Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Indheergaradnimada maansayahanka

5 May, 2026
Image
Indheergaradnimada maansayahanka
Share

Maansayahanka aan halkan ka ga hadlayo, waxa aan ku dabrayaa ama ku gaar yeelayaa maansayahan noolaa xilligii aanay bulshooyinku ku tallaabsan ama aanay hirgalin waxbarashada akaadamigga ah ee qoraalku foolaadka ka yahay. Ama bulshooyinka qaarkood way hirgaliyeen eh laakiin bulshada uu xilligaa maansayahanku ku dhexnoolaa ee uu la waayaha ahaa ayaan iyadu waxbarshada akaadamiga ah ee qoraalka wax lagu barto aan ku tallaabsan. Sida la wada ogsoonyahay, si bulsho ay uuga baxdo xaaladda jahliga iyo xadaarad la'aant ah waa in ay hirgalisaa tabaha qoraalka si wixii la darso loo qoro dabadeed la baahiyo oo la kaydiyo, kaydkaas oo hadhaw noqda kaabadda lagu sii joogsado si loo sii wado hayaanka horumarka. Sidoo kale qoraalku waa agabka xaddaarad iyo aqoob bulsho kale lagu soo raran karo, sababta oo ah waa weelka uugu weyn ee xaddaarado ummaddeed kala wareejin kara; oo midna kasoo rari kara mid kalena u rari kara. Waxa jirta dood odhanaysa qofku aqoonyahan ma noqon karaa, isaga oo aan aqoon tabaha qoraalka iyo akhriska? Ha iskaba muran badnaato eh waxa hubanti ah in uu qofkaasi yahay mid aan cilmi sugan lahayn, dhanka kale, barasho la'aanta qoraalku waa astaanta uugu weyn ee jaahilnimada. Haddaba, waxa aan madwuucan indheeragardnimada maansayahanka ugu gaar yeelay maansayahan noolaa curashadii qoraalka iyo akhriska hortood sababtan: dhacdadaas ka dib, curashadii qoraalka iyo akhriska, maadaama oo wax kasta oo ogaalka la xidhiidha qoraal lagu soo bandhigi karo, arrintaasi waxay is gaadhsiisay indheergaradkii iyo indhawgaradkii. Oo sideedaba indheeragaradnimadu waxay ka shidaal qaadataa baaxadda ogaalka, taasna xilligan qofkasta wuu hanan karaa, kaliya waxa ka xiga dadaalkiisa iyo kartida uu la yimaaddo. Sidoo kale aqoonta qoraalka ku gudbisani waxa ay yaraysay xogaha beenta ah, halka marka afka lagu warinayo ay u nugushahay in wax aan ka mid ahayn lagu daro. Qodobkaasina waa ka uugu muhiimsan ee ay shaqada indheergaradnimadu aad uuga muuqan karto, maadaama oo run been laga soocayo ama gar iyo gardarro lagu kala saarayo. Haddaba intii qoraalku dhashay ka dib way fududaatay in runta iyo beenta, garta iyo gardarrada la kala gartaa. Sidaa awgeed maansahanka qoraalka dabadii nooli waxa uu helay kansho dheeraad ah oo aanu haysan maansayahankii qoraalka hortii noolaa. Sidaas marka ay tahay, tayada indheergaradnimo ee labadaa maansayahan dhoobadooda meel laga ma wada qaadi karo. Qoraalkani waxa uu daarranyahay oo kaliya maansayahannimada Soomaalida ee jirtay xilligii kaynta ee aan xaddaaradda cusub ee qoraalku horkacayaa aanay Soomaalida soo gaadhin. Si ay inoogu fududaato, waxa kale oo aan biraarujinayaa, halkan marka aan leeyahay maansoyahan waxa soo hoosgalaya qofkasta oo hibo u leh halabuuridda maanso, maahmaah, murti iyo xigmad. Erayga indheergarad inkasta oo aanu qeexitaan la isku waafaqsanyahay lahayn, haddana halkan waxa aan u adeegsaday qof leh garasho ka sarraysa waxa lagu yaqaan umadda kaynta iyo dhaqamada lagu yaqaan ama qof leh garasho ka sarraysa bulshoweyn xilli deegaan gaar ah ku wada nool.

Haddii aan u daandago ubucda mawduuca, aan ku bilaabo tusaalayaal sharrax wata oo wax inaga tusi doona indheergaradnimada maansyahannada:

"Rag waxaan ku maamuli aqaan, ama ku maamuusi, mase inaanu nahay ooy tolnimo, meerto noo tahay." Garashada dheer ee baydadkan ku jirtaa waa sinnaanta uu abwaanku sheegay. Inta badan ummaddaha kaynta waxa lagu yaqaan tixgalinta kala xoogweynaanta uu qof waliba halka uu muruqiisu dhigo ku joogsanayo. Waxa had iyo jeer u astaan ah dulmiga iyo quudhsiga dadka kale. Laakiin abaanku wuu diiday arrinkaa, waxanna uu ogalaaday sinnaanta iyo caddaaladda oo lagu la dhaqmo dadka kale. Waxa maankiina ku soo dhici kara maadaama oo ay caddaaladdu tahay wax fikrad ahaan u jirta, ummadduhna ay ku kala duwanyihiin waxa seeska u ah, xilliba xilliga uu ka danbeeyayna ay soo hurumaraysay armay caddaaladda iyo sinnaanta uu abwaanku sheegayaa qaadan kari waydaa fahanka caddaaladda iyo sinnaanta ee aynu imika naqaan? Haddaba, si guud, intii muranka qeexitaanka caddaaladdu soo taagnaa, waxa jiray astaamo in ay caddaaladda laga ma maarmaan u yihiin la isla qirsanaa, waxana uugu doorroon astaamahaa xaqsiinta qof walba wixii u qalmay, ka fogaanshaha eexda, horilaahaynta iyo waliba in la helo garnaqe aan ka mid ahayn cidda xaqaqa kala qaadanaysa. Haddaba, in caddaaladda iyo sinnaanta uu abwaanku sheegayay ay tahay mid sidaa ka agdhaw, waxa inoo biniixin kara tuducyo ama maahmaahyo kale oo indheergradkii kale ee la xilliga ahaa qabeen sida maahmaahdan " Allaw aqoon xumo ha nagu cadaabin, eexna han ooga tagin." Waxa ay muujinaysaa ama aynu ka heli karnaa in ay waafaqday qodob muhiim u ah helida caddaaladda, oo ah horilaahaynta. Waxa kale oo indheeragadnimada lasii garan karaa, marka cid aad is haysaan ay caddaaladsiintu gasho. Had iyo goor, dadka waxa u dabeecad ah aargoosi uu kula kaco cidda ay is hayaan xilliyada ay kanshadu usoo gasho. Taas oo lumisa in uu xasuusto caddaaladda ama maankiisuba siin waayo ama wuu xasuustaye wuu iska dhaga maray, sidaa awgeed xilkasnimo indheergardnimo oo dheeraad ah ayay u baahantahay in cidda aad wax ika tabanayso aad caddaalad siiso, sidoo kalana dabciga insaanka way ku adagtahay in cid uu godab ka galay ama uu ku gaboodfalay caddaalad ka sugo. Iyada oo ay sidaa tahay maansayahanka Soomaalida waxa aynu ka dareemi karnaa in ay arrintaa ku biraarugsanaayeen islamarakaana ay ka digeen in xilliyada noocaasa caddaalad darro dhacdo, waxa taas caddaynaya maahmaahdan " gaalka dil, gartiisana sii." Soomaalidii xilligaa, gaalku waxa uu u ahaa cadawga uugu xun ee jira, ayna tahay in meeshii lagu soo gaadhaba lagu dili karo. Fahanbixinta ay gaalnimada ka haysteen waxa uu doono ha ahaad eh, laakiin gaalku waxa uu ugu suntanaa qof aakhiro iyo ifkaba halaagsan, qofkii hagardaameeyaana uu ajar ku helayo. Cidda cadaawad ahaan sidaa u durugsan ayay haddana is fareen in caddaalad loo sameeyo, eexashana aan lagula kicin. Waxa iyadna jirta arrin qofka hilmaamin karta ku dhaqanka caddaaladda, waa islawaynida iyo kibirka. Haddii qofka ay gasho qab faraysa inuu dadka ka waynyahay, oo aanay u cuntamin waxa dadka kale u cuntamaa, waxa ay ku ridaa indhabeelnimo uu xaqa ku arki waayo, eexna ugu hanqal taago. Aalaa, tani waxay dhacdaa marka ruuxa ay barwaaqadu waayo isku kaadho, raadkii abaartuna ay xasuustiisa ka tirmato­ - abaarta iyo barwaaqadu waa shay qofka dheelitirnaanta ku haya. Qodabkanna waxa aynu arki karnaa sida maanasayahanka Soomaalidu ay uugu baraarugsanaayeen, islmarkaana ay ruuxa uuga dardaarwarinayeen in uu xilliyadaas oo kale seetada goosto, bal eeg baydkani sida uu arintaa isha uuga ridayo: " ninkii koob nimaco ah fuuqsada, ee kadin irmaan haysta

In karuurka uu qubo, horeey kaafka uugu tiilay

Raggoow kibirka waa lagu kufaa, kaa hala ogaado."

Waxa kale oo ka mid ah meelaha aan indheergaradannimda maansayahanka ka dareemi karno dulqaadka. Horta, sideedaba dulqaadku waa bisaylnimo ku timaadda garasho xeeldheer. Maadaama oo uu dulqaadku dhasho marka dhib la gu gula kaco dabadeed aad u adkaysatid, garawshaha gaabani waxa uu keensanayaa jawaab degdeg ah oo hubsiimo la'aan ah. Jawaabtaasina waxay noqotaa waxa aan nuxur sii ridnayn lahayn ama qoomamo danbe keenta. Sidoo kale dulqaad la'aanta iyo gacan fudaydka ku jiqsiida ahi waa astaan badawnimo iyo calaamad doqoniimo. Sida caadiga ah, in laba qof oo garadarro kuwada dhacday midi uu dulqaad muujiyo midna uu falcelin aargoosiya bixiyo waxa keena garashiyo sida labadooda falcelinoodba u kala dhawyihiin iyadna u kala dhaw. Bal haddaba aan tusaale usoo qaato sida maansayahanku ay dulqaadkana u boorrinayaan, dulqaad la'aanta iyo fudaydkana ay u sharaynayaan " ninkii fududi waa fidiq" yacni ninka fudaydka badan ee arimaha aan u dulyeelani ma aha qof rasiin ah. " Kaadi badane waa loo gogol badiyaa" waa sheegmo dhiirinaysa in ilaa xad wax loo dulyeesho, sidoo kale waxa ay maahmaadani diraysaa in dulqaadka lagu sii sababeeyo oo caqlicelin laga dhigto cudurdaarka. " Hubsiimo hal baa la siistaa" ka fiirsashada iyo sugitaanku waa ka bogashada tallaabada uugu wacan ee aad qaadaysid. Waxa jirta marmar badan oo ay lama huraantahay inaad aargoosi bixiso, xitaa mararkaa dulqaadka aad xaajada ka il sugataa waxa uu kuu soo jiidi karaa inaad guul ka gaadhid aargoosiga aad ku tashatay, waayo waxa aad degaysaa xeeladda uugu wacan ee shaqaynasa, had iyo jeer indhawgaradnimadu waxay ku faraysaa in aad ku aargoosato waddo kaliya oo ah xoog miidhan - haddii lagaa xoog waynyahayna waa lagu jabiynayaa markaa - uuma xisaabsana xeeladaha iyo farsamadu, halka, ay indheergaradnimadu ku farayso in aad ku aargoosato waddooyin badan, xeeladda iyo farsamaduna ay kow ka yihiin. Waatan maahmaada casharkaas bixinaysaa " farsamaa itaal lee, miyaad faro ka hootawday" . Bal u fiirso casharka kale ee ay baydadkani mawduucaa ka bixinayaan: " Allahayoow nin ii daran, maxaan daafta hore seexshay

Nin ii daaqsanaayana maxaan, daafida u kariyay

Jidhku nimaanu doonayn, maxaan hadlaka deeqsiiyay". Nin dilkiisa ku foogan ayuu docda aqalkiisa seexsaday, nin u hub u urusanayana ayuu hub kale u gaday, nin uu caadaawad u haya ayuu la qoslay ilaa iyo oo cadawgiisu u qaadteen nin aan waxba dhaadanayn. Sida oo kale dulqaad la'aantu waa waxa marwalba kugu tuuri kara dagaal iyo colaado nabadda fogeeya, taasna waxa ugu wacan dulqaad la,aanta iyo ogaal la,aanta ayuu xidhiidh weyni ka dheaaxeeya. Qofku xaalad uu waayaheeda si dhab ah uga warhayo hore iskugu ma tuuro, marka ay ka fursan waydo uun buu gala, markaasna adkaysigeeda ayuu yeeshaa oo wuu ka soo dhalaalaa. Bal eeg baydadkani sida ay qodob kan u tilmaamayaan " Intaad cad iyo caano tahay, ayaa lala cabsoodaaye

Waxba calaacal kuma yaal haddii caydh lagaa dhigo.”

Waxa jira xaalado dulqaadka waxa u dhima ama meeshaba ka saara, xaaladahaas waxa ka mid ah in arrin xirrib iyo xeeladba loo waayay lagu sheego in loo dulqaatay. Si hddaba arintaasi dulqaadka aan sheegano aanay waxba u yeelin, maansayahanka Soomaalidu taas way iska mooseen oo tusaale ahaan dulqaadku wuxuu aad u weynaa marka aad u dul qaadatid qof dhagar kaa galay oo yimid meel aad ku xoog wayntahay dabadeena aad iska daysid, sheeka taariikheedka Soomaalida waxay sheegtaa in qofku haddii uu godob kaa galay, dabadeed uu marti ku soo bido aan taaban, gobannimo mooyee, aan gunnimo la gula jeeqaaqin; qofka godobta aad ka tirsanaysaa haddii uu wakhtigu tabaaleeyay oo uu xaalad xun ku jiro, in aanad dhibaato kale ugu darin.

Sida caadiga ah, had iyo jeer, indheeragaradku bulshada uu la faca yahay, wuu ka aragti dheeryahay, wuuna ka fiirfiirsi badanyahay. Garashadheeridaasi waxa ay keentaa in uu odoros sameeyo, dabadeena waxa u soo baxa ayuu bulshada la wadaagaa, isaga oo dhanka uu wanaaga ka arko dadka u raraya, dhanka uu xumaha ka arkana ka waaninaya. Walibana hawshaa isaga ayaa isku xilsaara oo sidii uu wax uu ga qaban lahaana falawgeed gala. Inta badan waxa uu noqdaa qof arimihiisa gaarka ah iyo baxnaaninta naftiisa ilaawa, had iyo jeerna xaaladdaha ilbaadsada oo fasira. Sidaa awgeed ayaa uu u noqdaa cidla yuurar arimaha caamka ah ku fooggan, tusaalahan bal eeg sida uu tuducyadan maasayahanku iskugu muujinayo:

" Qorax liicday goortay shamsadu, libiqsatoo ciirto

Waxaan soo lug qaadaa, markay luxuhu ciiraane

Laankaan fadhiistaa sidii, dayf martaaniya eh", waxa uu isku sheegay in uu maalin iyo habeen yuururo geed hoostii, culayska haysta awgii. Juuqdana wuu gabay oo sidii qof qariib ah oo qaloonaya ayuu hadalkii u joojiyay. Hawsha kaga baxaysa la sheegaysiga dadka waxa uu galiyaa xallinta waxa uu ka odorasay waayaha soo socda. Markalana waxa uu yidhi : " dhaaxaan canaan iyo tilmaan caynkastaba u maraye

Cidlaan kaligay u baxaa, cawl sidoon ahay." Haddii aynnu iswayiino maxaa ay dadku murugada si kala qotodheer ugu dareemaan? Maansayahanka Soomaalidu waxa ay ku sababeeyeen kala garasha dheerida dadka ayaa ugu wacan! Oo waxa ay yidhaaheen "dadka kii uu gu ildheer, baa ugu ayaan daran" yacni in aad dadka ka horaysaa waa lur la dhibtoodo. Insaanku xaqiiqda uugu weyn ee uu cuskadaa waa tajribada - yanci wixii loosoo joogay ama u joogo dicideeda - sidaa awgeed waxa loo baahanyahayn in dadku tajribada ay helaan weeleeyaan dabadeedna ay u ga qiyaas qaataan timaadda ama isla xaalad la la soo kulmay haddii ay mar kale soo noqoto in aan lala kayr kayrin e, xalkeeda meel loogu hagaago. Sidaa daraadeed, maansayahanka Soomaalidu waxa ay xusuustooda ku weelayn jireen waxa soo mara, isla markaana tab iyo xeelad loo la macaamilo ay ka diyaarsan jireen.

Waxa kale oo indheeragadnimada maansayahanka Soomaalida laga dhex dareemi karaa sida ay xogta u hufaan.Maadaama warku ka koobaan karo run iyo been labadaba, qofka ayaa looga baahanyahay in uu dajisto farsamo uu ku kala saaro labadaa arrimood ee warku noqon karo. Haddaba halkan oo kale, marar badan, waxa uugu weyn ee qofku kaashadaa waa caqliga fayaw. Caqliga fayoobina ugu yaraan haddii uu warka run iyo been midna u sibirsaari kari waayo halkaas buu kaga istaagaa oo dhinacna uma rido. Sidoo kale, caqliga fayoobi waxa uugu weyn ee uu qofka ku biiriyaa waa inuu waaqica la noolaado, xeerarka iyo arrimaha abkasoo gaadhka ahna uu iska ilduufo. Waxa uu si fudud u garawsiiyaa in waxaasi ahaa wax laga soo gudbay oo aan haatan shaqaynayn. Caqliga fayoobi wuxuu qofka taraa inuu aashigii hadlo. indheegaradnimada dhaladka ahi labadaa arimood ayay la kawsataa, maansayahanka soomaalidana muush bay taasi ka tahay. Tusaale ahaan baydadkan " Xaajada nin guunaan ehee, aan u garaadeeyo

Markab aashi gaanbiyi sidiis, bal aan u guureeyo." Abwaanku waxa uu isku sidkay xaajo yaqaanimada iyo aashinimada, waa labo sifo oo cajiib ah. Si aad dhab abbaar u noqto, oo aad runta u soo taaban karto waxa laga maarmaan ah in garaadkaagu xor yahay, si soo jeeda iyo si baraad la' labadaba. Xilliyadii waaddaadda Soomaalidu diinta dhankaa iyo carabaha kasoo bawsadeen, waxa ay Soomaalida kula soo noqdeen xeerar ay ku sheegayeen in ay xeerar diimeed yihiin. Waxa dhicijirtay in waddaadda qaarkood ay dhexgashan jireen xeerar dantooda u adeegaya oo aan diinta sal iyo raad ku lahayn, kuwaas oo dadka aan diinta aqoonta u lahayni ay diin moodi jireen. Maansayahankii xilligaas aan diinta aqoonta u lahayni, haddana wuxuu iska badbaadiyay in wadaadku ku dhaco waxaan diin ahayn. Iyaga oo kaashanaya indheergaradnimadooda, waxay yidhaaheen " cilmigu waa caqli la biirshay", yacni caqliga toosan iyo cilmiga ilaahay "diinta" iskama hor iman karaan. Waa tab inta badan dadka caqlaanyiinta ahi isticmaalaan, oo ilaa imika jirta. Wuxuu yidhi midka mid ah abwaannadii xilligaa oo wadaad naqdinayay " Ubbo wayso waan kugu arkaa, agab salaadeede

Ashahaaday gaalkuba, se waa ehlnu naarkiiye

Olal ku dhace asaxaabadii, waa u abtiriyaaye

Hadduu digrigu uurka jiro, kaama oradneene", wuxuu leeyahay waxaan kugu aragno iyo falalka aad gaysanasaa maaha wax diin Eebe weyne ka timid farayso, ee waa wax aad adigu samaysatay. Mid kalana waxa uu yidhi " Cadaabkaaba loo horumarinaa, culimo duub weyn eh." Haddana, abwaannadaas sidaas diinta iyo hadalka wadaadka u kala soocayay waligood loox may qaadan oo alif kuma ay xarriiqin. Waxa kaliya ee ay haysteen wuxuu ahaa caqliga fayaw. Waxay rumaysnaayeen wixiin caqligoodu diidayo in aan Eebe sina uugu qabsan doonin.

Uugu danbayn, waxa laga yaabaa inaad is tidhaaho wax bulsho dhan ka soo dhexbaxay sidee ayaa loo siin karaa maansayahanka oo qudha? Aan ku xasuusiyo, sidaan hordhacaba ku sheegay Maansayahanka waxa aan uula jeedaa, cid kasta oo maanso, maahmaah, murti iyo xigmad curin karta. Waa ta kale eh, Soomaalidu waxa ay ahayd bulsho dadka noocaas ahi ay talin jireen oo geedka iyo meelaha dadku iskugu yimaadaba iyagaa ka hadli jiray, inta kale maba ay sheeganayn, sidaa awgeed taariikhdu waxay xusaysaa uun iyaga. Maanta, labaduba way is beddeleen wixii indheergarad lagu noqonayayna waa ay isbeddeshay. Daka maansayannada ah ee imika nool waxa qayrkood ka reebay ku dayashada abwaanadii hore, taas oo meesha ka saartay ama joojisay horumarkii suugaanta, dabadeed suugaantii waxa ay noqotay waxa dhimatay oo casriga ka hadhay abwaankeediina qiimatirtay. Waxa iyadna muuqanaysa laba qodob oo maansayahanka Soomaalida ee manta si gaar ah ula hadhay: 1 waxbarasho la,aanta, hadba wax ayaa ummadda foolaad u ah, Soomaalidii hore waxa foolaad u ahaa Sugaanta maansada ah, taas oo maasayahankeedana fadli u yeeshay, haddaba manta suugaantii foolaadnimadii waa laga la wareegay oo cilmiga casriga ah ayaa kaalintaa la wareegay. Maansayahanka waxa looga fadhiyay in uu waxbarto oo uu suugaanta cilmi raaciyo si uu meeqaamkii sare u sii haysto, laakiin waxa dhacday taa cagsigeeda oo maansayahannada badankoodu ma laha cilmi, taas oo sifadii abwaanimada ee qiimaha lahayd u rogtay astaan badawnimo; 2 wadaadnimo, sida aan hore u sheegay, maansayahannadii hore waxa ay iska mooseen fikiradaha wadaadaysan ee curinta iyo fanka sharaysta, maansayahanka maantana dhabadaas bay ahayd in uu ku sii taagnaado, laakiin cagsiga ayay u dhacaday oo maansayahankii baa inta uu wadaadoobay curintiisii iyo fankiisii sharaysanaya.