Wednesday 12 August 2026
Boqortooyada Sacuudigu waxa ay shaacisay hindise lagu abuurayo isbahaysi difaaca badda ah oo dalal badan ka kooban, ujeedkiisuna yahay in lagu xoojiyo nabadgalyada Badda Cas iyo ilaalinta iskusocodka badda. Waa tallaabo kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan hanjabaadaha lagu hayo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga iyo jidadka la isugu gudbiyo tamarta caalamiga ah ee mara mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan dunida.
Sida ku cad shaacintan ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Sacuudigu, oo ay Wakaaladda Reuters soo tebisay faahfaahintiisa, waa hindise ujeedkiisu yahay xoojinta amniga Badda Cas, ilaalinta iskusocodka badda iyo nabad ilaalinta jidadka ganacsi ee caalamiga ah iyo jidadka tamarta la mariyo, waxaana dheer in isbahaysigani ilaalinayo danaha badeed ee dalalka qaybta ka ah gobolka Badda Cas, Baab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed.
Reuters waxa ay xustay in dalal ka kooban 43 dal iyo Midawga Yurub ay kasoo qayb galeen kulan lagaga doodayay hindisahan, iyadoo 14 dawladood ay shaaciyeen inay isbahaysigaas taageersanyihiin, dalalkan oo ay ku jiraan Turkiga, Baakistaan, Masar, Suudaan, Jabbuuri iyo Soomaaliya. Wakaaladdu waxa ay xustay in Sacuudigu uu noqonayo dalka aasaaska yeelanaya, hoggaaminaya isbahaysiga, sidoo kalena marti gelinaya xarunta isbahaysiga.
Hindisahan la shaaciyey ee isbahaysiga ahi waxa uu kusoo beegmay xilli gobolka Badda Cas ay ka jiraan haliso nabadgalyo oo kor usii kacaya, ka dib markii ay dhaceen weerarro lagu bartilmaameedsaday maraakiib, saameeyeyna dhaqdhaqaaqii ganacsi ee marinkan ka midka ah marinnada ugu muhiimsan ganacsiga caalamiga ah.
Reuters waxa ay xustay in hindisahan Sacuudigu soo baxay ka dib markii ay kor u kaceen hanjabaadaha iyo halisaha xidhiidhka la leh weerarrada Xuutiyiinta, oo Sacuudiga ku khasbay inuu raadiyo iskaashi caalami ah oo lagu ilaaliyo iskusocodka maraakiibta iyo tamarta. Xilliga shaacintani kusoo beegantay waa mid ka tarjumaysa in faylkii Badda Cas uu ka guuray qaddiyad xidhiidh la leh ilaalinta maraakiibta oo keli ah, una wareegay fayl ka ballaadhan intan oo la xidhiidha isdheellitirka awoodaha gobolka, nabadgalyada tamarta iyo xasilloonida jidadka ganacsi ee caalamiga ah.
Badda Cas waa mid ka mid ah marinnada ganacsi ee ugu muhiimsan dunida, sababtoo ah waxa uu isku xidhaa Badda Midhatareeniyanka iyo Badweyna Hindiya, waxaanu jid udubdhexaad ah u yahay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ka dhexeeya Eeshiya, Yurub iyo Bariga Dhexe.
Muhiimadda Baab al-Mandab waa mid ku salaysan goobta jiquraafiyadeed, sababtoo ah waa bar istiraatiiji ah oo isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, waana sababta nabadgalyadiisa ka dhigaysa mid si toos ah u taabanaysa dhaqdhaqaaqa ganacsiga caalamiga ah iyo maraakiibta shidaalka; sidaa darteed, khalkhal amni oo kasta oo ka dhaca gobolkani waa mid saamayntiisu ka gudbayo dalalka ku xeeran, oo gaadhaysa suuqyada caalamig ah, waa sababta awoodaha gobolka iyo kuwa caalamiga ahiba u danaynayaan in la helo tallaabooyin dhab ah oo lagu ilaaliyo isku socodka.
Samaynta isbahaysigu waa isku day uu Sacuudigu ku xoojinayo kaalinta gobolku ku yeelanayo maamulka Badda Cas, isagoo dhisaya isbahaysi dalal badan ku jiraan oo danahoodu si toos ah ula xidhiidhaan xasilloonida marinkan. Jiquraafiga Sacuudiga ayaa suurogalinaysa in Sacuudigu udubdhexaad u noqdo isbahaysiga, sababtoo ah waa dal Badda Cas dherersan, xidhiidh toos ahna la leh nabadgalyada jidadkan ganacsi iyo tamareed.
Isbahaysigan lasoo jeediyey waa mid tilmaamaya in la rabo in laga gudbo marxaladdi halisaha badda uu dal kastaa keligii la macaamili jiray ama lagu hawlgali qaab halista markaas taagan tallaabo laga qaado, loona gudbay marxalad la dhisay hannaan iskaashi oo koobsanaya iswaydaarsiga xogaha iyo wadahawlgalka dalalka ku jira isbahaysiga. Se, guusha isbahaysigani waa mid ku xidhan heerka caddaanta shaqooyinkiisa, sida xubnaha ku jira ay uga go’antahay iyo heerka iswaafaq siyaasadeed iyo millatari ee ay yeelaan karaan dalal marar isku khilaafa waxyaabaha mudnaanta u ah ee gobolka.
Ka sokow ujeeddooyinka la sheegay ee isbahaysiga, haddana dhisidda isbahaysi badaeed oo dalal badan koobsanayaa waa mid leh caqabado kakan. Waxa ugu weyn caqabadda la xidhiidha in si dhab ah loo qeexo heerka hawlgalka iyo kaalinta isbahaysiga; in uu ku koobnaanayo ilaalinta iskusocodka iyo ka wada shaqaynta nabadgalyada badeed, iyo in uu u gudbi karo kaalin millatari oo ballaadhan oo lagaga hortago halista badda lagu hayo. Amniga Badda Cas kuma koobna uun xidhiidhka uu la leeyahay awoodaha badda ka jira, ee sidoo kale waxa uu ku saamoobaa xaaladaha siyaasadeed iyo nabadgalyo ee dalalka Badda Cask u teedsan, siiba Yaman, Suudaan iyo Geeska Afrika. Caqabadda ugu weyni waa in isbahaysigani yeesho weji difaac oo qeexan, sidaasna lagu ilaaliyo iskusocodka caalamiga ah, se aanu qayb ka noqon dagaallada guud ahaan gobolka ka socda.
In Eretariya aanay ku jirin dalalka 14-ka ah ee taageeray isbahaysigani waa arrin dhalinaya isweydiin dhab ah, marka la eego barta istiraatiijiga ah ee ay kaga taallo Badda Cas iyo inay leedahay xeeb dheer oo baddan ah, sidoo kalena ay xidhiidho siyaasadeed la leedahay Sacuudiga iyo Masar.
Kol haddii aanay warar rasmi ahi kasoo bixin ilaa hadda dhinaca Asmara, fasiraadaha sababaha aanay ugu biirin waa uun gorfayn aan caddayn haysan. Sababta ugu weyni waxa ay noqon kartaa dhaqanka soojireenka ah ee Eretariya ee ah inay ilaashato u madaxbannaanideeda siyaasadaha dibadda iyo ka fogaanshaheeda inay shaacin degdeg ah soo saarto, amaba inay weli sugayso darsidda isbahaysiga iyo ujeeddooyinkiisa dhabta ah, ka hor intaanay go’aan qaadan. Ka maqnaanteeda isbahaysigu kama dhigna inuu jiro ismaandhaaf kala dhexeeya Sacuudiga ama Masar.
Si guud, isbahaysigan difaaca badda ee dalalka badan kulmiyey waa isku day in dib loogu qaabeeyo nabadgalyadii Badda Cas, xilli muhiimadda marinnada badeed sii kordhayso. Imtixaanka dhabta ah ee isbahaysigan hor yaallaa waa sida uu u awoodo inuu shaacintan siyaasadeed u beddelo iskaashi badeed oo rasmi ah oo lagu ilaaliyo iskusocodka badeed. Xilli uu sii kordhayo loollanka loogu jiro awood ku yeelashada Badda Cas, isbahaysigani waxa uu noqon karaa mid ka mid ah waxyaabaha qaabaynaya xaaladda amni ee cusub ee gobolka, waa haddii uu ku guulaysto inuu dalalka ku wada jiro ka dhex dhaliyo is oggolaansho muddada dheer ah iyo in ujeeddooyinka la shaaciyey uu tallaabooyin dhab ah u rogo.