Waxa soo turjumay isla markaana soo koobay Maxamuud Bulxan.
Saturday 7 March 2026
Sannadihii dambe, siiba wixii ka dambeeyey 2018, Maraykanku waxa uu bilaabay in uu “loollanka awoodaha waaweyn” u arko caqabadda dhabta ah ee jirta, isagoo ku beddelaya “ladagaallankii argagixisada”. Duullaanka Ruushku ku qaaday Yukrayn waa caddaynta ugu weyn ee xaqiiqadan cusub adkaynaysa. Sannadguuradii koowaad ee dagaalkan waxa aan qoray:
Laga soo bilaabo kolkii uu Dagaalkii Qaboobaa dhammaaday 1991-kii, Maraykanku waxa uu dagaallo isdabajoog ah la galay dalal aad uga awood yar, si uu gacan-sarrayntiisa dunida u ilaashado. Dagaalladani badanka waxa ay ahaayeen kuwo ka dhaca dalalka Koonfurta Dunida, sida weerarradii uu ku qaaday Soomaaliya iyo Yuguslaafiya ee sagaashanaadkii, ka dibna duullaankii uu ku qaaday Afgaanistaan iyo Ciraaq ee bilawgii labada kun. Hase ahaatee maanta, waxa aynnu ku noolnahay duni awoodihii waaweynaa si toos ah ugu loollamayaan, iyadoo dalalkii awoodda lahaa si toos ah midiba ka kale u carinayo. Ma aha loollan ku kooban Maraykanka iyo Ruushka, ee waxa ku jira isfoodsaarka Maraykanka iyo Shiinaha, dhabtiina, loollankani waa loollanka ugu weyn ee hadda nidaamka caalamiga ah ka jira.
Dhukumanti uu isbahaysiga NATO soo saaray 2022, isna waxa si cad loogu xusay:
Awoodda Shiinaha ee kobcaysa iyo kalsoonida badan ee uu isku qabaa waa arrimo qaabaynaya jiquraafi-siyaasadeedka muhiimka ah, oo wax ka beddelaya xisaabihii istaraatiijiyadeed ee NATO. Shiinuhu waa caqabad jaadgoonni ah kolka loo eego Ruushka; oo halis milatari oo toos ah kuma aha Yurub ama Ameerikada Waqooyi, xilligan la joogo. Sidaas oo ay thaay waa awood leh ajandayaal istaraatiiji ah oo caalamiya , oo ay ku kaabayso muruqeeda dhaqaale iyo ta milatariba, waana dal caddaystay u diyaarsanaantiisa in uu awood u adeegsado jaarkiisa, iyo in uu cadaadis dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeedba u adeegsado meelo ka baxsan Eeshiya iyo Baasifiga. Tobanka sanno ee soo socda, waxa ay u badantahay in Shiinuhu awoodda NATO cariyo, isagoo adeegsanaya xoojinta iskaashiga kooxeed, dhisidda kaabayaasha firfircoon, la macaamilka farsamooyinka cusub sida shabakadaha 5G iyo ilaalinta goobaha xasaasiga ah, sida marinnada alaabuhu ka gudbaan. Mustaqbalka fog kolka la eegana, waxa ay u badantahay in Shiinuhu ballaadhiyo cududdiisa milatari ee heer caalami, xitaa Yurub iyo Atlaantiga.
Hase ahaatee, loollanka imbiryaaligu kuma koobna uun awoodaha waaweyn, sida Maraykanka iyo Shiinaha, ee sidoo kale waa loollan u dhexeeya awoodaha heer gobol ah. Iyadoo gacan-sarrayntii Maraykanku hoos u socoto, waxa fakaag helay soo ifbaxa awoodo heer gobol ah oo ka jira Bariga Dhexe, kuwan oo saamayntooda ballaadhinaya, kuna dedaalaya noqoshada awoodo raad leh. Awoodahan waxa ka mid ah: Israa’iil, Sacuudiga, Iiraan, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.
“Imbiryaali goboleedka” waxa looga jeedaa dalka ka dhasha meel ka baxsan xarumihii taariikhiga ahaa ee hantigoosadka, se ku dedaalaya in uu xuddun ku noqdo tuullanka Raasamaalka, awooddiisana u adeegsanaya qaabab u eg dalalka Imbiryaaliga ah ee waaweyn, se heer gobol ah. Inta badan waa dal ku xidhan dawlad weyn ama dhawr, sida isbahaysiga Israa’iil kula jirto Maraykanka, ama kan Iiraan kula jirto Shiinaha iyo Ruushka.
Si kale marka loo dhigo, imbiryaaligu waa nidaam caalami ah oo kasoo unkamay dalalka hantigoosadka ah, kuna qotoma ku loollanka dhammaan heerarka. Nidaamkaas kala hooseeya, dal kastaa waxa uu dedaal ugu jiraa wanaajinta kaalintiisa iyo kordhinta awooddiisa uu dalalka kale ku dhex leeyahay. Laakiin, tani kama dhigna in dal kasta oo isku daya raadaynta jaarkiisu uu yahay awood imbiryaali heer gobol ah. Wayddiinta muhiimka ahi waxa weeye: waa kuwee dalalka leh awoodo dhaqaale, milatari iyo siyaasadeed oo ku filan inay kaalin kaga galaan gobolkooda? Baaxadda ciidan ama dhaqaale oo keli ahi ma jaangooyaan heerka awoodeed ee dalka, ee waxa waajib ah in lala eego dalalka kale iyo nidaamka Imbiryaaliga ah guud ahaan.
Soo ifbaxa awoodo imbiryaali oo heer gobol ahi waa wax ku xidhan koboca dhaqaale hantigoosad oo dalal dhawr ah ka jira. Tusaale ahaan Israa’iil, muddo dheer waxa ay ahayd agab lagu ilaashado danaha Maraykan ee gobolka, Galbeedkana waxa ay ugu tiirsanayd hubaynta iyo maalgelinta dambiyadeeda dagaal, siiba kuwa Falasdiin, hadda se ma aha dal sidii hore ugu tiirsan kaalmooyinkii dhaqaale ee Galbeedka. Waxa ay noqotay dal warshadeed horumarsan, dhinaciisa tiknoolajiyaddana waxaaba loo arkaa dhinacyada ugu horumarsan dunida, siiba qaabaynta iyo soo saaridda “semiconductors-ka”, oo shirkadaha Galbeedku adeegsadaan.
Si la mid ah, Sacuudigu sidii hore uma aha “kaalin shidaal oo weyn” oo shirkadaha Maraykan adeegsadaan, oo dhinacyada dhaqaale ee aan shidaalka ahayn ayaa boqolkiiba 50 ka noqday waxsoosaarka gudeed ee dalka sannadkii 2023. Iiraanna qudheeda ka sokow cunaqabataynta Maraykan, haddana waxa ay horumarisay warshadaheeda gudaha, si ay u yarayso ku tiirsanaanteeda dibedda.
Dhammaan arrimahani waxa ay ka dhiganyihiin in dalalkani ay awood sidii hore ka badan u heleen saamaynta gobolka, milatari ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Sacuudiga, Turkiga, Iiraan iyo Iimaaraadkuba waxa ay farageliyeen dagaalkii Suuriya, isagoo mid kastaaba isku dayaya dhabaynta danihiisa gaarka ah. Awooddooda sii kobcaysa awgeed, qaar ka mid ah dalalkani waxa ay awoodeen in ay cariyaan danihii awoodaha waaweyn, ama xitaa qayb ahaan hor istaagaan.
Hase ahaatee Masar, waa xaalad gebi ahaan sidan ka duwan. Waa ka qayb saaxiibbada Maraykan ee gobolka, ciidan xoog badanna waa ay leedahay, waxayna isu aragtaa awood heer gobol ah, se haddana ma gaadhsiisna heerka Israa’iil, Sacuudiga ama Iiraan. Weli iskumay beddelin xarun raasamaali oo weyn, ee waa mid weli taabacsan Sacuudiga iyo dalalka Khaliijka. Sida qoraa Anne Alexandar xusayso:
“Meel-dhexe ku haynta kaalinta siyaasadeed iyo milatari ee Masar waa mid la xidhiidha madax lasoo kacii Israa’iil ee Bariga Dhexe. Ka dib jabkii Masar kala kulantay dagaalkii 1967-kii, xukuumadda Masar waxa ay qaadatay siyaasadaha dhaqaale ee Liberaaliyadda Cusub ee Maraykanka. Ka dibna waxa ay Israa’iil heshiis kula saxiixatay Kaamka David, sannadkii 1978-kii. Laga soo bilaabo kolkaa, dabaqadda talisa ee Masar waxa ay ku fashilmeen dhisidda dhaqaale warshadeed oo xooggan, waxaana lagu tiirsanaa adeegsiga taageerada ballaadhan ee Maraykanku milatariga siiyo, si loo dammaanad qaado in ciidanku ugu xoogganaado amniga gudeed, se aanu ahaan awood gobol. Sidan cagsigeeda, Israa’iil waxa ay isku beddeshay dal “horumarsan” warshado ahaan, oo u goysay in ay Maraykanka la samayso isbahaysi dhaqaale iyo mid millatari.”
Kooxaha Hantiwadaagga ahi waxa ay aaminsanyihiin in aan dhexdhexaad laga noqon karin dagaalka u dhexeeya awood imbiryaali ah oo weyn iyo mid kale oo heer gobol ah. Tusaale ahaan, xaaladda dagaalkii Maraykanka iyo Israa’iil oo dhinac ahi ku qaadeen Iiraan oo dhinac ah, waxa mudan in la taageero jabka Israa’iil iyo isbahaysigeeda, sababtoo ah jabkaasi waxa uu wiiqayaa awooddii gumeysi, waxaanu albaabka u furayaa dhaqdhaqaaqyada iskacaabbinta. Se taageeradani kama dhigna in Iiraan tahay “awood ka hortag u ah imbiryaaliga”, oo mabda’ ahaan imbiryaaliga lagaga baxsanayo, sababtoo ah isla Iiraan baa ah kelitaliye hantigoosad ah. Sidaa darteed, “hantiwadaaggu” waxa ay taageersanyihiin dhaqdhaqaaqyada bulsho ee gobolka, sida dhaqdhaqaaqa “dumarka, nolosha, xorriyadda” ee Iiraan ka socday 2022, sababtoo ah waa dhaqdhaqaaqyo metelaya cadhada bulsho ee dhabta ah ee iskacaabbinaya cabudhinta iyo dullaynta. Rejadu waxa ay ku jirtaa qotodheeraynta kacdoonnada iyo in awoodda dhabta ah la siiyo dabaqadda shaqaalaha. Koritaanka dalalka hantigoosadka ah ee horumarsani waxa ay ugu dambayn ka qayb qaadanayaan samaynta dabaqad shaqaale oo leh awooddii ay u baahnayd, si ay u hor istaagaan nidaamyada imbiryaaliga ah.
Waxa isku jiho cad u socda siyaasaddii arrimo dibedeed ee Joe Biden iyo ta Trump, oo labadooduba waxa ay ku dedaalayaan ilaalinta gacan-sarraynta Maraykan iyo la tartankiisa labadiisa cadow, siiba Shiinaha. Trump ma aha madaxweynihii Maraykan ee ugu horreeyey ee walaac ka qaba koritaanka Shiinaha, oo Obama iyo Biden-ba waa ay la wadaageen, waxaanay ka cabsi qabeen in Shiinuhu noqdo “tartame u dhigma” Maraykanka. Obama (Kolkii uu talada joogay) waxa uu bilaabay “u digo-rogashada Eeshiya”, isagoo xoogga saaray joogitaanka milatari ee Maraykanku ku leeyahay Baasifiga, waxaanu isku dayay yaraynta ku tiirsanaanta tiknoolajiyadda laga soo dhoofiyo Shiinaha. Sidoo kale, maamulkiisii waxa uu ka shaqeeyey samaynta “Heshiiska Iskaashiga Baasifiga”, oo ah heshiis ganacsi oo xor ah, oo ka dhexeeya 12 dal oo Eeshiyaan ah, Shiinuhuna aanu ku jirin.
Sidaas oo ay tahay, kolkii uu Trump yimi xilka, waxa uu doorbiday in uu ka baxo heshiiskaas, waxaanu ka doortay siyaasadda ganacsi ee ka hortagga ah (macnaha cashuur kusoo rogista iyo xayiraadaha, si uu u ilaaliyo warshadaha Maraykan). Sidoo kalena, waxa uu sii waday loollanka dhaqaale ee uu Shiinaha kula jiro, siiba dhinacyada tiknoolajiyadda, oo Trump waxa uu olole ku qaaday shirkadda Shiinaha ah ee Huwaawi.
Biden kolkii uu yimina waxa uu sii waday uun isla jidkaas, isagoo dhaqan geliyey Xeerka Chipska, oo uu uga dan lahaa taageeridda soo saarista chipska elektarooniga ah ee Maraykanka gudihiisa. Waxa ay ahayd tallaabo qayb ka ah siyaasad ballaadhan oo lagu magacaabo “Bidenomics”, kuna tiirsanayd in dawladdu farageliso dhaqaalaha si ay u taageerto warshadaha dalka, taageero maaliyadeedna u siiso shirkadaha, iyadoo cashuuro adag lagu soo rogayo dibedda, si loo ilaaliyo waxsoosaarka Maraykan. Ujeedku waxa uu ahaa xoojinta dhaqaalaha Maraykanka iyo u gogolxaadhka barnaamij is’hubayn oo ballaadhan.
Ka sokow in aanu dhaqaalaha Maraykan saamixin fulinta dhammaan qorshayaashan, haddana maamulkii Biden waxa uu lacago badan ku bixiyey dib usoo dhiska warshadaha gudaha. Sidoo kale, Biden waxa uu dagaalka Yukrayn ka dhigtay wax uu ku mideeyo xulafadiisa oo uu Ruush kaga hortago, farriinna uu u diro Shiinaha. Dedaalladaas waxa kale oo ka mid ahaa “Heshiiska AUKUS”, kuna gaar ahaa maraakiibta nukliyeerka ee quusa, una dhexeeya Ustaraaliya, Ingiriiska iyo Maraykanka, si loo xoojiyo joogitaanka Maraykan ee Baasifiga iyo ka hortagidda awoodda Shiinaha ee kobcaysa.
Hannaankii Biden ee “imbiryaaliyada liberaaliga ah” waxa beddelay hannaanka Trump oo sida badan doorbida jid goonni-socod ah (hannaan Maraykanku keligii wax go’aamiyo). Waxa uu aaminsanyahay in xulafada Maraykanku adeegsadaan ama ku tiirsanyihiin kaalmada Maraykan, waxaanu ku adkaysanayaa in saamigooda kharashyada ay bixiyaan, sida maalgelinta dammaanadqaadka amni ee la siinayo Yukrayn, haddii heshiis xabbad-joojin lala gaadho Ruushka. Mawqifkani waa wax qayb ka ah isbeddel ballaadhan oo ku dhacay siyaasaddii arrimaha dibedda ee Maraykanka. Sanatar Marco Rubio ayaa dhawaan caddeeyey in maamulka Trump uu rabo in uu la macaamilo duni awoodo badan leh. Waxa kale oo uu sheegay in Maraykanku uu ku dedaalayo ilaashiga awooddiisa caalamiga ah, laakiin kolkan aanu u marayn haayadihii nidaamka hantigoosadka liberaaliga ahaa, ee uu marayo heshiisyo laba dhinac ah, halkii ay heshiisyadu hore u ahaayeen kuwo dhinacyo dhawra ah.
Waxa uu yidhi senetarku: “Dunidu qaabkan bay u shaqaysaa: Shiinuhu waxa ay sameeyaan waxa dalkooda u dan ah, Raashiyaankuna waxa Ruushka u dan ah, kolkaa Maraykankana waxa waajib ku ah in uu sameeyo waxa isaga danta u ah. Kolka danuhu kulmaan, waxaynnu samaynaynaa isbahaysi iyo saaxiibtinnimo, kolka danahuhu kala tagaanna, kaalinta diblumaasiyaddu waa in laga hortago dagaal, iyadoo se la joogtaynayo dhabaynta danaha qaran. Intaas waxa u uku daray: “Mabda’an waxa la waayay wixii ka dambeeyey Dagaalkii Qaboobaa, sababtoo ah waxa aannu ahayn awoodda keli ah ee dunida ka jirta. Waxa aannu mala’awaalannay in aannu masuul ka nahay xallinta dhibaato kasta, sidii oo aannu nahay xukuumadda dunida. Laakiin, xaaladdani dabiici may ahayn; jiritaanka awood keli ah oo dunida gacanta ku haysaa waxa ay ahayd xaalad jaadgoonni ah oo ka dhalatay Dagaalkii Qaboobaa. Si tartiib ah ayaanay dunidu ugu soo laabatay awoodihii badnaa, macnaha in awoodo kala duwani ka jiraan gobollo kala duwan oo dunida ah. Haddana awoodda Shiinaha ayaanu wajahaynnaa, qayb ahaan ta Ruushka, iyo awoodaha dawlado fallaago ah, sida Iiraan iyo Kuuriyada Waqooyi.”
Dagaallada ganacsi ee Trump, waa qayb ka mid ah dedaallada cusub ee la rabo in dalal kale Maraykanka kula soo biiraan la loollanka Shiinaha. Tusaale ahaan, heshiiska Midawga Yurub la galay Maraykanka waxa loo arki karaa “isdhiibid” kolka xaaladdan la eego. Sidaas oo ay tahay, haddana waxa uu Robio sharraxayaa waa wax xuduud leh: tallaabooyinka maamulka Trump ka wado Bariga Dhexe iyo Yukrayn waxa ay sii qotodheereeyeen dhibaatada ay waajahayso imbiryaaliyada Maraykanku. Maraykanku waxa uu sannado badan ilaalinayey heshiisyadiisa iyo isbahaysiyadiisa, si uu awooddiisa u ilaashado, isbahaysiyadaasina ma aha kuwo si fudud looga bixi karo, sababtoo ah isla Maraykankaa danta u weyn ku qabay. Tusaale ahaan Bariga Dhexe, siyaasadaha Trump waxa ay sababi gaadheen burburka isbahaysigii lagula jiray Masar iyo Urdun, qorshahiisa barakicinta Falasdiiniyiinta awgii (oo isir-sifayn lagu magacaabi karo). Danta Maraykan marna kuma jirto in ay aragto dalalkan Carbeed oo isbahaysi la galaya Shiinaha.
Ka dib isbeddelka mawqifka Trump ee Yukrayn, hoggaamiyeyaasha Yurub iyo xubnaha NATO waxa ay dhexda u galeen isku wadidda laba jid: raalligelinta Trump iyo isumuujinta in ay awoodaan in ay si madaxbannaan go’aanno u gaadhaan. Raysalwasaaraha Ingiriiska ayaa judhiiba sheegay in Ingiriisku diyaar u ahay in uu ciidamo dhulka ah oo nabad-ilaalin ah uu u diro Yukrayn ka dib heshiiska nabadda ee la gaadho, isagoo hadalkiisa ku daray in Ingiriisku ka shaqaynayo noqoshada Biriishka Yurub iyo Maraykanka isku xidha.
Hase ahaatee, Midawga Yurub aad buu u kala qaybsan yahay, umana qaabaysna noqoshada awood caalami ah oo dhab ah. Loollanka hantigoosad ee dalalka midawga u dhexeeyaa weligiiba waxa uu ku lammaannaa isla midawga dalalkan. Kala qaybsanaanta gudeed waa mid soo ifbaxday dhibaatadii Yukrayn ee 2014, oo bannaanka keentay xaddidnaanta awoodda milatari ee Yurub iyo sida dalalka xubnuhu ugu qaybsanyihiin waajihidda dhibaatada. Maantana, Faransiiska iyo Jarmalka – oo ah labada dal ee ugu muhiimsan Midawga Yurub – waxa ay la daalaadhacayaan dhibaatooyin siyaasadeed iyo dhaqaale oo qotodheer.
Tusaale kale waa kulankii Xoghayaha Guud ee NATO iyo Trump ku dhex maray Aqalka Cad bishii Julaay, isagoo xoghayuhu isku dayay sasabidda Trump isagoo leh: “Kolkan, Yurubiyaanku waxa ay masuuliyadda u qaadanayaan si dhab ah. Waxa aan la xidhiidhay dalal dhawr ah, waxaanan odhan karaa Jarmalku waxa uu si weyn uga qayb qaadanayaa si weyn, sidoo kalena waxa la mid ah Finlaan, Denmaak, Iswiidhan, Noorway, Ingiriiska, Hollan iyo Kanada – dhammaantood waxa ay rabaan in ay dedaalka qayb ka noqdaan”.
Sidaas oo ay tahay haddana, natiijada dhabta ah ee ka dhalatay cadaadiskani waa tartanka is hubayn ee NATO gashay, iyadoo Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiskuba ballanqaadeen kordhinta kharashkooda milatari.
Duqayntii Maraykanku la eegtay Iiraan waxa ay dibedda keentay xidhiidhka walaaca leh ee Israa’iil iyo Maraykanka u dhexeeyay. Israa’iil, laga soo bilaabo aasaaskeedii, waxa ay ahayd mashruuc degaamayn oo ku tiirsan kaalmada imbiryaaliga Maraykanka, xasuuqa ay u gaysatay Falasdiiniyiintuna ma noqdeen mid suurogal ah haddaan maalgelinta iyo hubaynta Maraykan jirin. Ka dib dagaalkii Qasa ay ku qaadday, Israa’iil waxa ay ballaadhisay damaceeda gobolka. Netanyaahu waxa uu bishii Feebarweri ee 2025 sheegay in go’aannada dagaalku “beddeleen wejigii Bariga Dhexe”, sidoo kalena “la jirka Trump ay noo suurogalayso dib u qaabaynta khariidadda gobolka”. Ka sokow ku halqabsiga Trump, haddana Israa’iil waxa ay u dhaqantay si madaxbannaani u badan, xitaa haddii ay mararka qaar ka hor imanayso danaha Maraykan. Qaar ka mid ah haldoorka Maraykan waxa ay walaac ka qabaan in dambiyada dagaal ee Israa’iil keenaan hurinta cadhada bulshooyinka Carabta oo nidaamyadooda ku gadooda. Ka sokow dhaliilaha, haddana Israa’iil waa ay ogtahay in aanu Maraykanku garabkeeda ka baxayn, waana sababta ay xadgudubyo cad uga gaysatay Lubnaan, Suuriya iyo Iiraanba.
Trump-ka xukunka yimi dhammaadkii 2024, waxa uu isku dayay iskudheellitirka isbahaysiga Israa’iil iyo dhisidda xidhiidhada Khaliijka iyo Suuriya, iyo in uu xitaa heshiis nukliyeer la sameeyo Iiraan, sababtoo ah Shiinaha ayaa boqolkiiba 90 iibsada shidaalka Iiraan, oo xidhiidhkan uga faa’idaysta ballaadhinta awooddiisa. Se Netanyaahu ayaa dedaallada Trump ku fashiliyey weerarradii Iiraan, kuwaas oo ugu dambayn Maraykankana ku khasbay duqaynta Iiraan. Se kusoo jiididda dagaalka ka sokow, haddana Trump waa uu ka fogaaday gelidda dagaal dabodheer, sababtoo ah ma rabo dagaal ballaadhan oo Iiraan ah, siiba xilligan oo xulafadii Iiraan tabardarraysay, sida Xisbullaah.
Warbaahintu waxa ay Trump ku tuhmeen in uu garab siiyo Ruushka, se waa arrin aan sax ahayn. Dagaalka Yukrayn ka socdaa ma aha dagaal xornimo, ee waa dagaal u dhexeeya laba imbiryaali oo kala ah Ruushka iyo Maraykanka, laga soo bilaabo sagaashanaadkii. Maamulkii Biden waxa uu Yukrayn u adeegsaday wax uu kusoo ceshado awooddiisii ka dib wiiqankii Bariga Dhexe, waxa kale oo uu u adeegsaday jilcinta Ruushka, oo Shiinaha garab u ah. Biden waxa uu sheegay in Yukrayn tahay “udubdhexaadka isbeddelka dunida” oo isku beddelaysa “nidaam cusub oo caalami ah oo Maraykanku hoggaamiyo”.
Maraykanku waxa uu doonay dhiigbixinta Ruushka iyadoon dagaal toos ah lala gelin, sidaas darteed Yukrayn waxa la siiyey hubkii habboonaa, si dagaalku u dabo dheeraado, oo aanay cidina guul dhab ah gaadhin. Haddana, iyadoo ay jirto kaalmo 100 bilyan oo doollar ahi, Yukrayn waxa ay isku beddeshay “xerodhiigta imbiryaaliga”. Ruushka laftiisu waxa uu cunaqabataynihii kaga gudbay in uu alaabihiisa u dhoofiyo Eeshiya, arrinkan oo saaxiib dhow uga dhigay Shiinaha, waana sababta Trump ugu dedaalayo soo afjaridda saaxiibtinnimadooda. La loollanka Shiinaha ayaa mashiinka ugu muhiimsan u ah siyaasadda Maraykanka.
Ugu danbeyn, walow uu Trump jid cusub qaaday, haddana waxa uu waajahayaa xuduuddii awoodda Maraykan. Ka dib wax ka badan soddon sanno oo dagaallo lagu burburiyey Afgaanistaan, Ciraaq iyo Liibiya, hal-ku-dhigguna ahaa “faragelin aadamannimo”, Maraykanku waxa uu hadda u qiildayayaa xasuuqa Israa’iil waddo, waxaanu ku tilmaamayaa “dimuqraaddiyad reer magaalnimo ah”. Laga soo bilaabo Aktoobar 2023, muddadii muuqaallada xasuuqu socdeen, waxa is beddelay inta badan mawqifkii dunida, oo xitaa Maxkamaddii Caalamiga ahayd baa aqoonsatay jiritaanka “qaddiyad xasuuq”, oo Israa’iil lagu qaado, ka dib dacwaddii Koonfur Afrika. Gadoodka bulsho ayaa hoggaamiyeyaal badan ku khasbay ka fekeridda aqoonsiga dawlad Falasdiin. Isbeddelkani waxa uu albaabka u furayaa fahan ballaadhan oo laga qaato xaqiiqada imbiryaaliga iyo labawejiilaynta Galbeedka, oo duqaynta Ruushku u gaysto cisbitaal Yukrayn u arka dambi dagaal, se duqaynta Israa’iil ee cisbitaal Falasdiini ah u arka “isdifaacid”.
Dhammaad
Waxa soo turjumay isla markaana soo koobay Maxamuud Bulxan.