Skip to main content

Monday 7 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Isbeddelka Isbahaysiyada Waqooyiga Itoobiya

9 August, 2026
Image
Isbeddelka Isbahaysiyada Waqooyiga Itoobiya
Share

Muddadii u dhaxaysay 2020 iyo 2022, TPLF waxa ay dagaal qadhaadh kula jirtay Xukuumadda Federaalka Itoobiya iyo xulafadeeda oo ahaa Eretariya iyo jabhado Amxaarada ah oo loo yaqaan Faano. Muddo afar sanno ka yar ka dib, Xukuumadda Federaalka Itoobiya waxa ay saaxiibbadeedii xulafada la ahaa ay ku eedaynaysaa inay TPLF taageeraan, dhaliishan oo dib u qaabaynaysa khariidaddii iskaashiga iyo is xulufaysiga ee waqooyiga Itoobiya. Haddaba, waxa is weydiin mudan, waa ayo dhinacyada hadda kasoo horjeeda Xukuumadda Federaalka Itoobiya, dagaalkan cusboonaaday?

Bishii Maaris 2025, dagaalyahanno ka mid ah Xoogagga Difaaca Tigray (TDF) oo uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael, ayaa qabsaday xaruntii idaacadda ee degaanka iyo xafiiskii duqa magaalada Maqalle. Isla kolkaas xoogaggu waxa ay gacanta ku dhigeen tuulooyin ku teedsan xuduudka Eretariya, waxaana ka mid ahaa qaybo ka mid ah degmada Sehartie iyo caasimadda Adigrat, oo ah magaalada labaad ee ugu dadka badan degaanka Tigrayga, sida ay xustay Xarunta Diraasada Istiraatiijiga ah ee Afrika.

Xaruntani waxa kale oo ay xustay in Eretariya weli haysato qaybo ka mid ah degmooyinka Irob iyo Shiraro oo xuduudka ku teedsan, walow heshiiskii nabaddu dhigayey in dhammaan ciidamada ajnabiga ah ay ka baxaan dhulka Itoobiya.

Bishii Aktoobar 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo warqad u diray Qaramada Midoobay, waxaanu TPLF iyo Eretariya ku eedeeyey inay “maalgelinayaan oo ay hagayaan” xoogagga Faano, oo dhawaan horumar ka sameeyey Waqooyiga Wollo.

Warqadda uu Qaramada Midoobay u diray, waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibaddu sheegay in wadashaqaynta ay sheegayaan ay haatan “noqotay mid si cad loo arko bilahan dambe”, sidoo kalena, waxa uu garabka mayalka adag ee TPLF iyo dawladda Eretariya ku eedeeyey inay diyaarinayaan dagaal Itoobiya ka dhan ah.

Wargayska Itoobiyaanka ah ee Addis Standard, waxa uu tabiyey in warqaddaas la diray sidoo kale Eretariya iyo TPLF lagu eedeeyey inay taageereen iskudaygii Faano ku qabsanaysay caasimadda Weldiya ee deegaanka Amxaarada, sidoo kalena lagu sheegay in hoggaanka TPLF iyo dagaalyahannadoodu si toos ah uga qaybgaleen hawlgalka.

Debretsion waa uu deeddifeeyey dhaliilahan, waxaanu warqadda ku tilmaamay mid koobsatay “sheekooyin la buunbuuniyey iyo olole sumcad dil ah”, ujeedkeeduna yahay in indhaha laga jeediyo waxa uu ku tilmaamay guuldarrada xukuumaddu kala kulantay fulintii qodobbadii heshiiska nabadda. Waxa uu warqadda iyo dhaliilaheedaba ku tilmaamay “afgambi halis ah oo sooyaalka lagu samaynayo, iyadoo xadgudbihii laga dhigayo dhibbane, dhibbanihiina laga dhigayo xadgudbe”. Waxa uu raaciyey jawaabtiisa in Xukuumadda Federaalku ay tababbarto malleeshiyaad cusub oo ay ku khalkhal galinayso nabadgalyada Tigrayga.

Malleeshiyaadka Faano

Faano waa shabakad malleeshiyaad qawmi ah oo Amxaaro ah, hoggaan dhexena aan lahayn. Waxa ay soo ifbaxday 2016-kii kolkaas oo deegaannada Amxaarada dibadbaxyo ka dhaceen. Idaacadda BBC waxa ay malleeshiyaadkan ku tilmaantay “malleeshiyaad judhii hore xukuumadda isbahaysi la ahaa, se hadda ka xidhiidh furmay”. Malleeshiyaadkani waxa ay isbahaysi kula jireen xukuumadda Abiy Axmed kolkii uu la dagaallamayey TPLF, se waxa ay kasoo horjeedsadeen dedaalladii hub ka dhigista, waxaanay ku doodeen inay bulshada Amxaarada ka difaacayaan waxa ay ku sheegeen xadgudubyada xukuumadda. BBC waxa kale oo ay sheegtay in dhaqdhaqaaqa Faano uu ballaadhiyey ajandayaasha dagaalkiisa, iyagoo haatan u hanqal taagaya inay xilka ka qaadaan xukuumadda Abiy Axmed, weerarro badanna gaystaan.

Eretariya

Saddexdii Feebarweri, Xukuumadda Federaalka Itoobiya waxa ay markii koowaad qiratay in ciidamo Eretariyaan ahi ay ka qayb qaateen dagaalkii Tigrayga, iyadoo dusha ka saartay masuuliyadda hawlgallo kooxo dad ah lagu laayay, guryo la dumiyey, warshadana la burburiyey.

Wakaaladda Associated Press waxa ay tebisay in Wasiirka Warfaafinta Eretariya, Yemane Gebremeskel, uu diiday eedahaas, kuna tilmaamay “been cad oo liidata”. Maalmo ka dib Itoobiya waxa ay Eretariya ugu baaqday inay ciidamadeeda ka saarto dhulka Itoobiya, se Asmara waxa ay ku jawaabtay in tuhunkaasi yahay been iyo tuhun aan jirin, kana mid ah taxane olole colaadin ah oo ay Eretariya la kulmaysay labadii sanno ee ugu dambeeyey. Eretariya waxa ay xustay inaanay rabin “khilaaf aanay faa’ido ku jirin oo xaaladda uga sii daraya”.

Eretariya lafteedu waxa ay Itoobiya ku eedaysay inay xoog ku doonayso helidda dekedda Casa bee Eretariya ku taalla, waxaanay sheegtay in labada xukuumadood iska kaashadeen dagaalkii TPLF lala galay 2020 ilaa 2022, ka hor intaan xidhiidhka labada dhinac xumaan ka dib markii Eretariya aan waxba laga weydiin heshiiskii nabadda.

Xaaladda guud ee gobolka

International Crisis Group waxa ay isbahaysiyadan ku dartay xaalad goboleed ballaadhan oo ay ku dhex jiraan. Warbixinta kooxdani waxa ay sheegaysaa in Abiy Axmed uu u dhow yahay dhinacyo gobolka ah oo taageersan RSF-ta Suudaan ee dagaalka kula jira ciidamada Suudaan, halka Eretariya ay isbahaysi kula jirto ciidamada Suudaan, xidhiidhana ay la samaysay Masar, oo ah cadawga Itoobiya, khilaafka biyaha Niilka awgii.

Bilawgii toddobaadkan, iska hor imaadyo ayaa ka dhacay galbeedka Tigrayga, xukuumadda Itoobiya iyo TPLF-na waxa ay is weydaarsadeen dhaliilihii soo taxnaa, oo markan ku saabsan cidda bilawgay dagaalka.

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.