Skip to main content

Friday 13 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Intaan Uur Kala Guurin

22 January, 2026
Image
Intaan Uur Kala Guurin
Share

Maxaa keena in dadku gedoodo oo furka tuuro dabadeed gacanta ka hadlo ama ugu yaraan gaar u tashado? Ummadaha iyo qarammada raba in ay dhismaan maxaa ku keena cunfiga siyaasadeed iyo qulqulatooyinka laga yaabo in qaybo ka mid ah bulshadu ay ku kacdo ka dibna gaadho heer ay qoriga u qaadato ama u “jabhadayso” sidii dalladda guud loo burburin lahaa? Kolka la soo koobo, maxaa dadka kala dila?

Jawaabta wayddiimahaasi waxay daadsan yihiin laamaha culuunta baadha bulshooyinka iyo nafsadda. Si aynu isugu soo xoorinno, waxaynu u baahannahay in aynu ka bilaabno buugga muhiimka ah ee Why Men Rebel (1970) oo uu qoray caalinka siyaasadda ee Tedh Robeert Geer. Buuggu wuxuu u dhabbagelayaa sababaha cunfiga siyaasadeed, fallaagawga iyo gedoodka, iyo xasilloonidarrada bulsheed. Wuxuu ku salaysan yahay aragtiyaha cilmiyeed ee kasmanafeedda, cilmibulshaha, iyo xogaha tijaabagalka ah ee darka sayniska ka soo cabba. Mudane Geer wuxuu waxqabadkiisan ku dejiyay haykal iyo diirad lagu fahmi karo sababta dadku, qof-qof iyo koox-kooxba, u go’aansadaan in ay awoodaha jira ku kacaan oo afka u gembiyaan. Buugga waxa udubdhexaad u ah fahanbixinta “dhuunqabadka gaarka ah – relative deprivation” oo uu ku tilmaamayo in ay tahay aabbaha iyo hooyada dhib oo dhan iyo isha halaagga kala’irdhawgu ka soo burqado. Dadweynuhu si uu u gedoodo u ma baahna in uu saboolnimo ama baabba’ lafaha jebiya la kulmo si uu u diiro, ee waxa ku filan in uu is dareensiiyo in si goonni ah loo garbinayo oo looga reebayo waxa la wada leeyahay.

Waa maxay dhuunqabadka gaarka ahi? Waa fahanka aad ka haysato xaqdarrada. Heerka aad joogto ee daran (tusaale ahaan, waxaad ka maqan tihiin miiska talada lagu gooyo) ayaad u aanaynaysaa xaaladda horumardarrada ah ee aad ku sugan tahay. Waxanba waxa iigu wacani ma aha kartidarro bartaa i dhigtay ee waa in dhan la iga maray oo duruuftan la ii maleegay, ayaad qun u aaminaysaa. Tuhunkaas oo ay wax ka jiri karaan, dhanka kalana ismoodsiis noqon kara, ayaa qofka ku beera dareenka ah in si gaar ah loo dhuunqabtay. Muhiimaddu ma aha waayaha uu qofku sawirtay miyuu jiraa, ee waxa inagu filan qofku sidaa ma dareemayaa. Sidaas buu beri hore inoo muujiyay caalinkii taariikhda iyo cilmibulshaha ee Gaarri Ransiman oo buuggiisa Relative Deprivation and Social Justice (1966) ku qaadaadhigay sida maanhagga iyo tuhunka caddaaladdarradu aanu culays ahaan uga dhicin kolka xaqdarradu ay jirto. Haddii la kala shakiyo, waa bes.

Kolka xaaladdaada iyo wixii aad u qalantay ay aad u kala durkaan ee aad dareento in ogaan laguugu soo legday meeshan xilka leh, waxa qofka gala weyrax, waxana uu qarka u saarmaa in uu furka tuuro oo budhka lulo. Cadhadaasi way dhalataa, way kortaa, way qaangaadhaa, markaas bay xoogaysataa. Sida ay qabto aragtida kasmanafeedda ee “umal-weyraxa”/frustration-aggression theory, oo ah tan uu qoraagu ku duldhisayo gungaadhkiisa, ayaa qabta haddii ay qofka gasho tuhmo ah in himiladiisii la is hortaagay ay taasi carradii dihnayd ee biqlaysay u noqon doonto xaqiiqada ah in qofkaasi uu tallaabo qaado. Waa intii Ibraahin-Gadhle ka yeedhsiisay:

Nimaad tidhi suldaan ii ahow calanna aad saartay
Isaguna sinseeriyo hadduu saawir kula gaado
Oo uu madaxa saab kuugu rido suulla kugu roorsho
Sedka aad la leedahay hadduu keligii saameesho
Adigoo sagaal qaday hadduu suudha kugu eego
Dan kastaba ha seegtee dhulkaa lagaga saydhaa!

Gadhle wuxuu aaminsan yahay in ciddii dareenta in laga tashaday oo si gaar ah loo dhuunqabtay, ay u furan tahay in ay “dhulka ku saydhiso” wixii la moodayay in la wada lahaa balse haatan u muuqday in cid gaar ahi ay hoosta ka soo xidhatay. Mudane Geerna wuxuu ku darayaa: damaacinnimada iyo hunguriga, oo qudhoodu ka mid ah waxyaabaha gacan-ka-hadalka keeni kara, waxa ka xooggan awoodda insaanka ku lammaan ee uu u leeyahay in uu caddaaladdarro suuraysto ka dibna uu ku umal-weyraxo.

Sida aynu xusnay, caddaaladdarro in ay jirto iyo in kale u ma xisaabsana haddiiba qayb bulshada ka mid ahi ay is dareensiiso in filashadeedii laga kala laalay. Kooxi haddii ay dhab u aaminto in badhaadhaha iyo barwaaqada laga hor joogo, waxa ay xigtaa dhanka kacaanka iyo “dhulka-kaga-saydhinta.” Waa muhiim in hoosta laga xarriiqo laxaadka filashooyinka; ummadi haddii ay labo walba isa saartay oo dabadeed labo tagoogo ay hesho, wax sahlan ma aha.

Aragtida Geer waxay sida oo kale ku dhisan tahay xaqiiqada basharka ku saabsan ee dhigaysa in dadku ay si sibiq ah rejo weyn u xambaari karaan, hasayeeshee ay hadhow la ciftaan oo ay ku adkaato in ay waayaha la qabsadaan haddii rejadii ay u suurageli waydo sidii loo malaysanayay. Haddii riyada la isku wada tallaalay ay ahayd in la ladnaanayo oo la dawladoobayo, dabadeed xaqsoorku umadda simi doono, kolka taasi beenawdo ama ugu yaraan sidii loo filayay ay u soo degdegi waydo, waa la burburaa oo la niyadjabaa. Kaas baa jabka horseedkiisa ah.

Dareenkan dhuunqabadku wuxuu ka iman karaa dhawr meelood, sida uu Geer kala dhigdhigay. Waxa ka mid ah qodobbo dhaqaale (sida sinnaan-la’aanta, sedbursiga fursadaha dhaqaala-samaynta, sicirbararka, maceeshad-wareerka iwm), dabarro siyaasadeed (sida duudsiga xuquuqda asaasiga ah ee qayb bulshada ka mid ah, kaqaybgalwaaga miiska talada, saamiga siyaasadeed), iyo isbeddello bulsheed (sida hayaanka ama barakaca, iyo isbeddellada dhaqanka ku yimaadda). Dareenkani wuxuu markaa saamaynayaa qiimaha maaddiga ah (haynta dadka), qiimaha awoodda ku xidhan (kaqaybgalka iyo galaangal-ku-yeeladka siyaasadda), iyo qiimaha dad-la-dhaqanka (maamuuska qofka ama kooxdu bulshada ku dhex yeelanayaan, beelnimada ama tolwadaagga bulsheed), iyo qiimaha nafsadeed (dhaadashada iyo dhegta). Kol kasta oo ay sii ballaadhaan aagagga uu dareenkaas dhuunqabadku saamaynayaa, waa mar kasta oo cunfiga iyo kala’irdhawgu sii bato.

Sidaas oo ay tahay, Geer wuxuu soo bandhigayaa qodobbo kale oo weheliya dareenka dhuunqabadka. Illeen keligii ku ma fillaanayo e. Qodobbadaas kale, oo aynu wax ka carrabaabi doonnaa, waa kuwa go’aamiya in dareenkaa dhuunqabadka ee qofka ama kooxda ku eg loo turjumo gedood iyo fallaagoobid faraha ka baxda iyo in kale. Waxa ka mid ah:

  1. Qiildayga: Dadku waxay u baahan yihiin in ay iska dhaadhiciyaan in sida keli ah ee xaqdarrada ay is dareensiiyeen looga adkaan karaa ay tahay in gacan wax lagaga qabto. Waa in ay ku maahmaahaan: qof aan warankaagu gelin weedhaadu ma gasho. Qiildaygaas waxa sida oo kale ka mid ah in ay caqiido ahaan ama aydiyoolajiyad ahaan rumaystaan in caddaaladdarradu ay ku suuli karto qoriga caaradiisa. U ma baahna in bulshadaas oo dhan ay taasi ku dhalato, waxa ku filan in ay hesho cid tirtirsiisa oo ku guubaabisa in ay “fadhiga ka kacaan.” Abaabulka iyo geeddigelinta colaadda ayaa halkan soo hoosgelaya.

  2. Tamarta: Waa in qaybta doonaysa in ay gedooddaa ay dhab ahaan tahay ama ay iska dhaadhiciso in ay tahay mid ku filan in ay ka adkaan karto suldada dhexe ee jirta, sida dawladda. Waa in “ma innaga oo cududdaas leh oo cuudkaas haysanna oo colkaas dumi karna ayaa la ina cadaadinayaa?” lagaga wada jawaabaa “Maya!”

  3. Duruufta maamul: Waa in dawladda ama taliska jiraa uu nugul yahay dhan sharci iyo dhan garsoor. Waa haddii maamulxumo dhab ahi jirto ama dhismaha haayadeed ee dawladdu ay wiiqan yihiin, isla markaana aanay karin in ay adeeggii laga sugayay bixiyaan oo caddaalad iyo horumar (ama xoog iyo saanad) kaga jawaabaan wax-ka-qabashada tabashada iyo uurkutaallada dadka kala irdhayn karta.

  4. Faragelin dibadeed: Waa in qaybtan bulshada ka mid ah ee gedoodaysaa ay heli karto taageero degaankeeda ka baxsan oo wax uga tari karta marka xabbadda kowaadi qaraxdo.

Sida la iska sii garan karo, bulshooyinka xasilloon ee ladan, ugu yaraanna ay dawladnimadoodu lugo adag ku taagan tahay, tabashada dhuunqabadku way ku yar tahay, kolka la barbardhigo dawladaha yagleelka ah ama marxalad kalaguur ah ku jira oo iyagu u nugul qalalaasaha. Sababtuna waa in dawladnimada saldhiggeedu xoogaystaa ay ku dhisanto sharciyo sugan oo xaq ah, xuquuq muwaaddinnimo oo loo siman yahay, caddaalad ijtimaaci ah, iyo nadaam iyo kaladdanbayn la oggol yahay. Dagaallada sokeeye iyo argagaxisada waxa u weyn ee qarxiddooda loo aanayn karaa waa utun aan la dawayn, khalad aan la sixin, su’aal aan la is wayddiin, caddaalad aan la sugin, iyo xeer aan la dhawrin.

Maxaa xal ah?

Tedh Geer xal kamaddanbays ah ma qorayo oo isaga taasi shaqadiisa ma aha, ee wuxuu u jidbixinayaa asalka dhibka oo ay ku dahan tahay sida looga xijaaban karo. Maxaa yeelay waxyaabaha sababa colaadaha iyo anafada sokeeye inta badan waa laga hortegi karaa ee laga ma dabategi karo. Bulsho iyo dawladba maxaa la gudboon si loo baajiyo in tabashada gardarradu ay isu beddesho colaad iyo gacan-ka-hadal?

Haddii Gaarriye uu ku dardaarweriyay:
Gadhlow awr kala guurtay
La arkee mar kaleeto
In ay ool ku kulmaane
Haddii uur kala guuro
Saw ummuur culus maaha!

…waxaynu halkan ku dhidbaynaa waxa furan intaaan uur kala guurin.

Maaddaama uu Geer ku doodayo in dhuunqabadka gaarka ahi uu yahay fakaagga u dhexeeya wixii la filanayay in la qabsan karo iyo waxa run ahaan la qabsan karo, dabadeed kalatagga labadaasi ay sababaan umal-weyrax iyo gedood gacan tegi kara, tallaabada kowaad ee furani waa in loo tabaabushaysto sidii loo furdaamin lahaa ilaha tabashooyinka. Maxaa asalka bannaanba dadka ka xanaajinaya? Saw caddaaladdarro ay is dareensiiyeen ma aha? Dee taa ka shaafi. Haddii ay jirto iyo haddii kale muhiim ma aha, sida aynu soo bandhignay. Waxa halista ahi waa in la is dareensiiyay. Kolkaa ku ma dhaafi kartid way kibrayaan oo wax aan jirin bay ka cabanayaan. Maya! Waa waajib saaran dawladda iyo mujtamaca guud ahaan in laga shaqeeyo in dareenka gaboolfalku aanu fursadba helin uu qayb bulshada ka mid ah laabaheeda ku fadhiisto. Kolkaa waxaynu awdaynaa jidadka qodan ee dareenka tabashada u turjumi kara tallaabo gacan-ka-hadal ah. Halkeeda haddii wax lagaga qabto oo lagu saxo wixii gurracnaa, la iskana laabxaadho wixii la is moodsiiyay, ugu yaraan waxa laga hortegay in marxaladda labaad ee kala’irdhawga loo gudbo.

Sidee baa loo yarayn karaa tabashada dadka?

In filashada dadweynaha iyo karaanka waxqabadka la isu soo dhoweeyo. Tusaale ahaan in xukuumaddu si cad uga run sheegto waxa ay qaban karto, iyo waxa caqabad jira iyo dabcan qorshayaasha lagu yaraynayo. Ma aha in ay is hafarto dadkana luggoyso.

In la horumariyo kaabayaasha nolosha kor u qaada, sida koboca dhaqaalaha, in khayraadka si xaq ah loo qaybsado, in cid kasta la gaadhsiiyo fursadihii ay ku heli kari lahaayeen waxbarashada, shaqada iyo adeegyada dawladda. Ujeeddadu waxa weeye in la yareeyo fakaagga haawanaya ee qaybaha bulshada, oo ma aha in dadku kala tago.

In wax laga qabto ilaha ay dhib oo dhani ka soo burqato ee ay ka mid yihiin sinnaan-la’aanta, takoorka, qabyaaladda hub ahaanta loo isticmaalo, fuquuqa nidaamsan, iyo isbeddellada bulshada ee xawaaraha ku dhaqaaqa ee filashooyinka cirka ku laali kara iyada oo aan la daba wadin fursadihii nololeed ee u miyirin lahaa. Tusaale ahaan, madaxweynaha Soomaalilaan ee haatan waxa doortay 64% dadkii codeeyay: waa awoodsiin aan hore u dhicin oo samaawaadku ku shareertay waxa laga filanayo oo haddii aan tallaabo kasta laga fiirsan maamulkiisa geyaysiin kara dhabarjab aanu ka soo waaqsan. Waxa la mid ah haddii waddan la aqoonsado, oo ah isbeddel bulsho oo weyn, maxaa yeelay waxa la moodaa in roobkii hagaaggu uu ku soo daba jiro. Haddii aan taako loo dhigin filashooyinka, waa la eedaa.

In la hirgeliyo lana dammaanadqaado daryeel bulsho iyo maamuus muwaaddin oo sugan isla markaana aan igusawir ahayn ee waara, oo lagu dhimayo weyraxa. Marar badan in qofka milgihiisa la garto ayaa uga weyn in jeebadaha loo buuxiyo iyada oo la quudhsanayo. Dadka qofna ka kale caaro ma dheera ee waa in taa la wada qiro.

In la badiyo oo la xoojiyo siyaabaha sharciga ah ee nabdoon ee dadku tabashadooda ku cabbiri karaan. Qoraa Geer wuxuu ku tiiqtiiqsanayaa in ay lagamamaarmaan tahay in dadku jeexdo waddooyin qaanuunku jideeyo oo salmi ah oo diidmada iyo cadhada lagu soo bandhigo (sida kaqaybgalka hawlaha dimuqraaddiga, ololayaasha iyo u qareemidda, doorashooyin xilligooda ku qabsooma oo joogto ah, iyo haayadaha dawladda oo dheganugul). Haddii dhawr qof oo bannaanbaxaya rasaas lagaga jawaabo ama la dhegaysan waayo, waxa la xaqiijiyay in tiradii badato mashaqadiina ay sii tiimbato. Maamulka dawladeed haddii uu madax adkaato, waa hubaal in la eedi doono isaguna eedi doono. Dhanka kalana, marka dadweynuhu uu ogsoon yahay haddii uu caddaaladdarrada uu tirsanayo la tegi karo saldhigga bilayska, maxkamadda, golayaasha wakiillada, ururrada bulshada rayidka ah, saxaafadda madaxa bannaan, ama uu keligii ka hadli karo iyada oo aan lagula yaabin ama wax dibindaabyo ah loogu gaysan, isla markaana uu hubo in aakhirka wax laga qabanayo, waxay u badan tahay in aanu ka fekerin bakhaarka ugu dhow ee uu bunduq badhdalool ah iyo rasaastiisa ka heli karo.

In caqiidooyinka/aydiyoolajiyadaha cunfiga bulaaliya la iska badhxo. Dabcan aragti la ma cabbudhin karo. Waa se la shiiqin karaa. Waxbarashada, warbaahinta, iyo wacyigelinta ayaa loo adeegsan karaa in dadka lagu beero fekradaha colaadda ka dhanka ah. Haddii caddaaladdarradana la yareeyo, ra’yiga xumatashiilka ahna dadka laga tallaalo, waxay u badan tahay in la nabdayo. Midda kale, kolka aynu xaqiijinno in dawladdu si qumman uga falcelinayso tabasho kasta oo xaq ah oo si deggan loogu soo gudbiyay, waxa aynu caddaynnay in aan loo baahnayn in gacanta laga hadlo. Dawladduna waa in ayna dadka badin in ay ciil cadaab ka doortaan oo ayna xoog ku deyin.

Waa laga yaabaa in muddo kooban lagu moodo isticmaalka xoogga dawladda. Hasayeeshee waxa hubaal ah in ay uga sii darayso. Mar uun bay qarxi. Inta aanay dillaacinna, waxay quudinaysaa oo u qiilbannaynaysaa tabashadii iyo dhuunqabadkii la dareensanaa. Adiga oo ka mudahaaradaya in degaankiinnu uu ka qatan yahay adeegyada dawladda iyo metalaadda golayaasha dalka looga taliyo, ciddii afka kaaga soo booddo ee gacmaha kaa jeebbaysaa, way ku tuhunsaartay. Waxa hadda kuu cad cidda nacabka kuu ah: isla ciddii aad is lahayd waa kuu nasteex.

Kolka la soo ururiyo, Geer wuxuu ku talinayaa intii Timacadde uu inoogu gabyay xilli u dhow goortaa uu buuggani soo baxayo:

Miraalaha horti baa guryaha layska moosaaye
Mareegtaaba loo sii guntaa maqasha nayloode!

Inta ay goori goor tahay, ee wax laga qaban karo, waxa habboon in laga hawlgalo xallinta qoodobbbada waaweyn ee dawladnimada u muhiimka ah ee la isku maandhaafsan yahay, ama wiiqaya kaqaybgalka qaybaha kala duwan ee bulshada.

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Labo Daran Ha Kala Dooran

Feker

Qulubka iyo Qaangalkiisa

Aragti

Gacmo (iyo Caqli) Geeljire