxii xilligaa ka dambeeyay, afku waxa uu galay xaalad aan degganayn. Waxa lumay midayntii iyo dabagalkii, waxaana soo baxay duruufo keenay in qof ama koox walba oo isku dayda in ay afka ka shaqayso ay keento ereybixin iyo qeexid cusub oo gaar ah, taas oo ka duwan tii kooxaha kale, kuna keentay jahawareer baaxad leh midayntii afka. Arrintani waxa ay culays saartay qaybtii la isku raacsanaa ama bud-dhigga u ahayd afka. Muddo 25 sano iyo wadartood ah ka dib ayaa aqoonta afku soo gaadhay heer jaamacadeed. Dugsiga Jigjiga, dugsiga Muqdisho iyo dugsiga Burco oo ugu dambeeyay ayaa soo saaray arday kala duwan oo aqoonta af Soomaaliga baratay. Haddaba, dugsiyadaasi waxa ay leeyihiin manhajyo kala duwan, marka aad u fiirsatana waxa aad arkaysaa in ay meelo badan ku kala baydheen. Tusaale, dugsiga Jigjiga (jaamacadda) waxa uu xoogga saaraa Suugaanta, ama si guud tixda iyo inta ku abtirsata. Dugsiga Muqdisho (jaamacadaha) waxa uu xoogga saaraa habqoraalka. Dugsiga Burco manhajkiisuna waxa uu xoogga saara dhanka naxwaha. Waxa aad ka dheehan kartaa, ardayda ka soo baxday, qoraallada ay faafiyeen iyo falanqaymaha fagaaraha yimaadda ee saddexda dugsi.
Qormadan, waxa aan si qoto dheer ugu lafaguri doonaa ereyga AF, qeexitaannadiisa asalka ah (laf) iyo kuwa loo adeegsaday (lud) iyo weliba qaybihiisa kala duwan. Sida oo kale, waxa aan falanqayn doonaa ereyo badan sida Suugaanta, Tixda, Tiraabta, Maansada iyo Maahmaahda, aniga oo eegi doona sida ay isu hoos tagaan iyo khilaafyada ka taagan qeexitaannadooda. Waxa aan soo dheegan doonaa aragtiyaha saddexdaas dugsi ee afka iyo aqoonyahannada afka u dedaalay, si aynu u kala saarro ugana gudubno isfahan-waaga jira, kuna soo afmeerro fahan cad oo ku saabsan aqoonta ereyadan. Inta aan falanqaynta ku guda jiro, waxa aan si gaar ah u adeegsan doonaa labada ereybixin ee kala ah Laf (asal) oo ujeedkeedu yahay “ereyga asalkiisa ama macnihiisii hore” iyo Lud (musdalax) oo ujeedkeedu yahay “macnaha loo adeegsaday ereyga ee aan ahayn kii asalka ahaa”. Ugu dambayn, waxa aan ku soo gunaanadi doonaa Saab-addaawirka ugu habboon ee ka soo dhex baxa fahanka qeexitaannadaas iyo heerka aqoontani joogto.
Aynu ugu horraysiinno e, ereyga “AF” laf ahaan, waxa uu Qaamuuskii Keenadiid ku qeexay: “1. Xubinta naflaydu cunnada ku cunto ee bishmaha, ilkaha iyo carrabku ku yaalliin 2. dhinaca birtu wax ku goyso. 3. Daloolka hogga, nabarka, IWM. Waxa ka dhasha Afaaf oo ah meel furan (xero, darbi, guri) laga galo ama laga baxo, illiin, kadin, irrid 4. Ereyada iyo ulajeeddooyinkooda; hadal dhan oo tol isku garto oo ku wada hadlo oo wax ku qabsado”. Qaamuuska Mansuur iyo Annarita ayaa, isna, in ka agdhow ku qeexaya. “Af m.l (afaf, m.l) 1. Xubinta nafleydu ay wax ku cunto oo bushimaha, carrabka iyo ilkuhu ay ku yaalliin. 2. Dhinaca ay middidu wax ku goyso. 3. Waddo, tog, xadhıg iwm, dacalka ay ka bilowdaan. 4. Wax guda leh meesha wax looga shubi ama gelin karo. 5. Af leh, sida fiican ee birta la adeegsadaa wax u goyso”. Waxa uu qaamuuskaasi ku sii ladhay “1. Af m.l (afaf, m.l) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isu war gaadhsiin lahayd, luuqad. 2.Af guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada. 3. Af qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaas oo u dhow ama la xadhiidha qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adag yahay, siiba xagga weedhaynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado. Af tiraabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo. Af maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; waxa uuna xallad u yeelaa siiba hadalka suugaanta ah. Afaaf m.l (afaaf, m.dh) Meesha furan ee xero IWM laga galo ama laga baxo; kadin; irrid”. Manhajka Jaamacadda Burco waxa uu ereyga Laftiisa/Salkiisa ku qeexay: “Af, waa erey guud oo ka soo jeeda firka koobaad ee hadalka bulshada Soomaaliyeed. Waa erey mug weyn oo loo ludeeyo siyaabo fara badan. Mar waa halka gasiinku ka galo caloosha noolaha. Marra waa illinka iyo irridda dhismayaasha iyo godadka. Marra waa birta loo adeegsado hubka qallalan qaybteeda wax goysa. Marra waa halka wax lagaga shubo/rido weelka. Marra waa dalool wax ka soo baxaan sida dhuunta qoriga iyo waxyaabaha kale ee daloola. Ugu dambayn, af waa xubinta laga hadlo”. Inahaas iyo in ka agdhow ayaa ereyga laftiisa lagu qeexaa.
Saddexdaas qeexitaan oo ah heerar kala dambeeyay oo aqoonta af Soomaaligu soo martay, waxa aynu ka soo dhalaalinaynaa ludka ereyga Af, si aynu u qeexno marka uu hadalka afka yeedhka ah yahay. Keenaddiid waxa uu ku ludeeyay ereyga af – Innaga oo qaamuuskiisa ka dab qaadanaynna – “afku waa ereyada iyo ula jeeddooyinkooda. Hadal dhan oo tol isku af garto oo ku wada hadlo, oo wax ku qabsado”. Waxa uu “Ereyo” uga jeedaa hadalka aynu ku hadlaynno oo dhan (Qurub, tuduc, Xaraf, gabay…). Mansuur iyo sida uu ereyga u ludeeyay marka aynu eegno, waxa uu ku qeexay: “Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaadhsiin lahayd, luqad”. Waxa uu leekeesiiyay micnaha ereyga af Carabiga ah ee LUQA. Waxa uu hoos geeyay ama u qaybiyay: “afguud, afqoraal, aftiraab iyo afmaldah”. Manhajka Jaamacadda Burco oo uu Xasan Burco salka u dhigay, marka uu qeexayo ama ludaynayo AF, waxa uu labo u kala qaadayaa AF iyo AFKU-HADAL. “Labadan erey waxa u dhexeeya faraq aan waynayn. Taasi waxa ay tilmaamaysaa in labadan erey oo midkood yahay erey lakabeed, ka kalana erey lukudan ay isku fir yihiin, taas oo loola jeedo in ay sal iyo baar isu yihiin. Erey saleedku, had iyo gooraale, waa erey ka soo jeeda firka koobaad ee hadalka bulshada. Halka erey-baarku ku yimaaddo illaa laba arimood oo kala ah: (1). Is ballaadhinta uu afku ku sameeyo midhihiisa iyo. (2). Erey cilmiyeedka afka la aqoomeeyo.”
Ereyga afku-hadal ayaa uu manhajkani leekaysiinayaa ereayada Luqa iyo Laanguwayj ee af Carabiga iyo af Ingiriisiga. Waxa uu manhajku AFKU-HADAL u aqoonsan yahay erey Cilmiyeed u dhigma ladaas aynu soo sheegnay iyo kuwa la midka ah ee afafka kale, balse AF uu yahay ereygii salka ahaa ee laga soo dhalaaliyay kan erey-cilmiyeedka ah. Waxa uu manhajku yidhi: “Af-ku hadal, waa erey cilmiyeed loo qoondeeyey in lagu tilmaamo erey bixin gaar ah; taas oo sheegaysa mid ka mida shaqooyinka xubinta afku u qabato shan faroodlaha. Shaqadaas oo ah mid suura gelisa qaab ay bulshadu u wada xidhiidho.” Waxa se iyaduna jirta dabeecad guud oo hadalku leeyahay oo ah in uu ereyada magac qudha u adeega ee ka kooban erey lakabeedka uu soo gaabsado. Tusaale ahaan Raydab-cali-koor, waa meel magaceed, waana magac saddex erey ka kooban. Haddaba, carrabku waxa uu ka wahsadaa magacaas dheer ku dhawaaqiddiisa, sidaas darteed dadka isla garanayaa waxa ay ugu yeedhaan, Raydabta; waxa ay iska tuureen Cali-koor. Sidaas darteed, ereyga Afku-hadal waxa uu ku soo ururayaa “AF” iyada oo inta kale ee “ku-hadal” uu carrabku ka wahsaday. Taas micneheedu waa in ereyga af yahay, afku-hadal oo la soo gaabsaday uun. Abwaan Gaarriye ayaa waxa uu yidhi, isaga oo afka iyo muhiimaddiisa ka warramaayay, “Afku waa nimcooyinka Ilaahay [SW], waana la iska xisaabinayaa, xoolahaba lama xisaabiyo”. Taas oo adkaynaysa in afka loola jeedo kan lagu hadlo. Isku soo wada xooriyoo ereyga AF laf ahaan waa daloolka foolka kaga yaalla noolaha ee carrabka iyo ilkuhu ku yaallaan. Lud ahaanna waa mid ka mid ah shaqooyinka uu afku qabto oo ah hadalka cidi ku wada xidhiidho ee ay isku fahanto. Haddaba, aqoonyahanka badankoodu afka waxa ay u kala qaybiyaan Hadal iyo Hawraar. Aqoonyannadaas marka aad u fiirsato waxyaabaha ay u cuskadeen qaybintan, waxa kuu soo baxaysa in aan laga sinnayn macnaha ay uga jeedaan Hadal iyo Hawraar. Si ay innoogu muuqato kala duwanaansha qeexitaannada ereyadan lagu qeexay, aynu dul istaagno mid walba.
Dugsiga Jigjiga ama Jaamacadda Jigjiga manhajkeedu waxa uu odhanayaa; “Afka waxa loo qaybiyaa Hadal iyo Hawraar. Hawraari waa hadalka intiisa habdhaca iyo qaafiyadda leh, waxa aanay u qaybsantaa Tix iyo Tiraab. Hadalla, waa inta ka soo hadhay ee dadku adeegsado”. Marka aad u fiirsato qeexitaanka dugsiga Jigjiga, waxa kuu muuqanaysa in ay ka eegeen dhanka Suugaanta. Waxa isaguna qaybintan ku raacay Cali Ileeye, buuggiisa Xabag Barsheed. Waxa uu buuggaas ku leeyahay; “Marka laga eego daaqadda suugaanta, afka waxa loo qaybiyaa labo waaxood oo kala ah: hadal iyo hawraar. Hadalku waa afmaalmeedka caadiga ah ee aynu hawlaheenna ku fushanno, kuna wada xidhiidhno, innaga oo aan u eegin nuxur iyo naxwe ahaan in uu shilis yahay. Hawraar, oo la macne ah suugaan sida aynu sare ku xusnay, waa iidaanka ama koosaarta hadalka; ama waa hadal la geedeeyay oo la qurxiyay”. Aragtidaasi waxa ay afka u kala saartay Hadal iyo Hawraar, iyada oo ku qotonta ama cuskanaysa Suugaanta. Mar kale manhajka jaamacadda Jigjig waxa uu afka u kala qaybiyaa Dhawaaq, dhigaal iyo dhaqdhaqaaq, isaga oo ka eegaya dhanka dhehaasha ama si-udheha.
Dugsiga Burco, ama si kale manhajka Jaamacadda Burco ayaa, isaguna, afka ama afku-hadalka u kala qaybinaaya Hadal iyo Hawraar. Manhajkani waxa uu ereyadan; Hadal iyo Hawraar, ku qeexayaa si ka duwan kuwa hore. Waxa uu leeyahay, “Hawraari waa meesin ka mida Af-ku hadalka oo u dhisan hab is-fangashan oo ku gudba fardhigaal oo qoraalka ah iyo fanax-dhabad oo af-ka-sheeg ah, kaas oo koobsan kara humaagyo balballaadhan laguna garan ogyahay (1). war iyo (2). sheeko”. Hadal, isna, waxa uu ku qeexay “Waa hab suurta geliya in cidi u wada xidhiidho qaab is-af-garasho oo ku gudbaya habka dhawaaqa, dhigaalka, dhaq-dhaqaaqa iyo jabaqda. Hababka is-af-garasho waxaa ka mida:- Af- ka dhawaaqa /jaaqid, Af- ka dhigaalka /qoraal, Af- ka tilmaanta / dhegoolka, Af- ka sanqadha / jabaq-dhaadka”. Qeexitaanka Manhajka Jaamacadda Burco, marka aad si qoto dheer u fiiriso, waxa kuu soo baxaya in ay ka eegeen, dhanka hummaajinta iyo halcelinta. Qeexitaanka ereyga Hawraar, waxa ay ku soo ururiyeen hadalka inta aan la isaga jawaabin ee “War iyo Sheeko” ah. Halka Ereyga “Hadalla” ay intii soo hadhay afka hoos geeyeen. Abwaan Hadraawi ayaa mar la waraysanaayay yidhi “ af Soomaaligu waxa uu u qaybsamaa hadal iyo Hawraar. Hadalku waa ka aynu maantaba ku hadlaynay, hawraartana waxa la isku yidhaahdaa maansada, maahmaahda IWM”. Qaamuusyaduna labadan erey waxa ay ku qeexeen 1. Hawraar “/m.dh/, Hadal; odhaah; weer.” 2. Hadal “Tix hadal ah oo ula jeeddo leh; weer, oraah, hadal, dood.”.
Aynu isku soo xoorinnee qaybintan iyo qeexdimahan waxa innooga soo baxaysa: 1. In Afka loo kala qaybiyay Hadal iyo Hawraar. 2. In labo u jeeddo oo kala duwan loo kala adeegsaday ereyga ‘Hawraar” iyada oo kooxiba xagal ka soo istaagtay. Halka ereyga Hadal isku ujeeddo loo adeegsaday, balse isna kala qaybintiisa lagu kala baydhi doono. 3. In manhajka xagga Suugaanta ka eegay, uu Hawraar iyo Suugaan isku mid u arko. Taasina ay keentay in ay Tix iyo Tiraab ku kala qaybiyaan. 4. In manhajka xagga hummaajinta iyo halcelinta ka eegayna, uu ereyga Hawraar u adeegsaday, hadalka aan la isaga hal celin sida Warka iyo Sheekada. Ereyga Hawraar sida manhajkani _ Jaamacadda Burco_ u adeegsaday waxa uu taageero ka helayaa dhanka qaamuusyada oo ka marag kacaya in aanu Suugaan la macne ahayn. Mar haddii aanu Suugaan la macne ahaynna ay ka baxayso meesha qeexitaankii suugaanta loo cuskaday. 5. Manhajka rumaysan in Hawraari, Suugaan la macne tahay, waxa uu HAWRAARTA u kala qaybinayaa, TIX iyo Tiraab. Halka manhajka kalana Hawraar u kala qaybinaayo War iyo Sheeko, halka uu hadalkana Tix iyo Tiraab u kala saaray.
Shantaas qodob waxa udub dhexaad u ah in afku Hadal iyo Hawraar u qaybamo. Hawraar oo lagu macneeyay Suuganina ay Tix iyo Tiraabtahay. Marka Hawraar, hummaajin iyo halcelin lagu macneeyana War iyo Sheeko tahay. Hadal oo hawraar laga soo reebayna uu Tix iyo Tiraab yahay _waa marka, ka dambe la raacee. Taas waxa ka dhalanaysa, jahawareer ah, in Suugaani Tix iyo Tiraab u qaybsanto iyo mayee, Hadal ayaa Tix iyo Tiraab u qaybsama. Waxa markaaba soo istaagaysa Tixdan iyo Tiraabitani iyagu horta maxaa ay yihiin? Waxa ay yihiin marka la isla qiro ayaa ay ama Suugaan ku abtirsandoonaan ama Hadal ku abtirsane. Inta aynnaan se iyaga sharrixin aynu qeexno Suugaan lafteeda si ay innoogu fududaato qaybaha ka dhalan kara iyo iyada lafteedu qaybta ay hoostagayso, sidii aynu ereyaydii hadal iyo hawraar u soo qeexnay.
Ereyga Suugaan, laf ahaan, waxa uu yeeshaa ama lagu sheegaa macnayaal badan, waxaana ka mid ah: naq, doog iyo cosob sida Qaamuusyada ku xardhan. “Waa dhirta marka inta kale gamashido inta soo hadha”abwaan Shube. Sida oo kale hadhuudhka la tumay inta dixiinka ah ee soo hadhayna waa la yidhaahdaa. Suugaan, waxase loo ludeeyaa siyaabo kala duwan. Qaamuuska Keenaddiid waxa uu leeyahay “Suugaan (-ta) . 1. Wax kasta oo la qoro ama lagu hadlo oo ula jeeddadooda loo jeelo ama loo bogo ama si kale loo jeclaysto ama saamayn wayn oo la dareemo leh. Murti, xigmad. 2. Hadal xallad ama quluud ama xudduud la xiseeyo leh. 3. Hadal sarbeeb hoose leh ama xifaalo qarsoon leh. 4. Laamaha cilmiga mid ka mid ah, waxyaalaha laga qoray ama laga yidhi”. Qeexidda qaamuuskan, waxa ka dhalanaya in Suugaanta ay ka mid yihiin murtida iyo maahmaahuhu. Qaamuuska Mansuur ayaa isna waxa uu ku qeexay “ Suugaan m.dh: 1. Hadal tix ama tiraab ah oo murti huwan”. Qeexidda Mansuurra waxa ka dhalanaysa in Suugaanta ay ka mid tahay Tixda iyo Tiraabtu. Abwaan Gaarriye AUN ayaa isaguna yidhi mar uu qiimaha afka ka sheekaynayay “Suugaaantu, haddii hadalku caano ahaan lahaa ayaa ay labeentii noqon lahayd”. Waa qeexidda caanka noqotay ee ah Suugaantu, waa koosaarta iyo labeenta hadalka. Hadraawi ayaa isaga oo ka warramaaya isaguna yidhi: “Suugaantu aad ayaa ay uga wayntahay maansada. Suugaanta waxa ka mid ah sheekooyinka, sida: xariirada iyo faneedda. Riwaayaddu waa suugaan, Filinku waa suugaan. Maahmaahdu waa suugaan. Waxaas oo dhan ayaa suugaan ah”. Hadalka Hadraawi AUN waxa ka dhalanaya in suugaani, Fan (art) tahay. Cabdikariin Cabdillaahi oo mareegta Qurbajoog ku falanqeeyay Suugaanta ayaa isna yidhi: “Suugaantu, waa qaybta ugu hodansan afka Soomaaliga, waana sida magaceedaba ku tusan, suugada iyo iidaanka afka. Suugaantu waxa ay u kala baxdaa labo qaybood oo kala ah :1. Maanso iyo 2. Maahmaah”.
Manhajka dugsiga Jigjiga waxa uu ereyga Suugaan u qaatay, sidaas kuwa hore u qeexeen uun, balse waxa ay u kala qaybiyeen Tix iyo Tiraab. Waxa kale oo ay yidhaahdeen Suugaantu waxa ay leedahay lix nooc. Noocyada iyo Qaybaha waxa ay u kala adeegsadeen si kala duwan. Lixda nooc waxa ay ku sheegeen: Maanso, Maahmaah, Jirrab, Sheeko, odhaah iyo Riwaayad. Manhajka Dugsiga Burco waxa uu isaguna Suugaan ku qeexay “Suugaantu, waa foolaad u hadal u addaawiran qaab tixeed oo ku dhisma gashan tibix socod, tusmo-badeed iyo hab-dhac hilaaad gashan oo leh, tiro xeerar iyo dabarro ah”. Qeexitaanka dugsigan, waxa laga dhex akhrisanayaa, in Suugaantu ay tahay “Hadalka inta foolaadka ah, ee leh xarafraac, xidhiidhsanaan, xeerar iyo dabarro”. Waxa aad halkaa ka dhadhansanaysaa in aan tix iyo Tiraabi meesha joogin.
Marka aynu u fiirsanno qeexitaannada kala duwan ee aqoon yahanka afka iyo jaamacaduhu ku qeexeen ereygan suugaan, ee aynu la akhrinno manaahijta kala duwan ee dugsiyada sare, ee guud ahaan Soomaalida, waxa innoo soo baxaya: In Suugaantu ay tahay “Foolaadka, labeenta iyo inta ugu dixiinsan ee afka. Intaas baarka sare ahina waa in ay noqotaa inta ugu quruxda badan ee afkeenna. Waxa kale oo qeexdimahan ka dhex muuqanaaya isdiiddooyin ku arooraya sida loo qaybiyay sugaanta. Marka aynu qeexitaannada Suugaanta laga bixyay la isu soo xooriyo, waxa laga fahmayaa laba aragtiyood in ay ku dul wareegayaan. Aragiyi waxa ay Suugaan leekaysiinayaan hawraar, aragtida kalana waxa ay u aragtaa in Hawraar iyo Suugaani aanay isku mid ahayn. Aragtidan dambe waxa u hiilinaaya qaamuusyada sidii aynu soo aragnay. Sidaas darteed waxa aynu qaadanaynnaa in aanay Suugaan iyo Hawraari isku mid ahayn ee Hawraari War iyo Sheeko tahay, taas oo meesha ka saaraysa in hawraari Tix iyo Tiraab u qaybsanto. Sheekaduna waxa ay u kala qaybsantaa, Sheeko (dhaqameed, murtiyeed iyo Faneed). Haaddaba, haddii Hawraari War iyo Sheeko noqotay, imminka ayaa ay innoo muuqanaysaa in Tix iyo Tiraabi ku aroorayaan Hadal. Marka aynu sidaas leennahay waxa aynu ku raacnay manhajkii afka u qaybiyay, hadal iyo hawraar, ee Hawraar u sii qaybiyay War iyo Sheeko, hadalla u sii kala qaybiyay Tix iyo Tiraab. Marka aynu suugaanta lafteeda qaybaha hoosyimaadda ka hadlaynana, waxa ugu foolaadsan, qaybnita odhanaysa suugaantu waa Maanso iyo Maahmaah, maaddaama oo Tix iyo Tiraabi ku arooreen qaayb hoosaaddada Hadalka. Si aynu u yaqiin sanno ama u qirro qaybintani in ay sax tahay, aynu iyagana sharraxno erayda Tix iyo Tiraab. Waxa kale oo aynu iyagana isla eegaynaa Maahmaah iyo Maanso si aynu iyagana u xaqiijinno in ay suugaan hoos tagaan iyo in lagu khasbaayo.
Horta labadan erey ee Tix iyo Tiraab, waxa lagu turjumay labadan erey ee qalaad (Poetry and Prose). Poetry iyo Prose waa laba eray oo Ingiriisi ah oo loo adeegsado suugaanta, gaar ahaan marka la laga hadlayo farqiga u dhexeeya maansada iyo hadalka caadiga ah. Poetry waa hadal/qoraal ujeedkiisu yahay in dareen, fikir, ama muuqaal la cabbiro kaas oo leh Qaafiyad/ Qormo areerin (rhyme) Miisaan (meter / rhythm) hummaag (imagery) Qaab (structure) iyo Xarafraac/Tibix raac(figurative language.). Prose waa hadal/qoraal caadi ah, waano ama sheeko aan miisaan lahayn. Tusaale; “Hadhuub daatay Caanaha, hanbadaa la qaban jiray” Xabag-barsheed. Prose waa hadalka/qoraalka caadiga ah ee aan lahayn miisaan ama qaafiyad, sida: Sheekooyinka (Stories) Maqaallada (Essays) Buugagga cilmiyeed (Textbooks), Wararka rasmiga ah…IWM. Tusaale: “Waar judha ay caanuhu kaa siibtaan inta danbe ayuun baa lagu dhegaa! / Mogoo Igaarkeey, caana khubtay hanbadaa laga caynsadaa nooh!” Xabag-barsheed. Aynu u dhaadhacno in macnaha ereyadan iyo qeexitaannada Tix iyo Tiraab isu adeegayaan.
Ereyga Tix, sida qaamuusyada ku qoran, waxa uu ku lafaysan(asal) yahay, magac dheddig oo labo macne leh, kuwaas oo kala ah: “1. Ereyo qaafiyad iyo miisaan leh. 2. Gabay dhowr bayd ka kooban”. laf ahaan labadan micne midka dambe ayaan u badinayaa in uu horreeyay. Marka ay caynkaas tahay, waa la isla wada oggol yahay in uu labadaan micne qaadan karo. Haddaba marka ereyga ludkiisa la eego, waxa ka dhalanaysa is diiddooyin qeexitaankiisa lud ahaan ku saabsan. Aynu isla eegno jidadka la kala maray. “Tix: waa weedh kasta oo habdhac iyo qaafiyad leh. Qaybkasta oo tixda hoos timaaddana waxa loo qeexi karaa sidaa, Tusaale ahaan: Suugaan, Maanso, Gabay, Geeraar, Jiifto, Buraanbur iyo Maahmaahyo IWM”. Waxa sidaas u qeexay, QR: Cabdixakiin Cabdillaahi. Qeexiddan, waxa ka dhalanaaya in Tixda ay hoos yimaaddaan Suugaanta, Maansada iyo Maahmaahyadu. “Tixdu waa hawraar kasta oo taxan, lehna habdhac iyo halraac sugan” Xabag barsheed, Cali Ileeye. Qeexitaankan wax uu la jaan yahay midka hore, balse isla buugga dhexdiisa waxa uu Cali odhanayaa “Tix iyo maanso af ahaan waa labo erey oo isku ujeedo tilmaamaya. Ereybixin ahaan, halkan tix waxa aynu uga jeednaa godadka maansada ee kala duwan sida: gabayga, jiiftada, buraanburka, heelada, geeraarka…IWM”. Waxa uu tilmaamayaa in Tix iyo Maanso isku mid yihiin. Sidaas darteed waxa meesha ka baxaya, in ay hoos yimaaddaan Suugaanta, Maahmaah iyo Maanso oo waxaaba isleeg ama isku mid ah Maanso iyo Tix. “Tix, waa hadal tusmeed leh Qaab, Qoton, Qaameer iyo Qormo-areerin abla-ablaysimi kara” Manhajka Jaamacadda Burco. Haddii aynu isku dayno in aynu qeexiddan furfurro, innaga oo sharraxaadda uu manhajku ku sameeyay qeexiddaas lukudan raacaynna. Tixdu, waa hadal-tusmeed, oo loola jeedo waa hadal u muuqda sida shax ama jaantus laga dheehan karo ujeedda-gal iyo dareen-qaad wax badan koobsan kara sida suugaanta qaybaheeda, kaas oo leh: Qoton: sida in uu yeesho hummaag, ka kooban maldahane iyo badheedhe. Qaab: sida in uu yeesho tusmo badeed uu raacayo sida maansada ama in uu yeesho habdhac kale sida Sorgordoh. Qaameer: sida in uu meel kagaga arooro heerargalka iyo qaab dhismeedka bulshada, sida in uu ku arooro maanso wax ka sheegaysa: dhul, jacayl, xoolo, colaad ama nabad iyo WLM. Qormo-areerin: in uu yeesho tuducyo, meerisyo, rablayaal iyo qaab la isu raac’raacinkaro oo suura gelinaaya in si uun loo abla-ablayn karo.
Qeexiddani waxa ay suuragalinaysaa, in waxkasta oo leh astaamahan (Qoton, Qaab, Qaameer, Qormo-areerin) ay Tixda hoos yimaaddaan. Waxa astaamahaasi ay ku dhaboobayaan Suugaanta (Maansada, Maahmaahda iyo Murtida) iyo Sogordohda(Majaajillada, Maaweelada). In ay intaas uun ku dhaboobayso waxa aynu u cuskanaynaa, astaamaha manhajku u qayday. Waxa kale oo aynu xasuusanaynnaa in intani tahay “Foolaadka, labeenta iyo inta ugu dixiinsan ee afka” oo ah qeexiddii Suugaanta oo ay ku ladhan tahay Sogordoh. Sogordohdu waxa ay la wadaagtaa Suugaanta, Qaabka iyo Qotonka. Yacnii Majaajiladu waxa ay leedahay Qaab loo sameeyo ama loo tabiyo, sida oo kale waxa ay leedahay Qoton oo waxa lagu muujiyaa hummaagyo la jilo. Sidaas si lamid ah Maaweeladu labadaas qodob ayaa ay la wadaagtaa. Sogordohna waxa la isku yidhaahdaa Majaajillada, iyo Maaweelada. Waxa kale oo u dheer in isla suugaanta lagu dhex adeegsado Sogordohda. Waxa halkaas ku dhaboobaya in Suugaantu hoos tagto Tixda, maadaama oo Sogordohda oo suugaan aan ahayni ku abtirsanayso Tixda.
Ugu dambayn Tixda waxa u baadi sooc ah oo ay kaga duwan tahay Tiraabta, waa hadalkasta kasta oo taxan, lehna habdhac iyo halraac sugan. Si kale haddii aynu u nidhaahnana “Tixdu, waa hadal tusmeed leh Qaab, Qoton, Qaameer iyo Qormo-areerin abla-ablaysimi kara”. Waxa ugu dhow ee ay u qaybsami kartaana waa Suugaan (Maansada, Maahmaahda iyo Murtida) iyo Sogordoh (Majaajillada, Maaweelada). Sogordoh waa ereycilmiyeed uu manhajka Burco ku mideeyay Majaajillada iyo Maaweelada.
Ereyga Tiraab, laf (asal) ahaan, Qaamuusyadu waxa ay ku qeexaan “tiraab m.l. erey, hadal, tiro ama dhawaaq afka ka soo baxay. Tiraabid, hadlid”. Waxa aynu qeexdinta qaamuuska kala baxaynaa in Tiraabtu hadal ka mid tahay. Lud ahaanna ereyga Tiraab qeexdimihiisa waxa ka mid ah: Akadamiyadda afka iyo dhaqanka/Muqdisho waxa ay ku qeexday “tiraabtu waa hadalka caadiga ah ee aan lahayn ridmo iyo qaafiyad ama xaraf ay ku socoto. Waxaana kamid ah hadal ka caadiga ah, sida: sheekooyinka, murtida, odhaahda iyo halhaysayada”. Inkasta oo aanay Murida la odhan karin waa tiraab, haddana Qeexitaankani waxa uu dhayda ka caddaynayaa in Tiraabtu tahay, hadalka caadiga ah ee aan lahayn qaafiyadda iyo Habdhaca. Buugga Xabag Barsheed waxa uu leeyahay “Af ahaan tiraabtu waa qaab u dhihidda hadalka. Hadalka waa lagu tiraabaa, halka maansada la tiriyo. Ereybixin ahaanna tiraabi waa hadalka kiisa habboon ee afmaalmeedka ka sarreeya tixdana ka hooseeya. Si kale haddii aynu u dhigno, tiraabi waa hadal kasta oo dhisme ahaan cuddoon, balse aan ku qasbanayn in uu yeesho habdhac iyo halraac sugan (xarafraac). Tiraabtu waxa ay u qaybsantaa laamo badan oo man iyo magoolba huwiya geedka suugaanta, waxaana ka mid ah: afmuceedka, maahmaahda, murtida, jirrabka (halxidhaale, googaalaysi, iyo carrabjalqin), sheeko (dhaqameed, faneed), iyo kuwo kale”. Manhajka Dugsiga Jigjiga ayaa isna sidan xoojinaaya”.
Waa meesha ugu badan ee muranka keentay. Maahmaahda iyo murtida aqoonta casriga ahi, waxa ay maraysaa, heer ay miisaanto, habdhaceeda soo saarto oo xataa xarafraaceeda la abla-ableeyo. Tusaale ahaan, maahmaahda waa la fakaag tiriyaa. Sida oo kale waxa ay leedahay habdhac iyo marar badan xaraf raac. Tusaale, “Saddex lalama derso” (Doqon fiiro taqaan, Fulay daandaansi yaqaan iyo Bakhayl damac yaqaan). Maahmaahdaasi waa saddexley, oo waa Da’ley, oo waa toddoba fakaagley. Taasi waxa ay ka soo saaraysaa dhanka Cali iyo dadkale oo badani ay galiyeen ee Tiraabta, oo waxa ay ku daraysaa ama ku aroorinaysaa sidii aynu soo aragnay Suugaanta. Manhajka Jaamacadda Burco, waxa uu ku qeexay ama ku ludeeyay Tiraabta: “Waa hadal u addaawiran qaabka humaajinta iyo hal-celinta oo ku gudbi kara Far iyo Fanax_yacnii qoraal iyo hadal. Labadooda kii uu doono ha adeegsadee, waxa uu ka curtaa ereyo iyo weedho ku hogagashan xeerka iyo dabarka tuduca af Soomaaliga”. Qeexiiddan Manhajka jaamacaddu waxa uu dhaabadaynayaa kii hore ee ahaa, Tiraabtu waa hadalka caadiga ah. Manhajku waxa uu tiraabta u kala qaybinayaa (af Jaaq, af Tilmaan iyo Qoraal). Qeexitaannada waxa ugu awood badan midka dambe ee hadalka caadiga ah ku koobay Tiraabta, marka maragga uu haysto ee ay Qaamuusyada, ereygii lagu turjumay (prose), manhajyada dugsiyada sare, adeegsiga dadka caadiga ah iyo midka manhajka jaamacadda Burco aynu eegno.
Haddaba, saw lama odhan karo, Afka ama Afkuhadalka (luuqadda) oo ah mid kamida shaqooyinka uu afku qabto oo ah hadalka cidi ku wada xidhiidho oo ay isku fahanto, waxa uu u qaybsamaa Hadal iyo Hawraar. Hadalka oo ah afka-yeedhka dadku isku fahmaanna uma qaybsamaayo Tix (Poetry) _oo ah hadal/qoraal ujeedkiisu yahay in dareen, fikir ama muuqaal la cabbiro kaas oo leh Qaafiyad/ Qormo-areerin, Miisaan, hummaag, Qaab iyo Xarafraac_ iyo Tiraab (prose) _oo ah qaybta hadalka caadiga ah oo aan lahayn ridmo iyo qaafiyad ama xaraf ay ku socoto. Hawraarina saw War iyo Sheeko iyo inta aan la isaga hal celin ee qoran ama dhehan maaha. Tixduna saw u qaybsami mayso Suugaan oo ah foolaadka, labeenta iyo inta ugu dixiinsan ee afka iyo Sogordohda oo Majaajillada, Maaweelada iyo inta ku aroorta ah “ sida googaalaysiga, Xalxidhaalaha ..IWM). Suugaanina u qaybsamimayso Maanso (Gabay, geeraar, guuraw, heello…IWM), iyo Maahmaah oo murtina ku lammaantahay.
Ugu dambayntii, iyada oo la isku xidhayo aragtiyaha kala duwan ee aynu soo dheegannay iyo si looga gudbo isfaham-waaga jira, waxa aan soo jeedinaynaa Saab-addaawirka (Qaabka)ka dhashay falanqayntan, kaas oo aan aaminsanahay in uu yahay kan ugu macquulsan ee xallin kara murannada jira:
Afka ama Afku-hadalka (luuqadda) oo ah mid ka mida shaqooyinka uu afku qabto oo ah hadalka cidi ku wada xidhiidho ee ay isku fahanto, waxa uu u qaybsamaa Hadal iyo Hawraar.
Hadal: waa hadalka guud ee dadku isku fahmo, waxaanu u qaybsamaa Tix iyo Tiraab.
Tiraab waa qaybta hadalka caadiga ah ee aan lahayn ridmo iyo qaafiyad ama xaraf ay ku socoto. Tan waxa xoojinaya adeegsiga Qaamuusyada, ereyga lagu turjumay (Prose), manhajyada dugsiyada sare, iyo adeegsiga dadka caadiga ah.
Titaabtu, waxa ay u qaybsantaa, Dhawaaq, dhigaal iyo dhaqdhaqaaq ama Af- ka dhawaaqa /jaaqid, Af- ka dhigaalka /qoraal, Af- ka tilmaanta / dhegoolka, Af- ka sanqadha / jabaq-dhaadka.
Tix, waa hadal tusmeed leh Qaab, Qoton, Qaameer iyo Qormo-areerin abla-ablaysimi kara. waxa ay u qaybsantaa laba qaybood oo waawayn: Suugaan iyo Sogordoh.
Suugaan: oo ah foolaadka, labeenta iyo inta ugu dixiinsan ee afka. Suugaantu, iyaduna waxa ay u kala baxdaa:
Maanso: oo ay ka mid yihiin Gabayga, Geeraarka, Guurawga, Heellada, iwm.
Maahmaah: oo ay ku lammaan tahay Murtida.
Sogordoh: oo ay ka mid yihiin Majaajillada, Maaweelada, iyo inta la midka ah sida googaalaysiga iyo halxidhaalayaasha.
Hawraar waa "War iyo Sheeko" iyo inta aan la isaga hal-celin ee qoran ama dhehan. Tani waxa ay ka duwan tahay aragtida Hawraar ku macnaysa Suugaan. Sheeko, waxa ay u qaybsantaa, Sh. Dhaqamee, SH. Faneed iyo Sh. Murtiyeed.
Fahamkan, oo ku salaysan qiimaynta qeexitaannadii saddexda dugsi iyo aqoonyahannada hal-kelyaalaha ahi, waxa uu bixinayaa qaab-dhismeed cad oo lagu kala saaro qaybaha afka iyo suugaantiisa, iyada oo la dhimayo isku dhexyaaca iyo khilaafaadka qeexitaannada ee hadda jira. Waxa uu innoo suurtagelinayaa in aynu si dhab ah u fahamno aqoonta afkeenna hooyo iyo sida loo kala saaro qaybihiisa kala duwan.