Skip to main content

Saturday 18 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Isku Milanka Hantiilayaasha iyo Maamulka Dawladda

2 August, 2025
Image
Isku Milanka Hantiilayaasha iyo Maamulka Dawladda
Share

Sannadkii 2024 waxa uu ahaa sannad u daran kooxaha garabka bidixda ah. Walow garabka midig ee qawmiga ah guuldarro ka soo gaadhay Hindiya, muxaafidiintuna ka tanaasuleen maamulka Xisbigii Shaqaalaha Dhexdhexaadka ah ee uu hoggaaminayey Keir Starmer, garabka midig ee xagjirka ahina ku guuldarraystay hanashada talada Faransiiska, haddana waxa jab weyn ku ahaa kooxaha bidixda dib u doorashada Trump, oo ay weliba si xammaasad leh u taageereen ninka dunida ugu hodansan iyo hantiilayaal kale oo siyaasadda iyo talada ku milmay.

Arrinkani waxa uu soo afjaray rejo la naawilayey. Waxa la soo dhaafay maalmo la la islahaa Maraykanku waxa uu ka gudbay wacyiga ku saabsan dabaqadaha iyo la dirirka kooxaha awoodda leh ee maamulka iyo hantida kootaysta, xilkana waxa yimi madaxweyne bilyanneer ah oo hodankii kale garab joogaan, walow isla kuwani muujinayaan u doodidda xuquuqda dadka inta badan ee aan waxba faro ugu jirin, waxaana dib u soo cusboonaaday iska dhicinta kooxda kooban ee kootaysata maamulka iyo dhaqaalaha. Xaaladahan waxa habboon in garabka bidix ka faa’idaysto.

Rob Larson, oo ah khabiir dhaqaale, ahna qoraaga buugga “Gacangalka Dunida: Hantida Xad-ka-baxa ah ee Hodanka” iyo buugaag kaleba waxa uu ina fahansiinayaa waxa dunida ka socda. Isagoo raacaya jidka hantiwadaagga dimuqraaddiga ah, buuggiisani waxa uu qaadhaan waxtar leh ku darsanayaa qoraallada dabaqadaha. Waa buug aan laga xiisogoynayn, oo si qayaxan usoo bandhigaya qodobbada uu ka hadlayo. Dhinac waa ka gorfayn dhaqaale oo xogo cuskanaysa, dhinac waa ka doodda anshax ee hadda taagan, dhinacna waxa uu ka wacaal bixinayaa hantiilayaasha xadhkaha goostay iyo habdhaqankooda. Larson waxa uu rabaa in uu si qotodheer inooga dhaadhiciyo dabaqadaha awoodda dhaqaale iyo xukunka isku koobay ee hodanka ahi dhib weyn gaadhsiinayaan siyaasadaheenna, deegaanka iyo xoogsatada, dunidaas aynnu kula noolnahayna ay ka aamineen meere iyaga u gaar ah.

Berigii hore arrinku sidan muu ahayn. Walow dad badan oo garabka midig ahi ku adkaysanayeen in Hantigoosadka iyo ku kala sarraynta dabaqadaha ee hantida iyo maamulku yihiin wax dabiici ah oo aan waxba laga beddeli karin, haddana badhtamaha qarnigii 20aad, waxa horumar weyn laga gaadhay furdaaminta xukunka hodanka iyo awoodda dabaqadda sare. Dhaqdhaqaaqyada Hantiwadaagga, kuwa shaqaalaha iyo xisbiyada garabka bidix ahi waxa ay sameeyeen cadaadis lagu codsanayo dimuqraaddiyeynta dhaqaalaha. Walow dedaalladaas qaar badani fashilmeen, oo ay la xidheen guuldarrooyinkii Sataaliiniyada iyo Maawiyada, haddana dedaallo badan baa lagu guulaystay. Dhaqdhaqaaqyadii gumaysidiidku waxa ay balaayiin dad ah ka xorreeyeen silsiladii arxandarrada Imbiryaaliyada, dalal hodan ahina, sidan Iswiidhan, waxa ay sameeyeen dib u habayn dimuqraadiyadda bulshada ah, heer uu Olof Palme, ku dooday in Iswiidhan ka hantiwadaagsantahay dalal Hantiwadaag sheegta. Xitaa dalalkii burjuwaasiga ahaa, sida Ingiriiska iyo Maraykanka, waxa dib u habayn lagu sameeyey waxyaabo badan, sida nidaamka caafimaad ee qaranka iyo heshiiska cusub, oo noqday wax aanay cidina ka gudbi karin. Haddaba, intaas kaddib maxaa dhacay? Waa waxa uu Larson innooga jawaabayo.

Sababma ayey dadka hodanka ahi u awoodeen in ay isbeddel ku sameeyaan suuqyada bulshada dhexda u ah ee aanay dawladdu faragashan iyo cashuuraha hooseeya ee aynnu ku magacawno Liberaaliyadda Cusub? Jawaabta ayaa ah ah dib-u-habaynnadii dimuqraadiyadda bulsho ee Yurub iyo Heshiiska cusub ee Maraykan, way ku guuldarraysteen in ay hor istaagaan hantida hodanka. Iyada oo mulkiyadda gaarka ahi cashuur sare la dulsaaro, xeerarka habaynta ee guudna u hoggaansameen, haddana hantida gaarka loo leeyahay waxa ay ku ururtay gacanta in kooban. Wall Street, warshadaha waaweyn, shirkadaha qalabka milatari sameeya iyo warshadaha tiknoolajiyadda horumariyaa waxa ay noqdeen shirkado gaar ah oo dad hodan ah kooto ugu xidhan.

Weerarka Liberaaliyada Cusub waxa ka dhashay in taladii dabaqadaha kale ee dunida oo dhammi hoos u dhacdo. Sida Larson ku doodayo, oo ah feker ay khubaro kale oo dhaqaalo yahanni ahi la qabaan, sida Thomas Piketty, waxa la galay casri cusub oo dadka hodanka ahi wax kasta gacanta ku hayaan, halka dadka intii kalena aanay waxba gacanta ku hayn. Warbixinta Sinnaanl a’aanta Dunida waxa lagu sheegay in boqolkiiba hal dadweynaha dunida ku nooli ay hantida dunida boqolkiiba 37% gacanta ku hayeen intii u dhaxaysay 1980-kii ilaa 2017-kii. Maraykanka gudihiisa, boqolkiiba 1% ugu hodansan dalka, ayaa gacanta ku haya boqolkiiba 35 hantida dalka, halka boqolkiiba tobanka ugu hodansani gacanta ku hayaan boqolkiiba 71 hantida dalka. Si ka duwan sheegashada Hantigoosadka ee ah in hantida dadka gaarka ahi faa’ido uun u tahay dadkoo dhan, xuurtaysiga hantidaasi waxa uu saameyn xun ku yeeshay dadka caadiga ah. Larson sida uu tilmaamayo, isagoo xiganaya cilmibaadhayaasha Rand, “celceliska dakhli dadka reer Maraykan waxa uu gaadhay 36 kun oo doollar sannadkii 2018-kii, halka filashadoodu ahayd in celcelisku gaadho 57 kun oo doollar, waana farqi aad u weyn. Taas waxa kasii daran, oddoroska korodhka celceliska dakhli ee boqolkiiba 1% ugu hodansan dalka, oo la saadaaliyey in celceliskoodu gaadhi doono 549 kun oo doollar sannadkii, se celceliskoodu noqday 1,600,000 oo doollar”.

Hantidan xad-ka-baxa ahi maalqabeennada waxa ay uga baahantahay meelayn, oo ma aha mid sanduuqyada caymiska lagu rido. Qayb dheer oo buugga ka mid ahi waxa ay xoogga saaraysaa warbixinaha ku saabsan ku tagrifalka hantidaas. Waxa uu tebinayaa sheekooyinka dad hodan ah oo hantidaas ku bixiya meelo aan habboonayn, kuna dhaqma falal bulshada sii kala fogeeya. Waxa ay ku iibsadaan dhismayaal aanay baahi u qabin, oo dadka caadiga ah guryaha ku qaaliyeeya, waxa ay ku safraan diyaarado gaar ah oo hawada wasakheeya. Xitaa diyaaradahaas hawada dikheeyaa kuma filnaan, oo hodankii waxa ay tartan ugu jiraan dalxiiska hawada sare. Sida ay xusayso warbixinta Ururka Horumarinta Gabadhu, u dalxiiska hawada sare, oo kow iyo toban daqiiqo qaataa, waxa uu hawada kusii daayaa 75 tan oo karboon ah, dhinaca kale se, ku dhawaad bilyan qof oo dadka caadiga ah, qofkiiba waxa uu sannadkii hawada kusii daayaa wax ka yar hal tan oo karboon ah. Qofkaasi inta uu noolyahay oo dhan waxa laga yaabaa in aanu 75 tan oo karboon ah hawada kusii dayn. Waa dalxiis qaata daqiiqado kooban, se hawada kusii daaya karboon ka badan inta uu qof caadi ah noloshiisa oo dhan sababo.

Qaybaha dambe ee buugga waxa uu soo bandhigayaa qorshayaal lagu la dagaallami karo kooxdaas kooban ee hantida dunida kootaystay, waana qayb aan aaminsanahay in wax lagu daro. Larson waxa uu baadhayaa sababaha fekerkan yididdiilada gelin kara. Waxa uu keenayaa caddaymo muujinaya in si weyn loo rabo in dadkaas hodanka ah xuduuddooda lagu celiyo, si weynna loogu heellanyahay hantiwadaag, Maraykanka gudihiisa. Caddaymahan saxnaantooda ka sokow, haddana garabka bidixdu ugama faa’idaysan sidii la rabay. Waxa sababta iska leh awoodaha la maalgeliyey ee aragtiyaha bidixda la dagaallamaya. Walow bidixdu xooggantahay, dadka ku doodaya ballaadhinta qaybinta hantiduna jiraan, haddana awooddii bidixdu dib u gurasho ayay samaysay waxii ka dambeeyey 2019 iyo 2020, kolkaas oo uu Jeremy Corbyn uu ahaa hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska, Bernie Sanders-na uu ahaa musharraxa ugu cadcad madaxnimada Maraykanka. Haddii aanu hoggaanka Xisbiga Dimuqraaddigu ka dhan noqon Bernie, amaba uu Corbyn la iman lahaa habab ka habboon doorashadii 2017-ka, arrimuhu sidan waa ay ka duwanaan lahaayeen. Xalalka dhabta ah ee suurogalka ah, ee aanu Larson xusin, wax aka mid ah dhisidda xarumo warbaahineed oo lagu faafiyo aragtiyaha wadaagga hantida iyo dimuqraadiyeynta hantida iyo arrimaha bulshada. Waxa soo gudo galayaa baraha bulshada, oo hadda kooxaha midigta ahi si ba’an u xuurtaysteen. Way jiraan dad meelahaas baaqyadooda ka wada, se weli waa wax gaabis ku jiro.

Heerka aydhiyoolajiyadeed, waxa baahi loo qabaa habraacyo qayaxan oo sinnaanta dhiirrigelinaya, oo soo bandhiga dhaliilaha xuurtada Hantigoosadka, bedkana keena tallaabooyin dhaqangal ah. Dad badan oo dadka caadiga ah ka mid ahi, waxa ay kooxaha bidixda ah u arkaan kooxo danaha shacabka ku awrkacsanaya, oo aan dan ka lahayn cidhiidhiga dhaqaale ee ay ku jiraan. Muran kuma jiro in kooxaha midigtu sawirkan abuureen, se waa arrin ka sii daraya haddii aan kooxaha bidixdu si dhab ah uga shaqayn dimuqraaddiyeynta dhaqaalaha iyo badhaadhaha bulshada oo dhan.