Sunday 16 November 2025
Isiyaas Afawerki, Madaxweynaha Eretariya, soddon sanno oo uu xukunka hayo marna doorasho kuma loollamin. Waa arrin aanu ka labalabayn in uu fasiro sababaha keenay. Sidiisaba, waxa uu kasoo horjeedaa fikradda ah in la raadiyo kalsoonida shacabka ee cidda xilka qabanaysa, waxaanu u arkaa wax dabraya taladiisa. Waxa uu aaminsanyahay in hoggaamintiisu lagama-maarmaan u tahay jamhuuriyaddan curdinka ah. Waxa kale oo uu aaminsanyahay in uu dalka madaxbannaani gaadhsiiyey, taas awgeedna uu mudanyahay hoggaamintiisa.
Sidaas oo ay tahay, hoggaamintan uma arko mid uu ku raaxaysanayo ama uu sharaf ku raadinayo, sida uu ku sheegay waraysi mar-la-arag ahaa oo uu bixiyey 1996-kii, kolkaas oo uu sheegay in uu siyaasadda necebyahay, laakiin haddana uu u arko waajib weyn. Waxa uu leeyahay: “Kolkii ay bulsho caddaalad waydo, waa wax walaac ku gelinaya”. Waxa uu caddeeyey in nafhuridda dadkii waaweynaa ay keensanayso baahidan oo ah wax ku qasbay in uu ka tanaasulo xiisahiisii fanka iyo suugaanta oo uu dalka hoggaamiyo. “Ma jecli nolosha siyaasadda, xitaa ma jecli in aan nolol madaxweyne ku noolaado” ayuu waraysiga ku daray. Marka la eego aaminaaddiisan, lala yaabi maayo dhaqamada ka faafay ee ah in aanu siyaasad ku dhaqmin, sidii madaxweyne caadi ahna u noolayn.
2008-dii, oo uu 62 jir ahaa, waxa uu siyaasi xubin barlamaan ka ah Jarmalka oo soo bookhday u sheegay in caafimaadkiisu yahay heersare, rejaynayana in uu 40 ilaa 50 sanno sii noolaan karo, muddadaasna uu dalka hoggaamin doono. Waxa muuqata in wayddiin kasta oo ay ku jirto tilmaan ah in uu u baahanyahay kalsoonida shacabku ay fajaciso ku noqoto, sida dhacday kol uu weriye al-Jasiira ka socdaa su’aalay xilliga doorashooyin la qaban doono. Si amakaag ka muuqdo ayuu ugu jawaabay: “Doorashooyinkee?”, ka dibna weerar aan xidhiidh la lahayn wayddiinta uu ku qaaday Maraykanka, isagoo leh: “Bal waynnu arki waxa kasoo baxa doorashooyinka Maraykanka. Soddon sanno ama afartan sanno ayaynu sugi si aynnu u aragno soo bixidda xaalado dhab ah oo dabiici ah”. “Laga yaabee intaa in ka badan, laga yaabee, yaa og?” ayuu hadalkaa ka dabatuuray.
Madaxweyneha Eretariya ma aaminsana in uu u baahan yahay kalsoonida shacabka, waxa uu isu arkaa nin aan siyaasadda jeclayn oo keliya u soo galay in uu waajib guto dalkana hoggaamiyo intii uu karayo. Sababtaas, uma dhaqmo sidii madaxweyne caadi ah oo taageero raadsada – waxa u noqday diktaatoor go’doonsan
Qaabka uu ula dhaqmo warbaahinta, ee isugu jira go’doonsanaanta iyo falcelinta colaadinta ahi, waxa uu ka turjumayaa siyaasadda arrimaha dibedda ee nidaamkiisa. Eretariya saamayn madmadow ku jiro ayay ku yeelatay jiquraafi-siyaasadeedka gobolka, sagaashanaadkii, kolkaas oo dhammaan dalalka la jaarka ah oo ay Yaman ku jirto ay dagaal la gashay, heer ay saamaynteeda fidisay ilaa Koongo, kolkaas oo ciidamada Eretariya ay Laurent Kabila ka caawiyeen in uu xukunka qabto 1997-kii.
Colaaddii soddon jirsatay ee Isiyaas kala dhaxaysay jabhadda TPLF waa ta sababtay in uu joogo miiskii lagu qorshaynayey dagaalkii deegaanka Tigrayga. Maraykanku waxa uu cusboonaysiiyey cunaqabatayntii la saaray Eretariya, kaalinta ay ku lahayd dagaalka Itoobiya awgeed, iyadoo ciidamada Eretariya lagu eedeeyey xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha iyo dambiyo dagaal, se cunaqabatayntu waxa ay soo idlaatay ka dib afarsanno oo aanay Eretariya u hoggaansanayn cunaqabatayntaas.
Si la mid ah saaxiibkiisii hore ee Qaddaafi, Isiyaas waa shakhsiyad ay ku jirto ruux si weyn ugu kacsan Maraykanka, oo uu isagu isku beeray, in kaste oo uu hore ugu taageeray dagaalkii Maraykanku uu ku qaaday Ciraaq, oo uu siiyey saldhig. Muddooyinkan dambe, waxa uu boos ku dhex samaystay dawlado sidiisa dunida ka go’doonsan, oo ay ka mid yihiin Iiraan, Kuuriyada Waqooyi, Ruushka iyo Suuriya, ka dib markii ay Eretariya ka codaysay go’aankii Qaramada Midoobay ee lagu dhaleecaynayey duullaanka Ruushku uu ku qaaday Yukrayn. Arrinkani kama yaabsan dadka la socda Eretariya, oo horeba Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Eretariya ayaa u bookhday Koonfurta Ossetia iyo Kirimiya, ka dib markii uu Ruushku labadan meelood qabsaday.
Laakiin haddana, marna Eretariya uma weyneyn sida uu Isiyaas rabo, markastana waxa uu ku go’doonsanaa la dhaqmidda dhinacyo awooddiisa shiiqiya, oo dabra. Kolkii uu xaadiray shirkii qaaradeed oo ahaa kii ugu horreeyey ee uu ka qaybgalo, sannadkii 1993-kii; shirkii Ururka Midnimada Afrika, ee ka horreeyey Midawga Afrika, waxa uu ururka ku tilmaamay mid agab la adeegsado u ah awoodda Maraykanka, isagoo ku dhaliilay in uu si weyn u fashilmay, sababta kaliya ee ay Eretariya ugu biirtayna tahay ilaalinta waajibka qaaradda. Dhaliil la mid ah taas waxa uu u hayaa urur goboleedka IGAD. Saaxiibkiisii hore, Qaddaafi, waxa uu 1998-kii kala shaqeeyey isku daygii ahaa in la abuuro urur beddela Midawga Afrika, oo lagu magacaabo Isutagga Dalalka Xeebta iyo Saxaraha.
“Eretariya marna uma weynaan sida uu Isiyaas rabay, mar kastena waxa uu la kulmayay dhinacyo shiiqiya awooddiisa. Arrintaas ayaa go’doomisay waxanu, ugu dambeyn, raadsaday dawlado sidiisa go’doonsan sida Kuuriyada Waqooyi, Iiraan iyo Ruushka”
Sida Isiyaas, dad kooban baa noloshooda oo dhan joogteeya diidmadooda isbeddelka, si kasta oo wakhtigu u keeno isbeddello waaweyn. Noloshiisa oo dhan waxa lagu yaqaannay arxandarro, falcelintiisa degdegga ah, aamusnidiisa iyo diidmadiisa nooc kasta oo mucaaradad ah. Sooyaalkaas uu samaystay ayuu ku dhex noolaa; lagu khiyaameeyey, isaguna wax ku khiyaameeyey, nolol ku dhisay kuna burburiyey isla habdhaqankiisii kacdoon-doon ee uu la barbaaray, sida ay sheegeen asxaabtiisii hore.
Waraysigiisii 1996-kii, waxa uu ku yidhi: “Aragtida damqasho ee sii rifmaysa waxa adayga u beddelay wakhtiga iyo luminta saaxiibbada”, waxaanu ku daray: “Marar baad is weydiinaysaa miyaanad aadame ahayn?”
Weriyaha Maraykanka ah ee Robert Kaplan waxa uu markii koowaad Isiyaas la kulmay badhtamihii siddeetanaadkii, kolkaas oo uu aloosnaa dagaalkii xornimo-doon ee Eretariya. Sida uu Kaplan sifaynayo, shaarubaha Isiyaas – ee immika ilaa waagaas sida cajiibka ah u go’an – waxa ay ka sarreeyaan af, marka uu dad ugu khudbadaynayo, jeediya “hadal deggan oo uu ka go’naansho ka muuqdo”. Kaplan, buuggiisa “Isdhiibid ama Gaajo”, waxa uu Isiyaas ku tilmaamayaa “nin ay jiidatay saamaynta askarinnimo”, oo ah saamayn ku suntan madax’adayg daran iyo danayn la’aanta qaabka yoolka loo gaadhayo. Waa tilmaan mar u adeegtay, marna jilcisay, noloshiisa siyaasadeed oo dhan.
Korriinkii adkaa iyo jabhadnimadu waxa ay ka dhigeen Isiyaas qof ay si weyn u saameysay askarnimada iyo kacdoonyahannimadu; waxa ay u yeeleen madax-adayg daran, danayn la’aan iyo qallafsanaan uu isaguba is weydiiyo ‘in uu aadane yahay’ iyo in kale
Isiyaas waa qofka labaad ee ugu weyn qoyska uu ka dhashay ee siddeeda carruur ah ka kooban, isagoo ku dhashay Asmara oo uu kolkaas Ingiriisku haysto, 1946-kii. Noloshiisa oo dhan, maalinna ma ahayn qof kaalinta labaad kaga jira nolosha, sida ay xuseen dad lasoo barbaaray, oo waa tilmaan, tan iyo dhallaannimadiisii, qayb aasaasi ah ka ahayd shakhsiyaddiisa. Waxa uu markasta rabay in uu hoggaamiyo kooxaha kubbadda ee xaafaddiisa, waxaanu ku adkaysan jiray in uu ku fadhiisto kursiga ugu wanaagsan guriga. Waxa la sheegaa in uu dhirbaaxay macallinkii fiisigiska dugsiga sare oo Maraykan ahaa, oo siiyey derajo hoose. Hase ahaatee, caannimada Isiyaas waxa ay ka bilaabantay dhaqdhaqaaqii xornimada Eretariya.
Markii koowaad ee uu ka qaybqaatay dhaqdhaqaaqii xornimo ee Eretariya, waxa uu ku biiray Jabhaddii Xoraynta Eretariya. Si ka duwan badiba saaxiibbadiisa halganka hubaysan kusoo biiray, ka dib markii ay derejo wanaagsan kusoo qalinjabiyeen, waxa uu Isiyaas ka tagay Jaamacaddii Xayle Salaase [oo hadda ah Jaamacadda Addis Ababa], ka dib markii uu dhacay imtixaannada sannadkii koowaad. Arrinkani waxa uu, qayb ahaan, fasiri karaa cuqdadda uu Isiyaas u qabay saaxiibbadii (oo uu cadaadiyey, kolkii dambena iska fogeeyey), waxa kale oo uu fasiri karaa sababta uu Isiyaas markasta u doono in uu qaato kaalinta indheergaradka aqoonyahanka ah.
Sida uu Kaplan aaminsanyahay, Isiyaas waa “siyaasiga fikradaha indheergaradnimo ee ugu soo jiidashada badan leh sooyaalka Afrika xornimada ka dib”. Waa isla aaminadda uu xoojinayo Clinton oo Isiyaas ku tilmaamay “hoggaamiye Afrikaan oo casrigii Baraarugga kasoo jeeda”. Ka sokow in uu sannad kasta qabto xafladda qalinjabinta millatariga ee Sawa, haddana weligii kama qaybgalin xaflad qalinjabin oo uu leeyahay.
Maykal Gabre, oo xubin ka ahaa Jabhaddii Xoraynta Eretariya (ELF) kana tirsanaa unuggii Jabhadda ee uu Isiyaas ku jiray, waxa uu ka cabsi qabay in uu Isiyaas samaysanayo awood gaar ah oo uu ku dhex yeesho jabhadda. Sida uu Haile Durue xusay2008, Isiyaas waxa uu jabhadda kusoo biiray isagoo niyadda ku haya kala jabinta jabhadda iyo samaynta qayb isaga hoos timaadda. In kasta oo uu Gabre ku saxsanaa walaaca uu ka qabay damaca Isiyaas, haddana wuu yaraystay hiigsigiisa.
Isiyaas kuma qancin in uu keliya xubin ka ahaado hoggaanka jabhadda ELF, waxaanu u baahnaa jabhad go’aannadeedu isaga ka go’aan. Kolkii uu kasoo laabtay Shiinaha, oo ay Jabhaddii Xoraynta Eretariya ugu dirtay tababbar millatari iyo aydhiyoolajiyadeed, intii lagu jiray Kacdoonkii Dhaqan ee Maaw, soo laabashadiisa waxa ku lammaanaa go’aan adag oo uu kasoo qaatay jabhadda ELF. Xusuusqorro diblumaasiyadeed oo Maraykan ah sida lagu qoray, Isiyaas walow uu ka anfariiray heerka weyneynta ee shakhsiyadda Maaw lala garabjoogo, haddana waxa uu weeleeyey baahida loo qabo in laga takhalluso mucaaridka siyaasadeed, waana istiraatiijiyad ay jabhadda ELF figta gaadhsiisay.
Isiyaas waxa uu yaraantii jeclaa in uu kaalin hormuud qaato oo uu madax u noqdo kooxda kubbadda ee xaafadda, uu kursiga ugu wanaagsan ku faadhisto guriga waanu ku adkaa in tiisu socoto. Sidaas oo ay tahay, kuma fiicnayn waxbarashada waana sababta aanu u jeclayn saaxiibbadiisa waxbartay, isaguna isaga dhigo ‘indheergarad’ keligii taliya
Caqabaddii u horraysay ee hoggaaminta waxa uu waajahay 1973-kii, oo ah markii uu ka goostay jabhaddii ELF. Saaxiibbadiisii hore ee waxbarashada ayuu ugu baaqay in ay qaataan go’aanno dimuqraaddi ah iyo in ay hoggaanka isla xisaabtan weyn ku sameeyaan. Kooxdii la goosatay waxa ay ku naanayseen “fiidmeer”, iyagoo u sarbeebaya dhaqdhaqaaqiisa aamusan ee habeenkii. Dil baa lagu fuliyey hoggaamiyayaashii fallaagada, kuwo kalena sannado ayaa la xidhay.
Caqabaddani waa ta sababtay aasaasidda unug amni oo sumcad xun, cabsina dhaliya oo lagu magacaabo “Ilaalada Kacaanka”. Unuggani waxa uu xaqiijiyey in uu u adeeggo sidii uu Isiyaas gacan bir ah ugu qaban lahaa Jabhadda Shacabka ee Xoraynta Eretariya iyo jabhaddii ka dambaysay ee Jabhadda Shacabka ee Dimuqraaddiyadda iyo Caddaaladda, oo ah jabhad tan iyo 2001-dii u jirta magac ahaan. Safiirka Maraykanka u fadhiya Eretariya waxa uu dhiggiisa Shiinaha ka tebiyey in uu yidhi: “Isiyaas wax alle waxii khaldanaa ayuu soo bartay” muddadii uu joogay Shiinaha. Go’aannada oo dhammi isagay gacanta ugu jireen, aragti ka duwanna lama dhiiban karin.
Madaxii hore ee Bangiga Dhexe ee Eretariya, haddana diblumaasi ah, Andebrhan Wele Giorgis, oo uu Isiyaas xilka ka qaaday markii uu diiday in uu xawilo lacago aan sharci ahayn, waxa uu xusayaa in markii ay ka kulmeen arrinkan “jawigu aad u qallafsanaa”, Giorgis waxa uu qoray: “Aad buu u cadhooday, heer halbawlayaashiisa dhuuntu qarxi gaadheen”. Waxa jirta dhacdo kale oo sii iftiimin karta keni’adayga iyo diidmadiisa aragtida tiisa ka duwan. Habeen ka mid ah 2008-dii, oo uu masuuliyiin Maraykan ah casho-sharaf u sameeyey, waxa uu muran ka keenay tamaadho. Walow ay xaaskiisu dedaashay, haddana wuxuu ka cawday tamaadhada ay soo saartay. La taliye qaanuun ayaa cabashadiisa kaga jawaabay in tamaadhada adhiyadu (tamaadhada yaryar), ay sideedaba xajmi ahaan isaga yaryar tahay. Afawerki qolkii buu ka baxay isagoo cadhaysan, oo xitaa ka yaabsaday ilaaladiisii gaarka ahayd.
Sida uu Safiir Shiine ahi tilmaamay; Isiyaas waxa uu Shiinaha ka soo bartay wax alle waxii khaldanaa! Waa in uu wax kaste ku qabto gacan bir ah, wax kaste oo uu saluugana uu aad uga cadhoodo; haddii ay tahay aragti ka duwan iyo haddii ay tahay tamaadho adhiyo ahba
Qaar ka mid ah korjeegteeyayaasha iyo masuuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyey siyaasada Isiyaas ee horumarina iyo isku filnaanshaha. Nidaamka Eretariya waxa uu ku faanaa dhabaynta yoolashii horumarineed ee labada kun ee cusub, gaar ahaan dhinaca caafimaadka, sida hoos-u-dhigidda dhimashada carruurta, wanaajinta caafimaadka hooyada iyo la dagaallanka cudurrada, sida Mallaariyada iyo fayraska HIV-ga.
Eretariya oo ka jawaabaysa gorfaynta sannadlaha ah ee Guddiga Xuquuqda Aadamaha ee taabacsan Qaramada Midoobay, warbixinteedii 2014-kii, xukuumaddu waxa ay sheegtay in mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay mudnaanta siiso ay tahay diyaarinta deegaan ku habboon in muwaaddiniinteedu helaan xuquuqda bani’aadamnimo ee aasaasiga ah. Hase ahaatee, Midawga Yurub waxa uu tilmaamayaa in dalku uu waajahayo caqabado badan, oo ay ka mid yihiin dammaanad qaadidda haqabtirka cunto, bixinta adeegyada bulsho ee aasaasiga ah iyo la dagaallanka shaqo la’aanta dhallinyarada. Marka laga hadlo adeegyada caafimaad ee dalkana, waxa tilmaan mudan in Eretariya ahayd dawladda kaliya ee Afrika, ee bulshadeeda u diidday tallaalkii Koofidh-19, iyada oo aan sababayn.
Bulshada Eretariya ee aannu gudaha dalka ku waraysannay, iyo dadka dalka dhawaan yimi, waxa ay ka hadleen xaaladda qallafsan ee uu dalku ku jiro. Waxa suququl ba’an ku jira dawooyinkii aasaasiga ahaa. Walow dalku baahi weyn u qabo adeegyo caafimaad, haddana xukuumaddu waxa ay 2019-kii xidhay 22 xarumo caafimaad ah, oo ay gacanta ku haysay Kaniisadda Kaatooliga ee Eretariya, sababta xidhitaankuna ay tahay in Kiniisaddu dhaliishay xukuumadda.
Dhakhtarrada [cisbitaallada xukuumadda] oo mushaharkoodu hooseeyo looma oggola in ay xarumaha gaarka ah ka hawlgalaan ka dib saacadahooda shaqada xukuumadda, arrinkan oo culaysinaya adeegyada cisbitaallada. Diktoor Futsum Ghebrenegus, oo ahaa dhakhtarka kaliya ee cilmi-nafsi ee Eretariya oo dhan, oo ah dal uu diihaalkii iyo silicii uu soo maray abuureen xanuuno nafsi, laga soo bilaabo 2004 waxa uu aragtidiisa awgeed ugu jiraa xabsi, meesha uu ku suganyahayna lama oga.
Isiyaas waxa uu ku faanaa iskufilnaan, se dalkiisu ma shaaciyo daymaha iyo taageerada horumarinta laga soo bilaabo madaxbannaanidiisii, marna ma faafin miisaaniyaddiisa. Eretariya wax kastaa waa sir, se kuwa wax amaahiya ayaa daahfurnaan ku dhaqma, oo soo bandhiga. Eretariya waxa ay Shiinaha ka amaahatay sannadihii u dhexeeyey 2000 ilaa 2018 lacag dhan 631 milyan oo doollar. Warbixinaha Baanka Adduunkuna waxa ay xusayaan in Eretariya ay heshay taageero horumarineed iyo mid bani’aadannimo oo dhan 4.36 bilyan doollar, intii u dhaxaysay 1992-kii ilaa 2019-kii. Maxkamad Maraykan ah oo xukunta qaddiyadaha musallafka ayaa xukuntay in Eretariya ay Bangiga Qaran ee Qadar u guddo lacag dhan 286 milyan oo doollar. Bangiga Qadar waxa awood loo siiyey in uu raadiyo goob kasta oo ay Eretariya hanti dhigatay, si uu dayntiisa usoo ceshado. Ka sokow in Eretariya tallaabooyin wanaagsan ka qaadday caafimaadka, haddana ceebaha hannaanka maamulka dalka ayaa dhabarjab ku ah horumar kasta oo la isku dayo.
In kaste oo ay Eretariya ku faanto isku-filnaansho laguna ammaanay in ay horumar ka gaadhay qaybo ka mid ah Yoolasha Horumarka Waara ee Caafimaadka, haddana Eritariya waa dalka keliya Afrika ee diiday tallaalkii Koofidh19, waxa ay xidhay 22 xarun caafimaad oo kaniisaddii maamulaysay dhaliishay xukunka, waxana xidhan dhakhtarka qudha ee bartay cilmi-nafsiga
Eretariya waxa ay gashay dagaallo isdifaac ah iyo kuwo ay ku qaadday jaarkeedaba, colaad xoogganna waa ay ku beeratay. Eretariya waxa ay mar dhibbane u tahay shirqoolka caalamiga ah, marna waa midda abaabusha shirqoollada nidaamsan. Waxa ay hubaysay jabhado fallaagoobay, isla kuwo kalena waa ay waajahday. Xuduuddeeda waa lagu diriray, xuduudaha dalal kalena waa ay ku dirirtay. Xaaladahan isbedbeddelka badani waxa ay si wacan uga soo dhex muuqanayaan xidhiidhka kolba jiho qaada ee uu Isiyaas la leeyahay saaxiibbadiisii hore ee Itoobiya.
Waxa la sheegaa in Isiyaas iyo Raysalwasaarihii hore ee Itoobiya, Malas Sanaawi, ay ku wada noolaayeen waqooyiga Muqdisho, lana siiyey baasaaboorro Soomaaliya ah, idaacaddana ay u tegi jireen in ay ka sii daayaan waxyaabaha ku baxa luuqadaha Tigrayga iyo Carabiga. Dhaqdhaqaaqaas ay wadeen waa ka ku dambeeyey in uu talada ka tuuro hoggaamiye Mingiste Xayle Maryam, kacdoonkaas oo Jabhadda Shacabta Tigraygu hoggaanka u weyn lahayd, iyadoo ugu dambayn soo gashay Addis Ababa, nidaam wanaagsanna ka hirgalisay.
Waxa ay ahayd guul amakaag leh. Mid ka mid ah farriimaha loo diray majalladda New Yorker ayaa tidhi: “Isbeddelka Itoobiya waxa la moodaa sidii oo aanu Ruushku duminin Hantiwadaaggii Soofiyetka, ee ay Yukrayniyiintu dumiyeen, ka dibna talada Moosko la wareegeen”.
Waxyar ka dib madaxbannaanidii Eretariya, xidhiidhka Malas iyo Isiyaas waxa uu ahaa mid wanaagsan. Sida uu xusayo masuul sare oo Eretariyaan ahi, labadooduba waxa ay ka shaqeeyeen sidii ay saamayn ugu yeelan lahaayeen Soomaaliya, iyagoo u maraya Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, se haddana Malas markasta wuu ka walaacsanaa xidhiidhka Isiyaas, isagoo u arkayay nin ad’adag oo isbedbeddela.
Shakiga Isiyaas waxa uu bilaabmay ka dib markii uu aaminay in Sanaawi uu isku dayay in uu ku dilo diyaarad uu usoo diray, oo dab ka kacay, walow ay nabad kusoo degtay sannadkii 1996-kii. Waa dhif in uu Isiyaas wax illaawo, una leexdo dhinaca saamixidda wax uu khiyaano u arko, sida ka muuqata sidii uu ula dhaqmay Wasiirkii Warbaahinta ee hore, Niazghi Kiflu, oo mar ahaa saaxiibkiisa dhow, se dalka uga baxay in uu caafimaad ka doonto Landhan. Isiyaas waxa uu diiday in maydkiisa lagu aaso Eretariya, ka dib markii ay isku dhaceen, si kasta oo cafis loogu weydiiyey.
Ka sokow ku adkaantiisa dhinacan, haddana khilaafka dhexmaray isaga iyo Malas waxa uu ahaa mid hallis badan, colaadintuna waa ay sii xididaysatay. Isbeddelladaasi waa kuwa markii dambe isku rogay dagaal xuduudeed oo labada dal ka dhex qarxay 1998-kii, arrinkan oo Isiyaas usii xaqiijiyey walaac uu ka qabo jaarkiisa weyn.
Isiyaas ma aha nin godobtiisa illaawa ama cafiya gef uu tirsaday, heer uu wasiirkiisii Warfaafinta oo ay is khilaafeen u diiday in maydkiisa lagu aaso Eretariya. Colaadintaas ka dhalatay gef-tirsigu waa midda dhexmartay isaga iyo saaxiibkiisii halganka, Malas Sanaawi, ee qaraxday iyada oo ah dagaalkii labada dal, 1998-kii
Marka uu Isiyaas sheegay in xadgudubku “argagax geliyo” kaftan kama ahayn, se falcelintiisaa ah arxandarnaan, dagaal iyo aamusni. Waxa uu cadho ismaray markii Qaramada Midoobay siisay Eretariya maamulka Badme, oo ah deegaan yar oo xuduudda labada dal wadaagaan, se Itoobiya ay diidday in ay ka tanaasusho, arrinkan oo dab kusii shiday khilaafkii labada hoggaan.
Muranka xuduudeed ee laalan, ee kala dhexeeyay jaarkiisa ka weyn, waxa uu Isiyaas siiyey cudurdaar uu god bannaan kaga helo siyaasadda gudaha, oo dalka waxa uu galiyey xaalad dagaal oo joogto ah, waxaanu faraha la galay taageerada kooxo wakiil uga noqda dagaalka Itoobiya. Isiyaas ma aqbalin in uu guuldarro gorodda laallaadiyo, ee waxa uu sugay wakhtiga munaasibka ah ee uu ku aargoosan karo.
Dareenkiisii ahaa in lagu xadgudbay waxa uu sii kordhay kolkii dalkiisa lagu soo rogay cunaqabatayn, si loo joojiyo taageeradiisa kooxo gobolka ka dagaallama (oo sida la sheego ay ku jirtay al-Shabaab). Sidan cagsigeeda, Itoobiyada ay ka talinaysay TPLF, oo isla falalka Eretariya ku kacday lama saarin cunaqabatayn. Itoobiya waxa ay galagalaysatay beesha caalamka, halka Eretariya ku koobsatay deeddifayn iyo isa sii go’doomin. Giorgis, Madaxii hore ee Baanka Eretariya, soona noqday Safiirka Eretariya ee Midawga Yurub, waxa uu buuggiisa ku xusay in: “Diidmada qayaxan ee ay Eretariya kala hortimi eedaha la saaray, ay xitaa caqabad ku noqotay Golaha Ammaanka”. Dafiraadda kolka wax lagu helo, iyo aamusnaanta kolka hadal loo baahanyahay, waa summadda shakhsiyadda Isiyaas iyo nidaamkiisa.
2012-kii waxa dhintay Raysalwasaarihii Itoobiya, Malas Sanaawi, oo ahaa cadawga Isiyaas. Kaalintii siyaasadeed ee TPLF hoos ayay u dhacday, waana hoos u dhaca ugu dambayn sababay in Abiy Axmed uu talada Itoobiya qabto, bilaabana kala furfurka jabhaddii TPLF. TPLF aad bay u durtay maamulka Abiy Axmed, heer uu guddoomiyihii TPLF, Debretsion Gabremicheal, ku tilmaamo “maamul aan qaadhgaadh ahayn”.
Isiyaas waxa uu arkay fursad uu go’doonka kaga soo bixi karo, xilligan isbeddelladu ka socdaan fagaaraha siyaasadda Itoobiya, oo waxa uu soo dhaweeyey Raysalwasaaraha dhallinyarada ah, waxaanu la galay heshiis nabadeed – ilaa hadda lama yaqaan tafaasiisha heshiiskaas – waana heshiiska uu Abiy Axmed ku mutay Abaalmarinta Noobalka ee Nabadda.
Cabsida uu weligii ka qabay dariskiisa weyn, Itoobiya, iyo xadgudubkii uu hore u tirsaday, waxa uu Isiyaas galiyay Eretariya xaalad dagaal oo joogto ah oo wax kaste loo jilib xidhay colaad. Ugu dambeyn, waxa dhintay Malas, waxa wiiqmay cadowgiisii, TPLF, waxanu Abiy Axmed la galay heshiis nabadeed oo noqday aarsi daran, markii ay ku wada duuleen TPLF
Isiyaas waa nin dabinnada xidhi kara, kana baaraandaga. Markii la gaadhay 2018-ki, waxa uu fagaaraha usoo baxay isagoo metelaya hoggaamiye dawladeed oo ruugcaddaa ku ah siyaasadda Bariga Afrika. Sanaawi wuu dhintay, madax kale oo Itoobiyaan iyo Kiiniyaan ahaana xukunka way banneeyeen, Soomaaliya way burburtay, Suudaanna waxa ay ku kala qaybsantay afgambi uu Cumar Xasan al-Bashiir uu ku qabsaday, tobannaan sanana ku maamulayey. Waxaas oo dhan oo dhacay, Isiyaas kursigiisii wuu adkaystay, isaga oo aan weliba xukuumaddiisa wax la sheego aan ka beddelin. Sida mid ka mid ah falanqeeyayaashu xusayo, hoggaamiyayaasha gobolku maanta isagay talada ka dhegaystaan, iyagoo siday u badan tahay la yaabban siduu ku raagay, si kasta oo uu go’doon u yahay.
Si la mid ah sidii uu uga maadaystay jabkii Jabhaddii Xoraynta Eretariya kala kulantay dagaalkii xornimada, ka guulaysashada jabhadda TPLF kuma filnaan, ee waxa ay la noqotay in uu arrinkaa qiro. Maalin ka hor maalinkii Abiy Axmed oo garab ka helay Isiyaas uu bilaabay duullaankiisii ka dhanka ahaa TPLF, Noofambar 2020, Safaaradda Eretariya ee Addis Ababa waxa ay boggeeda Facebook ku faafisay farriin sarbeeb ah, oo leh: “loollankii wuu soo afjarmay”.
Khilaafka u dhexeeya Isiyaas iyo TPLF ma ahayn khilaaf shakhsi ah oo keliya, ee sidoo kale Isiyaas waxa uu si adag uga soo horjeeday qaabka uu Malas u maray dib-u-qaabaynta Itoobiya, oo uu isir ku saleeyey. Isiyaas weligiiba isirrada iyo kooxaysiga diineed waxa uu u arkayey aafo, horena xisbigiisu wuu u diiday. Sida uu aaminsanyahay, dawlad fedderaal ah, oo ismaamullo awood lihi ka hoos dhisanyihiin, waxa ku adkaanaysa saamaynta dawladda dhexe. Weligii kama hadlin isirka uu kasoo jeedo ee Tigrayaanka ah, kumana awr kacsan, oo kama dhigan hannaan siyaasadeed. Se isirka laga jideeyey Itoobiya waxa ay gilgishay Eretariyada xidhxidhan ee dawladda dhexe wax kasta gacanta ku hayso.
Madaxdii filkiisa ahayd oo dhani waa ay dhinteen ama dhaceen. Haddana, Isiyaas oo muddo dheer ku jiray xukun go’doonsan waxa uu xejistay awooddiisa waxana uu ka soo hadhay loollannadii uu galay oo dhan, heer uu dib u qaabeynayo siyaasaddii Itoobiya ee uu qaabeyn jiray soddon sannadood ka hor – waa nin aanu habeen ka tagin oo Waqtigu u taagan yahay
Isagoo khatartan waajahaya, ciidamo Eretariyaan ahina haystaan qaybo ka mid ah gobolkii Tigrayga, way adkaanaysaa in aanu xusuusan kolkii ugu dambaysay ee uu kaalintan oo kale ku jiray – qaabeeyaha Itoobiya ahaa – soddon sanno ka hor. Waa ninkii ka shaqeeyey kala jabinta jabhad, ee mid kale ka barbar sameeyey, ka dibna sida ay jabhaddaasi usii siqaysay aakhirkii xukunka ka tuurtay mid ka mid ah xukuumadihii ugu awoodda badnaa Afrika, ka dibna ka goostay, ee dal iyo bulsho cusub sameeyey.
Iyadoo dad badani la halgamayaan in ay tagtadoodii ka fuqaan, iskana xoreeyaan in ay u qafaalnaadaan duruufo ay dhaxleen, Isiyaas weligiiba waxa uu ku gorgortameyey qayb libaax, waxaana ka go’nayd bidhaaminta mustaqbalka. Se dhibta u weyn ee haysataa ma aha in uu u dabran yahay tagtadii, ee tagtada lafteeda ayaa isaga u dabran, oo uu kusoo jiidayaa wakhtiga taagan.