Skip to main content

Monday 7 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Islaamka u Dhexeeya Bari iyo Galbeed

16 August, 2026
Image
Islaamka u Dhexeeya Beri iyo Galbeed
Share

Marka la isla soo hadal qaado ama la maqlo buugga “Islam Between East and West/الإسلام بين الشرق والغرب”, (= Islaamka u Dhaxeeya Bari iyo Galbeed) waxa ugu horreeya ee qofka soo jiidanaya ma aha oo keliya qoto-dheeridiisa, balse waa habka gaarka ah ee uu qoraagu u dhisay su’aalaha uu doonayo in uu ka jawaabo. Cali Cisat Begafij, buuggiisa kuma sharxayo caqiidada Islaamka ama ma soo bandhigayo daliillo Qur’aan iyo Xadiis ku salaysan, sida ay inta badan sameeyaan culimada Islaamku. Halkii uu ku bilaabi lahaana; waxa uu ka bilaabayaa su’aalo ka weyn diimaha oo dhan: Waa maxay aadamuhu? Maxaa ka dhigaya bini’aadamku inuu ka duwanaado noolaha kale? Sidee ayay ilbaxnimooyinka u fahmeen bani’aadamku, maxaa se khaldamay? Sidaas darteed, buuggu waxa uu marka hore ka hadlayaa “Man” (= qofka) ka hor inta aanu ka hadlin “Islam” (= Islaamka). Tani waa xeelad falsafadeed oo ay adeegsadeen faylasuufyo badan sida Plato, Aristotle, René Descartes iyo Immanuel Kant, kuwaas oo rumaysnaa in fahamka nidaam kasta oo fikir ahi uu ka bilaabmo fahamka waxa uu yahay qofka bani’aadamka ahi.

Haddaba, inta aynaan u guda-gelin gorfaynta iyo nuxur-koobka dhiganahan, inyar aynu isla eegno ama aynu is-weydiinno: Waa kuma Cali Cisat Begafij?

Cali Cisat Begafij (Ogos 08, 1925-kii – Oktoober 19, 2003-dii), waxa uu ahaa aqoon-yahan, mufakir, iyo hoggaamiye weyn oo leh; shakhsiyad deggen, dulqaad badan, go'aan-adayg iyo haykal-hoggaamineed. 1940-kii wuxuu ku biiray urur islaami ah oo la odhan jirey; Mladi Muslimani (= Ururka Dhallinyarada Muslimiinta), isaga oo jira qiyaastii 15 sano, wuxuuna si dhakhso ah u noqday mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu muhiimsan ee ururkaas. Ururkan wuxuu u taagnaa difaaca xuquuqda dadka Muslimiinta ah ee reer Bosniya, barashada diinta Islaamka, iyo ka hortagga fikradaha “Communism” (= Shuuciyadda) iyo “Fascism” (= fashiistnimada) oo xilligaas ku baahayay gobolka Balkanka. Taariikh ahaan, wuxuu ahaa aabbaha aasaasay qaranka casriga ah ee Bosnia iyo Herzegovina, isaga oo dalkaas hoggaamiyey kadib madax-bannaanida sanadkii 1992-kii, kana badbaadiyey dabar-goyntii iyo xasuuqii ay ku hayeen ciidamada Serbia ilaa uu ka saxeexay heshiiskii nabadda ee Dayton sanadkii 1995-kii. Aqoon ahaan, wuxuu ka qalin-jabiyey kulliyadda sharciga ee Jaamacadda Sarajevo, wuxuuna ahaa faylasuuf si qoto-dheer oo mug leh u darsay falsafada reer Galbeedka iyo midda Islaamka, isagoo qoray buugaag caalami ah oo saameyn weyn reebay sida; “Islamic Declaration/الإعلان الإسلامي" (= Baaqa Islaamka). Heer ahaanna, wuxuu gaadhay meeshii ugu sarreysay ee hoggaanka siyaasadeed laga gaadho, isaga oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkiisa, waxaana adduunka oo dhan, gaar ahaan caalamka Islaamka, looga aqoonsan yahay mid ka mid ah hoggaamiyayaashii iyo mufakiiriintii ugu aqoonta badnaa ee soo maray qarnigii 20-aad.

Marka uu Cisat Begafij uu qorey buuggan; Islaamka u Dhaxeeya Bari iyo Galbeed ma aanu doonayn in Islaamka loo fahmo oo keliya diin gaar u ah Muslimiinta, balse waxa uu doonayey in loo fahmo aragti sharaxaysa dabeecadda guud ee jiritaanka. Sida uu isagu ku sheegay hordhaca buugga: “Qoraalkani ma aha "book of theology" (= buug fiqi ah), balse waa "book about Islam as a worldview" (= Buug ku salaysan Islaamka oo ah aragti adduun/guud).” Erayga worldview (aragtida adduunka) waxa uu uga jeedaa qaabka qof ama bulsho u fahanto xaqiiqada, nolosha, aqoonta, akhlaaqda iyo ujeeddada jiritaanka. Sidaa awgeed, Cisat Begafij waxa uu ku doodayaa in Islaamku aanu ahayn oo keliya nidaam cibaado ama sharci, balse uu yahay hab lagu fahmo koonka oo dhan.

Begafij waxa kale oo uu ka digayaa khalad uu u arko in uu si joogto ah uga dhex dhacay doodaha casriga ah ee ku saabsan diinta iyo sayniska. Sida uu qabo, inta badan doodahaasi waxa ay ku wareegaan su’aalo kooban sida in diintu sax tahay iyo in kale, ama in saynisku caddayn karo jiritaanka Ilaahay! Hase yeeshee, su’aalahaasi ma taabtaan dhibaatada ugu weyn ee jirta. Dhibaatada dhabta ahi waa fahamka qofka bani’aadamka ah. Haddii qofka loo arko inuu yahay isku-dar unugyo baayooloji ah oo horumar ku yimid malaayiin sanno oo isbeddel dabiici ah ku dhacayey, markaas dhammaan qiyamka uu leeyahay: xorriyadda, damiirka, jacaylka, masuuliyadda iyo farshaxanku; waxay noqonayaan waxyaabo aan lahayn sal adag oo falsafadeed. Haddii se qofka loo arko makhluuq leh asal rabbaani ah, markaas dhammaan qiyamkaasi waxay helayaan macne ka sarreeya baahiyaha maaddiga ah. Sidaa darteed, su’aasha ugu weyn ee buuggu waa mid “anthropological ah” (= Cilmiga barashada aadmiga); waa su’aal ku saabsan cidda uu yahay qofku, ka hor inta aan laga hadlin waxa uu rumaysan yahay.

Marka la eego taariikhda falsafadda, su’aashani waa tii saldhigga u ahayd doodihii ugu waaweynaa ee qarnigii sagaal iyo tobnaad iyo kii labaatanaad. Karl Marx waxa uu qofka ku macneeyey inuu yahay; wax-soo-saare bulsheed oo taariikhdu qaabayso, halka Sigmund Freud uu u arkayey qofka inuu yahay makhluuq ay hagaan rabitaanno qarsoon oo nafsiyeed. Friedrich Nietzsche waxa uu ku dhawaaqay "geerida Ilaahay!", isaga oo ku dooday in qiyamkii hore ee diintu dhistay ay lumiyeen awooddoodii. Dhinaca kale, Søren Kierkegaard iyo Gabriel Marcel waxa ay ku doodeen iyagna; in qofka lagu fahmi karo oo keliya dhinaca “existence” (jiritaanka) iyo xidhiidhka uu la leeyahay Ilaahay. Cisat Begafij waxa uu buuggiisa dhex gelinayaa doodahaas isaga oo ku doodaya in labada dhinacba ay wax sax ah arkeen, balse ay khaldeen markii ay isku dayeen in ay hal dhinac keliya ka dhigaan xaqiiqada oo dhan. Sida uu qabo, qofka bani’aadamka ahi waa isku-dar aan la kala saari karin oo ka kooban jidh iyo ruux, caqli iyo waxyi, baahi iyo qiime. Midkoodna kaligii ma sharxi karo qofnimada aadamaha.

Aragtidan waxa ay horseed u noqotay fikradda ugu muhiimsan buugga oo dhan, taas oo ah waxa Cali ugu yeedhay dualism ama laamaanaanta. Si ka duwan dualism-kii René Descartes ee kala saarayey maskaxda iyo jidhka, dualism-ka Cisat Begafij ma aha laba shay oo kala madax bannaan, balse waa laba xaqiiqo oo mar kasta isku xidhan. Waxa uu ku doodayaa in dhammaan taariikhda bani’aadamku ay ku dhisan tahay laba xoog oo is barbar socda: ruuxda iyo maaddada, xorriyadda iyo gumaysiga, akhlaaqda iyo danaha, diinta iyo sayniska, dhaqanka iyo ilbaxnimada. Mid kasta oo ka mid ahi waa qayb ka mid ah nolosha, laakiin dhibaatadu waxay bilaabmataa marka midkood la isku dayo in lagu beddelo kan kale. Sidaas awgeed, Cisat waxa uu u arkaa in dhibaatooyinka ugu waaweyn ee casriga ahi ay ka dhasheen isku dayga lagu doonayo in ilbaxnimo dhan, lagu dhiso hal dhinac oo keliya.

Si loo fahmo sababta uu Cali u doortay habkan, waa in dib loogu noqdaa waayihiisii nololeed. Cali Cisat Begafij waxa uu ku soo koray Yugoslavia oo ahayd “socialist state” (dowlad hanti-wadaag ah), halkaas oo maadiyaddu ahayd falsafadda rasmiga ah ee dawladda. Waxa uu indhihiisa ku arkay sida nidaam sheeganaya sinnaan iyo horumar uu mararka qaar u baabi'in karo xorriyadda shakhsiga iyo qiyamka ruuxiga ah. Isla markaana waxa uu si fiican u darsay taariikhda Yurub, isaga oo ogaaday in ilbaxnimada oo keliya aanay dammaanad qaadi karin caddaalad iyo horumar. Sidaa darteed, waayo-aragnimadiisa siyaasadeed iyo aqoontiisu waxay ku hoggaamisay in uu diido labada xag-jirnimo ee kala ah maadiyadda iyo ruuxiyadda ee kala go'doonsan. Buugguna sidaas ayuu ku noqday isku day uu ku raadinayo waddo saddexaad ama buundo isku xidhaysa labadaas.

Marka laga eego dhinaca “civilizational studies” (cilmiga ilbaxnimooyinka), doodda Cisat Begafij waxa ay aad ugu dhowdahay aragtiyaha Arnold Toynbee, oo ku dooday; in ilbaxnimooyinku aanay ku burburin sababo dibadeed oo keliya, balse ay u burburaan marka ay lumiyaan awooddii ay kaga jawaabi lahaayeen caqabadaha ruuxiga iyo akhlaaqeed ee bulshada. Sidoo kale, Samuel Huntington waxa uu sheegay in ilbaxnimooyinku ku kala duwan yihiin nidaamyada qiyamka iyo diimaha ay ku dhisan yihiin. Cisat Begafij-na waxa uu aqbalsan yahay muhiimadda ilbaxnimooyinka, hase yeeshee waxa uu intaa ku darayaa; in ilbaxnimo kastaa ay ku dambayn doonto qalalaase, haddii ay lumiso isku dheellitirka u dhexeeya dhinaca ruuxiga iyo dhinaca maaddiga.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la fahmo sababta uu Begafij uu buuggiisa ugu daray Premises. Erayga premise, marka la jooggo falsafadda iyo mandiqa waxa uu tilmaamaa saldhigga ama mala-awaalka lagu dhiso doodaha falsafadeed. Sidaa darteed, qaybahan ugu horreeya ee buuggu ma bixinayaan jawaabta uu qoraagu doonayo in uu gaadho; waxay dhisayaan aasaaska aqooneed ee ay jawaabtaasi ku taagan tahay. Dood kasta oo falsafadeed waxa ay ku taagan tahay laba tiir oo kala ah: Premises (= Qodobo/Caddaymo), kuwaas oo caawiya; Conclusion (= Gunaanadka/Afmeerka) doodda. Tusaale; Bini’aadamku waa kuwo dhimanaya (Qodobka 1aad), Cabdi waa bini’aadam (Qodobka 2aad), Sidaa darteed, Cabdi waa mid dhimanaya (Gunaanad). Si kale haddii loo dhigo, Cisat Begafij waxa uu marka horeba; rabaa in uu caddeeyo sababta ay u jiraan laba jiho oo iska soo horjeeda oo ka dhex muuqda dhammaan dhaqamada iyo ilbaxnimooyinka, ka dibna waxa uu qaybta labaad ku muujinayaa sababta uu u aaminsan yahay in Islaamku yahay nidaamka keliya ee awood u leh inuu mideeyo labadaas jiho. Tani waa hab aad loo yaqaanno oo la yidhaa: “Systematic philosophy” (falsafadda nidaamsan), halkaas oo gunaanadka aan la soo bandhigin ilaa marka hore la caddeeyo qodobada aasaaska u ah doodda.

Sidaa darteed, qaybta koowaad ee buuggu ma aha difaac Islaamka, mana aha weerar lagu qaaday ilbaxnimooyinka kale. Waa baadhitaan falsafadeed oo ku saabsan qaab-dhismeedka jiritaanka bani’aadamka iyo ilbaxnimadiisa. Waxana uu dejinayaa su’aalo waaweyn oo ay ka mid yihiin kuwan: Waa maxay ilbaxnimo? Waa maxay dhaqan? Maxay tahay akhlaaq? Maxaa farshaxanku uga duwan yahay sayniska? Sidee ayuu qofku uga sarreeyaa xayawaanka? Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya diinta iyo sayniska, dhaqanka iyo ilbaxnimada?

Asalka Bani'aadamka

Su’aasha ku saabsan halka uu bani’aadamku ka yimid waa mid ka mid ah su’aalaha ugu qotada dheer ee taariikhda aadamaha. Laga soo bilaabo falsafadihii Giriiggii hore ilaa midda casriga ah ee cilmiga baayoolajiga iyo cosmology-ga, dadku waxay mar walba isku dayayeen inay fahmaan asalka jiritaanka, gaar ahaan waxa qofka bani’aadamka ah ka dhigaya mid ka duwan noolayaasha kale. Cali Cisat Begafij, marka uu qaybtan kaga hadlayo Creation and Evolution, ma doonayo oo keliya inuu ka doodo saxnaanta ama khaladaadka aragtida evolution-ka, balse wuxuu diiradda saarayaa su’aal ka qoto dheer taas: ma awooddaa sharaxaadda maaddiga ahi inay si buuxda u sharraxdo qofka bani’aadamka ah? Sida uu Cali qabo, dhibaatada ugu weyn ee doodaha ku saabsan evolution-ku ma aha habka uu nooluhu isu beddelo ama sida noocyadu u kala duwan yihiin, balse waa in la ogaado in isbeddelka baayoolojiga ahi uu sharxi karo dhammaan dhinacyada qofnimada aadamaha sida; damiirka, xorriyadda, jacaylka, farshaxanka, akhlaaqda iyo raadinta macnaha nolosha. Sidaas awgeed, qaybtani waxay saldhig u tahay doodda guud ee buugga, taas oo ah; in bani’aadamku aanu ahayn xayawaan/noole horumarsan oo keliya, balse uu leeyahay dhinac ka sarreeya xaqiiqada maaddiga ah.

Cisat Begafij waxa uu kala saarayaa laba aragtiyood oo waaweyn oo ku saabsan fahamka bani’aadamka: aragtida ku dhisan “Creation” (abuurka) iyo tan ku dhisan “Evolution” (horumarka dabiiciga ah). Aragtida abuuristu waxay ku salaysan tahay fikradda ah; in qofka bani’aadamka ahi leeyahay asal rabbaani ah, isla markaana jiritaankiisu aanu ahayn natiijo keliya oo ka dhalatay silsilad dhacdooyin dabiici ah, balse uu yahay ujeeddo iyo qorshe ku jira abuurka. Marka laga eego aragtidan, qofku ma aha oo keliya jidh nool oo shaqaynaya, balse waa makhluuq leh masuuliyad akhlaaqeed, awood doorasho iyo xidhiidh uu la leeyahay xaqiiqo ka sarreysa dunida muuqata. Dhinaca kale, aragtida evolution-ka, gaar ahaan qaabka ay u fahmeen qaar ka mid ah falsafadaha maaddiga ahi, waxay ku dooddaan; in noloshu ku timid isbeddello dabiici ah oo tartiib tartiib u dhacay muddo aad u dheer. Cisat Begafij ma diidayo jiritaanka isbeddelka noolaha laftiisa, balse waxa uu su’aal gelinayaa marka evolution-ka laga dhigo falsafad dhammaystiran oo sheegaysa; in dhammaan xaqiiqada bani’aadamka lagu sharxi karo hababka dabiiciga ah oo keliya. Halkaas ayuu Begafij ku kala saarayaa cilmiga evolution-ka iyo falsafadda evolutionism-ka; mid waa aragti cilmiyeed ku saabsan isbeddelka noolaha, kan kalena waa aragti adduun oo isku dayaysa inay meesha ka saarto wax kasta oo ka baxsan maaddada.

Doodda Cisat Begafij waxay ku salaysan tahay fahamka ah; in bani’aadamku leeyahay astaamo aan si fudud loogu soo saari karin sharaxaadda baayoolojiga oo keliya. Tusaale ahaan, xayawaanku wuxuu leeyahay baahi, dareen iyo awood uu ugu noolaado deegaanka, laakiin bani’aadamku wuxuu leeyahay awood uu weydiin gelin karo jiritaankiisa, ku qiimeeyo ficilladiisa, ku sameeyo farshaxan, kuna dhinto fikrado iyo qiyam uu rumaysan yahay. Sidoo kale Cisat Begafij wuxuu ku doodayaa; sidee ayaa loo sharxi karaa in bani’aadamku mararka qaar doorto wax isaga dhibaya si uu u ilaaliyo mabda’ akhlaaqeed? Sidee ayaa loo sharxi karaa qof naftiisa u hura caddaalad ama xorriyad iyadoo ficilkaasi aanu siinayn faa’iido baayooloji ah? Su’aalahan ayaa ah meesha uu Cisat leeyahay; in sharaxaadda maaddiga ahi leedahay xad. Dooddan waxay xidhiidh la leedahay doodaha “Philosophy of mind” (falsafadda maskaxda/maanka), halkaas oo faylasuufyo badan ay ka doodeen in miyirka, ujeeddada iyo waayo-aragnimada gudaha ee qofka aan si buuxda loogu soo koobi karin hababka neerfayaasha iyo kiimikooyinka maskaxda. Thomas Nagel, tusaale ahaan, wuxuu ku dooday in fahamka qofka bani’aadamka ahi uu u baahan yahay in la tixgeliyo dhinaca subjective experience (aragti qofeed) taas oo aan lagu soo koobi karin sharaxaad dibadda uga timid.

Si kastaba ha ahaatee, qiimaynta cilmiga ah waxay u baahan tahay in la fahmo in doodda Cisat Begafij aysan ahayn diidmo toos ah oo ku wajahan cilmiga baayoolajiga casriga ah. Saynisyahanno badan sida Charles Darwin, oo qoray buuggiisa caanka ah ee On the Origin of Species 1859-kii, waxa uu kaga hadlay habka ay nooluhu isu soo bed-beddeleen, balse ma aysan bixin sharaxaad dhammaystiran oo ku saabsan dhammaan su’aalaha falsafadeed ee ku saabsan qiimaha, macnaha iyo ujeeddada nolosha. Dhibaatada uu Cisat Begafij tilmaamayo; waxay timaaddaa marka natiijada cilmiga ah loo beddelo aragti falsafadeed oo sheegaysa; in wax kasta oo la cabbiri karin saynis ahaan uusan jirin. Tani waa waxa loo yaqaan scientific materialism ama saynis-ku-koobnaanta, taas oo faylasuufyo badan ay dhaliileen. Tusaale ahaan, Karl Popper wuxuu ku dhaliilay; in cilmigu leeyahay xuduud uu ku shaqeeyo, isla markaana su’aalaha ku saabsan qiimaha iyo macnaha aan mar walba lagu xallin karin habka tijaabada ah. Sidaa darteed, doodda Cisat Begafij waxay ku wajahan tahay ma aha sayniska laftiisa, balse waa isku dayga lagu doonayo in sayniska laga dhigo falsafad sharaxaysa wax kasta oo jira. Marka uu sidaas leeyahay, wuxuu difaacayaa fikradda ah; in aqoonta bani’aadamku leedahay qaybo kala duwan: waxaa jira xaqiiqooyin la cabbiri karo iyo sidoo kale xaqiiqooyin la fahmi karo, balse la cabbiri karin sida: akhlaaqda, quruxda iyo macnaha.

Dhaqan iyo Ilbaxnimo

Haddii qaybtii hore ay ku saabsanayd su’aasha ah “sidee ayuu qofku ku yimid?”, qaybtani waxay ka hadli doontaa su’aashan muhiimka ah: maxay tahay waxa uu qofku sameeyo marka uu dunida yimaaddo? Jawaabta uu Cisat bixinayo waxay ku dhisan tahay kala saaridda laba eray oo inta badan loo adeegsado si isku mid ah: “culture” (dhaqanka) iyo “civilization” (ilbaxnimada). Inkasta oo luuqadaha casriga ahi marar badan isku beddelaan labadan eray, Cisat Begafij, wuxuu ku doodayaa; in ay matalaan laba edeg oo kala duwan oo kala matala waayo-aragnimada aadamaha. Sida uu qabo, ilbaxnimadu waxay inta badan la xidhiidhaa awoodda bani’aadamku uu ku maamulo dabeecaddiisa, ku horumariyo farsamadiisa, ku dhiso nidaamyo bulsheed, kuna daboolo baahiyaha noloshiisa; halka dhaqanku uu la xidhiidho dhinaca gudaha ee qofka, sida fikradaha, qiyamka, akhlaaqda, farshaxanka iyo raadinta macnaha. Kala saaridda labadan tiir ayuu muhiim u arakayey kuna dhisay qaybtan, sababtoo ah Cisat Begafij waxa uu aaminsanaa in khaladka ugu weyn ee casriyowgu uu yahay; in ay isku dayday in ilbaxnimada loo beddelo dhaqanka, ama in horumarka farsamo loo arko inuu si toos ah u keenayo horumar bani’aadamnimo.

Fahamka Cisat Begafij ee dhaqanka, waxa uu si weyn uga duwan yahay fahamka caadiga ah ee lagu tilmaamo caadooyinka, luuqadda ama hab-nololeedka bulsho gaar ah. Isaga, dhaqanku uma aha oo keliya wax ay bulsho samaysato, balse waa muujinta dhinaca ruuxiga ah ee bani’aadamka. Dhaqanku wuxuu ka dhashaa su’aalaha qofku ka qabo naftiisa, jiritaanka, dhimashada, quruxda, xaqa iyo wanaagga. Sidaa darteed, suugaanta, farshaxanka, diinta iyo akhlaaqdu ma aha waxyaabo dheeraad ah oo lagu daro nolosha marka baahiyaha aasaasiga ah la daboolo, balse waa qayb ka mid ah waxa qofka ka dhigaya bini’aadam. Marka qofku gabay curiyo, sawir sameeyo, hees curiyo ama u dagaallamo caddaalad isagoo wax faa’iido maaddi ah ka helayn, waxay muujinaysaa awood ka baxsan baahida noolaha. Tani waa meesha uu Begafij ka leeyahay; in dhaqanku yahay caddayn muujinaysa in qofku aanu ahayn xayawaan/noole si heer sare ah u horumaray oo keliya. Dhaqanku wuxuu tilmaamayaa; in qofku leeyahay adduun gudaha ah oo aan lagu cabbiri karin shuruudo.

Dhinaca kale, “civilization” ilbaxnimada ayuu Cisat Begafij u arkaa; in ay tahay natiijada dadaalka bani’aadamka ee lagu xakameynayo xaaladaha dibadda ee nolosha. Sayniska, tiknoolajiyada, caafimaadka, dhaqaalaha, maamulka iyo dhismaha magaalooyinku dhammaantood waxay ka tirsan yihiin dhinaca ilbaxnimada. Cali ma diidana qiimaha ilbaxnimada; taa beddelkeeda, wuxuu aqoonsan yahay in ay muhiim u tahay horumarka bulshada iyo fududaynta nolosha. Hase yeeshee, waxa uu ka digayaa in ilbaxnimadu marka ay ka go’do dhaqanka ay lumin karto jihadii ay u adeegaysay. Haddii awoodda farsamo ay korodho iyadoo aan la socon koritaanka damiirka iyo masuuliyaddu, natiijadu waxay noqon kartaa bulsho awood badan laakiin aan lahayn tabar akhlaaqeed. Tusaale ahaan, taariikhda qarnigii labaatanaad waxay muujisay; in sayniska iyo tiknoolajiyada loo adeegsan karo horumar iyo badbaadin, laakiin sidoo kale loo adeegsan karo dagaal, burbur iyo gumaysi. Sidaa darteed, horumarka farsamo keligiis ma dammaanad qaadayo horumarka bani’aadamka. Yacni, waxa uu uga jeedaa; kolkii uu Maraykanku Nukliyeerka ku dhuftay gobolka Hiroshima iyo Nagasaki ee Japan. Nukliyeerka, haddii lagu daro akhlaaq waxa looga faa’iidaysan karaa koronto iyo wixii nafci leh, balse haddii ay akhlaaq ka madhan tahay; waxa uu sababi karo cidna looga sheekayn-maayo.

Aragtidan Cisat Begafij waxay xidhiidh dhow la leedahay doodihii faylasuufyo iyo aqoonyahanno kale ay ka sameeyeen dhibaatada casriyowgaa. Max Weber wuxuu tilmaamay; in casriyowgu keenay in nolosha bani’aadamka lagu hago xisaab, nidaam iyo hufnaan farsamo, balse ay sidoo kale keento lumitaanka macnaha ruuxiga ah ee uu ugu yeedhay “disenchantment of the world” (= duni sixirkii/layaabkii ka dhammaaday!). Sidoo kale, faylasuufka reer Jarmal ee Martin Heidegger wuxuu ka digay; in tiknoolajiyadu aysan ahayn oo keliya qalab dhexdhexaad ah, balse ay beddeli karto qaabka uu bani’aadamku u arko xaqiiqada. Labadan aragtiyood waxay ku dhow yihiin fikirka Cisat Begafij, kaas oo ku doodaya in khatarta ugu weyn aysan ahayn jiritaanka ilbaxnimada, balse ay tahay marka ilbaxnimadu isu aragto inay tahay xaqiiqada oo dhan. Marka qofku rumaysto in waxa la cabbiri karo oo keliya uu yahay waxa jira, wuxuu luminayaa awoodda uu ku fahmi lahaa waxyaabaha qiimaha leh ee aan lagu cabbiri karin tirooyinka sida jacaylka, sharafta, quruxda, caddaaladda, iwm.

Si kastaba ha ahaatee, Cisat Begafij ma difaacayo dhaqan ka go’an horumar ama diidmo ku wajahan sayniska. Dooddiisu ma aha in bani’aadamku ku laabto nolol aan tiknoolaji lahayn, balse waa in la helo isku dheelitirnaan u dhexaysa labada dhinac. Sida uu qabo, dhibaatadu waxay timaaddaa marka ilbaxnimadu isku daydo inay noqoto beddelka dhaqanka, ama marka dhaqanku diido faa’iidooyinka ilbaxnimada. Bulsho caafimaad qabta waxay u baahan tahay labadaba: “waxay u baahan tahay saynis si ay u horumariso nolosha, waxayna u baahan tahay akhlaaq si ay u hagto isticmaalka aqoonta; waxay u baahan tahay dhaqaale si ay u daboosho baahiyaha dadka, waxayna u baahan tahay qiyam si aan dhaqaalaha loogu adeegsan dulmi; waxay u baahan tahay sharciyo iyo hay’ado, laakiin sidoo kale waxay u baahan tahay damiir iyo masuuliyad.” Sidaas awgeed, waxa uu Cisat soo jeedinayaa in mustaqbalka bani’aadamku ku xidhnaan doono awoodda uu u leeyahay in uu mideeyo labadaas dhinac ee kala fogaaday.

Fikraddan ah in dhaqanka iyo ilbaxnimadu yihiin laba dhinac oo kala duwan, balse ay yihiin kuwo is dhammaystira waxay ka dhigaysaa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee buugga. Cisat Begafij wuxuu ku doodayaa; in taariikhda aadamuhu aysan ahayn oo keliya taariikhda ikhtiraacyada, boqortooyooyinka iyo awoodaha siyaasadeed, balse ay tahay sidoo kale raad-gurka wixii macno leh. Ilbaxnimooyinka waaweyn ee dunidu waxay lahaayeen dhismayaal, ciidamo iyo nidaamyo dhaqaale, laakiin waxa iyaga ka dhigay kuwo waara waxay ahayd nidaamaadka qiyamka iyo fikradaha ay ku dhisnaayeen. Haddii qiyamku daciifo; awoodda maaddiga ahi ma badbaadin karto ilbaxnimada. Taariikhyahanka Arnold Toynbee, wuxuu ku dooday; in ilbaxnimooyinku burburaan marka ay lumiyaan awooddii hal-abuurka ahayd ee ay kaga jawaabi jireen caqabadaha gudaha iyo dibadda. Tani waxay la jaanqaadaysaa aragtida Cisat Begafij ee ah; in burburka ilbaxnimadu inta badan ka bilaabmo burburka gudaha, waa marka qiyamku dhinto e.

Fenomen-ka Farshaxanka

The Phenomenon of Art, waxa ay sii xoojinaysaa dooddiisii ahayd in bani’aadamku aanu ahayn noole ku koobnaan kara sharaxaadaha baayoolojiga iyo midda maaddiga ah. Haddii qaybtii hore ay ka warrantay farqiga u dhexeeya dhaqanka iyo ilbaxnimada, qaybtani waxay soo bandhigaysaa mid ka mid ah caddaymaha ugu waaweyn oo ah; xaqiijinta aragtidaas: “Art” (Farshaxan). Sida uu Begafij qabo, farshaxanku: waa dhacdo gaar ah oo aan si fudud looga dhex heli karin dunida xayawaanka, sababtoo ah waxa uu muujiyaa awoodda bani’aadamka ee uu ku arko wax ka baxsan baahida degdegga ah ee nolosha. Xayawaanku wuxuu dhisaa hoy si uu uga badbaado qabowga ama ugaadhsiga, laakiin bani’aadamku wuxuu dhisaa dhismayaal uu qurux u sameeyo; xayawaanku wuxuu sameeyaa dhawaaqyo la xidhiidha cabsi, digniin ama taran, laakiin bani’aadamku wuxuu curiyaa muusig uu ku cabbiro; dareen, murugo, jacayl iyo rajayn; xayawaanku wuxuu la falgalaa deegaanka, halka bani’aadamku uu abuuro adduun macne leh. Sidaa darteed, Cisat Begafij wuxuu farshaxanka u arkaa caddayn muujinaysa in qofku leeyahay dhinac ka sarreeya shaqada jidhka iyo badbaadada noolaha kale.

Fikradda ugu weyn ee Begafij ka leeyahay farshaxanka waxay ku dhisan tahay kala duwanaanshaha u dhexeeya faa’iido iyo macne. Ilbaxnimada iyo saynisku inta badan waxay ku shaqeeyaan mabda’a ah; in wax lagu qiimeeyo waxtarkooda; waxa wanaagsan waa waxa xalliya dhibaato, kordhiya awood ama fududeeya nolosha. Hase yeeshee, farshaxanku inta badan ma laha faa’iido toos ah oo la cabbiri karo. Gabay, sawir, hees ama riwaayad ma bixiyaan cunto, hoy ama dawo, laakiin haddana bani’aadamku wuxuu u arkaa waxyaabo lama huraan u ah nolosha. Maxaa keenaya in qofku waqti iyo tamar ku bixiyo wax aan faa’iido maaddi ah u lahayn? Cisat Begafij wuxuu ku doodayaa in jawaabtu tahay; in qofku leeyahay baahi ka qoto dheer tan jidhka, taas oo ah baahida macnaha iyo muujinta dareenada gudaha. Farshaxanku wuxuu noqdaa luuqad ay ruuxdu ku hadasho marka erayada caadiga ahi aysan ku filnayn. Sidaa darteed, farshaxanku ma aha qurxin lagu daro nolosha, balse waa qayb ka mid ah fahamka qofnimada aadamaha.

Dooddan waxay si dhow ula xidhiidhaa aragtiyo badan oo falsafadeed oo ku saabsan quruxda iyo farshaxanka. Immanuel Kant, buuggiisa Critique of Judgment, wuxuu ku dooday in waayo-aragnimada quruxdu leedahay dabeecad gaar ah oo aan lagu soo koobi karin dan shakhsi ah ama faa’iido toos ah. Marka qofku arko quruxda farshaxanka, ma aha oo keliya inuu doonayo inuu wax ka helo, balse wuxuu la kulmaa nooc faham iyo qanacsanaan ka sarreeya marka caadiga ah. Sidoo kale, faylasuufka reer Jarmal ee Georg Wilhelm Friedrich Hegel wuxuu farshaxanka u arkayey; hab uu “Spirit” (ruuxdu) ku muujiso dunida muuqata. Inkasta oo Cisat Begafij uusan si toos ah ula qabin falsafadaas, haddana waxa ay isku dhow yihiin marka ay sheegayaan; in farshaxanku yahay meel ay ka muuqato wax ka baxsan xaqiiqada maaddiga ah. Farqiga ugu weyn ayaa ah; in Cisat Begafij uu ku xidho awoodda ruuxiga ah jiritaanka Ilaahay iyo dabeecadda uu bani’aadamku leeyahay ee ah asalka rabbaaniga ah.

Mid ka mid ah doodaha ugu xooggan ee qaybtan ku jirta; waa in farshaxanku uu muujinayo xorriyadda bani’aadamka. Qofka farshaxanka sameeya uma dhaqmo oo keliya isaga oo ka jawaabaya cadaadis dibadeed ama baahi gudaha ah sida xayawaanka. Mararka qaar farshaxanku wuxuu ka hor iman karaa danihiisa gaarka ah, bulshada uu la nool yahay ama xitaa badbaadadiisa. Taariikhdu waxay xustaa fannaaniin badan oo ku adkaysteen fikradahooda inkasta oo ay la kulmeen cadaadis siyaasadeed, dhaqaale ama bulsho, haddana kama aysan laaban illaa la iska fasaxo ama lagu dilayba. Tani waxay muujinaysaa in qofka bani’aadamka ahi leeyahay awood uu ku raaco run ama qurux uu aaminsan yahay xitaa haddii aysan jirin faa’iido degdeg ah oo uu ka helayo. Sidaas awgeed, farshaxanku wuxuu noqdaa caddayn ka dhan ah aragtida ah in dhammaan ficillada bani’aadamka lagu sharxi karo dan, badbaado ama tartan. Haddii qofku yahay oo keliya xayawaan bulsheed oo horumaray, ficilladan adag in la sharxo ayay noqon lahayd; laakiin haddii qofku yahay makhluuq leh dhinac ruuxi ah, farshaxanku wuxuu noqdaa natiijo dabiici ah oo ka dhalata dabeecaddiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Cisat Begafij wuxuu farshaxanka u arkaa mid leh laba dhinac oo isku jira: dhinac maaddi ah iyo dhinac ruuxi ah. Farshaxanku wuxuu u baahan yahay qalab, luuqad, midab, cod ama qaab, kuwaas oo dhammaantood ka tirsan dunida muuqata; laakiin waxa uu gudbinayo wuxuu inta badan ka baxsan yahay dunida muuqata. “Gabaygu wuxuu ka kooban yahay erayo, laakiin macnaha uu xanbaarsan yahay ma aha erayada oo keliya; muusiggu wuxuu ka samaysan yahay codad, laakiin saamaynta uu ku yeesho nafta, laguma cabbiri karo hirarka codka; sawirku wuxuu leeyahay midabyo iyo xariiqyo, laakiin quruxdiisu kuma koobna walxahaas.” Tani waxay muujinaysaa isku dhafka uu Begafij mar walba ku soo celcelinayo: xaqiiqada bani’aadamku waa isku darka ruux iyo jidh. Farshaxanku waa meesha ay labadan dhinac si muuqata ugu kulmaan.

Cisat Begafij wuxuu sidoo kale adeegsanayaa farshaxanka si uu uga doodo xadka aragtida maadiyadda. Haddii maadiyaddu sheegayso; in xaqiiqada oo dhan ay ku kooban tahay waxa la cabbiri karo oo la arki karo, markaas farshaxanku wuxuu keenayaa dhibaato falsafadeed. Sidee ayaa quruxda loo cabbiri karaa? Sidee ayaa macnaha gabay loo gelin karaa xisaab ama cabbir? Sidee ayaa dareenka uu qofku ka qaado hees ama sawir loogu sharxi karaa keliya dhaqdhaqaaqyada kiimikaad ee maskaxda? Inkasta oo neuroscience-ku sharxi karo qayb ka mid ah habka maskaxdu uga falceliso farshaxanka, haddana su’aasha ah; sababta uu qofku u arko wax gaar ah, inay qiimo leeyihiin waxay weli hirdinaysaa falsafadda. Sidaa darteed, Begafij wuxuu leeyahay farshaxanku waa mid ka mid ah meelaha ay ku fashilmeen isku dayada lagu doonayo in bani’aadamka loogu gacan-haadiyo dhinaca maaddiga oo keliya.

Marka laga eego dhinaca diinta, Cisat Begafij wuxuu farshaxanka u arkaa mid leh xidhiidh gaar ah oo uu la leeyahay fikradda abuurista. Ilaahay, sida uu fahamka diimaha waaweyni sheegayaan; waa Abuuraha; bani’aadamkuna wuxuu leeyahay awood xaddidan oo uu wax ku abuuro ama ku curiyo. Sidaas darteed, marka qofku abuuro farshaxan, wuxuu ka tarjumayaa qayb ka mid ah awoodda hal-abuurka ee lagu beeray dabeecaddiisa. Tani macnaheedu ma aha in bani’aadamku la mid yahay Ilaahay, balse waxay tilmaamaysaa in qofku leeyahay astaamo ka sarreeya jiritaanka xayawaanka. Qur’aanka marka laga hadlayo bani’aadamka waxa uu xusay in Ilaahay ku mannaystay aqoon iyo awood uu wax ku magacaabo, taas oo culimo badan u arkeen inay tahay tilmaanta karaamada gaarka ah ee aadamaha. Sidaa darteed, farshaxanku waxa uu noqonayaa mid ka mid ah meelaha ay ka muuqato karaamadaas.

Dhanka kale, Begafij wuxuu ka digayaa in farshaxanka laftiisa laga gooyo dhinaca akhlaaqda iyo macnaha. Haddii farshaxanka loo arko oo keliya farsamo ama madadaalo, waxa uu lumin kara shaqadii uu ku lahaa kobcinta garaadka qofka iyo bulshada. Farshaxan aan lahayn xidhiidh ka dhexeeya xaqiiqda gudaha ee bani’aadamka wuxuu noqon karaa keliya farsamo quruxeed oo madhan. Sida uu qabo Cisat Begafij, farshaxanka ugu sarreeya waa kan isku dara quruxda iyo runta, qaabka iyo macnaha, dareenka iyo akhlaaqda. Tani waxay ka dhigaysaa farshaxanka qayb ka mid ah raadinta xaqiiqada, ma aha oo keliya wax lagu raaxeysto. Farshaxanku wuxuu awood u leeyahay inuu qofka tuso wax aan indhuhu si caadi ah u arkin, wuxuuna furaa albaab uu qofku kaga gudbo xuduudaha nolosha maalinlaha ah.

Akhlaaqda

Markan Cali Cisat Begafij waxa uu ka warramayaa “Morality” (Akhlaaqda), waxa uu taabanayaa mid ka mid ah meelaha ugu xasaasisan ee falsafadda bani’aadamka: su’aalo ku saabsan halka ay ka timaaddo akhlaaqdu iyo waxa saldhig u ah kala saaridda wanaagga iyo xumaanta. Qaybihii hore, Cali wuxuu uu muujiyey in bani’aadamka aan lagu koobi karin jidhkiisa iyo baahiyihiisa dabiiciga ah, isaga oo tusaale uga dhigay dhaqanka iyo farshaxanka; inay yihiin caddaymo muujinaya dhinaca ruuxiga ah ee qofka. Qaybtan, si kastaba ha ahaatee, wuxuu u gudbayaa daliil ka sii xoog badan: damiirka iyo akhlaaqda. Sida uu qabo Cisat Begafij, haddii farshaxanku muujinayo awoodda qofka ee uu ku abuuri karo qurux, akhlaaqdu waxay muujinaysaa awoodda uu qofku ugu dhaqmi karo si ka sarreysa danihiisa dabiiciga ah. Qofku ma aha oo keliya makhluuq doonaya inuu noolaado, wax cuno, tarmo ama ilaashado naftiisa iyo sharafkiisa; waa makhluuq awood u leh inuu naftiisa xukumo, rabitaankiisa xaddido, oo uu naftiisa u huro dano guud si uu u ilaaliyo mabda’ uu u arko inuu sax yahay. Sidaas darteed, akhlaaqdu waxay noqotaa meel ay si cad uga muuqato farqiga u dhexeeya bani’aadamka iyo xayawaanka, waxayna noqotaa mid ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee uu Cali ku dhisayo dooddiisa ku saabsan jiritaanka dhinac ruuxiga ah oo qofka ku jira.

Doodda ugu weyn ee Cisat Begafij ee ku saabsan akhlaaqda waxay ku salaysan tahay fikradda ah in akhlaaqdu aysan si buuxda uga dhalan karin baahida dabiiciga ah ama danaha bulshada oo keliya. Haddii dhammaan ficillada bani’aadamka lagu sharxi karo tartanka noolaha, badbaadada ama faa’iidada bulsheed, waxaa adkaanaysa in la fahmo sababta qofku mararka qaar u doorto ficil isaga khasaarinaya si uu u ilaaliyo xaq ama mabda’. Tusaale ahaan, qof naftiisa halis geliya si uu u badbaadiyo qof kale, qof runta sheega isaga oo og; in runtaasi dhibaato u keeni karto, ama qof diida inuu sameeyo fal khaldan inkasta oo uu ka heli karo faa’iido weyn, dhammaantood waxay muujinayaan awood ka baxsan faa’iido iyo khasaaro. Cisat Begafij waxa uu ku doodayaa in dhaqamadaas aan lagu fahmi karin oo keliya aragti baayooloji ah, sababtoo ah waxay u baahan yihiin fikrad ah: “ought” (= waa in) oo ka duwan “Is” (= waa). Dabeecaddu waxay sheegaysaa waxa dhacaya, laakiin akhlaaqdu waxay sheegaysaa waxa habboon in la sameeyo. Kala duwanaanshahan ayaa ah mid ka mid ah su’aalaha ugu waaweyn ee falsafadda akhlaaqda, waxaana si qoto dheer uga hadlay faylasuufyo ay ka mid yihiin David Hume, Immanuel Kant iyo John Rawls.

Cisat Begafij wuxuu si gaar ah ugu doodaa in akhlaaqdu u baahan tahay xorriyad. Haddii qofku yahay makhluuq si buuxda loogu shaqaysto sida mashiin ama aalaadka oo kale, markaas masuuliyadda akhlaaqeed waxay luminaysaa macnaheeda. Si qof loogu ammaano ama loogu eedeeyo ficil, waa in uu leeyahay awood uu ku dooran karo ama wax ku diidi karo. Sidaa darteed, xorriyadda iyo akhlaaqdu waa laba arrimood oo aan kala go’i karin oo isku lammaan. Qof aan xor ahayn ma noqon karo mid si dhab ah mas’uul uga ah ficilladiisa. Halkan ayay doodda Cisat Begafij kaga hor imanaysaa aragtiyada adag ee determinism-ka, kuwaas oo ku doodaya in ficillada bani’aadamka ay dhammaantood yihiin natiijo ka dhalatay hidde-sideyaal, deegaanka iyo xaalado hore. Haddii aragtidaas si buuxda loo dabaqo, su’aashu waxay noqonaysaa: sidee ayaa qof loogu xukumi karaa wanaag ama xumaan haddii uusan lahayn doorasho dhab ah? Cali waxa uu ku doodayaa in jiritaanka akhlaaqdu lafteedu tahay daliil muujinaysa in qofku leeyahay heer xorriyadeed oo ka sarreeya silsiladaha dabiiciga ah.

Aragtidan waxay si weyn ula xidhiidhaysaa falsafadda Immanuel Kant, gaar ahaan fikraddiisa ah; in qofka bani’aadamka ahi leeyahay “dignity” (sharaf), sababtoo ah wuxuu awood u leeyahay inuu ku dhaqmo mabda’ uu caqligiisu keensaday, halkii uu ka raaci lahaa rabitaan degdeg ah ama mid meel kale laga soo waariday. Kant wuxuu ku dooday; in qofka aan loo adeegsan karin oo keliya qalab lagu gaadho dano kale, balse uu yahay “end in himself” (ujeeddo ku kooban naftiisa). Cisat Begafij wuxuu la wadaagaa Kant fikirka ah; in qofku leeyahay qiime ka sarreeya qiimaha maaddiga ah, laakiin wuxuu ku darayaa cabbir diimeed: sharafta qofka waxay asal ahaan ka timid abuuristiisa iyo xidhiidhka uu la leeyahay Ilaahay. Sidaa darteed, halka Kant uu akhlaaqda u nisbaynayo caqliga aadamaha, Cisat Begafij wuxuu u arkaa caqligaas laftiisa inuu yahay hadiyad ka timid abuuraha.

Mid ka mid ah meelaha uu Cali si weyn uga doodayo waa xidhiidhka u dhexeeya diinta iyo akhlaaqda. Wuxuu diidayaa fikirka sheegaya in akhlaaqdu si buuxda uga madax bannaan tahay wax kasta oo ruuxi ah. Sida uu qabo, bulsho waxay samaysan kartaa sharciyo iyo nidaamyo ciqaabeed, laakiin sharci keligii ma abuuri karo damiir. Qofku wuxuu u hoggaansami karaa sharciga sababtoo ah wuxuu ka baqayaa ciqaab, laakiin akhlaaqda dhabta ahi waxay ku jirtaa marka qofku sameeyo waxa saxda ah xitaa marka aanu jirin cid arkaysa ama cid ciqaabi karta. Tani waa farqiga u dhexeeya xakamaynta dibadda iyo hagidda gudaha. Diintu, sida uu Cali u arko, waxay siinaysaa akhlaaqda saldhig ka sarreeya danaha bulshada, sababtoo ah waxay qofka ku xidhaa fikradda ah in ficilladiisa lagu qiimeeyo meel ka baxsan aragtida dadka.

Si kastaba ha ahaatee, dooddan waxay sidoo kale taabanaysaa mid ka mid ah doodaha waaweyn ee falsafadda casriga ah: su’aasha ah in akhlaaqdu u baahan tahay Ilaahay iyo in kale. Nietzsche wuxuu ku dhawaaqay “Geerida Ilaahay” (SWT), isaga oo tilmaamaya in dunida casriga ahi ay u baahan tahay inay dib u qiimeyso dhammaan qiyamkeeda. Dhinaca kale, faylasuufyo uu ka mid yahay C. S. Lewis waxay ku doodeen; in jiritaanka dareen guud oo ku saabsan wanaagga iyo xumaantu uu tilmaamayo saldhig ka baxsan qofka iyo bulshada. Cisat Begafij wuxuu raacayaa jihada labaad, isaga oo ku doodaya in haddii akhlaaqdu noqoto heshiis bulsho oo keliya, ay noqon karto mid is beddeli karta iyada oo ku xidhan awoodda iyo rabitaanka dadka, sababtuna waa in ay beriba mid kale yagleeli karaan.

Cisat waxa uu sidoo kale, falanqeeyay xidhiidhka u dhexeeya akhlaaqda iyo nidaamyada siyaasadeed ee casriga ah, gaar ahaan maadiyadda iyo hanti-wadaagga. Sida uu qabo, nidaamyada ku dhisan fahamka maaddiga ah ee qofka waxay awoodaan inay abaabulaan bulshada, laakiin waxa ku adkaan karta inay bixiyaan jawaab ku saabsan sababta ay tahay in caddaalad loo raadiyo ama xuquuqda qofka loo ilaaliyo. Haddii qofka loo arko oo keliya qayb ka mid ah bulshada ama wax-soo-saarka dhaqaale, waxaa khatar ah in sharaftiisa shakhsiga ah la iska indho tiro. Tani waxay ahayd mid ka mid ah dhaliilihii waaweynaa ee loo jeediyey nidaamyadii shuuciga iyo hanti-wadaagga qarnigii labaatanaad, kuwaas oo mararka qaar mudnaanta siiyey himilooyinka guud iyaga oo ku tuntay xorriyadda shakhsiga ah. Cisat Begafij wuxuu ku doodayaa in akhlaaq dhab ahi ay u baahan tahay; isku dheelitirnaan u dhexaysa qofka iyo bulshada, xuquuqda iyo waajibaadka, xorriyadda iyo masuuliyadda.

Dhanka kale, Cisat ma aqbalayo in diintu keliya ay si otomaatig ah u dhaliso akhlaaq wanaagsan. Taariikhdu waxay muujisay in magac diimeed lagu samayn karo falal aan waafaqsanayn mabaadi’da akhlaaqda. Sidaa darteed, doodda Cisat Begafij ma aha in magaca diintu keliya ku filan yahay, balse waa in diintu noqotaa il dhab ah oo kobcisa damiirka, caddaaladda iyo naxariista. Tani waa meesha uu ku muujinayo Islaamka, sida uu u fahmay; in uusan ahayn nidaam ku kooban xeerar keliya, balse uu yahay isku xidhka rumaysadka, akhlaaqda iyo la dhaqanka bulshada. Qofka Muslimka ahi ma aha oo keliya qof rumaysan Ilaahay oo qudha, balse waa qof mas’uul ka ah sida uu rumaysadkiisa ugu beddelayo dhaqan iyo hab nololeed shakhsiga iyo bulshadaba nafci u leh.

Dhaqanka iyo Taariikhda

Culture and History, waxa uu dooddiisa ka sii ballaadhinayaa heerka qofka iyo khibraddiisa gaarka ah, isaga oo u gudbaya heerka bulshada iyo taariikhda guud ee bani’aadamka. Haddii qaybihii hore ay sharxayeen sababta qofka bani’aadamka ahi uga duwan yahay noolayaasha kale, qaybtan wuxuu isku dayayaa inuu kaga jawaabo su’aasha ah: maxaa dhab ahaan shidaaliya taariikhda aadamaha? Ma waxa ay yihiin oo keliya awoodda dhaqaale, baahiyaha maaddiga ah, dagaallada iyo halganka awoodda? Mise waxaa jira xoogag kale oo aan muuqan sida fikradaha, diimaha, qiyamka iyo aragtiyada ruuxiga ah oo door weyn ku leh jihada ay bulshooyinku u socdaan? Cisat Begafij wuxuu si cad uga hor imanayaa fahamka taariikhda ee ku salaysan “historical materialism” (maadiyaynta taariikhiga ah), gaar ahaan aragtidii Karl Marx ee ahayd in dhaqdhaqaaqa taariikhda ugu weyn uu yahay isbeddelka xaaladaha dhaqaale iyo halganka dabaqadaha. Inkasta oo Cisat, aqoonsanayo; in dhaqaalaha iyo xaaladaha maaddiga ahi saameyn ku leeyihiin nolosha bulshada, haddana wuxuu ku doodayaa in aysan ahayn xoogga ugu dambeeya ee sharxaya sababta ay dadku u dhaqmaan, u dagaallamaan ama u dhisaan ilbaxnimooyin. Sida uu qabo, taariikhdu ma aha oo keliya wax ka dhasha baahida, balse sidoo kale waa wax ka dhasha raadinta macnaha.

Aragtida Cisat Begafij waxay ku salaysan tahay fikradda ah in dhaqanka iyo taariikhdu ay si dhow isugu xidhan yihiin. Dhaqanku ma aha wax ka dhasha in marka hore la helo horumar dhaqaale, balse marar badan dhaqanku waa kan abuura jihada taariikhda. Fikrad, diin ama aragti akhlaaqeed ayaa awood u yeelan karta inay beddesho bulshada ka hor inta aanay jirin isbeddel maaddi ah. Tusaale ahaan, diimaha waaweyn ee dunidu waxay soo saareen nidaamyo cusub oo ku saabsan sida dadka isu arkaan, sida ay u fahmaan caddaaladda iyo sida ay u abaabulaan bulshada. Islaamku, Kiristaanka iyo Yuhuudnimadu ma ahayn oo keliya nidaamyo cibaado, balse waxay ahaayeen xooggag taariikheed oo saameeyey dhinacyo badan sida; sharciga, siyaasadda, dhaqanka iyo aqoonta intaba. Sidoo kale, fikradaha siyaasadeed sida liberalism-ka, nationalism-ka iyo socialism-ku waxay muujiyeen; in fikraduhu awood u leeyihiin inay dhaqaajiyaan malaayiin qof. Haddii taariikhda lagu soo koobo oo keliya wax-soo-saarka iyo dhaqaalaha, waxaa meesha ka baxaya awoodda fikradaha iyo rumaysadka ee mararka qaar dadka ku riixa inay sameeyaan wax aan dan maaddi ah ku salaysnayn.

Dooddan waxay si toos ah uga jawaabaysaa aragtida Marx ee ahayd; in nolosha bulshada lagu fahmi karo iyadoo laga bilaabayo xaaladaha dhaqaale. Marx wuxuu ku dooday in “mode of production” (qaabka wax-soo-saar) uu qaabeeyo hay’adaha siyaasadeed, diinta iyo dhaqanka, isaga oo ku tilmaamay diinta inay tahay “muraayad” ka dhalatay xaaladaha bulshada ee jira. Cisat Begafij wuxuu u arkaa aragtidan inay leedahay qayb sax ah, laakiin uu khaladku yahay; in ay dhinaca maaddiga ka dhigto sababta koowaad ee wax kasta. Sida uu qabo, qofku ma sameeyo taariikh isaga oo keliya ka jawaabaya baahi dhaqaale; wuxuu sameeyaa taariikh isaga oo raacaya fikrado iyo qiyam uu rumaysan yahay. Dad badan ayaa taariikhda ku galay iyaga oo u halgamaya xorriyad, xaq ama diin, xitaa iyaga oo ay arrimahaasi ka hor imanayeen danahooda dhaqaale iyo kuwooda khaaska ahba.

Fikirkan wuxuu aad ugu dhow yahay aragtida uu soo bandhigay Max Weber oo ka soo horjeeday sharaxaadda dhaqaale ee keliya ee taariikhda. Weber, gaar ahaan buuggiisa The Protestant Ethic and the Spirit of Capitalism, wuxuu muujiyey in fikrado diimeed ay door weyn ku lahaayeen samaysanka hab-dhaqan dhaqaale ee casriga ah. Sidaas darteed, fikraduhu ma aha oo keliya natiijo ka dhalata xaaladaha dhaqaale; mararka qaar iyaga ayaa beddela xaaladahaas. Cisat Begafij wuxuu adeegsanayaa aragti la mid ah, laakiin waxa uu u qaabeynayaa si falsafadeed oo ka gudo-ballaadhan. Waxa uu leeyahay haddii dhaqanku yahay muujinta dhinaca ruuxiga ah ee qofka, taariikhdu waa meesha uu dhaqankaasi ka shidaal qaato. Sidaa darteed, fahamka taariikhdu wuxuu u baahan yahay fahamka qofka, fahamka qofkuna wuxuu u baahan yahay aqoonsiga dhinaca ruuxiga ah.

Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee qaybtan waa dhaliisha uu Cali u jeedinayo fikradda “linear progress” (horumarka tooska ah). Qaar ka mid ah falsafadaha casriga ahi waxay rumaysnaayeen in taariikhdu si dabiici ah ugu socoto jihada horumarka tooska ah, iyadoo bulshooyinku ka gudbayaan marxalado hoose una gudbayaan heerar sare. Aragtidaas waxaa laga helay qaar ka mid ah falsafadihii Iftiinka-Yurub iyo sidoo kale Maarkisiyadda. Cisat Begafij wuxuu su’aal gelinayaa fikradda ah in horumar farsamo ama nidaam bulsho oo cusub uu si toos ah u matalo horumar bani’aadamnimo. Sida uu qabo, taariikhdu ma aha jaranjaro mar walba kor loo fuulo; waxaa jiri kara bulshooyin farsamo ahaan horumarsan laakiin akhlaaq ahaan dunsan, iyo bulshooyin dhaqaale ahaan liita laakiin leh qiyam iyo macne nololeed oo xooggan leh. Sidaas darteed, horumarka dhabta ahi ma aha oo keliya in la helo awood badan, balse waa in la ogaado sida awooddaas loo isticmaalo.

Begafij wuxuu sidoo kale ka hadlayaa xidhiidhka u dhexeeya xusuusta taariikhda iyo aqoonsiga bulshada. Dhaqan kasta wuxuu leeyahay sheeko uu isku fahmo, halyeeyo uu xasuusto, qiyam uu ilaaliyo iyo dhacdooyin uu macne gaar ah siiyo. Taariikhdu ma aha ururin dhacdooyin oo keliya, balse waa habka ay bulshooyinku uga jawaabaan su’aasha ah: “yaynu nahay?” Haddii bulsho lumiso xidhiidhkeeda dhaqameed iyo qiyamkeeda, waxay sidoo kale lumisaa awooddii ay ku fahmi lahayd mustaqbalkeeda. Tani waa sababta Cisat Begafij u arko in dhaqanka aanu ahayn wax la iska dhaxlo oo keliya, balse uu yahay awood nool oo qaabaysa habka ay dadku u arkaan dunida. Taariikhdu mararka qaar waxay noqotaa dagaal u dhexeeya fikrado kala duwan oo ku saabsan waxa qofka iyo bulshada laga rabo.

Marka laga eego dhinaca Islaamka, Begafij wuxuu ku doodayaa in fahamka Islaamku uu ka duwan yahay labada xag-jir ee uu hore u falanqeeyey. Dhinac, ma aqbalayo diidmada dunida maaddiga ah ee laga heli karo qaar ka mid ah fahamyada diimeed ee go’doonka ah; dhinaca kale, ma aqbalayo in bani’aadamka lagu soo koobo dhaqaale iyo awood. Islaamku, sida uu Cisat Begafij u arko, wuxuu isku daraa taariikhda iyo ruuxa, dunida iyo aakhiro, shaqada iyo cibaadada. Sidaas darteed, qofka Muslimka ahi wuxuu leeyahay masuuliyad taariikheed: inuu dhiso bulsho caddaalad ah, horumariyo aqoonta, kana qayb qaato ama garab siiyo bulshada, isaga oo aan lumin xidhiidhka ruuxiga ah. Tani waa mid ka mid ah sababaha uu Cali ugu arko Islaamka inuu yahay nidaam ka gudbaya kala qaybsanaanta u dhexaysa diinta iyo nolosha bulshada.

Riwaayad iyo Janno Dhuleed

Qaybihii hore wuxuu si tartiib ah u dhisay dood ku saabsan dabeecadda bani’aadamka, isaga oo ka bilaabay su’aasha abuurista iyo horumarka, kadibna u gudbay dhaqanka, ilbaxnimada, farshaxanka, akhlaaqda iyo taariikhda. Qaybtan ugu dambeysa wuxuu isku dayayaa inuu isu keeno dhammaan doodahaas isaga oo wajahaya hal su’aal oo ah: Ma suurtagal baa in bani’aadamku dhiso bulsho dhamaystiran oo aan lahayn xanuun, dulmi, murugo iyo khilaaf? Su’aashan ayaa saldhig u ah fikradda utopia (Janno dhuleed) oo ah riyo; in la abuuro nidaam bulsheed qumman. Cisat Begafij wuxuu u arkaa in riyadaasi ay ka tarjumayso laba dhinac oo isku dhex jira oo ka mid ah dabeecadda bani’aadamka: dhinac wuxuu muujinayaa hamiga qofka raba caddaaladda, wanaagga iyo ka gudbidda dhibaatada; dhinaca kalena wuxuu muujinayaa khatarta ka dhalan karta marka qofku isku dayo inuu dhiso janno dhuleed, isaga oo meesha ka saaraya xaqiiqooyinka aasaasiga ah ee jiritaanka bani’aadamka. Yacni in aan la iska indho-tiri karin waxyaabaha dabiiciga ah ama ka baxsan awoodda bini’aadamka. Sidaas darteed, qaybtani wuxuu noqonaysaa meel ay ku kulmaan falsafadda, siyaasadda, diinta iyo fahamka guud ee qofnimada.

Ereyga drama ee uu qoraagu adeegsaday wuxuu xambaarsan yahay macne falsafadeed oo ka qoto dheer riwaayad suugaaneedda aynu had iyo jeer maqalno. Cisat Begafij wuxuu nolosha bani’aadamka u arkaa “riwaayad” sababtoo ah; qofku wuxuu ku nool yahay xaalad u dhexaysa laba xaqiiqo: xaqiiqada dunida muuqata iyo himilada uu u qabo wax ka sarreeya dunidan. Qofku wuxuu leeyahay baahiyo jidheed sida cunto, hoy iyo badbaado, laakiin isla markaas wuxuu leeyahay rabitaan uu ku doonayo run, qurux, jacayl iyo caddaalad. Wuxuu ku nool yahay waqtiga, laakiin wuxuu raadiyaa wax aan waqtigu baabi’in. Wuxuu og yahay dhimashada, haddana wuxuu raadiyaa macne noloshiisa siinaysa qiime. Sidaa darteed, “riwaayadda” bani’aadamku waxay ka dhalataa farqiga u dhexeeya waxa uu yahay iyo waxa uu doonayo inuu noqdo. Kuwaas oo dhammaantood ka hadlay; in dadku dhibaato weyn u maraan sidii ay nolosha u fahami lahaayeen, maadaama uu adduunku yahay meel mugdigu hadheeyey oo aan si fudud looga heli karin jawaabo cad cad.

Cisat Begafij wuxuu ku doodayaa in dhammaan nidaamyada utopian-ka ahi ay ka soo baxaan rabitaanka bani’aadamka si ay uga baxsadaan xaaladdan murugsan. Dadku waxay ku riyoodaan bulsho aan lahayn saboolnimo, dulmi, eexaysi, dagaal ama sinnaan la’aan. Riyadaasi lafteedu ma aha mid xun; dhab ahaantii, waxay ka tarjumaysaa dareenka akhlaaqeed ee qofka iyo rabitaanka uu u qabo caddaalad. Hase yeeshee, dhibaatadu waxay timaaddaa marka utopia loo beddelo qorshe siyaasadeed sheeganaya inuu si buuxda u xallin karo dhammaan dhibaatooyinka bani’aadamka. Sida uu Cisat qabo, nidaam kasta oo ku dhisan fikradda ah in la abuuri karo janno dhuleed; waa inuu marka hore ka jawaabo hal su’aal oo ah: maxaa lagu samaynayaa dabeecadda bani’aadamka ee leh; damac, khalad, masayr, kibir iyo rabitaanno is diidan? Haddii dhibaatada bani’aadamku ay tahay oo keliya xaaladaha dibadda kaga yimaad qofka sida; dhaqaale ama nidaam siyaasadeed, markaas isbeddelka nidaamka ayaa ku filnaan lahaa. Laakiin haddii dhibaatadu qayb ka tahay gudaha qofka, markaas xal maaddi ah oo keliya ma dhamaystiri karo.

Dooddan ayaa si gaar ah ugu wajahan fahamka Cisat Begafij ee ku saabsan hanti-wadaagga iyo Maarkisiyadda. Sida uu qabo, hanti-wadaaggu wuxuu leeyahay dhinacyo ka yimid himilooyin akhlaaqeed oo wanaagsan sida sinnaanta, daryeelka bulshada iyo diidmada dulmiga. Hase yeeshee, wuxuu ku doodayaa in maarkisiyaddu isku dayday inay gaadho qiyam asal ahaan ruuxi ah iyada oo adeegsanaysa hab maaddi ah. Si kale haddii loo dhigo, waxay doonaysay in la dhiso natiijooyin la xidhiidha akhlaaqda iyo walaaltinimada iyadoo meesha ka saaraysa saldhiggii ruuxiga ahaa ee qiyamkaas. Tani waa sababta uu Begafij u leeyahay; hanti-wadaaggu mararka qaar wuxuu noqday “Christianity inverted” (= Masiixiyad dhabqooneysa): wuxuu doonayaa caddaalad iyo walaaltinimo, laakiin wuxuu diidayaa asalka ruuxiga ah ee ay ka soo jeedaan fikradahaas. Inkasta oo tani tahay dood uu si gaar ah ugu jeedinayo hanti-wadaagga, haddana waxay taabanaysaa su’aal guud oo siyaasadeed: ma dhisi karaan nidaam sharci iyo hay’ado bulsheed oo akhlaaq leh, mise waxaa loo baahan yahay isbeddel gudaha ah oo qofka ku dhaca?

Taariikhda qarnigii labaatanaad waxay inna siisay tusaalooyin badan oo taageeraya digniintii uu ka digayay Cisat Begafij. Qaar ka mid ah mashruucyadii siyaasadeed ee ku dhisnaa ballanqaad ah; in la abuuro bulsho qumman waxay qaar ka mid ahi horseedeen nidaamyo aad u xakameeya xorriyadda qofka. Markii la rumaysto in hal fikrad ama hal koox ay hayso furaha xalinta dhammaan dhibaatooyinka bani’aadamka, waxa fududaan karta; in dadka lagu khasbo magaca mustaqbalka la ballanqaaday. Faylasuufka Karl Popper wuxuu arrintan kaga digay buuggiisa The Open Society and Its Enemies, isaga oo sheegay in isku dayga lagu doonayo; in bulshada lagu hago qorshe taariikheed kama dambays ah uu halis gelin karo xorriyadda iyo fikirka madaxa-bannaan ee qofka iyo bulshada labadaba. Cisat Begafij wuxuu la wadaagayaa walaacaas, laakiin wuxuu se ku darayaa dhinac diimeed: khaladku wuxuu ka yimaaddaa marka bani’aadamku isku dayo inuu qaato booska Ilaahay oo uu doono inuu si buuxda u dhammaystiro adduunka aan dhamaystirnayn, yacni dunidu waa sagaal e, in la isku dayo; in la tobneeyo!

Si kastaba ha ahaatee, Cisat ma diidayo himilada hagaajinta bulshada. Ma aha in qofku aqbalo dulmi ama saboolnimo isaga oo leh adduunku mar walba sidan ayuu ahaanayaa. Islaamku, sida uu Cisat Begafij u fahmay, wuxuu kala baxay labadan aragti: dunidu waa ay u baahan tahay in la hagaajiyo, balse ma noqon karto meel qumman oo ka madax-bannaan dhammaan cilladaha iyo iinta. Farqiga u dhexeeya aragtida diinta iyo utopia-da maaddiga ahi waa in diintu aqoonsanayso in qofku u baahan yahay hanuun iyo isbeddel gudaha ah, halka utopia-da siyaasadeed ay diiradda saarto oo keliya beddelidda qaab-dhismeedka dibadda. Sidaas darteed, caddaaladda dhabta ahi waxay u baahan tahay labadaba: “nidaam wanaagsan iyo dad leh damiir wanaagsan. Mid aan kan kale wadan, ma keeni karo xal waara.”

Qodobka kale ee muhiimka ah ee qaybtan ka muuqda waa xidhiidhka u dhexeeya utopia iyo diinta. Diimuhu waxay leeyihiin aragti ku saabsan mustaqbalka iyo dhammaadka taariikhda, laakiin farqiga ugu weyn ayaa ah; in diimuhu aysan ku koobnayn dhismaha janno dhuleed, balse waxay isku daraan rajada mustaqbalka iyo aqoonsiga xuduudaha nolosha adduunka. Islaamku, sida uu Cisat ku doodayo, wuxuu qofka baraa in uu dunida ka shaqeysto, laakiin in aanu u arag dunida in ay tahay meesha ugu dambaysa ee jiritaanka. Tani waxay abuuraysaa dheelitirnaan u dhexaysa himilo iyo xaqiiqo: qofku waa inuu dadaalaa si uu u gaadho halka uu hiigsanayo, laakiin waa inuu aqoonsadaa in dhammaystir buuxa aanu ku iman karin nidaam siyaasadeed ama dhaqaale oo keliya. Sidaas darteed, rajadu waxay leedahay meel, meeshaasina waxay leedahay xuduud iyo xaydaab aan la dhaafi karin, lagumana beddeli karo kibir iyo is-qaad-qaad bani’aadamnimo.

Gunaanad

Ugu dambayn, aragtida Cisat Begafij ee ah in bani’aadamku yahay makhluuq leh xaalad laba-geesood ah. Qofku wuxuu leeyahay rabitaan uu ku gaadho qummanaan, isaga oo ku nool adduun xaddidan. Wuxuu leeyahay awood uu ku beddelo dunida, laakiin ma awoodo inuu tirtiro dhammaan dhibaatooyinka jira. Wuxuu leeyahay caqli uu ku qorsheeyo mustaqbalka, laakiin wuxuu u baahan yahay xikmad si uu u fahmo xuduudihiisa. Sidaas awgeed, falsafadaha iyo nidaamyada ugu khatarsan waa kuwa diida qayb ka mid ah xaqiiqada bani’aadamka oo isku dayaysa inay qofka ku soo koobaan hal dhinac sida: jidh, dhaqaale, bulsho ama awood siyaasadeed.

Marka si qoto dheer loo eego doodaha iyo aragtiyaha uu Cali Cisat Begafij ku soo bandhigay Islam Between East and West, waxa muuqata in buuggani aanu ku koobnayn difaac diimeed ama falcelin ka dhan ah ilbaxnimo gaar ah, balse uu yahay isku-day falsafadeed oo lagu doonayo in dib loogu qeexo dabeecadda bani’aadamka iyo xidhiidhka ka dhexeeya ruuxda iyo jidhka, akhlaaqda iyo ilbaxnimada. Waxa aan qabaa in mid ka mid ah waxyaabaha ugu qiimaha badan ee laga dheehan karo buuggan ay tahay aragtida uu leeyahay; “in bulsho aan isku dheellitirin horumarka maaddiga ah iyo koboca qiyamka ruuxiga ahi ay ku dambayn karto qalalaase, si kasta oo ay u gaadho horumar muuqda.” Marka loo eego waaqaca Somaliland, oo weli ku jirta marxalad ay isku lammaan yihiin dawlad-dhis, nabad-dhis iyo dib-u-habayn bulsho, aragtidani waxay u leedahay muhiimad gaar ah. Dhismaha hay'adaha dawliga ah, koboca dhaqaalaha iyo casriyeynta adeegyada bulshada waa kuwo lama huraan u ah; hase yeeshee, haddii aanay barbar socon xoojinta akhlaaqda, isla xisaabtanka, caddaaladda iyo masuuliyadda bulshada, horumarkaasi wuxuu halis u yahay inuu noqdo mid muuqaal ahaan u eeg mid kobcaya, balse gudaha ka madhan oo tiirar adag ku taagnayn!

Sidoo kale, waxaan ku raacsanahay Cisat muhiimadda uu siiyey dhaqanka, aqoonta iyo fikirka in ay yihiin xoogagga dhabta ah ee haga jihada taariikhda bulshada. Somaliland waxay tusaale muuqda u tahay bulsho ku guulaysatay inay nabad iyo wadajir ku dhisto hannaan ku salaysan heshiis bulsheed, dhaqammo soo jireen ah iyo kaalinta hoggaanka dhaqanka, iyada oo aan haysan awoodihii maaddiga ahaa ee ay lahaayeen dalal badan oo kale. Sidaas darteed, doodda Begafij ee ah in ilbaxnimo waarta aan lagu dhisi karin awood dhaqaale ama farsamo oo keliya, kuwaas beddelkoodana ay u baahan tahay dhaqan, qiyam iyo aragti mideysa bulshada, waxay si weyn ula jaanqaadaysaa waaqaca Somaliland. Arrintani waxay xoojinaysaa fahamka ah in mustaqbalka qaranku aanu ku xidhnaan doonin keliya koboca dhaqaalaha iyo kaabeyaasha, balse uu si dadban iyo si toos ahba ugu xidhnaan doono tayada fikirka, hufnaanta hay'adaha, ilaalinta qiyamka bulshada iyo kobcinta jiil aqoon iyo damiir isku darsaday.

Hase yeeshee, inkasta oo buuggu leeyahay qoto-dheeri falsafadeed iyo dood aqooneed oo si weyn u soo jiidanaysa ruuxii dheehdaba, waxaan aaminsanahay in ay jirto meel u baahan daraasad iyo doodo dheeraad ah. Begafij wuxuu si xeeldheer u dhaliilayaa maadiyadda, calmaaniyadda iyo falsafadaha casriga ah, hase yeeshee mararka qaarkood dooddiisu waxay u muuqataa mid si kooban u sawiraysa aragtiyaha uu naqdinayo, iyadoo aan si isku dheellitiran loo soo bandhigin doodaha iyo kala duwanaanshaha ka dhex jira falsafadahaas laftooda. Sidaas awgeed, waxaan ku talin lahaa in akhristaha jecel in uu darso ama baadho buuggan in aanu ku ekaan aragtiyaha Begafij oo keliya, balse uu barbar-dhig ku sameeyo qoraallada faylasuufyo iyo mufakiriinta kale sida Malik Bennabi buuggiisa: The Conditions of Renaissance, Seyyed Hossein Nasr buuggiisa: Islam and the Plight of Modern Man, Fazlur Rahman buuggiisa: Islam and Modernity iyo kuwa kale oo ka dooday xidhiidhka u dhexeeya: jidhka, ruuxda, diinta, akhlaaqda, casriyowga iyo ilbaxnimada. Isbarbardhiggaas waxa uu ka caawin doonaa akhristaha inuu ka gudbo heerka soo dhaweynta iyo u riyaaqidda hal aragti, una gudbo heerka qiimayn-cilmiyeed oo ku dhisan isbarbardhig, naqdin iyo madax-bannaani aqooneed; waana halka ay ka bilaabato gorfayn dhab ah oo u qalanta heer jaamacadeed iyo cilmi-baadhis caalami ah.

Qoraallada kale ee qoraaga

Tix

‎Dayow: Maanso iyo Milicsi Bulsho

Feker

‎Suugaan & Falsafad