Skip to main content

Saturday 11 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Iran: Dilka Hoggaamiyihii Sare Kacaanka iyo Saamaynta Mustaqbalka Bariga Dhexe

11 March, 2026
Image
  Iran: Dilka Hoggaamiyihii Sare Kacaanka iyo Saamaynta Mustaqbalka Bariga Dhexe
Share

Bariga Dhexe waxa uu galay marxalad kale oo xasaasi ah. Gobolka waxa u bilaabmay tartan awood, istaraatiiji, iyo kala adkaansho u muuqda mid kama dambeys ah. Gobolka muddo dheer wuxuu ahaa meel ay ku loolamaan Israa’iil iyo Iran, balse duullaanka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran ayaa u muuqda mid furaya wajigii ugu khatarta badnaa ee iskahorimaadka gobolka tan iyo dagaalladii waaweynaa ee qarnigii 20-aad. Weerarka lagu dilay hoggaamiyihii sare ee Iran, Cali Khaaminaa’i , ma aha oo kaliya dhacdo milatari; waa dhacdo taabanaysa qaab-dhismeedka awoodda ee Iran iyo nidaamka amniga ee Bariga Dhexe oo dhan.

Si loo fahmo weerarka lagu qaaday Iran iyo cawaaqibka ka dhalan kara dagaalkan, waxaa muhiim ah in la fahmo saddex arrimood: sida uu u dhisan yahay nidaamka Iran, sababta ay Mareykanka iyo Israa’iil u qaadeen duullaanka, iyo sida ay Iran uga falcelisay. Saddexdan qodob ayaa si toos ah ugu xidhan saameynta dhaqaale ee dagaalku ku yeelan karo dunida iyo sida mustaqbalka gobolka u ekaan karo.

Qaab-dhismeedka Nidaamka Siyaasadeed ee Iran

Iran waxa ay leedahay nidaam dowladeed oo lagu magacaabo “Jamhuuriyadda Kacaanka Islaamiga ah,” kaas oo ka dhashay kacdoonkiii 1979 ee uu hoggaaminayay Aayatullah Ruxullah Khumeyni kaas oo meesha ka saaray boqortooyadii Shaah. Tan iyo markaas, Iran waxa ay noqotay dawlad ku dhisan mabda’a “Wilayat al-Faqih” — aragti dhigaysa in wadaadka ugu sarreeya uu yahay ilaaliyaha nidaamka iyo jihada kacaanka. Xilka ugu awoodda badan waxa haya Hoggaamiyaha Sare. Inkasta oo ay jiraan madaxweyne iyo baarlamaan si doorasho ah ku yimaadda haddana awoodda dhabta ahi waxay ku urursan tahay gacanta Hoggaamiyaha Sare iyo hay’adaha ilaalinta kacaanka sida ciidamada IRGC, kuwaas oo ah laf-dhabarta amniga gudaha iyo istaraatiijiyadda gobolka.

Ayaatullah Khumeyni waxa uu nidaamkan u dhisay si uu isugu xidho laba awoodood oo is barbar socda: awoodda Diinta ee uu matalo wadaadku iyo rabitaanka shacabka ee ay matalaan doorashooyinka. Isaga oo ka duulaya aragtida “Wilayat al-Faqih”, waxa uu seeska u dhigay in wadaadka ugu sarreeya uu noqdo ilaaliyaha qaranka iyo kacaanka, isaga oo dusha ka kormeera hay’adaha fulinta iyo sharci-dejinta si aanay uga leexan mabaadi’da kacaanka Islaamiga ah.

Hoggaamiyaha Sare waa tiirka ugu muhiimsan ee nidaamka Iran. Jagadan, oo hadda uu hayey inta aan la dilin Ayatullah Cali Khaaminaa’i, ayaa leh awood ka sarreysa dhammaan hay’adaha kale ee dowladda. Hoggaamiyaha Sare ayaa go’aamiya jihada guud ee siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga qaranka, ciidamada, iyo siyaasadda dibadda. Waxa uu si toos ah u magacaabaa hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya ee ciidamada, madaxda warbaahinta dowladda, iyo qaar ka mid ah xubnaha hay’adaha muhiimka ah sida Golaha Ilaalada. Inkastoo Iran ay leedahay madaxweyne iyo baarlamaan la doorto, awooddooda mar walba waxa ka sarreeya tan Hoggaamiyaha Sare.

Hay’adda labaad ee saameynta weyn leh waa Golaha Ilaalada (Guardian Council). Golahaas waxa uu ka kooban yahay 12 xubnood oo kala ah culimo iyo sharci-yaqaanno. Shaqadoodu waa laba arrimood: mid waa inay hubiyaan in sharci kasta oo baarlamaanku ansixiyo uu waafaqsan yahay dastuurka iyo shareecada Islaamka; midda labaadna waa inay kormeeraan doorashooyinka oo ay go’aamiyaan cidda u tartami karta xilalka siyaasadeed. Taas macnaheedu waa in golahani leeyahay awood weyn oo uu ku xakameeyo siyaasadda dalka.

Golaha Khubarada (Assembly of Experts) waa hay’ad kale oo muhiim ah oo ka kooban culimo la soo doorto. Waxa ay tahay shaqadoodu ama loo igmaday inay doortaan — kormeeraana Hoggaamiyaha Sare ee Iran. Golahan ayaa ka kooban 88 xubnood oo ah culimo ku takhasusay cilmiga sharciga Islaamiga ah, kuwaas oo ay shacabka Iran soo doortaan muddo xileed dhan siddeed sannadood. Qaab-dhismeedka goluhu wuxuu ka kooban yahay guddiga hoggaanka guud iyo lix guddi-hoosaad oo leh hawlo kala duwan oo sharciyeed. Inkasta oo goluhu dastuuri ahaan leeyahay awoodda kormeerka iyo xataa beddelidda Hoggaamiyaha Sare haddii uu gudan waayo waajibaadkiisa, haddana ficil ahaan, hay’addani waxay u shaqaysaa sidii marin sharci oo lagu ansixiyo go'aamada ay gaadhaan xarumaha awoodda ee ka baxsan hannaanka doorashada. Sidaas darteed, golahani wuxuu udub-dhexaad u yahay habsami-u-socodka xukunka iyo kala-guurka hoggaamineed, inkasta oo awooddiisa dhabta ah ay xaddidayaan shaandhaynta musharraxiinta oo ay maamusho Golaha Ilaalada (Guardian Council), taas oo ka dhigaysa in xubnaha soo baxaya ay had iyo jeer yihiin kuwo waafaqsan aragtida siyaasadeed ee nidaamka

Madaxweynaha Iran waa madaxa fulinta ee dowladda, waxaana si toos ah u doorta shacabka. Madaxweynaha ayaa maamula dhaqaalaha, siyaasadda gudaha, iyo maamulka dowliga ah. Si kastaba ha ahaatee, awoodda madaxweynaha waxa ay ku xaddidan tahay xeerarka nidaamka iyo go’aamada Hoggaamiyaha Sare. Taasi waa sababta mararka qaar ay u dhacdo in madaxweynayaal kala duwan ay leeyihiin aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan, balse siyaasadda guud ee dalka ayna saameyn ku yeelan aragtidooda siyaasadeed ..

Baarlamaanka Iran, oo loo yaqaan Majlis, waxa uu ka kooban yahay xubno la soo doorto oo sharciyada dalka ansixiya. Majlis waxa uu door ku leeyahay dejinta miisaaniyadda, sharciyada dhaqaalaha, iyo arrimo kale oo dowladeed. Si kastaba ha ahaatee, sharci kasta oo uu ansixiyo waa inuu maro Golaha Ilaalada si loo hubiyo inuu waafaqsan yahay dastuurka iyo shareecada.

Ciidamada Iran laftooda waxay u qaybsan yihiin laba garab oo kala duwan oo leh shaqooyin gaar ah. Mid waa ciidamada difaaca caadiga ah ee dalka oo loo yaqaano Atash, kuwaas oo u qaabilsan difaaca xuduudaha iyo saadka ciidamada . Garab kale waa ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo ah hay’ad militari iyo siyaasadeed oo aad u awood badan. IRGC waxa uu leeyahay ciidamo gaar ah, awood dhaqaale, iyo shabakad saameyn ku leh gobolka oo ay ku jiraan kooxo xulafo ah sida Xusbulah iyo maleeshiyaad kale oo ku sugan Ciraaq, Suuriya iyo Yemen. Doorka IRGC ayaa muhiim u ah istaraatiijiyadda Iran ee loo yaqaan “difaaca hore,” taas oo ah in khilaafaadka lagu riixo meel ka baxsan xuduudaha Iran.

Sababaha Weerarka Mareykanka iyo Israa’iil

Si loo fahmo sababta Mareykanka iyo Israa’iil ay marar kala duwan u beegsadaan Iran ama danaha ay ku leedahay gobolka, waxaa muhiim ah in la fahmo sida ay labada dal u arkaan Iran marka la eego amniga gobolka iyo kan caalamka. Arrintu ma aha oo kaliya khilaaf siyaasadeed oo fudud, balse waa isku dhac istaraatiiji ah oo soo jiray in ka badan afartan sano, kaas oo salka ku haya aydhiyoolijiyad , awood militari, iyo loollan ku saabsan cidda hoggaamin doonta Bariga Dhexe.

Tan iyo kacdoonkii Islaamiga ahaa ee 1979, Iran waxa ay isu aragtay dowlad leh aragti gaar ah oo ku saabsan nidaamka gobolka. Kacdoonkaas ayaa meesha ka saaray nidaamkii Shah ee xulafada dhow la ahaa Mareykanka, waxaana beddelay nidaam ku dhisan mabda’a “Jamhuuriyadda Kacaanka Islaamiga ah.” Hoggaamiyeyaasha Iran waxay si cad u muujiyeen in ay ka soo horjeedaan saameynta Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo jiritaanka Israa’iil sida ay hadda tahay. Sidaas darteed, tan iyo markaas waxaa jiray loollan istaraatiiji ah oo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka , halka Israa’iil ay Iran u aragto khatarta ugu weyn ee mustaqbalka ee amnigeeda.

Muddo sanado ah waxaa socday dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xallinayo muranka ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iran. Heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ayaa ahaa isku day lagu xaddidayo kobcinta Yuraaniyamka-ka ee Iran iyadoo laga qaadayo cunaqabateynta dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, markii maamulka Donald Trump uu ka baxay heshiiskaas 2018, xiisaddu mar kale ayay kor u kacday, waxaana Iran dib u bilowday qaar ka mid ah hawlihii nukliyeerka.

Ka bixitaanka heshiiska kadib, Mareykanku wuxuu bilaabay waxa loo yaqaan “maximum pressure campaign” — ololaha cadaadiska ugu sarreeya. Cunaqabatayn dhaqaale oo aad u culus ayaa lagu soo rogay Iran: dhoofinta saliidda ayaa la xaddiday,bangiyada Iran ayaa laga jaray nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah, shirkadaha caalamiga ah ayaa laga mamnuucay inay ganacsi la sameeyaan Iran. Ujeeddada Mareykanku waxay ahayd in Iran lagu qasbo heshiis cusub oo ka adag kii 2015.

Sanadihii xigay waxaa socday wada-hadallo cusub oo diblomaasiyadeed, balse shuruudaha ay Mareykanku soo jeediyeen—gaar ahaan kuwa la xidhiidha joojinta kobcinta Yuraaniyamka-ka heerar sare iyo xaddidaadda gantaallada balaastiga—waxay ahaayeen kuwo aan Iran diyaar u ahayn inay aqbasho. Fashilka wada-hadalladaas ayaa sii kordhiyay shakiga labada dhinac, waxaana si tartiib ah u soo muuqday suurtagalnimada in khilaafku isu beddelo dagaal.

Tallaabooyinkaas diblomaasiyadeed ee fashilmay waxay dhalisay in loolanku ka guuro miiska wadahadalka una wareego fagaarayaasha dagaalka. Israa’iil waxa ay qaaday 13 June 2025 dagaalkii loogu magacdaray "12 cisho ee dagaalka", dagaalkaas waxa uu ahaa tijaabo weyn oo lagu eegayay nidaamka difaaca Iran iyo awoodda ay u leedahay inay ka jawaabto weerarada gudaha.

Markale Febraayo 28 2026, Mareykanka iyo Israa’iil waxay qaadeen weerar toos ah oo lama filaan ah. Markii uu duullaanku bilaabmay, Aqalka Cad wuxuu sheegay in hawlgalku leeyahay afar ujeedo istaraatiiji ah: Burburinta barnaamijyada gantaalaha riddada dheer ee Iran, Curyaaminta kaabayaasha nukliyeerka ee Iran, Wiiqidda awoodda ciidamada IRGC iyo shabakadaha xulafada gobolka, Cadaadis lagu saarayo nidaamka kacaanka in la beddelo ama u dumo.

Maalintii ugu horraysay ee dagaalka, weerarro duqayn cirka ah ayaa lagu qaaday xarumo qarsoodi ah oo ay ka mid ahaa guriga uu markaa deganaa Aayatullah Cali Khaaminaa’i. Weerarradaas waxaa lagu dilay Hoggaamiyihii Sare ee Iran, Cali Khaaminaa’i, iyo qaar ka mid ah saraakiishii ugu sarraysay ee ciidamada IRGC. Hawlgalkan wuxuu muujiyay heerka uu gaadhsiisan yahay dhex-galka sirdoonka reer galbeedka gudaha Iran. Hay’adaha sirdoonka sida Mossad iyo CIA ayaa la sheegay inay muddo sannado ah ka dhex shaqaynayeen gudaha nidaamka Iran, iyagoo uruurinayay xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada militariga iyo madaxda sare.

Mareykanka iyo Israa’iil waxay filayeen in dilka Hoggaamiyaha Sare Cali Khaaminaa’i uu dhalin doono laba natiijo oo degdeg ah. Midda koowaad waxay ahayd in nidaamka Iran galo jahwareer siyaasadeed oo horseeda kala daadsanaan gudaha ah. Midda labaadna waxay ahayd in gudaha dalka ay ka bilaabmaan kacdoonno dadweyne oo ka dhan ah nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Istaraatiijiyaddan waxay ku dhisnayd aragti ah in nidaamka Iran uu si weyn ugu tiirsan yahay hal hoggaamiye oo awood badan. Sidaas darteed, haddii hoggaamiyahaas meesha laga saaro, waxaa la filayay in nidaamku si degdeg ah u daciifo ama uu burburo.

Si kastaba ha ahaatee, taariikhda siyaasadda iyo dagaallada casriga ahi waxay muujinaysaa xaqiiqo ka duwan aragtidan. Dawlad ama nidaam siyaasadeed badanaa laguma rido oo keliya weerarro dibadda ah ama duqaymo cirka ah. Burburka nidaamku inta badan wuxuu yimaadaa marka cadaadis dibadeed uu ku lammaan yahay xoogag gudaha ah oo diyaar u ah inay nidaamka ka tuuraan awoodda.

Xaaladda Iran, illaa hadda ma muuqato awood gudaha ah oo si muuqata u abaabulan oo awood u leh inay nidaamka ka rido talada. Taasi waxay sharxaysaa sababta ay u adkaatay in la gaadho guul degdeg ah oo militari iyo mid siyaasadeed. Sidaa darteed, qorshihii hore ee ay wateen Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu—kaas oo ku salaysnaa in dagaalku si dhakhso ah u keeno isbeddel gudaha Iran—wuxuu u muuqdaa mid aan si fudud u hirgelin, ama ugu yaraan aan u socon sida ay markii hore filayeen

Laakiin su’aasha la iswaydiinayo waxa ay tahay Maraykanku muxuu rabaa ? Uma muuqato in cid ka tirsan maamulka uu hadafkoodu cad yahay ama si cad u qeexi karta waxa dhabta ah ee ay rabaan marka laga tago israaiil waxa ay rabto.

Ugu dambeyntii Hadafka Israa’iil waa inay ilaa xadka u sarreeya wiiqdo awoodaha nidaamka Iran, haddii ay suurtogal tahayna, inay dumiso gabi ahaanba dawladnimada Iran.

Falcelinta Iran

Markii weerarradu dhaceen, Iran si degdeg ah ayay uga falcelisay. Dowladda Iran waxay ku tilmaantay duullaanka mid si toos ah u bartilmaameedsanaya jiritaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, jawaabta Iran kuma koobnayn weeririda Israa’iil oo kali ah. Istaraatiijiyadda Iran waxay ku dhisnayd fikrad loo yaqaan regional escalation” — taas oo macnaheedu yahay in dagaalka lagu balaadhiyo gobolka oo dhan si kharashkiisa iyo khatartiisu u gaadhaan dhammaan dhinacyada ku lug leh.

Sababaha Iran ugu fidisay dagaalka gobolka waxay ahaayeen dhowr arrimood. Marka koowaad, Iran waxay rumaysnayd in saldhigyada milatari ee Maraykanku ku leeyahay dalalka Khaliijka ay qayb ka ahaayeen hawlgallada lagu qaaday Iran. Dalalka sida Baxrayn, Qatar, Kuwayt iyo Imaaraatka waxaa ku yaalla saldhigyo milatari oo Mareykanku isticmaalo. Marka labaad, Iran waxay doonaysay in xulafada Maraykanku ay dareemaan khatarta dagaalka, si cadaadis siyaasadeed loogu saaro in la joojiyo colaadda. Marka saddexaad, Iran waxay rabtay inay muujiso awooddeeda “deterrence”, taas oo ah awoodda ay ku muujinayso in weerar kasta oo lagu qaado uu keeni doono jawaab ballaadhan.

Sidaas darteed, weerarrada Iran kuma ekayn oo keliya saldhigyada milatari. Gantaallo ridada dheer iyo daroonis ayaa lagu qaaday goobo muhiim ah oo rayid iyo ganacsi ah oo ku yaalla gobolka, sida magaalada Dubay iyo kaabayaasheeda ganacsi, garoonka diyaaradaha ee Kuwayt, iyo xarumo muhiim ah oo ku yaalla Qatar. Weerarradu halkaas kuma joogsan, waxaana xigay in Iran si toos ah u bartilmaameedsato xarumaha xogta (data centers) ee ay leeyihiin Amazon iyo Microsoft. Qaybta Azure ee Microsoft, oo ah nidaam lagu kaydiyo xogta oo ay ku shaqeeyaan hay’ado muhiim ah sida NATO, Wasaaradda Difaaca Mareykanka, iyo bangiyada waaweyn ee Reer Galbeedka, ayaa sidoo kale la beegsaday.

Tani waxay muujinaysaa in Iran aysan ku koobnayn dagaal milatari oo keliya, balse ay sidoo kale bartilmaameedsanayso kaabayaasha dhaqaale iyo teknoolojiyadeed ee Maraykanka iyo xulafadiisu ku tiirsan yihiin Khaliijka. Ujeeddada weerarradani waxay ahayd in la muujiyo in dagaalku si toos ah khatar ugu yahay xarumaha ganacsiga iyo gaadiidka ee Bariga Dhexe.

Tallaabada ugu saameynta weyn waxay noqotay markii Iran ku dhawaaqday carqaladeynta maraakiibta ka gudba Marinka Hormus— marin-biyoodka ugu muhiimsan ee ganacsiga tamarta dunida. Qiyaastii 20% saliidda caalamka ayaa maalin kasta mara marinkan, sidaas awgeed khatar kasta oo ku timaadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa suuqyada caalamiga ah. Istaraatiijiyadda Iran waxay ahayd mid cad: haddii Iran la weeraro, gobolka oo dhan waa inuu dareemo cawaaqibka.

Dhanka kale, xaaladda gudaha Iran lafteedu waxay noqotay mid murugsan. Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa farriin muuqaal ah oo uu soo duubay ku sheegay in Iran ay raalli-gelin ka siinayso waddamada deriska ah waxyeelladii ka dhalatay weeraradii Iran ku qaaday wadamada Khaliijka. Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah weerarradaas ay si madax-bannaan u fuliyeen taliyayaal goboleed ka dib markii la dilay hoggaankii sare ee dalka. Pezeshkian sidoo kale wuxuu sheegay in golaha hoggaamineed ee ku-meel-gaadh ahi uu amar ku bixiyey in la joojiyo weerarrada deriska, marka laga reebo haddii dhulkooda loo adeegsado weerar ka dhan ah Iran.

Hadalka madaxweynaha wuxuu soo bandhigay su’aal weyn oo ku saabsan cidda dhab ahaantii gacanta ku haysa talada Iran. Ka dib maqnaanshaha Cali Khaaminaa’i, waxaa muuqata khilaaf u dhexeeya maamulka rayidka ah iyo IRGC. Iyadoo madaxweynuhu ku baaqay xasilooni, IRGC ayaa u muuqata awood si madax-bannaan u dhaqmeysa; xitaa wax yar ka dib markii hadalka Pezeshkian la baahiyey, IRGC ayaa weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Dubay.

Saameynta Dhaqaale

Dagaalka u dhexeeya Iran iyo xulafada Mareykanka waxa uu leeyahay saameyn dhaqaale oo aad uga ballaadhan xuduudaha Bariga Dhexe. Gobolka Khaliijka ayaa ah halbowlaha tamarta adduunka, sidaas darteed qalalaase kasta oo ka dhaca halkaas waxa uu si toos ah u taabanayaa suuqyada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa saliidda, gaaska, iyo silsiladaha sahayda.

Mid ka mid ah meelaha ugu xasaasisan waa marinka badda ee Hormus. Marinkan oo u dhexeeya Iran iyo dalalka Khaliijka waxa maalin kasta mara qiyaastii shan-meelood meel saliidda dunida laga isticmaalo. Haddii xiisadda milatari ay keento in marinkan la xidho ama uu noqdo meel khatar badan, suuqyada tamarta ayaa si degdeg ah u falcelin doona. Khubarada dhaqaalaha ayaa saadaalinaya in qiimaha saliidda caydhiin uu si fudud uga boodi karo heerarka caadiga ah oo uu gaadhi karo $150 ilaa $200 foostadii . Saameyntani waxay si gaar ah u taaban doontaa waddamada warshadaha waaweyn leh sida Shiinaha, Hindiya, Jabaan, iyo Koonfurta Kuuriya, kuwaas oo si weyn ugu tiirsan saliidda ka timaadda Khaliijka.

Dhanka kale, gaaska dabiiciga ah ayaa sidoo kale noqon karta mid si weyn u saameysa suuqa ganacsiga dunida . Dalka Qatar waxa uu ka mid yahay dhoofiyeyaasha ugu waaweyn gaaska LNG ee dunida, waxaana maraakiibta qaada gaasku si joogto ah uga gudbaan isla marinkan Hormus. Haddii maraakiibtaasi ay wajahaan khataro milatari ama xannibaado, sahayda gaaska ee suuqyada Yurub iyo Aasiya waxay geli kartaa xaalad qalalaase ah. Arrintani waxay kor u qaadi kartaa qiimaha tamarta, gaar ahaan xilliyada ay dalal badan ku tiirsan yihiin gaaska si ay u daboolaan baahida korontada iyo warshadaha. Wasiirka tamarta ee Qatar ayaa sidoo kale ka digay in haddii marinka Hormus la xannibo ama uu khatar galo, sahayda gaaska dabiiciga ah ee caalamka ay si weyn u carqaladoobi karto, taas oo sababi karta in suuqyada tamartu galaan qalalaase weyn.

Saameyntu kuma koobnaan lahayn oo keliya tamarta. Bariga Dhexe waa goob muhiim u ah soo saarista bacriminta beeraha (fertilizers), gaar ahaan amuuniya iyo walxo kale oo lagama maarmaan u ah wax-soo-saarka cuntada. Qiyaastii 25% ayaa ka timaadda gobolka. Haddii marinka Hormus sii xidhnaado muddo dheer, waxaa laga yaabaa in wax-soo-saarka iyo dhoofinta bacriminta ay carqaladoobaan, taas oo kor u qaadi karta qiimaha bacriminta isla markaana si dadban u saameyn karta qiimaha cuntada ee caalamka.

Sidoo kale, xidhitaanka Hormus ma saameyn karo oo keliya sahayda saliidda iyo bacriminta, balse waxa uu saamayn ku yeelan karaa warshado badan oo ku tiirsan waxyaabaha laga helo sifaynta saliidda iyo gaaska. Qiyaastii 92% sulfur-ka dunida waxaa laga soo saaraa sifaynta saliidda iyo gaaska, waxaana laga sameeyaa asiidhka sulfariigga (sulfuric acid), oo ah kiimikada ugu badan ee warshadaha dunida lagu isticmaalo, waddamada khaliijku waxa ay soo saaraan 44% sulfur dunida laga isticmaalo . Kiimikadani waxay muhiim u tahay soo saarista macdano sida naxaasta (copper) iyo kobalt-ka (cobalt), kuwaas oo muhiim u ah qalabka korontada sida taraansfomariska iyo baytariyada gaadiidka korontada ku shaqeeya. Haddii marinka Hormus uu sii xidhnaado muddo dheer, waxaa laga yaabaa in khalkhal ku yimaadda sahayda saliiddu uu si tartiib ah u saameeyo silsiladaha wax-soo-saarka ee warshadahaas.

Ugu dambayn, dagaal ama xannibaad ka dhacda marin-biyoodka Hormus wuxuu kordhin karaa kharashka caymiska iyo amniga ee maraakiibta ganacsiga, waxaana laga yaabaa in qaar ka mid ah maraakiibtu ay ka fogaadaan gobolka. Haddii xaaladdu sii socoto, tani waxay keeni kartaa dib-u-dhac ku yimaadda ganacsiga caalamiga ah iyo cadaadis dhaqaale oo si tartiib ah ugu fida suuqyada dunida.

Sinaariyoska Dagaalka iyo Mustaqbalka Bariga Dhexe

Mustaqbalka Bariga Dhexe waxa uu ku xidhan yahay sida xiisadda u dhexeysa Iran, Mareykanka, Israa’iil, iyo xulafadooda u sii socoto. Waxaa jira dhowr xaaladood oo istaraatiiji ah oo suuragal ah:

Sinaariyada 1: Guusha Mareykanka iyo Israa’iil

Haddii ay Mareykanka iyo Israa’iil ay ku guulaystaan burburinta warshadaha soo saara hubka riddada dheer, darooniska iyo kaydadkooda, nidaamka Kacaanka Iran wuu daciifi karaa, quwadaha gobolka wax ku kaliyeysan doonta Israa’iil, Bariga Dhexe-na wuxuu geli karaa nidaam hal quwad ka taliso.

Sinaariyada 2: Badbaadada Kacaanka Iran

Haddii nidaamka Iran uu ka badbaado weerarrada, Iran waxay sii militaroobi kartaa, barnaamijka nukliyeerka ayaa dardar geli kara, dagaallada wakiillada (proxy wars) ee gobolka ayaa sii kordhi kara, taas oo keeni doonta in xasilloonida gobalku aanay saldhigin.

Sinaariyada 3: Dagaal Gobolka oo Dhan

Haddii xulafada Iran sida Xisbullah, Xuutiyiinta, iyo kooxaha Shiicada Ciraaq ay si buuxda u galaan dagaalka, Israa’iil waxay wajihi kartaa dagaal dhowr jiho ah. Dalalka Khaliijka iyo maraakiibta ganacsiga waxay noqon doonaan bartilmaameedyo, iyadoo dhaqaale iyo amni daradu ay sii kordhi karto.

Sinaariyada 4: Heshiis Diblomaasiyadeed

Suurtagalnimada heshiis diblomaasiyadeed ayaa soo bixi karta marka uu kharashka dagaalku gaadho heer aan la xamili karin, gaar ahaan haddii xidhitaanka Marinka Hormus uu sii socdo, taas oo horseedaysa in ay istaagaan maraakiibta sidda saliidda iyo gaaska, isla markaana ay ruxmaan nidaamka iyo silsiladaha dhaqaalaha ee dunida. Waddamada ugu badan ee ku tiirsan suuqyada Khaliijka iyo Iran—sida Shiinaha, Hindiya, Japan, iyo Koonfurta Kuuriya—ayaa laga yaabaa inay soo dhexgalaan ayna labada dhinac ka dhexbilaan wadahadallo diblomaasiyadeed . Waddamadani waxay taageero buuxda ka heli karaan dawladaha Khaliijka, haddii waddamada Khaliijku aanay si toos ah ugu biirin xulafada dagaalka ku qaaday Iran, iyada oo ujeedku yahay in la helo xal degdeg ah oo dagaalka lagu joojiyo, laguna badbaadiyo xasilloonida dhaqaalaha caalamka.