Skip to main content

Sunday 19 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Isbeddelka Dhaqaale ee Itoobiya

29 November, 2024
Image
birr
(Xuquuqda sawirka: MICHELE SPATARI/AFP via Getty Images)
Share

Julaay 29, 2024 Baanka dhexe ee Itoobbiya ayaa ku dhawaaqay in habkii sarrifka lacagaha qalaad ee Itoobbiya lagu sameeyay isbeddel, taas oo loo beddelay hab furan oo uu suuqu hoggaaminayo (Flexible or Floating Exchange System), waxa ayna daba socotay dedaallada isbeddel ee uu Abiy Axmed, bilowgiiba la soo galay dalka Itoobbiya iyo guud ahaan Geeska. Sannadkii 1992 ayay Itoobbiya qaadatay nidaamka furnaanshaha la maamulo (Managed Floating) taas oo sarrifka lacagaha uu maamulayo Bangiga dhexe, iyada oo uu awood u leeyahay in uu soo iibsado ama iska gado lacagaha qalaad, nidaamkan oo ah kan ay maraan badi dalalka doonaya in ay u gudbaan nidaamka uu sarrifku hagayo suuqu. Nidaamkaa oo ay weheliyaan nimaadyada Ilaalada Iskubeddelka Tooska ah (Direct Exchange Control) ayaa sabab u noqotay in dhaqaalaha Itoobbiya uu ka xirxirnaado dalalka dunida, sidoo kalena aanay muwaadiniinteedu awood u yeelan in ay si xor ah dunida uga dukaamaystaan ama u maalgashadaan, xannibaadna ay ka saarnayd helitaanka lacagaha qalaad ee lagu haysanayo gudaha Itoobbiya, sidoo kalena ay adkayd in dadyowga qalaad ay maalgashadaan gudaha dalka.

Abiy Axmed, kolkii uu yimidba waxa uu keensaday rag khuburo ah oo ay ka mid yahiin madaxa Bangiga Dhexe Mamo Mihretu oo hore ula shaqayn jiray Baanka Dunida iyo Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide oo hore uga soo shaqeeyay wasaarado kala duwan. Qorshaha isbeddelka dhaqaale oo ahaa mid aad loogu dhug lahaa waxaa horraantii saameeyay xanuunkii Covid 19 iyo dagaalkii ka qarxay deegaanka Tigreega. Barnaamijkan dib u habaynta ah waxaa dabada ka riixayay hay’adda International Monetary Fund (IMF) oo ku doodaysay in lacagta Itoobbiya ee birta ah ay ka qiima sarrayso (Overvalue) marka loo barbardhigo tan doolarka iyo kuwa la midka ah, muhiimna ay tahay in habka isku sarrifka lacagaha jaangoyntiisa loo daayo suuqa oo uu bangiga dhexe ka daayo faragalinta tooska ah. Ka hor Julaay,  sarrifka baanka dhexe ee halkii  doollar ayaa marayay 57 birr, halka suuqa madow oo caqabad weyn ku hayay saldhigashada dhaqaalaha Itoobbiya uu marayay halkii doollar 115 Birr oo ah lacag ku laban laabata tan dawladdu dejiso. Sarrifyada suuqa madow ayaa sababi jirey sicir barar aanay ka jawaabi karin dawladdu maadaama aanay lacagahaa gacanta ku hayn uuna ka baxsanaa nimaadka u yaalla dawladda. Sicirbararka waxaa sii siyaadiyay kolkii xukuumadda Abiy Axmed ay 2020 beddeshay waraaqaha lacagtii Itoobbiya, iyada oo ku sababaynaysa in ay la dagaallamayso musuqmaasuqa, kordhinaysona korniinka dhaqaale ee Itoobbiya. Sidoo kale, waxaa sicirbararka qayb weyn ku lahaa dagaallada isxigxiga ee ka taagan Itoobbiya oo ay ugu weynayd tii uu Abiy la galay gobolka Tigreega.

Iyada oo ay taagan tahay dhaqaale xumo weyn, shacabkuna ay aad uga cabanayaan kala badnaanta mushaharka ay dawladdu bixiso iyo sicirbararka heerka sarreeya ee dalka ka taagan ayay dawladdu hirgalisay nidaamkan cusub ee suuqa faraha looga qaadayo isbeddelka iyo qiimaha lacagaha qalaad. Maalinkii koowaad ee lagu dhawaaqay isbeddelka ayay lacagta birtu hoos u dhacday qaddar 30% ah (depreciation of 30%), hadda oo ay taariikhdu tahay Noofeenbar 6, 2024 waxa uu halkii doollar u dhigmaa 120.5 birr taas oo ka dhigan in qiimaha lacagta birtu ay hoos u dhacday in lagu qiyaasi karo 111.4%. Isla waqtigaas ayay IMF habka caawimaadda dhaqaalaha ee dalalka soo koraya ka saacida dib u habaynta hay’adohooda dhaqaale ee loo yaqaan The Extended Credit Facility (ECF) oo u dhigan deyn aan dulsaar lahayn ama dulsaarkeedu aad u yar yahay Itoobbiya ugu ansixisay $3.4 bilyan oo qayb ka noqonaya sidii loo xasillin lahaa dheelliga ku imanaya dhaqaalaha weyn (Microeconomic).

Faa’iiddada iyo khasaaraha ka dhalanaya dib u habayntan ama isbeddelkan:

Khasaaraha: khasaaraha ugu weyn ee barnaamijkan ka dhalanaya ee haddana muuqda ayaa ah sicirbarar weyn, taas oo ay ka dhalatay hoos u dhaca ku yimid lacagta birta ah ayna keensatay in dadku si xawli ah ku urursadaan lacagaha qalaad, marka ay badatay baahida lacagaha qalaadna ay qiima beeshay tii guduhu, markaas oo uu kor u kacay sicirbararka guduhu. Isla sicirbararkaa ayaa keensanaya in ay shaqo la’aan baahsan dhacdo bilowga iyo in isweydaarsiga ganacsiga ee dibadda iyo guduhu uu hoos u dhac ku yimaado dhanka Itoobbiya. Waxaa iyaduna muuqata in hoos u dhacaa qiime uu kordhinayo dhibaatadii deynta ee taagnayd oo la koraysa kororka lacagta, sidoo kalena, ay Itoobbiya ku soo dhacday dabinka sanduuqa lacagta caalamiga ah (IMF) ee deymaha ayna ku khasbanayd ama ayba doonaysay Itoobbiya in ay hesho lacag deyn ah oo ay ku daboosho sicirbararka ka dhalanaya isbeddelkan. Waxaa kale oo iyana ka dhalanaysa in ay suuqa sarrifyada ay maamulaan wakiillo kooban (Oligopolistic Forex Market).

Faa’iiddada: In katoo aanay faa’iiddada isbeddelkani soo baxayn xilli hore, haddana waxaa muuqata in ay ka dhalanayso dhawr arrimood oo faa’iiddo u leh shacabka iyo dadka Itoobbiya. Waxaa is furfuraya dhaqaalaha dalka taas oo u sahlaysa in shirkadaha dunidu ay maalgashtaan dalka Itoobbiya taas oo koboc dhaqaale iyo shaqa abuur u noqonaysa Itoobiya, sidoo kale, waxaa sahlanaanaysa in shacabka u dhashay Itoobiya ay maalgashi ku samayn karaan dalal qalaad. Waxa kale oo isbeddelkan ka dhalanaya in tartanka ganacsi ee Itoobiya iyo dunidu kor u soo kaco. Waxaa intaa u dheer in Itoobbiya ay ku biiri doonto ururrada caalamiga ah ee ku shuqulka leh arrimaha ganacsiga sida Ururka Ganacsiga adduunka oo hore ugu arkaysay in aanay Itoobbiya buuxin shuruudihii loo baahnaa oo ay ugu horrayso nimaadka iskubedelka lacagaha.

Ka dib, ku dhawaaqistii go’aankan, dawladda Itoobbiya waxa ay qaadday tallaabooyin dhawr ah oo taageeraya sidii uu nidaamkani ugu hirgeli lahaa qaab guulaysta. Tallaabooyinka ay qaadday dawladdu waxaa ugu muhiimsanaa in ay kor u qaaddo mushaharaadka shaqaalaha dawladda si ay ula jaanqaadaan heerka qiimedhac ee ku yimid lacagta dalka. Sidoo kale, nidaamkan waxa uu saacidayaa Soomaalida oo caan ku ah dhanka ganacsiga iyo maalgashiga, nidaamkanina waxa uu ka saacidayaa in ay maalgashadaan Itoobbiya faaa’iidda na ka dhexraadiyaan in ka badan boqol iyo labaatan Milyan oo Itoobbiyaan ah.

Qoraallada kale ee qoraaga