Monday 9 March 2026
Hoogga iyo dagaalka Suudaan ka socda Isgaa kama ay badbaadin nidaamyada isgaadhiisneed ee Suudaan, waxaana dhacday in magaalooyin iyo gobollo dhani gabi ahaanba galaan go’oon dhijitaal ka dib markii la beegsaday kaabayaasha isgaadhsiinta, taas oo sababtay joogsiga geeddi socodka nololeed. Internetku ma aha uun agab is gaadhsiineed ee sidoo kale waa aalad lama huraan u ah badi bulshada Suudaanta ee u ku tiirsan xawaaladaha. Kolkii sidani dhacday ee ay kaalintani haawatay waxa soo baxday tiknoolijiyadda Istaarlaynki oo isu muujisay in ay buuxin karto kaalintaas, dabadeed Suudaan waxa ka hanaqaaday suuq madaw oo lagu gado agabka Istaarlaynki— suuqaas oo ay hormuud u yihiin Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF). Sidaas bayna bayna tiknoolayjiyaddani ku noqotay mid sawir kale ka bixinaysa khariidada dagaalka Suudaan.
Intii uu socday dagaalka u dhexeeya Ciidamada Dawaladda iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah, kaas oo ifafalihiisu la arkay badhtimihii bishii Abriil 2023, kaabayashaasha isgaadhsiintu waxa ay noqdeen qayb ka mid ah goobaha dagaalka. Waxa la soo gudboonaaday burbur laxaad leh, labada dhinac ee dirirtu ka dhaxaysaana kaabayaasha waxa ay u burburiyeen si nidaamsan. Tani waxa ay keentay in ay gobolladu galaan go’doon is gaadhsiineed, isla kolkaasna shacabku waayaan adeegyada taleefanka iyo Internetka bilo dhan oo xidhiidh ah. Mid ka mid ah magaalooyinka la kulmay waayo aragnimadan waa magaalada Waadi Madni oo is gaadhsiintu ka maqnayd sannad buuxa, waxaana dib loo soo celiyey bishii Janaayo ee 2025.
Dagaalka dabadii, Ciidamada Dawladdu waxa ay amar ku bixiyeen in internetka laga jaro meelaha ay maamulaan RSF, gaar ahaan gobollada Daarfuur iyo Kurdufaan, intaas waxa dheer, bishii Feebarwari 2024, waxa adeegga is gaadhsiinta waayey ku dhawaad 30 milyan oo Suudaani ah ka dib kolkii ay ciidamada RSF weerar ku eekeeyeen saddex xarumood oo ay leeyihiin shirkadaha Isgaadhsiinta ee (Suudaani, Zain MTN) ee Khartuum.
Dabadeed halkan ayuu ka soo ifbaxay doorka isgaadhsiineed ee Istaarlaynki iyo in uu buuxin karo oo beddel u noqon karo internetkii ab ka soo gaadhka ahaa. Istaarlaynki waa shabakad internet oo ku hawl gasha dayax gacmeedyada dhulka ku dhaw. Waxa iska leh shirkadda la yidhaa Space X oo uu mulkiyaddeeda leeyahay ganacsade Ilon Maaski. Shabakadani waxa ay si goonni ah uga hawlgashaa meelaha durugsan iyo soonayaasha colaadaha iyada oo u taagan badbaado iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah kolka ay dhacaan musiibooyin. Ta ugu muhiimsan waa in ayna u baahneyn kaabayaal dhulka loo qotomiyo (sida taawarro) waxa se ay ku shaqaysaa saxan sidii cuntada Pizza u samaysan oo si sahlan loo rakibo, dabadeedna bixiya internet degdeg ah oo qiimo ahaan jaban.
Adeegan Istaarlaynki si rasmi ah loogama ogola Suudaan, waxaanu dalka ku soo galay sifo aan sharci ahayn waxaana ka danbeeyey soo galistiisa shabakado tahriib oo hoos taga RSF. Kolkii Ciidama Dawladdu ay internetka ka jareen goobaaha ay maamulaan RSF, kooxdu waxa ay bilaabeen in ay helaan beddel. Sidaas baanu adeegga Istaarlaynki u noqday mid Suudaan laga helo.
Sida lagu xustay warbixin ka soo baxday wargayska Maraykanka ah ee Wall Street, tahriibinta qalabka adeeggani waxa ay ka bilaabmataa Maraykanka oo lagu farsameeyo agabka adeeggan, ka hor inta aan loo weecin suuqyada ganacsiga ee dhexdhexaadka ah gaar ahaan isu tagga Imaaraadka Carabta.
Isutagga Imaaraadka Carabtu waxa uu xarun muhiim u noqday shabakada tahriibinta qalabka(Starlink) ee u socda RFS, muhiimaddani ma aha mid ku kooban gudbinta qalabka kolka uu ka yimaaddo Maraynkanka, ee dhanka kale Imaaraadku waa goob lagu jijaabiyo lagu na hubiyo farsamo ahaan in uu qalabku hawlgal yahay, kolka la geeyo soonayaasha colaadda iyada oo loo baahneyn hab raac maxalliya. Hubinta ka dib qalabka waxa loo qaadaa Jaad, dabadeed waxa la geeyaa xuduudda Suudaan. Tahriibinta qalabkani ma aha mid ku kooban uun waddada Jaad, sida lagu xusay warbixin ay faafisay wakaaladda France Press, shabakadaha tahriibinta Istaarlaynki waxa ay leeyihiin jidad kale oo barbar socda midka Jaad, sida jidka Liibiya, Koonfur Suudaan iyo Erateriya tan ayaa muujinaysa jiritaanka tahriibiyeyaal abaabulan oo ka hawlgala waddooyin kala duwan si ay u dhimaan khatarka iyo ku tiirsanaanta dhabbe keliya.
Xaaladda gudaheeda, waxa soo baxaya dhinacyo siyaasadeed iyo ciidan oo ku lug leh shabakadan tusaale waxa jira warbixinno tilmaamaya in Cabdiraxmaan Xamdaan Doglo oo ah ku xigeenka taliyaha RSF uu si shaqsi ah u kormeeray iibsashada boqollaal saxannada Istaarlaynki, kuwaas oo ay keeneen ganacsato Imaaraad ah. Waa arrin, qalabkan aan ku koobahayn agab isgaadhsiineed oo rayid ah se muujinaysa sida uu isugu beddelay khayraad Istaratiiji ah oo ka dirsan dhaqaalaha dagaalka ee ay adeegsadaan dhinacyada dirirtu ka dhaxayso si ay kor ugu qaadaan xakamaynta dhulka, waqti ay burbureen kaabayaashii rasmiga ahaa ee dawladdu lahayd.
Waxa unkamay suuq madaw oo lagu gado qalabkan la soo tahriibiyo, waxaana si dabiici ah gacanta ugu haysa RSF. Suuqa marka la joogo, halkii qalab waxa lagu iibiyaa 2500 oo doollar kaas oo shan jeer ka badan qiimaha rasmiga ah ee lagu gado. Waxa kale oo jirta, in ciidamada taageerada degdegga ahi ay cashuur sannad le ah oo dhan 500 oo doollar ay ku soo rogeen gobollada qaarkood, sida gobolka Daarfuur. Intaas oo uun ma aha ee xaajadu waxa ay gaadhsiisantahay in la abuuray maqaaxiyo Internet oo ku meel gaadh ah oo ciidamadu saacaddiiba ku ku kireeyaan 2 doollar ilaa 4 doollar, gobollada qaarkoodna qiimuhu waxa uu gaadhsiisanyahay 6 doollar halkii saac ba.
Tirada dhabta ah ee Istaarlaynki ee Suudaan lagu haysto lama oga, hase ahaato e sida ay sheegtay xarunta Global Voice Index qalabkan waxa laga helaa gobolka Al-jasiira( kolka laga reebo aagga Managiil), waxa kale oo laga helaa Khartuum (kolka laga soo tago qaybo ka mid ah ummu-durmaan ). Sidoo kale waxa ay si baahsan ugu faafsanyihiin Koonfurta, beriga, galbeedka iyo badhtamaha Daarfuur.
Adeegsiga Istaarlaynki ma aha adeeg ku kooban xubnaha ka tirsan RSF ee sidoo kale, waxa loo isticmaalaa hawlgallada milatari, waxaana qalabkan lagu arkay saldhigyo dhawra oo ay leeyihiin RSF waxa kale oo lagu rakibay gaawadhida Tiyotaha ee ay leeyihiin ciidamadani. Intaas waxa dheer, in lagu hago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay weeraraan Ciidamada Dawladda.
Natiijadan awgeed, Istaarlaynki waxa uu noqday udub dhexaadka isgaadhsiinta ee ugu muhiimsan Suudaan. Tusaale, waxa uu suuragel ka dhigay in haayadaha gargaarka bani aadanimo sii wadi karaan hawlahooda sida haayadda Islaamiga ah ee gargaarka, iyaga oo inernetka u adeegsanaya hawlo badan oo ay ka midyihiin isku dubaridka gargaarka, qiimaynta baahiyaha dadka iyo la socoshada gargaarka waqti ay dhulka la sinmeen shabakadaha is gadhsiintu. Adeeggan Internetku, waxa uu dadka u saamaxay in ayna lumin xidhiidhka ay la leeyihiin qoysaskooda iyo in ay dibedda ka helaan lacago danabaysan. Taasi waxa ay si toos ah uga qayb qaadatay in ay daboolaan baahiyahooda asaasiga ah iyo in ay dad badan ku sii noolaadaan gobollo ballaadhan oo ka mid ah dalka.
Tan iyo kolkii Istaarlaynki uu ku faafay qaybo ka mid ah Suudaan Ciidamada Qaranku waxa ay qaateen mawqif adag oo ka dhan ah, iyaga oo judhiiba ku sheegay shabakad is gaadhsiineed oo aan ku jirin gacanta dawladda. 31 Jeenaweri 2024-kii laamaha dawladda ee daacadda u ah ciidamada waxa ka soo baxay qaraar mamnuucaya oo xayiraya soo dajinta, adeegsiga iyo yeelashada Istaarlaynki. Dawladdu iyada oo dabosocota qaraarkan waxa ay la wareegtay kumannaan saxan oo lagu haystay gobollada ay xukumayeen Ciidamada dawladdu, walow digreetadan ay iska indho tireen qaar ka mid ah gobolladu, haddana adeeggu waxa uu ahaa mid ka sii jiray meelaha ay maamulaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF).
Mawqifkan mid farsamo oo keliya ma ahayn ee dhanka kale waxa uu si toos ah ugu taxnaa xaaladda milatari ee kolkaas. Sida lagu xusay warbixinno warbaahineed, hoggaanka ciidamada dawladdu waxa ay is tuseen in faafitaanka ISTAARLAYNKI siiba Daarfuur iyo Khartuum ay RSF ka helayso faa’ido sida xidhiidh wanaagsan, isku duba ridka hawlgallada Milatari, hawlgelinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo in ay madallaha warbaahinta ku faafiyaan dacaayado. Taas baa ciidamada dawladda ku hoggaamisay in qalabkani aanu ahayn adeeg caadiya oo rayid ee taas lidkeeda caawanayo RSF.
Sababtan awgeed, Wasaaradda Isgaadhsiinta ee Suudaan waxa ay cabasho rasmi ah u gudbisay Shirkadda SpaceX oo iska leh Istaarlaynki iyada oo ka codsatay in ay gabi ahaanba joojiso adeegan ama lagu soo rogo xakamayn wada jir ah si ay dawladdu u maamusho una xakamayso goobaha uu daboolayo adeegu, gaar ahaan gobollada gacanta ugu jira RSF. Cabashadan, shirkaddu wax jawaab ah kama ay bixin taas oo keentay in ay dawladdii sii adkayso xayiraadda ay saartay soo dajinta, iyo in adeegsiga qalabkan ay ka dhalaynayso ciqaab walow ayna ay sheegan habraac.
Ogobeey, diidmadani ma noqon mid sii waarta oo wajahda xaqiiqada dhab ah ee dhulka taalla. Maxaa yeelay, Xidhiidhka is gaadhsiineed ee Umu-durmaan, Khartuum iyo nawaaxigeedu waxa uu ku dhawaa gabi ahaanba in uu meesha ka baxo sidaas awgeed Ciidamada Dawladdu waxa ay wajaheen labo daran mid doono: in ay ku adkaystaan xayiraad buuxda oo ay dadka kaga tagaan go’doon dhijitaal iyo in ay si ku meel gaadh ah u ogolaadaan adeegga Istaarlaynki. Dhab ahaan, warbixinnadu waxa ay tibaaxayaan in ciidamada qalabka sidaa ay fasaxeen rakibidda saxannada Istaarlaynki iyaga oo qaybo ka mid ah shacabka Ummu-durmaan degganaa bilaash uga dhigay adeegga internetka. Tan ayaa muujinaysa in ay qayb ahaan dib uga laabteen siyaasaddoodii rasmiga ahayd.
Ilon Maaski, muddo aad u dheer waxa uu Istaarlaynki u soo bandhigay agab is gaadhsiineed oo laga ma maarmaan ah, kolka la joogo goobaha nafwaaga. Arrintani waxa ay si la arki karo u soo ifbaxday bilawgii dagaalkii Ruushka iyo Yukrayn ee 2022, waagaas oo uu shaaciyey in adeegga Istaarlaynki la hawl geliyey si loo garab joogsado Yukrayn. Sidoo kale, intii lagu jiray dibadbaxyadii ka dhacay Iraan sannadkii 2022, ka dib dhimashadii Mahsa Amiini, Ilon Maaski waxa uu ku adkaystay in Istaarlaynki laga helayo Iraan, walow ay taas ka horyimaaddeen maamulka Iraan. Fanisuweela ayaa iyana ka mid ah meelaha laga hawl geliyey ka dib dhacdooyin siyaasadeed oo ka curtay
Sudaan inkaste oo ay ka mid tahay meelaha ay sida weyn uga oogantahay colaaddu, una baahan is gaadhsiin iyo gargaar aadamnimo, haddana Ilon Maaski waxa uu ugu hanjabay in adeegga laga joojin doono gudaha dalka iyada oo sabab looga dhigay xadgudubyo ka dhan shuruudaha adeegsiga. Arrintan ayaa dhalisay wayddiimo badan oo la xidhiidha doorka muhiimka ah ee adeeggu ka ciyaaraho xaalaha u dhigma.Walow si ballaadhan loo soo dhaweeyey sii wadista adeegga Istaarlaynki ee Suudaan, haddana hanjaabaddii ganacsade Ilon Maaski ee ahayd in adeeggan la joojin doono laga bilaabo 30-ka Abriil 2024 waxa ay sababtay in 94 urur oo ka hawl gala gargaarka bani aadmnimo ay farriin rasmi ah u diraan Ilon Maaski, waxaanay ku doodeen in joojinta Istaarlaynki ay noqon doonto ciqaab wadareed isla markaasna ay saamayn ballaadhan ku yeelan doonto malaayiin Suunidyiin ah oo ku tiirsan kuwaas oo ku wada xidhiidha, una soo maraan gargaarka iyo xawilaadda lacagaha danabaysan.
Inkaste oo adeegga internetku uu ka shaqeeyo gobollo ka mid ah Suudaan khatarta gu’itaanku waa mid mar walba taagan taas oo mugdi sii gelisay xaaladda hubnti la’aanta ah ee dhijitaalka Suudaan ku suganyahay, waxaana burubur buuxa ku dhaw shabakadaha qadiimiga ah ee dalka.
Guntii iyo gabogabadii, joogitaanka Istaarlaynki ee Suudaan waxa ay muujinaysaa sida burburka kaabayaasha isgaadhsiintu u qaabeeyey habka loo helo internetka marxaladda dagaalka. Adeeggani waxa uu door dhaba ka ciyaaray buuxinta fakaagga is gaadhsiineed isaga oo rayidka iyo ururrada gargaarka iinsaanimo u suurageliyey in ay sii wadaan xidhiidhka, halka dhinacyada khilaafku u dhexeeyo u suurageliyey helitaanka agab dheeraad ah oo ay ku maamulaan hawlgalladooda. Inta u dhaxaysa xayiraad rasmi ah, faafid aan nidaamsaneyn, isku dhafka isticaamlka rayidka iyo ciidamada, Istaarlaynki waxa uu noqday xaqiiqo ay dani keentay ah, halkii uu noqon lahaa doorasho siyaasdeed, mustaqbalka Istaarlaynkina waxa uu saaranyahay hadba sida uu dagaalku u sii socdo.