Waxa soo turjumay isla markaana soo koobay Maxamuud Bulxan.
Saturday 7 March 2026
Waxa aynnu noolnahay wakhti werwer badani ka jiro xaaladda dunida. Dunidu walaac ku filan waa ay ku jirtay ka hor intii aanu Aqalka Cad kusoo laaban Trump bilawgii 2025: waxa socday xasuuqa Israa’iil ka waddo Qasa, xaaladda dagaal ee Yukrayn oo kasii daraysay iyo hanjabaadaha Maraykanka iyo Shiinuhu isku dhaafsanayeen Bariga Eeshiya. Intan oo horeba u jirtay, haddana kolkii uu Trump yimi, waxa uu beddelay xeerarkii siyaasadda arrimaha dibedda Maraykanka, waxaanu ku beddeshay tallaabooyin jaantaarogan ah, la saadaalin karin oo aan xitaa maangal ahayn.
Bilihii koowaad ee madaxtinnimadiisa, Trump waxa uu Ruushka la bilaabay “wadahadallo nabadeed”, isagoo shaaciyey in Maraykanku aanu dammaanad qaadayn nabadgalyada dalalka Yurub wixii imika ka dambeeya, Yukrayna waxa uu ku cadaadiyey ka tanaasulidda badh ka mid ah macdanteeda. Madaxweynaha Yukrayn, Zelensky, oo kolkaas Galbeedka looga weyneeyo sidii Nelson Mandella, waxa uu Xafiiska Guriga Cad kula kulmay dhaliilo liidid ka muuqato, kol uu shir-saxaafadeed ku jiray. Markan ka dib, Maraykanku waxa uu muddo kooban joojiyey kaalmadii milatari iyo isdhaafsigii xogta, si uu Zelensky ugu khasbo saxeexidda heshiiska macdanta.
Xagaagii 2025, iyadoo lix bilood muddo ka yar uu madaxweyne yahay Trump, waxa kala daadatay dhiirranaantiisii ahayd in uu awoodo in uu dagaalka ku joojiyo 24 saacadood gudahood. Waxa uu kolkan caddeeyey “in aanu weli dhammaan, se uu ka niyadjabsan yahay” madaxweynaha Ruushka Falaadimeer Butin. Bishii Julaay, Trump waxa uu kordhiyey kaalmada milatari ee Zelensky uu siiyo, qaabkanna waxa kusii socday dagaalka wakaaladeed ee Maraykanka iyo Ruushka.
Toddobaad ka hor markii uu Trump beddelay mawqifkiisa la xidhiidha Yukrayn, waxa uu shaaciyey qorshe isir-sifayn ah oo Maraykanku ka samaynayo Qasa. Waa qorshe keenayey in Maraykanku gebi ahaan qabsado Qasa, Falasdiiniyiintana dib-u-dejin looga sameeyo Masar iyo Urdun. Qorshahan waxa si adag uga soo horjeedsaday nidaamyada Carbeed ee awal gacanta midig u ahaa imbiryaaliyada Maraykanka ee Bariga Dhexe, iyagoo kolkan ka cabsanaya in oggolaanshahoodu keeno kacdoonno lagaga soo horjeedo maamulladooda. Bilo ka dib qorshahan, Trump waxa uu safarro ku marayey Bariga Dhexe, si uu heshiisyo ula galo dalalka Khaliijka iyo nidaamka Suuriya ee cusub. Si la arko ayaa uu isaga indhatirayey Raysalwasaaraha Israa’iil Binyaamin Netanyaahu, haddana waxa uu la galay dood kulul ka dib markii Netanyaahu dafiray dhabnimada sawirro carruur ku macaluulsan Qasa.
Kolkii Israa’iil ay garaacday warshadaha nukliyeerka ee Iiraan bishii Juun ee 2025, falcelinta Maraykanku waxa ay bilawgii ahayd mid qabow, waxaanu caddeeyey in uu ogaa duqaymaha se aanu kala qaybgelin. Toddobaad wax ka yar ka dib, diyaaradaha duqaynta ee B-2 ee Maraykanku waxa ay bambooyin culus ku tuureen godadka (Warshadda Nukliyeerka Fardow), taas oo ahayd tallaabo awood imbiryaali lagu bandhigayo. Nidaamka Iiraan waxa uu bambooyinkaas kaga jawaabay inuu gantaallo ku tuuro saldhig Maraykanku ku leeyahay Qadar, se wax dhib ah may gaadhsiin ciidanka Maraykanka. Trump-na waxa uu nidaamka Iiraan uga mahadnaqay in ay soo ogaysiiyeen weerarrada. Markan ayaa uu bilaabay in uu Iiraan iyo Israa’iil ku dhexdhexaadiyo xabbad-joojin. Kolka xaaladdu ula muuqatay mid aan istaagayn, iyadoo Netenyaahu weli waday amarrada in duqaymo dheeraad ah loo gaysto Iiraan, Trump oo niyadjabsan ayaa ku tawaawacay: “Waxa socda dagaal laba dal muddo dheer u dhexeeya, oo faraha kasii baxaya heer aanu dhinacna garanayn waxa uu samaynayo” masuuliyadda dagaalka uu u bixiyey “Dagaalkii 12-ka Cisho” waxa uu dhakada u saaray labada dhinac.
Waa wax lagu dagmi karo in dadka qaar isbeddelladan jaantaarogan ah sababteeda ku koobaan dhaqanka Trump, oo ah ganacsade tiisa-hayste ah, siyaasaddana gorgortankii ganacsiga ee dheefta ku salaysnaa kula dhaqmaya. Hase ahaatee, aragtida sidan ahi waxa ay meesha ka saaraysaa kaalinta Trump ee ah keliya in uu yahay astaan muujisay xanuunka gudeed ee qalalaasaha siyaasadeed ee caalamiga ah, hoos-u-dhaca awooddii Maraykanna ku lammaan tahay. Runtu waxa ay tahay, habdhaqan-ganacsiyeedka Trump waa shaashad yar oo laga dheehanayo dhibaatada ka jirta nidaamka caalamiga ah ee “xeerarka ku salaysan”, Maraykankuna hoggaaminayey, kuna dhisnaa heshiisyo dhinacyo kala duwani galeen.
Adeegsiga Trump ee ismuujinta, iyo ku tiirsanaantiisa istiraatiijiyad siyaasadeed oo ku qotonta in “la isku hafiyo” hadal lama filaan ah oo uu uga dan leeyahay marinhabaabinta kuwa kasoo horjeeda, waa dhaqanka qaabeeya siyaasaddiisa arrimaha dibedda. Sidaas oo ay tahay, dhaqamada Trump waxa ay kasoo burqanayaan wax ka qotodheer xisaabo siyaasadeed oo muddo kooban ah. Si loo fahmo jahawareerka cusub ee Imbiryaaliyada, waxa aynnu u baahannahay inaynu Imbiryaaliyada fahan Maarkisi ah ka qaadanno, sidoo kalena waxa aynnu u baahannahay inaynnu dhuuxno saddex isbeddel oo isku xidhan, imikana socda.
Isbeddelka koowaad waa soo laabashada “tartankii awoodaha”, oo ah wax si gaar ah u muujinaya dib-u-noqoshada jiitamaysa ee Maraykanka iyo madax la soo kicidda Shiinaha. Isbeddelka labaad waa kala daadashada ku socota nidaamkii caalamiga ahaa ee liberaaliga ahaa xilligan Trump. Isbeddelka saddexaadna waa madax lasoo kicidda awoodo imbiryaali ah oo heer gobol ah, ama waxa lagu magacaabo ‘’imbiryaali farac ah”, oo jidkii sooyaal ee Hantigoosadka ka baxsan.
Aragtida caanka ah ee laga haysto Imbiryaaliyadu waa in dawladaha qawmiga ah ee xooggani awood ku qabsadaan dalalka yaryar ama awood ahaan aan u dhigmin, sida duullaankii Maraykanka iyo Ingiriiska ee Ciraaq iyo Duullaanka Ruushka ee Yukrayn. Waa astaan caan ah oo imbiryaaliyada cusubi leedahay, has ahaatee, duullaanka dalalka xooggani ku qabsadaan dalal yaryar ama samaynta boqortooyooyin, waa isla astaamihii marar badan oo sooyaalka ah la arkay. Arrinkan ka sokow, waxa jirta astaan imbiryaaliga Hantigoosadka ah ee cusubi la gaar yahay. Siyaasadda soojireenka ah ee xidhiidhka la leh Hantiwadaagga Caalamiga ah waxa lagu dhisay aragtidii qadiimka ahayd ee Maarkisigu ka aaminsanaa imbiryaaliyada, aragtidan oo ay dejiyeen Lenin iyo Bukharin, kana qayb qaateen kacdoonyahanno kale oo Hantiwadaag ah, wixii ka horreeyey Dagaalkii Koowaad.
Imbiryaaliyadu waa nidaam caalami ah oo kasoo unkamay dalal Hantigoosad ah oo loollan ka dhexeeyey, waana nidaam samaysmay ka dib horumarkii Hantigoosadkii qarnigii 19aad. Marxalad cayiman oo kobocaas ka mid ah, oo ah nuskii dambe ee qarnigaas, loollanka jiquraafi-siyaasadeed ee u dhexeeyey dalalkaas iyo loollanka dhaqaalaha Hantigoosadka ayaa isugu milmay qaab cusub oo aan hore loo arag.
Dhaqaalayahanka Liberaaliga ah ee reer Ingiriis, John Atkinson Hobson, buuggiisa caanka ah ee uu soo saaray 1902-dii, “Imbiryaaliga: Deraasad”, waxa uu marxaladdaas iskumilanka ah ku tilmaamay in ay ahayd “loollan daran oo u dhexeeyay boqortooyooyin tartamaya”. Waxa uu ku dooday in “astaanta hoggaamineed ee imbiryaaliyada cusubi” tahay “loollanka boqortooyooyinka tartanka ku jira”. Xaaladdan taagnayd waxa ay Maarkisiyiintii u sahashay inay soo dhiraandhirriyaan aragti lagu fahmo sababaha riixaya loollankan. Iyadoo Hantigoosadku horumar sameeyey dhammaadkii qarnigii 19aad, sidoo kale waxa astaan u noqotay xaalad uu Kaaral Maarkis ku tilmaamo “xuddunowga” raasamaalka iyo xuurtaysiga suuqa.
Kolka shirkadaha waaweyni dhexdooda ku loollamaan helidda qaybta ugu ballaadhan ee macaashka, shirkadaha guusha ugu ballaadhan gaadhaa, keliya si degdeg ah uguma horumaraan raasamaalka u gacangalay, ee sidoo kale waxa ay liqaan tartamayaashii kale. Arrinkani waxa uu sababaa jiritaanka shirkado waaweyn oo kooban, oo gebi ahaan gacanta ku haya suuqa, halkii ay ka jiri lahaayeen boqollaal shirkadood oo yaryari.
Lenin iyo Bukharin waxa ay garwaaqsadeen in isbeddelladan Hantigoosadku laba horumar oo udubdhexaad ah wataan: midda koowaad, waxa kordhay caalamiyeynta waxsoosaarka iyo isdhaafsiga iyo wareejinta raasamaalka; midda labaadna, waa in uu xoogaystay xidhiidhka ka dhexeeya dawladda iyo raasamaalku. Ka sokow in shirkadaha waaweyni dunida oo dhan ka shaqaynayaan, haddana waxa ay ku tiirsanyihiin dawladahooda qawmiga ah si ay danahooda ugu suurogaliyaan, tusaale ahaan in dawladahaasi ay is fidinta shirkadahaas ku garab siiyaan awood milatari iyo u carbinta suuqyada caalamka. Isla dhinaca kalena, dawladahaasi waxa ay ku tiirsanyihiin shirkadaha Hantigoosadka ah si ay saldhigyo ciidan u samaystaan oo lagamamaarmaan u ah galidda dagaallada cusub.
Qaar ka mid ah sheegashooyinka ku xusan labada buug ee Lenin “Imbiryaaliga: Figta Heerarka Hantigoosadka” iyo Bukharin “Imbiryaaliga iyo Dhaqaalaha Caalamiga ah”, waa dood jaban iyo sheegashooyin la buunbuuniyey, oo aan hadda la qaadan karin. Haddana se, dhuuxa aragtida Maarkisiga ah ee Kalaasigga ahi ka sawirtay imbiryaaligu waa mid weli taagan oo aan la burin karin, welina lagamamaarmaan u ah fahanka halista dagaal ee maanta taagan.
Xujooyinka caanka ah ee uu Lenin duray waxa ka mid ah sheegashada in koboca ganacsiga xorta ah iyo suuqyada xorta ahi uu yareeyo suurogalnimada dhicitaanka dagaal. Hase ahaatee, Hantigoosadku ma aha nidaam horumar loo simanyahay lagu gaadho. Cagsiga, waxa aynnu arkaynaa dalal si joogto ah ugu dedaalaya gaadhitaanka figta haramka caalamiga ah, waana waxa keena in dalal dib-u-dhacsani mararka qaar dhaafaan hantigoosad guun ah, sida hadda Shiinuhu ku socdo. Tusaale ahaan, Maraykanka iyo Shiinuhu dhaqaale waa ay isku xidhanyihiin, se haddana waxa ay ku loollamayaan in midiba midka kale kaga gacan sarreeyo nidaamka caalamiga ah. Loollankan imbiryaaliga ah, ee ku salaysan ku loollanka gacan-sarraynta dhaqaale iyo siyaasadeed, waa waxa keenaya dagaallada, siiba dalalka tamarta yar, una nugul in lagu loollamo, sida Afgaanistaan iyo Ciraaq, oo ah goobo khasaarihii loollanka awoodaha waaweyn iyagu dambarsaday.
Waxa soo turjumay isla markaana soo koobay Maxamuud Bulxan.