Skip to main content

Saturday 14 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Imbiryaaliyada Xilliga Trump: Jahawereerka Cusub ee Nidaamka Caalamiga ah Q.2aad

11 February, 2026
Image
Imbiryaaliyada Xilliga Trump: Jahawereerka Cusub ee Nidaamka Caalamiga ah Q.1aad
Share
Nidaamka Caalamiga ah ee Maraykanka iyo Caqabadihiisa

Istaraatiijiyadda imbiryaaliga Maraykan waa uu ka geddisanaa boqortooyooyinkii hore ee Yurubiyaanka, oo si toos ah dunida u haystay dhammaadkii qarnigii 19aad iyo nuskii hore ee qarnigii 20aad. Maraykanku hore waa uu u tijaabiyey fekradda gumeysiga tooska ah, siiba goobo gaar ah oo ka mid yihiin: Kuuba, Puerto Rico, Guam iyo Filibbiin. Hase ahaatee, kolkii uu Maraykanku noqday hantigoosadka ugu xoogga badan dunida ka dib dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee dunida, waxba ugama baahan kusii tiirsanaanta gumeysiga tooska ah, ee waxa uu ku dedaalay dhisidda nidaam caalami ah oo hantigoosad-liberaali ah, kuna qotoma ganacsiga xorta ah iyo suuqyada furan. Waana nidaam warshadihiisa waaweyn iyo shirkadihiisa u saamaxaya qabsashada suuqyada caalamiga ah.

Intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa, dunidu waxa ay u qaybsantay garabyo awoodeed oo ay kala hoggaaminayaan labadii awoodood ee Maraykanka iyo Midawgii Soofiyet. Kalaqaybsankani waxa uu sababay loollan imbiryaaliyadeed oo labadan kutladood u dhexeeya; hantigoosadka Maraykan iyo Midawga Soofiyet oo isaguba bayrooqaraaddi hantigoosad ah ahaa. [Ka sokow in Soofiyetku ahaa sheegashada u ballaadhan ee hantiwadaagga, haddana hantiwadaagga dhabta ahi waxa ay ku tilmaamaan hantigoosad kelitalis ah dhaqan ahaan].

Maraykanku waxa uu dhisay nidaam caalami ah oo liberaali-hantigoosad ah, dalalkii kale Galbeed ee hantigoosadka ahaana hoggaankiisa ayuu ku hoos mideeyey. Hoggaamintiisa markasta waxa ku lammaannaa awood milatari, oo hoggaaminta Hantigoosadka Maraykan waxa ay ku tiirsanayd awooddiisa ciidan, isagoo Maraykanku ka faa’idaystay isbahaysiga NATO iyo boqolaalka saldhigyada milatari ah ee uu ku leeyahay daafaha caalamka. Aqoonyahanka cilmibulsho ee reer Maraykan, David Vine, oo tilmaamaya baaxadda milatari ee Maraykanku dunida ku fidiyey, waxa uu 2015 qoray: “Inkastoo boqollaal saldhig oo Ciraaq iyo Afgaanistaan ahaa la xidhay, haddana Maraykanku weli waxa uu dalal 70 dal ka badan ku leeyahay tiro ku dhow 800 oo saldhig milatari ah – fadhiisinno u dhexeeya saldhigyo waaweyn oo Maraykan yar ah ilaa fadhiyo yaryar oo raadaarro ah. Sidan si ka duwan, wadarta saldhigyada Ingiriis, Faransiis iyo Ruushku ku leeyihiin meel ka baxsan dalkoodu waa qiyaastii 30 saldhig”. Maraykanka weli waxa ciidamo ka joogaan Jarmalka iyo Talyaaniga, oo ah ciidamo ka hadhay Dagaalkii Qaboobaa, sidoo kalena waxa uu weli joogaa Jabbaan, Hunduraas, Taylaan iyo Filibbiin.

Maraykanku waxa kale oo uu fidinta awooddiisa dibedda u adeegsaday haayado ay ka mid yihiin Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Dunida, iyo sidoo kale sarraynta doollarka. Waa nidaamka lagu magacaabo “Bretton Woods”, iyadoo dalalku qiimaha lacagahooda ku jaangooyeen doollarka, halka qiimaha doollarkana lagu jaangooyey dahabka. Qaabkani waxa uu Marayanka awood u siiyey in uu xakameeyo doollarka suuqa ku jira, sidaasna shirkadihiisa ugu dammaanad qaado shuruudo ganacsi oo ay gacanta sare leeyihiin, sidoo kale Maraykanku waxa uu qaabkan kaga hor tagay u laabashada wakhtigii “tartanka hoos-u-dhigidda qiimaha lacagaha” oo soddonaadkii qarnigii tagay la arkay.

Ka sokow in nidaamka Bretton Woods uu dumay xilligii ay jirtay dhibaatadii toddobaatanaadku, haddana Maraykanku waxa uu sii joogteeyey ku tiirsanaanta Sanduuqa Lacagta, Bangiga Adduunka iyo hoggaaminta doollarka, si uu siyaasadaha liberaaliyadda cusub ugu khasbo dalalka, xitaa iyadoo lagu nool yahay duni qiimaha lacagaha uu jaangooyo suuqu.

Saamaynaha muhiimka ah ee Dagaalkii Qaboobaa waxa ka mid ah, sida uu Alex Callinicos uu ku doodayo, waxa uu ku magacaabayo “kalasoocanka loollankii dhaqaale iyo loollankii jiquraafi-siyaasadeedka, qayb ahaan”. Si kale haddii loo dhigo, natiijada ka dhalatay islafalgalka Hantigoosadka horumarsan ee ka jira kutlad jiquraafi-siyaasadeed iyo aydhiyoolajiyadeed oo hal dhinac ah, reer Galbeedna ah, loollanada dhaqaale ee caasimadaha u dhexeeyaa ma laha isla awooddii hore ee suurogalinaysay in loollankaas dhaqaale isu beddelo isfoodsaarid milatari, sidii ka jirtay imbiryaaliyadii kalaasiga ahayd, sida soo ifbixii Jarmalka oo noqday awood warshadeed iyo badeed oo gacan-sarrayntii Ingiriiska tartan kula jirta. Maanta se, waxa aynnu arkaynaa dib-u-qaabaysan daran oo ku socda loollanka dhaqaale iyo ka jiquraafi-siyaasadeed, arrinkan oo shidaalinaya soo laabashada wixii loo yaqaanay “tartanka awoodaha waaweyn”.

1991-kii, kolkii Dagaalkii Qaboobaa soo afjarmay, Maraykanku waxa uu noqday awoodda keli ah ee dunida ka calanwallaynaysay, taas oo jirta haddana, waxa caddayd in caqabado cusubi soo hirayaan. Henry Kissinger, lataliyahii arrimaha dibedda ee Maraykanka, sidoo kalena ahaa janaraal dambiyo dagaal lagu ogyahay, waxa uu Maraykanka uga digay la kulmidda loollan adag oo dhaqaale, siiba Shiinaha. Sagaashanaadkii ayaa uu qoray in Maraykanku “aanu ku jirin wakhti habboon oo uu yeedhiyo ajandayaashiisa caalamiga ah keligii, sidii uu ahaa bilawgii Dagaalkii Qaboobaa”. Waxa kale oo uu qoray:

Maraykanku waxa uu la kulmi doonaa loollan dhaqaale oo aanu hore u arag intii uu socday Dagaalka Qaboobi… in awood keli ahi ku awoodaysato Yurub ama Eeshiya waa waxa khatarta ugu weyn ku ah Maraykanka, isbahaysiga sidan ahi waa waxa awoodda siinaya in Maraykanka dhaqaale ahaan laga sara maro… Shiinuhu waxa uu ku socdaa jidkii uu ku noqon lahaa awood weyn, waxaana la fili karaa in GDP-ga Shiinuhu ku dhawaado ka Maraykanka labaatanka sanno ee ugu horreeya qarniga 21aad.”

Si looga hortago halista hoos-u-dhac dhaqaale, Maraykanku waxa uu tiir ka dhigtay cududda milatari. Isbahaysiga NATO ayaa uu ku ballaadhiyey Yurubta Bari, walow uu hore Midawgii Soofiyet ugu ballanqaaday inaanu sidaa samayn. Isballaadhintani waa salka cabsida labada dhinac, ugu dambaynna sababay dagaalka Yukrayn. Yoolka kale ee Maraykanka agtiisa ku weynaa waxa uu ahaa in uu gacanta ku dhigo Bariga Dhexe, ma aha keliya in uu shidaalka uga baahanyahay, ee waa in uu rabo gacan ku haynta marinkaas muhiimka u ah dhaqaalaha caalamiga ah iyo in uu farriin u diro kuwa tartanka kula jira.

Sannadkii 2001, kolkii Buush (wiilku) uu noqday madaxweyne, waxa soo baxay wadar siyaasado ah oo lagu magacaabo “Mashruuca Qarniga ee Maraykanka Cusub”, waana siyaasado ku baaqay adeegsiga awood si gacan-sarraynta Maraykan u waarto. Ka dib weerarradii 11-ka Sibtambar, Maraykanku waxa uu ku duulay Afgaanistaan, ka dibna Ciraaq sannadkii 2003. Hase ahaatee, labada dagaalba waxa ay kusoo dhammaadeen guuldarrooyin foolxun oo uu Maraykanku kala kulmay. 2014 Maraykanku waxa uu ku khasbanaaday in uu Iiraan la kaashado la dagaallanka Daacish, walow uu hore ugu tilmaamay udubdhexaadka sharka.

Guuldarrooyinkan waxa ku lammaannaa fashilka siyaasadihii dhaqaale ee Liberaaliyadda Cusub. Laga soo bilaabo sagaashanaadkii, nidaamka Hantigoosadku waxa uu la kulmayay dhibaato dhanka macaashka ah, kor-u-kaca qiimayaasha iyo gaabiska koboca. Maraykanku waxa uu dhibaatooyinkan kaga falceliyey siyaasado cusub, sida xorraynta ganacsiga iyo furidda suuqyada, arrinkan oo keenay in inta badan warshadihiisu u guuraan dalal isaga ka horumar yar [mushahar jaban], waxaana sidan kusoo ifbaxay tartamayaal cusub.

Shiinaha gudihiisa, hoggaamiyihii Shiinaha Deng Xiaoping waxa uu ka bilaabay dib-u-habayn dhaqaale sannadkii 1978, dhaqaalaha dalkana waxa uu u furay maalgashiyada caalamiga ah. Sidaas darteed, ganacsiga gaarka ahi waxa uu waxsoosaarka gudeed ee dalka ka noqday boqolkiiba lixdan. Sidan ayaa uu Shiinuhu ku noqday warshadda dunida, waana wax dib-u-qaabayn ku sameeyey dhaqaalihii dunida. Sidoo kale, ku tiirsanaanta Shiinaha ee shidaalku waxa ay abuurtay in uu xidhiidho wanaagsan la sameeyo dalalka Bariga Dhexe, sida Sacuudiga iyo Iiraan. Sannadkii 2023, Shiinuhu waxa uu ku guulaystay dhexdhexaadinta labadan dal iyo inay soo celiyaan xidhiidhadoodii, iyadoon kolkan Maraykanku aanu farogelin ku lahayn, waana arrin aan suurogel ahayn berigii hore. Kobociisa dhaqaale ee xawliga ah awgii, Shiinuhu waxa uu Maraykanka kula tartamay tiknoolajiyadda iyo warshadaha. Qorshayaasha Shiinaha ee horumarinta warshadihiisu waa ku halis shirkadaha tiknoolajiyadda ee Maraykanka, sida Apple, Amazon, Google iyo Tesla. Arrinkani waa mid ka mid ah sababaha madaxweyne Trump muddoxileedkiisii hore uu dagaalka ganacsi ugu qaaday Shiinaha, iskuna dayay dib-u-qaabaynta warshadaha gudaha ee dalkiisa.

Koonfur-Bari Eeshiya iyo Baasifiga, loollanka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa cirka ku shareeran. Ka sokow dagaalka ganacsi ee uu Trump bilaabay, halista dagaal dhab ahi waa mid weli sarraysa. Bishii Juun ee 2025, Ustareeliya waxa ka dhacay dhoollatuskii milatari ee ugu weynaa sooyaalkeeda. Waxa ka qayb galay 35 kun oo ciidan oo ka kala socda 19 dal oo uu Maraykanku hoggaaminayey. Kolkii la wayddiiyey hoggaanka Maraykanka sababta dhoollatuskan, jawaab cad ayaa ay ka bixiyeen oo ah: Shiinaha. Gobolkan waxa kale oo ka dhacay tababarradii iyo dhoollatusyadii ugu ballaadhnaa tan iyo Dagaalkii Labaad. Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping waxa uu ciidanka faray u diyaargaroobidda duullaan suurogal ah oo Taywaan lagu qaado 2027.