Monday 24 March 2025
Habeen ayaan si kedis ah u dhaguugsadey hees aanan horay u maqal! Waxaa heesta dhegaysanayey nin agtayda fadhiyey. Ninkii ayaa yidhi; “Heestan, yaa horay u maqlay”? Waxa aan ugu jawaabey; “weligay ma maqal, yaa curiyey heesta”? Waxa uu jawaabcelin ku yidhi; “Waxa curiyey Dr. Cabdirraxmaan Beyle—oo wasiir ka soo noqday dhowr jeer dowladda Soomaaliya”. Heesta magaceedu waa “INA JICINBIROW TOOS”. Luuqda iyo codka dananka ahna waa Saafiya-Tusmo—oo ah qof isku darsatay hiba-faneed xooggan iyo hal-abuur miisaan culus. Haa, waa hoobalad weyn oo fanka iyo suugaanta maqaam sare ku leh, waa hal-abuurad gaasabaxday oo kaalin weyn ku dhex leh bahweynta suugaanta, waa hooyo Soomaaliyeed oo kaalinteeda gudatey muujisayna halgan iyo hilaadin taabbagal ah.
Qiyaastii heestan waxa uu curiyey Bayle 2016-kii — xilligaas oo ah mid adag, dalkuna marayey meel adag, oo shacabka Soomaaliyeed ahaa mid jaahwareersan —, colaad iyo abaar ba’an ayaa ka taagnayd dalka gudihiisa, herddan iyo loollan foolxun ayaa ka aloosnaa goob kasta oo ka mid Koonfurta Soomaaliya.
“Ina Jicinbirow toos
Arrin keen aqoon keen
Aqbal iyo adduun keen
Afartaaa mid uun keen
Haddii kale ilaa abid
Adduunka iyo aakhiro
Waxaan kugu ogahay waa
Eedaysanaa tahay”
Dowlad curddin ah oo taag yar iyo jidba-kooxeed ku dhisan fahan qalloocan oo diinta looga dabqaadanayey ayaa iska soo horjeedey. Mar waxa ay ahayd dhiillo, colaad, harraad, qax, gaajo, macalluul, hantaawilif iyo qaran-jab weyn oo soo gaarey bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxa iyana jirtey; weerar, duullaan, qarax, shirqoolid, madaxjebin, afduubid iyo argagaxgelin loo cuskanayey Kitaabka Qur’aanka ah. Jabba waa kan danbeeyee, intaas waxa barbar socdey; dayacaad, musuqmaasuq, gudasha la’aan, gaarsho la’aan, hoggaan xumo iyo qoqob siyaasadeed oo ka aloosnaa foolaadka siyaasadda iyo horweynta hoggaanka qaranka.
“Ina Jicinbirow toos
Markii ay asqowdee
Ummal biiray sarakacay
Wixii kuu ekaa iyo
Abaalkeedii maad gudin
Waxba kuuma urayaan”
Dr. Beyle waxa uu heestiisa ku tilmaamayaa hoggaamiye dayacay xilkiisa, ka seexday waajibaadkii loo igmaday, inuu gabay kaalintii loo cimaamaday. Tusaale; waxa uu u soo qaatay nin dhexjiifa meel uskag badan oo kuddaafad ah. Heestu mar waa qayla-dhaan, marna waa quus, kolla waaba iftiimin iyo ishaarid farta lagu fiiqayo hoggaamiyaha usarka iska dhex jiifa— oo arradan arrin iyo amar ba. Soomaalidu waa dad ehel iyo qaraabo ah, yaa se kala irdheeyey oo oogey dabka iyo colaadda galaafatay boqollaalka qof ee Soomaaliyeed. Marka ayuu abwaanku ku tiraabayaa wayddiimo ay ka mid tahay; meeyey wacadkii iyo ballankii aan ummaddan u qaadnay Ina Jicinbirow? Ballankii iyo dhaartii goormaa la oofinayaa? Ilkaha dhiigga leh iyo bahalnimada kaa muuqataa sidee Qiyaamaha ka yeelaysaa? Ammaanadii meeday? War maad toostid oo hurdada ka kacdid? Nimaan aqbal la hayn, oo aan arrin keen la hayan, oo fara madhan, kana sarafsanayaa wixii loo dhiibey? Ina Jicinbirow meeday gobannimaddii ma gunnimmaad ku doorsatay?
“Aafada lurkaakiyo
Dabkaa oogtey baa shidan
Ollog iyo dad wada yiil
Isla ul iyo diirkeed
Ehelkiyo qaraabada
Intaad kala irdhayseen
Kala aammin bixiseen
Aakhira isku seegeen
Isku oomman weli ee
Kala oodday baa badan
Dhaaxaan itaalkay
Uubtaad qodaysiyo
Jarka odaxda hoos taal
Usha kuugu fiiqoo
Afku hadal ma daynnine
Maraxii ma aragtaa”
Markii aan fahmey, dulucda guud iyo nuxurka heestan, ayaan go’aansaday inaan is wayddiiyo; sababta uu u toosi la’yahay Ina Jicinbir? Xaggee jiifaa weli? Ha jiifee ma uskagii ayuu weli ku dhex jiraa? Miyaan wax uun u soo urayn? Miyuusan lahayn in yar oo dux iyo iimaan ah? Qorshaa xun miyuu ku dallacaa? Meeshaa Qaniinka, Shilinta, Dhabiijada, Gafanaha iyo Dulinka badan miyey ugu baxdaa ina Jicinbir hurddadu? Dhammaan su’aalahani, waa kuwo aan loo heli karin jawaabo sax ah iyo warcelin lagu guuri karo. Afba juuqda ha gabee, waxa aan soo gudbinayaa jawaabtii aahayd “INA JICINBIR WUXUU YIDHI”. Hilaaddu waa bisha Juun 2024 iyo Caasimadda Ummadda Soomaaliyeed—Muqdisho. Waxana ku soo dhowaataa jaalle maansadan kooban, weliba waxa iyana mudan inaan is weyddiino su’aan ah; INA JICINBIR WAA KUMA?
Ina Jicinbir wuxu yidhi;
Shacabkii i doortiyo
Dadweynii i aaminey
Ii lulay caleemaha
Iyagoon i garanayn
Uslid baa ku sarakacay
Waa aayahoodee
Haddii ay asqoobeen
Omos iyo harraad jaray
Agmar oo iskaga durug
Aguug oo xabaal geli
Miyaan eed ku leeyahay.
Afba hadal ha daayee
Aakhiro ha joogtee
Usarkaan dhex jiifiyo
Umalkiyo awaaruhu
Waa alalaskaygiyo
Ayaantaan farxaayiyo
Aroos kayga weeyaan.
Ina Jicinbir wuxu yidhi;
Sidaad ii ogayd iyo
Aqbal keenimaayoo
Arrin waa sidii hore
Weli aaran doogliyo
Ugbaad iyo barwaaqaba
Indhahaygu ma arkaan
Uubtii qurmuunkiyo
Arladii madoobayd
Ayaan weli ag jiifaa.
Anshax ma leh wareegtadu
Aqoon ma leh qabbaanadu
Dhegahaygu waa agam
Indhahaygu waa amag
Uurkaygu waa adam
Hammigaygu waa agas
Farxaddaydu waa axan
Amarkaygu waa keen
Arxan waa ka dheerahay
Sada uu Afyuub qabo
Agoorkii irmaan qala
Afartiyo candhada jara
Ka halggaad ameelkiyo
Aagaanta saabka leh
Amaanadii cuslayd iyo
Dhaartii Ilaahay
Allog iyo qaraaboy
Idiinkaa dareensane
Waxba iima urayaan.
Ina Jicinbir wuxu yidhi;
Ninkii ugubinaayow
Osol daaye Idihii!
Edeg wiil u ootow
Ma orgootu garadii!
Weli eeba dheeroow
Dameeruhu aroorrada
Ubbo kuuma geeyaan!
Afarmidable xoogliyo
Ashkir janan ku joogow
Ma afjaaqdo Geenyadu
Qaajuhu agliil ma leh!
Waa abasax qaalmuhu
Awrkaan ku darayaa
Abris buu la jaal yahay
Abuur buu firdhinayaa
Aramida ka buuxduu
Ayrada ku gubayaa.
Waa aguugan xaajadu
Igar uma salaaxoo
Afarfoolle gabanaa
Oohin igu gelbinayee
Ibaha iyo naasuhu
Ibriiq iima dhiiqaan
Oontuna qaraar ma leh
Waxna iima urayaan.
Erey waxuu ka joogaa
Waa ishaaradaydee
Ma anaa aqoonyahan?
Ayaan toosi maayee
Ma adaa awaal tiris?
Eregsigu ma fiicnee
Kumaa aabbii diley?
Isir kama koraayee
Ayeydii kumaa garan?
Arjigaygi koowaad
kumaa helay adoogii?
Dhirtu aah ma daysee
Ma afaysay godonkii?
Adduun alamsi weeyee
Aleelaha ma gurateen?
Qaranddida afbeeshay
Ujro yaad ku leedahay?