Tuesday 15 September 2026
Shirkadda duulimaadyada dalka Kiiniya ayaa sheegtay in dalabka kuraasta duulimaadyadeedu si weyn u kordhay mudooyinkii ugu dambeeyay, taas oo ay sabab u yihiin saamaynta xiisadaha ka aloosan bariga dhexe. Shirkaddu, waxa ay sidoo kale caddaysay in inta badan korodhka dalabkaasi uu ka yimi suuqyada qaaradda Yurub, Maraykanka iyo Eeshiya, halkaas oo rakaabku ay isku dayayaan inay dib u habeeyaan safarradooda si ay uga fogaadaan marrinada duulimaadyada ee mara goobaha ay ka jiraan xaalado amni darro.
Isbeddelkan ku yimi dhaqdhaqaaqyada duulimaadyada caalamiga ah ayaa imanaya iyadoo ay jirto saamaynta dagaalka u dhaxeeya Maraykanka iyo israa’iil oo dhinaca iyo Iiraan oo dhinac ah, arrintan ayaana si weyn u raadaysay warshadda duulimaadyada caalamiga ah iyo jadwalka duulimaadyada ee guud ahaan dunida. Caqabadaha kale ee ay arrimahani abuurayaan ayaa ahl; in isu-socodka dhankKina hawada sare hakad weyni ku yimaaddo.
Iyada oo laga hortagayo arrimahan shirkado badan ayaa bilaabay in ay wax ka beddelaan ku gooshidda marrinnada ay ka jiraan khataro amni taas oo keentay in muddadii safarku dheeraato isla markaana ay kordhaan kharashaadka hawlaglintu. Sidoo kale, qaar ka mid ah shirkadaha ayaa go’aansaday inay joojiyaan isla markaana yareeyaan tirada duulimaadyada maalinlaha ah, halka kuwo kalena kordhiyeen kharashaadka tigidhadooda si ay ula jaanqaadaan kharashaadka dheeraadka ah iyo dalabka sii kordhaya ee marinnada kale.
Arrimaha ayaa si toos ah saamayn ugu yeeshay dhaqdhaqaaqa duulimaadyada caalamka. Waxaanay tani iftiimisay sida shirkadaha diyaaradaha adduunku ugu nugulyihiin qalalaasaha juqraafiyadeed, maaddaama korodh kasta oo dhaca sabababo la xidhiidha goobaha xiisaduhu ka jiraan uu isbeddel ku keenayo hababka safarka caalamiga ah, taas oo shirkadaha diyaaradaha oo ay ka mid tahay shirkadda duulimaadyada Kiiniya ay rabto inay ka faa’idaysato isbeddelka xaaladaha noocan oo kale ah, isla markaana muujiso joogisteeda marinnada kale. Sidoo kale waxa muuqata in ay shirkadda duulimaadyada dalka Kiiniya ay isku dayayso la jaanqaadista hawlgal kasta xilliyada xasilooni darrada iyo isbeddelada degdega ah.